Barakadii Bandhigga Buugaagta Muqdisho (MBF2016) W/Q: Xamdi Cismaan Xuseyn

book-fair-9

Barakadii Bandhigga Buugaagta Muqdisho (MBF2016)

———————————————————————
Waxay ii ahayd subax iiga duwan subaxyada kale. Ma garanayo waxa aan ku tilmaamo dareenkeyga siduu ahaa, iyo hilawga aan u qabay ka qeybgalka iyo aragtida wajiyada ifaya, ee isku diyarinayey in ay nasiib u yeeshaan imaanshaha furitaanka Carwada Buugaagta ee Muqdisho oo la qabtay sannadkaan (MBF2016).
Haddaan wax yar dib u milicsado, bandhiggii hore MIBF2015, waxaan nasiib u yeeshay in aan ka qeybgalo, iyada oo ay ii ahayd markii iigu horreysay ee aan ka qaybgalo madal ay isugu imanayaan dad sidaas u tara badan, laguna soo bandhigayo qoraallo iyo murti ka soo maaxatay maskax dhalilnyaro Soomaaliyeed, oo biseyl iyo bogsooni xambaarsan. Munaasabaddaasi waxey ahayd mid markaas aan maskaxdayda ka dhaadhaceyn, in ey noqoto maalin uun madal aan kaga meeranno xumihii ina soo maray, iyo dhibaatoyinkii ina cuuryaamiyay, tan iyo markii aan ku biirnay dalalka ku fashilmay maareynta aayahooda.
Waxey ii aheyd madaashaasi mid aan ka faa’iidaystay. Waxaan bahwadaag ku noqonnay masrax cilmiyeedkaas asxaab fara badan oo laab xaaran, iyo dad sumcad ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed. Waxaan dareemay in aynu wax qabsan karno, iftiinna inoo baxayo, kana gudbi karno caqabadaha badan oo innagu hor liqdaaran, balse, wali billow ayuu noo yahay ifafaalahaan nabadda, nagaadiga, iyo isdhexgalka dhallinta ka tarjumaya, gaar ahaan, kuwa hal-abuurka iyo curinta Eebbe u hibeeyay.
Maalmihii qabanqaabada, ama soo shaacbixidda xilliga uu qabsoomeyso carwada buugaagta ee 2016-ka, waxaan ahaa qof ay dhagtu u taaggantahay, oo raadiyana waxyaabaha ka soo kordha qabsoomidda bandhigga, iyo in aan la wadaago asxaabteyda baraha bulshadu ku kulanto (Social Media), taas oo ka dhigan xiisaha aan u qabo qabsoomidda carwadaas. Waxa aan maalmuha iyo daqiiqadaha socda tiriyaba, waxaa soo dhawaatay malintii ballantu ahayd. Waxaa haray oo kaliya saacado, oo markaas u dhiganta sannado, illeyn waxaan ahaa qof u hammuun qaba mar uun in uu dhex istaago halka la gu wada ballansan yahay.
Xilligu waa habeen, maalinta barri ahna waa furitaankii carwada. Waxaan isku diyaariyey in aan seexdo xilli hore, si aan barri hurdada ugu daahin, xilli horena aan goobta u tago. Waan seexday, aniga oo goorsheegtada (saacadda) Mobilkeyga ku xirtay 4:30Am. Aroortii in aan kallaho ayaa ii qorshasan, oo aan islahaa waa xilliga ugu habboon ee aad diyaargarow fiican sameysan kartid. GambaleelkiI Mobeylka ayaa ii soo dhacay, jeertii la gaaray xilliigii aan ku aaddistay, isla markiiba hurdada ayaan ka soo booday, waxaana gudagalay isdiyaarin iyo Salaaddii Subax. Waxaan niyadda ku hayey in aan noqdo qofka ugu horreysa ee taga City Palace oo ah goobta ay ka dhaceyso Carwada Buugaagta magaalada Muqdisho.
Diyaar garowgayga waa ii dhammaaday, waxaana soo abbaaray City Palace, oo aan islahaa dadka adiga ayaa ugu horreeya, hasa ahaatee, may noqon sidaan filayay, oo kaligay xiisuhu ima heyn. Waxaan imid aroortii hore, saa barxaddi hoteelku waaba buuxdaa. Wajiya qurux badan oo badankood aan asxaab ku ahayn barta Feesbuugga ayaa ii muqanayay. Salaan iyo marxabbeyn ayaan halkii ku galay, iyada oo dadku aad mooddo in ay waligood asxaab ahaayeen, sida loo kaftamayo iyo sheekada quruxoon ee la wadaagayo inta kadhimman waqtiga la xaroonayo.
Waxaa ka loo aad ii soo jiitay gabdho iyo Wiilalal dhallinyara ah oo aan aad uga helay qiimeyntooda iyo sida xushmadda leh ee ay dadka u soo dhaweenayeen. Waxey qaabilsanaayeen agaasimidda iyo abaabulidda goobta wax lagu soo bandhigayo. Waxa ay adeegsanayaan hadallo tixgalin iyo dabacsanaan xambaarsan, kuwaas oo ku farxadgalinaya. Waxay si nabdoon u maamulayeen kumannaanka dhallinyaro ee goobta imaanayay, iyada oo aysan jirin wax is fahan-darro iyo fadqala ah.
Dadku waxa ey gaarayeen heer aan tiradooda qiyaasi karin, balse, aan dhihi karo waa kumannaan qof, oo rag, dumar, culumo, iyo cammaba is kugu jira. Hoolka dadka buuxiyey waxey u badnaayeen dhallinyaro isu gu jirta kuwa dibadda dalka (Qurbaha) ka yimid, kuwa dalkii hooyo aan katagin, iyo kuwa goballada dalka (Bari iyo Waqooyi) kaga yimid in ay ka qeybgalaan madashaan quruxda badan. Sidoo kale, waan qiirooday markii aan arkay dadka buugaagta soo bandhigaya in ay ku jiraan dad ajnabiya. Qalbiga waxaan is ka iri; “dalkeennii heer wuxuu maraya maanta uu qof ajnabiya si nabad ah wax ugu soo bandhigo”. Farxad ayaan dhex jibaaxayay.
Maalintii wacneyd waxey iga dhammaatay aniga oo maahsan, lana amakaagsan waxa meesha ka socda. Marbaan is iri; “Soomaliya maba joogtid Xamdeey, ee ma riyaad ku jirtaa, misa ?!” Geesahayga ayaan egayay, marna waxaan eegayay qorayaasha bannaanka ka yimid ee ka sheekeenaya sawirka ay naga heysteen iyo sida xaalka dalku haatan yahay.
Waan soo baxay, si wax yar aan bannaanka hawa uga soo qaato, maxaa yeelay, hoolku waa buuxay, dadka qaarna kuraastii baa ka buuxsantay, oo istaag ayey kula socdeen nimcada iyo cilmiga meesha ka socda. Meel xagal ah baan fadhiistay, aniga oo illintu iga socoto. Waxaan isweydiinayay; “sidaan oo dhan ayaan isku jecelnahay, maxay tahay dhibaatadaan aan naga hareyn?! Dhalinteenni waa taas wada qanacsan, oo iyaga oo aqoon Somaalinimo moyee mid kale ka dhaxeyn, labalabo iyo koox koox u wada socdaan. Mashaqadu xaggey ka socotaa, oo sartu ka qurunsan tahay?!”.
Seddexdii maalin ee uu bandhigu socday, maalinba maalinta ka dambeysay waa ay ka xiisa badneyd, wayna ka farxad badneyd. Waxaan waqti la qaatay walaallo aan baraha bulashada uun ka aqaannay, oo goballada dalka ka kala yimid, una xiisa qabay mar uun in aan madal Somaalinimo ku hareeraysan tahay ku wada kullanno. Mudanayaal iyo marwooyin, qormadaan gaaban ku ma soo koobi karo xusuustii ey igu reebtay maalmihii qiimaha badnaa. Guntii iyo gunaanadkii, waxa aan ka bartay bandhiggii MBF2016-da ayaa ah in dhammaanteen aynu nahay dad iyo durriyad is jacel, oo horumar raba, Somaalinimaduna ay ku weyntahay. Haddaynu nahay dhallinyarad Soomaliyeed, waa in aan hankeenna ka sara marinnaa in aan ku faraq xiranno dad iyo duul marin-hababbinay hankeenna iyo hanqaltaaggeenna ku aaddan aayatiinka inoo ifaya.
———————————————————————————————–

 
Muqdisho-Soomaaliya.
Email: Hamda20@mail.ru

SHEEKOOYIN