Gabaygii Qunyar Soco(Gabay garnaqsi ah oo qurux badan)

qunyar soco

 

 

Gabaygii Qunyar soco

 

1. Qaran caasi waan diidnay iyo, Toban qabiiloode

2. Qarax dhigana waad diidnay iyo ,Qar iska tuur baase

3. Qoowleystana diidnay iyo ,Shacab qaniinaahe

4. Anigaa qabweyn diidnay iyo, Qoom saraa nahaye

5. Qiyaas li’i lugtii qaadantaa, Weey qalibantaaye

6. Qunyar soco qofkii waalan waan, Qaban naqaanaaye

7. Hays qatalin hortaa wiil qabweyn, Qiima dhali waaye

8. Riya qarawday yeey kuu sawirin ,Qaali baa tahaye!

9. Qeeyrkaa la soco waa’ siduu, Qiimahaa yahaye

10. Qumanida ninkeey deeqda waan ,Qaayibnaa abide

11. Ninkii qodax talaaliyo ninkii, Miina qarinaayoow

12. Qorshe xumo ninkii xamar ka wade,Qola qolleynaaya

13. Qaribkiyo dhibaatada ragaa Qarash ku dhiibaaya

14. Qalalaase oogiyo ragaa Mooshin qabanaaya

15. Ninkaa qeeyradiisiyo tolkii, Nabad u qoondeeyow

16. Qamaar ma aha xamar beesha taal, Lagu qaxweeyaaye.

 

17. Afartaa qudbeeyaye nin garan Mowga qabax siiyay

18. Ninkey qoom ku taalaa danqana’ Qolofta moow saaray

19. Qeyriin cune calooshiisa oge,Hadalka moow qeexay

20. Qeyrabyada la laayiyo raga, Qoorta’laga gooya

21. Muusanoowga qeeylada’hablaheen, Galin qayooneynin

22. Qanbaruursi waayeelka eey, Oohin qubaneeyso

23. Qaawanaha agoonkaa noqdee’ Gaajo qalaneeyso

24. Umadaa qareen weydayee ,Lagu qamaaraayo

25. Qufacdaye halkii laga qabtiyo,Qoonta garan weyday

26. Qarni rubaci dhiigaa qulquli,Een la qabaneynin

27. Qayaaliyo Halyeey qiira liyo, Qaa’id laga waaye

28. Toban qooro geel lagu dariyo, Awr iswada quursan

29. Qalac iyo qaniin iyo ogow, Qaaja wow halise.

 

30. Afartaa qudbeeyaye nin garan’ Mowga qabax siiyay

31. Qalindaar qiyaas liyo’shandheer, Taladi mow qeexay

32. Qodob kale bal aan dago ragbaa ,Ii su’aal qaba e

33. Kama harine qeeyrkeey wallaan, Qiima dheerahaye

34. Qaranimo intaan raadinaay dowlada wada qaada

35.Maamul qoys intaan diidanaa ,Oon qajilay waa fog

36. Isku soo qumaatiyo intaan, Xerada qooqaaray

37. Soomaaliya quruun weeye iyo ,Qaarad xoog badane

38. Ha ka dhigin qabiil baa lahaa, qaran sidkoodiiye

39. Ragna qaafil iyo ii maleey,Qooman dhoohane’e

 

Curiye:Axmad Mudule Bisle

SHEEKOOYIN