Hawl adduun iyo haddimo kalgacal Q7AAD W/Q : Cabdiwahaab Cabdulqadir Maxamud (Carab)

quotescover-JPG-39

Hawl adduun iyo haddimo kalgacal Q7AAD

Dhinaca kale Caasha iyo saaxiibadeed Farxiya maanta waxa ay isku soo raacen suuqa si ay u sameystaan dukaameysi, oo waxa ay ka faa’iideysanayaan waqtiga waayoo maanta waa maalin axada sida caaddada u ahna dalalka yurub maalintaas waa u fasax, Caasha iyo Farxiya waxey markii danbe ku soo laabteen gurigooda Caasha waxay sida caadada u aheyd ay bilaawday in ay furto inbox-keeda waxeyna aragtay waraaq uu u soo qoray Cali waxey si dhaqso leh u furtay waraaqdii oo xiiso gaara ku leh si weyna u tixgeliso warqada uu u soo qoro Cali waxeyna durba bilowday iney aqriso waraaqdii oo u qorned sida tan:

             NAFTEYDA ADIGA AYEY KU SUGAYSAA

KU:Qalbi loo buko (Caaha)

     Waxaan hawada u dhaxeysa dalka Soomaaliya iyo kan aad adiga ku nooshahay ee Ingiriiska kuu soo marinayaa salaam aan qof bani aadam ah u diro tan ugu qiimaha badan, salaam aan rumeysanahay in ay farriin u noqon doonto farxad ay hesho noloshayda, salaam xamaarsan wanaag idilkiis, salaan kaaga timid qalbi aan habeen qura ku fekerin in uu adiga ku xumeeyo, salaam aan ku rajo weynahay in mugdiga iyo cidlada noloshayda daashaday ay iftiin iyo wehel u bedeli doonto iyo salaam aan is lee yahay waxay isku soo dhaweyn doontaa qalbiyadeena.

   Salaan kadib, qaalidaydii Caasha, farxad iyo nolol macaan baan kuu rajeynayaa, waxaan u maleynayaa inaad la yaab kugu noqoto Cali oo warqad iyo ereyo ceynkaan oo kale kuu soo qoraya, lakiin taas waqti ha isaga lumin, ileyn wax walba waa la fishaa.

   Qaalideydii Caasha, ka bilow hanaqaadkeygii ilaa maantadan waxan dareemayay in noloshayda ay wax ka dhiman yihiin, inaan wehel u baahanahay, waxaan dareemayay qofka kaliya oo qalbigayga ku weyn, qofka kaliya ee aan siiyo qadarinta ugu badan ee aan bixiyo, qofka kaliya oo aan markan arko ka niyadaydu dareento rayn raynta iyo riyaaqa, qofka kaliya  ee aan ka hamrin jirey inaan  indhaha u dhammeeyo jacayl dartiis, qofka kaliya oo dhagahayga ay jecel yihiin ayna ku raaxeystaan in magaciisa ay maqlaan, qofka kaliya oo aan dareemay inuu yahay kay noloshayda u baahan tahay, qofka kaliya oo aan is leeyahay waa kan ku kaafin kara, qofkaasna waa adiga Caashaay.

Caashay waxaad tahay farxadii noloshayda, dawadii naftayda, maqalkii dhagahayga iyo aragii indhaheyga, waxaan adkeystaba qalbigeyga ugu dambayn waxa uu igu yiri(orod dhaqaaq), oo raadi farxadaada, sidaas ayaan u go’aansaday inaan warqaddan kuu soo diro, Caasha waan ku jeclahay macaanto, waxaana rabaa inaad guusha noloshayda ii iftiimiso, oo aad qalbigaaga ii furto, si aan u dhex dego, macaanteydaay wejigaaga quruxda badan ee la moodo dayax shan iyo tobanaad (15aad) ayaa u ah muuqaalka keliya ee laabteyda ku dhex sawiran, waxaan kaa sugayaa jawaab aan ku farxo, waan ku kalsoonahay inaad ii dhego nuglaan doonto….jawaab macaanto.

FG:Ogow inay noloshayda kugu xiran tahay, ifka nolosha waa adi

 Ka:Qalbi kuu ooman(Cali)

              I LOVE YOU ALWAYS AND FOREVER…..

Caasha waxaa ka soo haray indho waayo kama fileen Cali inuu jaceyl afaarihiis uu ku soo qaadayo, dib ayey haddane u aqrisay warqadii bal inuu yahay mid ku soo qaldamay iyo inuu yahay Caligii ay taqiin, balse waa isagii oo dhaba waxa warqada u soo qoray maskaxdeeda ayuu ka weynaaday Cali oo u soo qoray saaxiibadeed Farxiya ayey ka codsatay iney baxaan weliba si deg deg ah iyadoo sara kaceysa ayey u raacisay waan xanuUnsaayaa ee in keen ma sii joogi karo intaan ka badan. CasAha xaalka waa uu ku culus yaahay oo waxa ay qaadan la’dahay una cuntami la’a Cali ayaa ku jecel oo iyada waxa ay u haysaa jaceyl walaaltinimo oo qiimo badan, balse maanta xaalku sidaa wuu ka duwan yahay, Caasha waxay dib u soo xasuusanaysaa hadaladii uu u soo qoray Cali, farxiya waa Caasha saaxiibadeed, ,waa ay yaaban tahay, waayoo waxay ay ku aragtaa Caasha dabeecad gooniya lama hadleyso oo sidii hore uguma sheekeynayso waxa ay ku baratay iney tahay qof dabeecad furan oo sheeko badan laakiin maanta weliba daqiiqado ka hore ayey si dhaqso leh gabadhii dabeecadeedii isku bedeshay, waxna uma aysan sheegin oo dhaafsan iney xanuunsan tahay hase yeeshee Caasha been ayey u sheegtay saaxibadeed Farxiya, waxaa la soo gaaray xaafadoodii Farxiya ayaa Casha u soo raacady gurigooda iyadoo isleh waatii ku tidhi waan xanunsanayaaye la sii joog in xoogaa ah ayey la soo gashay qolkeedii, Farxiya ayaa weydiiSay wax uu yahay xanuunka haya iyo meesha looga badan yahay? Waxeyna u sheegtay in uu madaxa ku soo xanuunay internedka oo uu Cali waraaq u soo qoray una sheegay arrin aaney ka fileen oo ay aad ula yaabtay, intaa markii ay u sheegtay ayaa waxaa dhex martay sheekadaan.

Farxiya: Oo maxey aheyd saaxiib muxuu kuu soo qoray ii sheeg ma wax kaa nixiya mise wax kale?

Caasha: saaxiibey waxa uu iila yimid arrin aan aad ula yaabay taas oo ah inuu igu yidhi waan ku jeclahay.

Farxiya: Cali miyaa adiga ku jecel oo kuu soo qortay waraaq?

Casha: haa isaga ayaa ii soo qoray weliba wuxuu ii sheegay inuu jeclaa in uu mar hore ii sheegto intii an joogay Muqdisho hase yeeshee uu waqtigu u saamixi waayay aadna uu uga shaleynayo.

Farxiya: horta Caasha ma ogtahay jaceylku waa dareen dareenkaasna qof ayaa ku soo hormara, hadda Cali ayuu dareenkaas ku horreeyaa adigase ma ogaan kartida dareenkaas dhibka uu leeyahay waxaad ka fikiraysaa jawaabta aad bixin doonto, isagase wuxuu meel la fadhiyaa fakir ah jawaabta aad soo bixin doonto iyo sida ay naftiisa ay u aqbali doonto haddii aad maya ku tiraahdo waxa suuro gal ah inuu qaaddo talaabooyin naftiisa halis geliya ileen waxaad tahay jaceylkiisii kowaad, bal Caasha waxaad naftaada weydiisaa waxa ay Cali xagiisa ka qabto oo ay ka dareemayso?

Caasha: nafteyda waxa ay u baahan tahay ma garanayo waayo weligay kuma aan hammin jaceyl abuur xiligaan, lakiin Cali waa inaan wanaagsan oo dabeecad fiican leh.

Farxiya: naftaada haddii ay qirsan tahay in Cali uu intaas oo wanaaga leeyahay waxaa xaqiiqo ah in naftaada dareen ku jiro lakiin aadan hubin dareenkaas waxa uu yahay, saaxiib aniga waxaan talo ahaan kuu siin lahaa in aad naftaad si hoos ula faqdo kaddibna waxa ay rabto aad u sameyso hana ka been sheegin dareenka naftaada waayo waxaad xasuusataa in Cali ku yidhi waxaan jeclaa in aan mar hore kuu soo bandhigto balse uu waqtigu u saamixi waayay.

Caasha: waayahay saaxiibey waan isku dayayaa wixii karaan keyga ah.

Caasha markii ay ka tagtay saaxiibaded farxiya oo ay dhawysay ayey dib ugu soo noqotay sariirteedii waxeyna bilowday iney dib u soo gocato Cali wanaagiisa iyo wax yaabihii wanaagga ahaa ee uu u qabtay, Caasha waxay xaqiijisatay in Cali yahay ceeb ka saliin lana jeclaan karo, iyada qudheeda ayaa jecel lakiin Caasha waxa ay diidan tahay iyada oo waxbarasha ku jirta in ay jaceyl faraha la gasho, waxeyna door biday in ay waxbarashadeeda dhammaysato, niyada wey ka jeceshahay in Cali ay xiriir la yeelato hase ahaatee Caasha way go’aan adagtaahy xitaa nafteeda ayay mararka qaar u diidaa waxa ay jeceshahay, go’aan ayey ku gaartay Caasha in ay waraaq u qorto Calina u sheegto una faah faahiso sida ay wax u jiraan runtana u sheegto.

Horaa loo yidhi “labo kala bariday kala war la’a” alla yaa u sheega Caasha oo u waxyooda in Cali daawadiisu tahay Caasha oo ku tidhaa “xabiibi ana barbarkaaga ayaan ka taaganahay  waanan kula qabaa jaceylka ee ha u baqan” qurux badnaan laheydaa in Cali warqadaa loo soo dirayo ay sidaa ku qoran tahay.

Cali weli wuxuu ka dhursugayaa jawaabta  Caasha xageeda ka imaan doonta waxa ay tahay, Cali  waxaa la soo dersay  werwer iyo walaahoow  badan,  ma jirto meel xanuuneysa  haddana  ma fayo qabo, ma jirto wax uu qabtay haddana  waa daalanyahay oo far ma dhaqaajin karo,  uma hayo hammuun iyo baahi  cunto iyo cabid midna,  jiifkiisuna galgalad iyo il galacleyn ayuu isugu soo gororey wuxuu is lahaa haddaad  jacaylkaaga sheegato waad nafisaysaa haddase  hawshu ka duwan oo werwerkii ayaaba ku laba jibaarmay intuu dhawrayey ee ka dhursugayey Jawaabta ka iman doonta  Caasha dhankeeda.

   Caasha waxa y Cali u soo dirtay waraaq kaddibna waa ay la soo hadashay una sheegtay in warqad ay u soo dhigtay e-mailkiisa waxayna u sii raacisay in aanu ka xumaan, Cali isla galbtii ayuu aaday internedka intii uu wadada ku sii jiray Cali maskaxdiisa may fiicneen oo wuu kacsanaa, Cali markiiba wuxuu furtay inbox-kiisa wuxuuna bilaabay inuu aqriyo warqadii.

KU:Walaalkey Cali

 

   .Marka hore waxaan hawada kuu soo marinayaa salaam walaaltinimo iyo mid saaxiib tan ugu qiimaha badan, salaam kadib xaalkeyga waa dhag, kaagana sidaa iyo si ka wanaagsan ayaan filayaa inuu yahay eebe ha kuu siyaadiyo’e.

   Salaan kadib, waa ay isoo gaartay warqadaada waana aqriyay, waad ku mahadsan tahay xiriirka aad ila soo sameysay iyo sida aad ugu dhiiratay inaad bannaanka soo dhigto wixii qalbigaaga ku jira, waan dareemi karaa in qof jaceyl uu galay aysan arrimihiisu fududeyn, waana ogahay in waxa kaliya ee qalbiga ceynkaasi ah kaafin kara inuu yahay in waxa uu ku hamminayo uu helo.Ani ahaan ma jeclaan lahayn in qalbi jaceyl la holcaya aan kusii shubo shidaal, lakiin mararka qaar xaaladaha ayaa kugu qasbaya inaad sameyso wax aadan jacleysan in adiga lagugu sameeyo.

   Si kastaba waxaan aad ugu xumahay in waqtigaan la joogo aan rumeyn karin riyooyinka qalbigaaga, igamana ahan xumaan iyo ku niyad dil, mana ahan in aan soo gaaray go’aan rasmi ah, ee marxaladda ayaa sidaa tiri, waxaan aad uga xumahay inaan aqbali karin codsigaaga hadda waayo daruufaha aan ku kala nool nahay ayaa iidiidaya in aan hadda jaceyl abuuro ma qarinayo in anigaba aan dareen ka qabo xagaaga, hase yeeshe aan hadda ku siin karin jawaab cad oo adiga ku qancisa, lakiin Caliyow waxaan ku leeyahay isii waqti aan ku soo fikiro.

   Cali waxaan si gaar ah kaaga codsanayaa oo aan jeclaan lahaa in waqtiga aan ku maqanahay la tashiga nafteyda aadan noloshaada ciqaabin, isku day inaad adkeysato oo aad weliba I fahanto aniga kuma necbi ee waxaan kaliya aan ubaahanahay fursad aan ku soo fikiro, marka noloshaada dhib ha u horseedin hana kalifin taas waa iga codsi, waxaan kuu rajeynaaa caafimaad iyo cimridheer iyo nooli kulanti.

FG: Waxaad ogaataa Caliyow in noloshaada ay tahay teyda oo kale marka noloshaada hadii aad dhib u geysato teydana dhib ayaad u geysatay ee ogow.

   KA: Walaashaa Nagma.

 

Cali markii uu aqristay waraaqdii ayuu ka soo dhaqaaqay isagoon xitaa jawaab u celin, sidii uu u soo socday ayuu wuxuu soo abbaaray gurigii saaxiibkii Maxamed wuxuu u sheegay warqadii ay u soo qortay Caasha, wuxuu intaa u sii raaciyay inuu dhinac ka niyad jabsan yahay dhinacna uu aad ugu faraxsan yahay, waa dhinacee wuxuu ku faraxsan yahay in ay Caasha jeceshahay oo ay qabto dareen kiisa la mida, wuxuuse ka xun yahay ineysan weli jawaab cad oo uu ku qanco siin, Cali wuxuu saaxibkii u sheegay inuu guriga iska tegayo, markii uu guriga yimid Cali wuxuu galay qolkiisa sariirtiisa ayuu dul jiifsaday wuxuuna ku luuqeeyay hees  ay erayadeeda ka mid ahaayeen:

  •              Culimada adduunkee
  •              Caafimaadka baartaay
  •              Cudurada la dabar goyn
  •              Caashaqa ha lagu dar

W/Q : Cabdiwahaab Cabdulqadir Maxamud (Carab)

SHEEKOOYIN