Xirashada Xirsigu waa Sunno. Qore: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

qormo

Xirziga la xirto waa Sunno

 

Muslimiintu xirziyada waa xirtaan, carab iyo cajamba. Waxay ku xirtaan oo surtaan luqunta, ama cududda, ama dhexda dharka hoostiisa. Waxaana loo xirtaa ayadoo Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ looga magan gelayo shaydaan, cudurro, ilaysi, xaasidnimada iyo dhibaato oo idil.

 

Xirziga waxaa ku dhigan Quraan iyo ducooyin Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam uu na baray.

 

Al Xasanالحسن\ iyo Al Xusaynالحسين\, Calayhimaassalaamu labada wiil ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, hooyadood Faadhimahفاطمة\ gabadha Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam markay caruur ahaayeen oo ay Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam la joogeen xirziyo ayay u xiri jirtay, sidaan hoos ku arki doonno inshaa’a Allaahuإن شاء الله\. Maxaad cid kaleba, hadaba, ka waydiinaysaa?

 

Asxaabtiisu way xiran jireen rag iyo haweenba, ilmohooda iyo haweenkoodana waa u xiri jireen. Tusaale ahaan Cabdu Allaahi ibnu Cumar bin Al Khadh-dhaabعبد الله بن عمر بن الخطاب\, Allaha raalli ka noqdee, caabidka ummaddaanعابد هذا الأمة\ waa xiran jiray, sidaan hoos ku arki doonno inshaa’a Allaahuإن شاء الله.

 

Cabdu Allaahi bin Camr bin Al Caas Al Qurashii Al Sahmiyyiعبد الله بن عمرو بن العاص القرشي السهمي\, Allaha raalli ka ahaadee, ahna mid ka mid ah afarta Cabdu Allaahiعبد الله\ oo hadday mas’alo isku raacaan aan axad kale la waydiin jirin, caruurtiisa ayuu u xiri jiray xirzi, sidaan hoos ku arki doonno inshaa’a Allaahuإن شاء الله. Saddex Cabdu Allaahi oo kale waxay ahaayeen Cabdu Allaahi ibnu Cabbaasعبد الله إبن عباس\, iyo Cabdu Allaahi bin Al Zubayrعبد الله بن الزبير\ iyo Cabdu Allaahi bin Cumar bin Al Khadh-dhaabعبد الله بن عمر بن الخطاب\ Allaha dhammaantood iyo aabayaalkoodba raalli ka wada ahaadee.

 

Sidoo kale, Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, markuu isaga laftiisu bukoodo, intuu Quraan akhriyo ayuu isku tufi jiray, asxaabtiisa buktana wuu ku tufi jiray.

Quraanka la isku tufana iyo ducada Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam laga dhaxlay waa daawada ugu fiican oo la isku daaweeyo

Waxaan daraasaddaan ku sheegeynnaa xujjooyinka labadaas arrimood bannaynaya qaarkood, oo lama soo wada koobi karo.

 

Waxaan sidoo kale u sharxay erayada Axaadiith-taasu ka kooban yihiin, oo in badan kuwaas oo aan siday yihiin loo garan ay garasho xumo Xadiithka sababaysa.

Af walba waa is beddelaa, oo haddii Quraanka oo af carabi faseex ah kusoo degay laga reebo, afka carabigu waa is beddelay, oo waxaa beddelay macnaha iyo axkaamta Quraanka oo aan hore afka carabiga ugu jiri jirin, sida salaadda, zakada, tawxiidka, xalaasha iyo xaaraanta.

 

Sidoo kale waxa soo dhex galay, sida afafkoo idilba, erayo aan waagaas jiri jirin, sida saaruukh, computer, iwm.

 

Erayada laftooda waagaas jiray, maanta qaarkood macne kale ayaa loo yaqaanna.

Tusaale ahaan erayga “tamiimahتميمة\” markuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calatyhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Al Madiinahالمدينة\ udoo haajiray, “tamiimah تميمة\” waxaa la oran jiray aleesha iyo lafaha ay carabtu luqunta ku xiran jireen, kuwaasoo uu mamnuucay.

 

Maantana “tamiimah تميمة\” waxaa la yiraahdaa xirziga ay Quraanka iyo ducadu ku digan yihiin oo la xirto, taasoo uusan Nabigu Sallaa Allaahu Calatyhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam reebin, bal wiilashiisa ayaaba xirnaa.

 

Markaas uu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calatyhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Al Madiinah usoo haajiray oo dadku islaamka galay xirziga waxaa la oran jiray “cawthahعوذة\” ama “xirziحرز”iyo wax la mid ah, sidaan hoos ku arki doonno inshaa’a Allaahuإن شاء الله.

Cawthahعوذة\ iyo xirziحرز\ waa isku macne, oo cawthat macneheedu waa magan gelid oo eraygu wuxuu ka yimid “Acuuthu bi Allaahiأعوذ بالله\ oo ah Ilaahay ayaan magan galay; xirzina meel ilaalsan oo xuman ka dhawrsan.

 

Sidaasay u qeexayaan kutubbada waagii hore la allifay. Kuwaa waagaan la dhigana ma kala qeexayaan macnooyinka erayadaas, markaasay, waana qaarkood, waxay wixii islaamka ka horreeyey ku dabaqeen islaamka iyo maanta. Taas ayaana sabab u noqtay inay sunno sidaas ku dhunto, sida sunnada xirzigaحرز\ oo kale.

Soo ma aadan arag kuwo Aayado gaalada kasoo degay muslimiinta ku dul akhrinaya markay khudbada jimcaha akhrinaya oo muslimiinta hortooda fadhida sidaas ula hadlaya oo ku dabbaqaya ? Waa sidaasoo kale!

 

Waxaa tusaale ahaan macnaha waagaas hore ay lahaayeen  erayada “tamiimahتميمة\” iyo “wadacahودعة\” kasoo qaatay qaamusyada afka carabiga oo lagu wada kalsoon yahay, sida “Al Qaamuusu Al Muxiidhuالقاموس المحيط\” uuna allifay sheekha Majdu Al Diin Abii Al Dhaahir Muxammad Al Fayruux Abaadiiالشيخ مجد الدين أبي طاهر محمد القيروز آبادي\, iyo “Lisaanu Al Carabiلسان العرب\”, ee ibnu Manthuurإبن منظور\, iyo “Al Nihaayah fii Ghariibi Al Xadiithi Wa Al Atharالنهاية في غريب الحديث والأثر\”, iyo siday culummadii hore erayadaas u fasireen, sida Al Imaam Al Nawawiiالإمام النووي\.

Ibnu Isxaaqإبن إسحاق\ wuxuu ka wariyay khudbada “Xajjatu Al Wadaaciحجة الوداع\ waxaa ka mid ahaa inuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri

:

“فإن الشيطان قد يئس من أن يعبد بأرضكم هذا أبدا، ولكنه إن يطع فيما سوى ذلك فقد رضي به بما تحقرون من أعمالكم، فاحذروه على دينكم.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Dadow, shaydaanku wuu ka quustay in lagu caabudo arligiinnaan aad joogtaan weligiis, laakin isagu hadii lagu adeeco waxa intaas ka baxsan raalli ayuu ku yahay waxyaalaha yaryar oo acmaashiinna ka midka ah oo aad yastaan o idinla yar. Marka shaydaan Diintiinna isaga jira oo ka ilaalsada.”

Tawfiiqdana Ilaahay ayaa haya, waxaanna ka baryayaa inuu na waafajiyo.

 

Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqiirka u ah:

 

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Columbus, Ohio, USA

Maalin axad ah taariikhduna tahay shan iyo labaatan bisha Thuu Al Xajjahذوالحجة\ ee sanadka hijriga ee kun afar boqol shan iyo soddon, una dhiganta sagaal iyo tobanka bisha Oktoobar laba kun afar iyo toban miilaadiga.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xirziالحرز\

 

Xirziحرز  waxaa la yiraahdaa wax la isku ilaaliyo oo la isaga dhawro waxa xun oo qofka naftiisa iyo jirkiisaba dhibaato u keeni, sida shaydaanka, isha, cudurrada iyo waxa qofka caafimaadkiisa iyo noloshiisa saameeya.

 

Macnaha Xirziحرز

 

Waxaan hoos ku sheegeynnaa waxay qaamuusyada afka carabigu ku sheegeen inuu “Xirziحرز” yahay.

 

Lisaanuu Al Carabلسان العرب

 

Ibnu Manthuurإبن منظور\ wuxuu Xirzحرز\ ka yiri:

ألحرز: الموضح  الحصين…وفي حديث الدعاء:

 

اللهم اجعلنا في حرز حارز”

 

 أي كهف منيع.”

 

“ويسمى  التعويذ حرزا واحترزت من كذا وتحرزت أي توقيته…”

 

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

“Xirxiحرز\ waxaa la yiraahdaa meel ilaalsan…Xadiithka ducadanuna waa tuu ahaa:

“Ilaahayow waxaa na gelisaa xirziحرز ilaalsan, (oo uusan cadwgu soo geli karin).”

Oo macnihiisu yahay “Hog aan cadaw soo geli Karin.”

 

Al Nihaayah ee ibnu Al Athiirالنهاية لإبن الأثير\

 

Ibnu Al Athiirإبن الأثير\ wuxuu maadada Xirzحرز\ ka yiri:

إبن الثير:

حرز: في حديث يأجوج ومأجوج: “فحرز عبادي إلى الطور”

أي ضمهم إليه، واجعله لهم حرزا. يقال: أحرزت الشيء أحرزته  إحرازا إذا حفظته وضممته إليك وصنته عن الأخذ.”

 

“إني قد أخرجت عبادا لي لا يدان لأحد بقتالهم فحرز عبادي إلى الطور.”

 

 

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Ilaahay ayaa Ciisaa ina Maryama عيسى إبن مريم\ u waxyooday Xadiithka Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوج:

 

“Anigu waxaan soo bixiyay addoommo aan leeyahay oo cid iska celin karta oo la dagaallami karta ayan jirin, marka addoommadeyda (kula jooga) saar oo ku ilaali buurta dusheeda, oo xirzi uga dhig.”

Oo macnihiisu yahay:

 

“Buurta saar, oo buurta uga dhig mid Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوج ka ilaalisa, oo xirzi u ah. Waxaa la yiraahdaa xirzi ayaan ka dhigtay markaad ilaalisid oo dhawrtid, oo adigu isku dhejisid, aadna ka ilaalisid in lagaa qaato.”Waa intaas warkiisu Allaha u naxariistee.

 

Kitaabka Fiqiga Shaaaficigaالفقه الشافعي\ ee “Al Majmuucالمجموع\” uuna allifay Al Imaam Al Nawawiiالإمام النووي\ Allaha u naxariistee

 

Al Nawawiiالنووي\ Allaha u naxariistee wuxuu mujalladka labaad ee Al Majmuucالمجموع boggiisa afar iyo sideetan ku yiri:

 

 (التاسعة) قال القاضي حسين وغيره:

“يكره للمحدث حمل التعاويذ – يعنون الحروز – قال أبو عمر بن الصلاح في الفتاوى:

“كتابة الحروز واستعمالها مكروه وترك تعليقها هو المختار.”

وقال في فتوى أخرى:

يجوز تعليق الحروز التي فيها قرآن على النساء والصبيان والرجال ويجعل عليها شمع ونحوه ويستوثق من النساء وشبههن بالتحذير من دخول الخلاء بها؛ والمختار أنه لا يكره اذا جعل عليه شمع ونحوه لأنه لم يرد فيه نهي.”

 

ونقل ابن جرير الطبري عن مالك نحو هذا فقال:

“قال مالك:

“لآ بأس بما يعلق على النساء الحيض، والصبيان من القرآن إذا جعل في كن كقصبة حديد أو جلد يخرز عليه.”

وقد يستدل للإباحة بحديث عمرو بن شعيب عن أبيه عن جده أن رسول الله صلى الله عليه وسلم كان يعلمهم من الفزع كلمات:

 

“أعوذ بكلمات الله التامة من غضبه وشر عباده ومن همزات الشياطين وأن يحضروني.”

قال:

“وكان عبد الله بن عمرو يعلمهن من عقل من بنيه ومن لم يعقل كابه فأعلقه عليه.”

رواه أبوداود والترمذي وقال حديث حسن.

 

 

 

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

 

“Qaalli Xuseen القاضي حسين iyo ghayrkiisba waxay yiraahdeen:

“Waa karaahiyo inuu qof aan wayso qabin xirzi u xirnaado.”

Abuu Cumar bin Al Ssalaax أبو عمر بن الصلاح wuxuu fatwooyinkiisaفتاواه\ ku yiri:

“Dhigidda xirziyada iyo ku isticmaalkooduba waa makruuhمكروه, la kahdo, waxaana fiican inaan la xiran.”

Wuxuu fatwoفتوة\ kalena ku yiri:

“Way bannaan tahay in xirziyada ay ku dhigan yihiin Quraan loo xiro haweenka, iyo caruurta iyo raggaba. Waxaana warqadduu xirzigu ku dhigan yahay lagu daboolayaa shumacالشمع\ ama wax la mid ah, waxaana haweenka iyo kuwa la midka ah lagu adkaynayaa oo ay ballan ku qaadayaan inayan musqul gelin ayagoo xirziga xiran. Xirashada xirziyaduna ma aha makruuhمكروه\ in la xirto haddii shumac الشمع\  ama wax la mid ah lagu daboolo, maxaa yeelay lama warin wax naga reebaya xirashadooda.”

 

Fatwoفتوة\ taasoo kale ah ayuu ibnu Jariir Al Dhabariiإبن جرير الطبري\ ka wariyay Maalikمالك\ oo yiri:

“Dhibi kuma jiro in xirziyada uu Quraanku ku dhigan yahay loo xiro haweenka xaydkaالحيض\ qaba iyo caruurtaba, haddii warqadduu ku dhigan yahay la dhex geliyo saduuq bir ah (ama dahab, ama qalin) ama harag lagu ilaalinayo.”

 

Al Nawawiiالنووي\ Allaha u naxariistee wuxuu yiri:

“Inay xirashada xirziyadu bannaan tahay waxaa loo daliil sanaynaa Xadiithka Camr bin Shucaybعمرو بن شعيب\ oo aabihiis ka wariyay inuu awoowihiis wariyay oo yiri:

“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu na bari jiray Kalimaat aan cabsida ka magan galo, oo ah:

“Waxaan ka magan galay Kalimaat Ilaahay oo Taamka ah Ilaahayكلمات الله التامة\ caradiisa iyo sharta addoommadiisa, iyo waswaasinta shaydaanka, ahna hadalkiisa qarsoon oo uu qofka qalbigiisa ku dhex tuuro  iyo inayan ii yimaadaan.”

Waxaa wariyay Abuu Daauudأبوداود\ iyo Tirmithiiالترمذي\ oo yiri waa Xadiith “Xasanحديث حسن\ ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

Tufiddu Quraanka iyo Sunnaday ka mid tahay

 

Tufiddu, inta badan, waxaa la sameeyaa marka qofku bukado, oo Qadarku dhacay, si uu Ilaahay ruuxaas u bogsiiyo. Waxaana la sameeyaa markuu qofku muraad leeyahay.

Al Nawawiiالنووي\ Allaha u naxariistee wuxuu mujalladka sagaalaad ee “Al Majmuucالمجموع\ boggiisa kow iyo toddobaatan ku yiri:

 

 

(فرع) في جواز الرقية بكتاب الله تعالى، وبما يعرف من ذكر الله

عن الأسود قال:

“سألت عائشة عن الرقية من الحمة فقالت:

 

“رخص رسول الله صلى الله عليه وسلم في الرقية من كل ذي حمة.”

 

رواه البخاري ومسلم.

الحمة: وهي السم.

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

 

(Faracفرع\): Way bannaan tahay iyo qof buka lagu tufo Kitaabka Ilaahay, iyo Thikriga Ilaahayذكر الله\ wax ka mid ah

 

Al Aswadالأسود\ wuxuu yiri:

“Waxaan Caa’ishahعائشة\ waydiiyay in “Al Xummahالحمة\ la isaga tufo, waxayna tiri:

“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu ruqseeyey in la isaga tufo mid kasta oo “Xummahالحمة\ leh.”

Al Nawawiiالنووي\ wuxuu yiri:

“Al “Xummahالحمة” waa sunta.”

Cudurraduna waa sun, oo suntooda ayaa xanuunka keena!

 

Al Nawawiiالنووي\ Allaha u naxariistee wuxuu Al Bukhaariiالبخاري\ iyo Muslimمسلم\ ka wariyay inay Caa’ishahعائشة\ Allaha raalli ka ahaadee tiri:

 

وعن عائشة رضي الله عنها قالت:

 

“أمرني رسول الله صلى الله عليه وسلم أن أستتر من العين.”

 

رواه البخاري ومسلم.

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu igu amray inaan isha iska asturo.”

Waxaa wariyay Al Bukhaariiالبخاري\ iyo Muslimمسلم\.

 

Al Nawawiiالنووي\ Allaha u naxariistee wuxuu Al Bukhaariiالبخاري\ iyo Muslimمسلم\ ka wariyay inay Ummu Salamahأم سلمة\ Allaha raalli ka ahaadee inay tiri:

 

وعن أم سلمة:

“أن النبي صلى الله عليه وسلم رأى في بيتها جارية في وجهها سفعة، فقال:

 

“استرقوا لها، فإن بها نظرة.”

رواه البخاري ومسلم.

السفعة: صفرة وتغيير، والنظرة هي العين.

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Nabigaa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu gurigayga ku arkay gabar uu wajigeedu hurdi noqday, markaasuu wuxuu yiri:

“Ku tufa, oo waa la ilaystay.”

 

Al Nawawiiالنووي\ Allaha u naxariistee wuxuu Muslimمسلم\ ka wariyay inuu Anasأنس\ yiri:

 

وعن أنس قال:

“رخص رسول الله صلى الله عليه وسلم في الرقية من العين والنملة والحمة.”

روان مسلم.

قال الأصمعي: النملة هي قروح تخرج في الجنب وغيره.

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Anas أنس\  wuxuu yiri:

“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuu ruqseeyey in la isaga tufo ilaysiga, iyo “Al Namlatuالنملة\” iyo “Al Xummatuالحمة\ (oo ah suntan iyo cudurradaba).”

Waxaa wariyay Muslimمسلم\.

 

 

 

 

 

 

Al Asmacii الأصمعي wuxuu yiri:

“Al Namlatuالنملة\ waa nabarro yaryar oo kasoo baxa dhinaca iyo meelo kaleba.”aabir yiri
وعن جابر قال:

“لدغت رجلا من عقرب ونحن جلوس مع النبي صلى الله عليه وسلم فقال رجل:

“يا رسول الله أرقي؟”

قال:

 

“من استطاع أن ينفع أخاه فليفعل.”

 

رواه مسلم.

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Annagoo Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam la fadhina ayaa hangaralle, ama dib qallooc nin qaniinay, markaasuu nin wuxuu yiri:

“Rasuulka Ilaahayow ma ku tufa?”

Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

“Ninkiinna awooda inuu walaalkiis anfaco ha yeelo.”

Waxaa wariyay Muslimمسلم\.

 

Riwaayad kalena waxay warisay sidatan:

“Nabigaa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu Asmaa;u binti Cumaysأسماء بنت عميس\ ku yiri:

 

وفي رواية:

“أن النبي صلى الله عليه وسلم قال لأسماء بنت عميس:

 

“ما لي أرى أجسام بني أخي ضارعة تصيبهم الحاجة؟”

 

قالت:

“لا ولكن العين تسرع إليهم.”

قال:

 

“أرقيهم.”

 

 

 

 قالت:

“فعرضت عليه فقال:

 

“أرقيهم.”

 

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Nabigaa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu Asmaa’u bintu Cumays أسماء بنت عميس\  ku yiri:

 

“Waxaan arkay inay jirarka wiilasha walaalkay ay caatoobeen ee maxaa ku dhacay? Ma saboolnimaa haysa oo waxay cunaan ma haustaan miyaa?”

Waxay tiri:

“Maya, laakiin isha dakhso u qabata.”

Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

“Ku tuf.”

Waxay tiri:

“Markaasaan waxaan ku akhrinayo oo kula tufay u akhriyay, markaasuu wuxuu yiri:

“ Sidaas ku tuf.”

Waxaa wariyay Muslimمسلم\.

 

Al Nawawiiالنووي\ Allaha u naxariistee wuxuu Muslimمسلم\ ka wariyay inuu Jaabirجابر\ yiri:

 

وعن جابر أيضا قال:

“نهى رسول الله صلى الله عليه وسلم عن الرقى، فجاء آل عمرو بن حزم إلى رسول الله صلى الله عليه وسلم فقالوا:

“يا رسول الله –  صلى الله عليه وسلم – إنه كانت عندنا رقية نرقى بها من العقرب، وأنك نهيت عن الرقى”

قال:

فعرضوها عليه فقال:

 

“ما أرى بأسا، من استطاع منكم أن ينفع أخاه فلينفعه.”

 

رواه مسلم.

 

“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi wuxuu dadka ka reebay tufidda. (waana markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Al Madiinahالمدينة\ yimid isagoo Muhaajirمهاجر\ ah , islaamkuna dadka ku cusbaa oo ay markaas ku dhaqmi jireen tufidda zamanka jaahiliyada oo islaamka ka horreeyey oo shirki ku jiray) Markaasaa waxaa Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ,:u yimid Aalu Camr bin Xazm آل عمرو بن حزم waxayna yiraahdeen:

“Rasuulka Ilaahayow – Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam – waxaan lahaan jirnay waxaan kula tufno qofkuu hangaralle/dibqallooc qaniino, adiguna waxaad dadka ka reebtay tufidda.”

Jaabirجابر\ wuxuu yiri:

“Markaasay u akhriyeen tufiddooda, markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

“Wax dhibaato ah kuma arko. Kiinna awooda inuu walaalkiisa anfaco ha yeelo.”

Waxaa wariyay Muslimمسلم\.

 

Al Nawawiiالنووي\ Allaha u naxariistee wuxuu Muslimمسلم\ ka wariyay inuu Cawf bin Maalik عوف بن مالك\ yiri:

 

وعن عوف بن مالك قال:

“كنا نرقى في الجاهلية، فقلنا:

“يا رسول الله ما تقول في ذلك؟”

قال:

 

“اعرضوا علي رقاكم، لا بأس بالرقى ما لم يكن فيه شرك”

 

رواه مسلم.

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Zamanka jaahiliyada islaamka ka horreysey dadka waa ku tufi jirnay, markaasaan waxaan niri:

“Rasuulka Ilaahayow – Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam – maxaad taas ka leeday?”

Wuxuu – Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam – yiri:

“Ii sheega waxaad akhrin jirteen, oo tufidda dhib kuma jiro hadduusan shirki – oo ah Ilaahay oo Ilaahnimada cid kale lala wadaajiyo – ku jirin.”

Waxaa wariyay Muslimمسلم\.

 

 

 

 

 

 

Al Imaam Al Nawawiiالإمام النووي\ Allaha u naxariistee wuxuu Abuu Daauudأبوداود\ ka wariyay inay Al Shifaa’ bintu Cubaydu Allaahiالشفاء بنت عبيد الله\ tiri:

 

وعن الشفاء بنت عبيد الله قالت:

“دخل على رسول الله صلى الله عليه وسلم وأنا عند حفصة، فقال:

 

“ألا تعلمين هذه رقية النملة كما علمتيها الكتابة؟”

 

رواه أبوداود باسناد صحيح.

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Waxaa ii soo galay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam anigoo Xafsahحفصة\ agteeda jooga iyo gurigeeda, markaasuu wuxuu yiri:

“Maad middaan bartid sida Al Namlahالنملة\ loogu tufo, si la mid ah sidaad u bartay sida wax loo dhigo oo aad farta u bartay?”

Waxaa wariyay Abuu Daauudأبوداو, kuna wariyay silsilaad saxiixصحيح\ ah.

 

Al Imaam Al Nawawiiالإمام النووي\ Allaha u naxariistee wuxuuAl Tirmithii الترمذي iyo ibnu Maajah وابن ماجه iyo Al Bayhaqiiالبيهقي ka wariyay inuu Abii Khuzaamahأبي خزامة\ aabiis ka wariyay inuu yiri:

 

وعن أبي خزامة عن أبيه: أن أباه حدثه أنه قال:

“يا رسول الله أرأيت دواء نتداوى به، ورقى نسترقى بها، وتقى نتقيها، هل يرد ذلك من قدر الله من شيء؟”

فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم:

 

“إنه من قدر الله.”

 

رواه الترمذي وابن ماجه  والبيهقي.

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Rasuulka Ilaahayow – Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam – balk a warran daawo aan isku daaweyn jirnay, iyo tufid aan isku tufi jirnay, iyo waxyaalo aan xumaanta isaga dhigi jirnay, kuwaasu Qadarka Ilaahay wax ma ka celinayaan?

Markaasuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

“Taasuba Qadarka Ilaahay ka mid ah.”

Waxaa wariyay Al Tirmithii الترمذي iyo ibnu Maajah وابن ماجه  iyo Bayhaqiiالبيهقي.

 

Al Imaam Al Nawawiiالإمام النووي\ Allaha u naxariistee wuxuu Abuu Daauud أبوداود iyo Al Tirmithii الترمذي ka wariyay inuu Cimraan bin Al Husayn عمران بن الحصين wariyay inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

 

واما حديث عمران بن الحصين عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:

 

“لا رقية إلا من عين أو حمة”

 

فصحيح رواه أبوداود والترمذي وغيرهما، قال البيهقي:

“معناه هما أولى بالرقى من غيرهما، لما فيهما من زيادة الضرر والله تعالى أعلم.

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Ma bannaana in lagu tufo intaan ka ahayn isha ama xummahحمه\.”

Waana Xadiith saxiixصحيح\ ah oo ay wariyeen Abuu Daauud أبوداود, iyo Al Tirmithiiالترمذي iyo labadooda ghayrkoodba.

Al Bayhaqiiالبهقي\ wuxuu yiri:

“Macnihiisu waxaa weeye labadoodaas ayaa cudurrada kale  uga mudan in lagu tufo, ayadoo ay labadaasi dhibaato cudurrada kale ka badan keenaan. Runtana Rabbi ayaa og.”

 

Al Imaam Al Nawawiiالإمام النووي\ Allaha u naxariistee wuxuu Al Bayhaqiiالبيهقي\ ka wariyay, Xadiith ay silsiladdiisu saxiix tahay, inuu Yaxyaa bin Saciidيحيى بن سعيد\ ka wariyay inay Cumrah عمرة warisay inay Caa’ishah عائشة tiri:

 

وروى البهقي بإسناده الصحيح عن يحيى ين سعيد عن عمرة عن عائشة قالت:

“دخل أبوبكر رضي الله عنه عليها، وعندها يهودية ترقيها، فقال:

 

“أرقيها بكتاب الله عزوجل.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Waxaa usoo galay Abuu Bakr أبوبكر Allaha raalli ka noqdee ayadoo ay la joogto yahuudiyad ku tufaysa, markaasuu wuxuu yiri:

“Kula tuf Kitaabka Ilaahay Cazza wa Jallaالله عزوجل\.”

 

 

 

Al Imaam Al Nawawiiالإمام النووي\ Allaha u naxariistee wuxuu Al Bayhaqiiالبيهقي\ silsiladdiisa saxiixa ah ka wariyay inuu Al Rabiicu bin Sulaymaanالربيع بن سليمان\ (ahaana Imaam Shaafici الإمام الشافعي\ saaxiibkiis iyo ardaygiisaba) yiri:

 

وبإسناده الصحيح عن الريع بن سليمان قال:

“سألت الشافعي عن الرقية فقال:

 

“لا بأس أن يرقى الإنسان بكتاب الله عزوجل، وما يعرف من ذكر الله.”

 

قلت:

أيرقى أهل الكتاب المسلمين؟”

فقال:

 

“نعم إذا رقوا بما يعرف من كتاب الله أو ذكر الله.”

 

فقلت:

وما الحجة في ذلك؟

فقال:

 

“فيه غير حجة، فإن مالكا أخبرنا عن يحيى بن سعيد عن عمرة بنت عبد الرحمن أن أبا بكر دخل على عائشة رضي الله عنهما وهي تشتكي ويهودية ترقيها فقال أبوبكر رضي الله عنه:

“ارقيها بكتاب الله.”

 

قال البيهقي: والأخبار فيما رقى به النبي  صلى الله عليه وسلم ورقى به، وفيما تداوى به وأمر بالتدامى به كثيرة والله أعلم.

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“ Al Shaaficii الإمام الشافعي\  ayaan waxaan waydiiyay arrinka tufidda, wuxuuna yiri:

“Wax dhibaato ahi kuma jiraan haddii lagula tufo Kitaabka Ilaahay Cazza wa Jallaالله عزوجل\, iyo wax la yaqaanno oo Thikriga Ilaahayذكر الله ka mid ah (Thikrذكر\ waxaa la yiraahdaa camal kasta oo suuban oo Ilaahay loogu dhowaado, sida salaadda, bixinta zakada, soomidda, xajka, akhrinta Quraanka oo dhammaantood qalbiga, carrabka iyo jirka lagu meel mariyo; meeshaanna qof buka lagu daawaynayo oo lagu tufayo waa dhihidda Laa ilaaha illaa Allaahiلا إله إلا الله\, iyo Subxaana Allaahiسبحان الله\, iyo Al Xamdu li Allaahiالحمد لله\, iyo Allaahu Akbarالله أكبر\, iyo Magacda Suusuubanأسماء الله الحسنى\ oo Ilaahay oo la akhriyo iyo Sifaatkiisaصفاة الله\. Erayga Thikrذكر\ macnihiisu waa xusuusashada, waana caksiga halmaanka, ujeedaduna waa inaad had iyo goor Ilaahay xusuusan tahay oo uu qalbigaaga ku jiro oo aadan halmaamin, runtana Rabbi ayaa og).”

Waxaan iri:

“Yuhuudda iyo krishtaanku ma bannaan tahay inay muslimiinta ku tufaan?”
Wuxuu yiri:

“Haa, hadday kula tufaan tufo Kitaabka Ilaahay Cazza wa Jallaالله عزوجل, iyo wax la yaqaanno oo Thikriga Ilaahayذكر الله\ ka mid ah.”

Waxaan iri:

“Maxaana u daliil ah inay taasu bannaan tahay?”

Wuxuu yiri:

“Hal daliil ka badan ayaa jira, oo Maalikالأمام مالك\ wuxuu nooga wariyay Yaxyaa bin Saciidيحيى بن سعيد\ oo ka wariyay Cumrah bintu Cabdu Al Rraxmaanعمرة بنت عبد الرحمن\ inuu Abuu Bakr أبوبكر\ usoo galay Caa’ishahعائشة\ Allaha labadoodaba raalli ka ahaadee ayadoo xanuunsan, ayna haweeney yuhuudiyad ahi ku tufayso, markaasuu Abuu Bakr أبوبكر\  Allaha raalli ka noqdee wuxuu ku yiri:

“Ku akhri oo kula tuf Kitaabka Ilaahay.”

Waxaa wariyay Al Bayhaqiiالبيهقي\.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xirashada xirzigu Sunnaday ka mid tahay

 

Al Imaam Al Nawawiiالإمام النووي\ Allaha u naxariistee wuxuu Abuu Daauudأبوداود\ iyo ibnu Maajahإبن ماجة\ ka wariyay inay Zaynabزينب\ haweenta Cabdu Allaahi bin Mascuudعبد الله بن مسعود\ warisay inuu Cabdu Allaahi bin Mascuudعبد الله بن مسعود\ yiri inuu maqlay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo leh:

 

(فرع) في تعليق التمائم

عن زينب امرأة عبد الله بن مسعود عن عبد الله بن مسعود قال:

سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول:

 

“أن الرقى والتمائم والتولة شرك.”

 

قالت:

لم تقول هذا؟ والله لقد كانت عيني يقذف، وكنت أختلف إلى فلان اليهودي يرقيني، فإذا رقاني سكنت.”

فقال عبد الله:

“إنما كان عمل الشيطان ينخسها بيده، فإذا رقاها كف عنها، إنما يكفيك أن تقولي كما كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول:

 

“أذهب البأس، رب الناس، اشف، أنت الشافي، لا شفاء إلا شفاؤك، شفاء لا يغادر سقما.”

 

رواه أبو داود وابن ماجه.”

قال أبوعبيد: التولة – بكسر التاء – هو الذي يحبب المرأة إلى زوجها وهو من السحر قال: وذلك لا يجوز، وأما الرقاء والتمائم، قال فالمراد بالنهي ما كان يغير لسان العربية بما لا يدري ما هو.

 

قال البيهقي:

ويقال إن التميمة خرزة كانوا يعلقونها، يرون أنها تدفع عنهم الآفات، ويقال قلادة يعلق فيها العود.

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Tufidda iyo “Al tamaaالتمائم\’imu oo la xirto”  iyo Al tiwalatuالتولة\ waa shirki.”

Waxay tiri:

“Maxaad sidaas u leedahay? Oo wa Allaahiوالله\ ishaydu way dhaqdhaqaaqi jirtay oo ayba soo bixi lahayd, markaasaan waxaan isaga daba noqonayay yuhuudiga hebel ah, markaasuu igu tufaa. Markuu igu tufana ishu way xasishaa oo degtaa.”

Markaasuu Cabdu Allaahiعبد الله\ wuxuu yiri:

“Waxay ishaadu la dhaqdhaqaaqaysay camal shaydaan oo gacantiisa ku kicinayay oo ku durayay, markaasuu markuu yuhuudigu ku tufo shaydaanku taas ka harayay. Adigana waxaa kugu filnayd inaad tiraahdid siduu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oran jiray:

“Dhibka iyo cudurka qaad Dadka Rabbigoodow, oo bogsii maxaa yeelay Adiga ah Midka bukaanka bogsiiya, mana jirto bogsasho aan Adiga bogsiintaada ahayn, bogsiin aan cudur ka tegayn oo wada bogsiinaysa.”

Waxaa wariyay Abuu Daauudأبوداود\ iyo ibnu Maajahإبن ماجه\.

Abuu Cubaydأبوعبيد\ wuxuu yiri:

“Al Tiwalatuالتولة\ waa waxay samayn jireen si uu ninku haweentiisa u jeclaado, waana sixir. Wuxuu yiri: taasna ma bannaana. Laakiin tufidda iyo xirziga ujeedadoodu waa reebid la reebayo in lagu isticmaalo waxaan afka carabiga ahayn oo waxay yihiin aan la aqoon.”

 

Al Bayhaqiiالبيهقي\ wuxuu yiri:

“Waxaa la yiri inay “Al Tamiimahالتميمة\” ahayd aleel ay qoorta ku xiran jireen, ayna u arkayeen inay dhibaatada ka celiso iyo cudurrada, waxaana la yiri waxay ahayd qoor xir ay ku taxan tahay aleel.”

 

Al Imaam Al Nawawiiالإمام النووي\ Allaha u naxariistee wuxuu Al Bayhaqiiا  البيهقي\ka wariyay inuu Cutbah bin Caamirعتبة بن عامر\ wariyay inuu maqlay Rasuulka Ilaahy Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo leh:

 

وعن عتبة بن عامر قال:

“سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول:

 

“من علق تميمة فلا أتم الله له، ومن علق ودعة فلا ودع الله له.”

 

رواه البيهقي وقال هو أيضا راجع إلى معنى ما قال أبو عبيدة، قال:

“ويحتمل أن يكون ذلك وما أشبهه من النهي والكراهة فيمن يعلقها، وهو يرى تمام العافية، وزوال العلة بها، على ما كانت عليه الجاهلية، وأما من يعلقها متبركا بذكر الله تعالى فيها، وهو يعلم أن لا كاشف له إلا الله و لا دافع عنه سواه، فلا بأس بها إن شاء الله تعالى.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Qofka luqunta ku xirta “tamiimahتميمة\ Ilaahay wuxuu ku doonayay ma siiyo oo uma dhammaystiro, qofka luqunta ku xirta “wadacatanودعة\  Ilaahayna wuxuu ku doonayay yuusan siin raaxo iyo xasilloonina kuma helo (oo Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuu habaaray).

Al Bayhaqiiالبيهقي\, oo wariyay, wuxuu yiri:

“Macneheeduna waa siduu u fasiray Abuu Cubaydahأبوعبيدة\, wuxuuna yiri:

“Waxay ixtimaalaysaa inay taas iyo waxa la midka ahba ee ka reebidda iyo kahashada qofka xirta aaminsanna inay cudurkana ka qaadayso, uuna caafimaad taam ah ku helayo, siday caqiidadoodu ahayd zamanka jaahiliyada islaamka ka horreeyey. Qofkase xirziga u xiranaya isagoo ka barakaysanaya “Xusidda Ilaahayذكر الله\” oo ku dhigan, ogna inuusan cudurrada qaadin axad aan Ilaahay, uusanna dhibaato ka celin karin axad aan Ilaahy ahayn, dhib kuma jiro inuu xirto in shaa’a Allaahu Tacaalaaإن شاء الله تعالى\.”

 

“Kaddibna Al Bayhaqiiالبيهقي\ wuxuu uga wariyay silsilad uu isagu leeyahay Caa’ishah عائشة Allaha raalli ka noqdee inay tiri:

 

ثم روى البيهقي بإسناده عن عائشة رضي الله عنها قالت:

 

“ليست التميمة ما يعلق قبل البلاء، إنما النميمة ما يعلق بعد البلاء لتدفع به المقادير.”

 

وفي رواية عنها:

 

“التمائم ما علق قبل نزول البلاء، وما علق بعد نزول البلاء فليس بتميمة.”

 

قال البيهقي:

“هذه الرواية أصح.”

ثم روي بإسناد صحيح عنها قالت:

 

“ليس بتميمة ما علق بعد أن يقع البلاء.”

 

 قال البيهقي:

“وهذه الرواية تدل على صحة التي قبلها.

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Tamiimahتميمة\ ma aha waxa la xirto intayan balaayadu dhicin (cudur, taabasho shaydaan, ilaysi, iwm.) ee tamiimah تميمة\  (midda la reebay) waa midda la xirto markay balaayadu dhacdo, laguna doonayo in maqaadiirta Ilaahay lagu celiyo, oo lagu buriyo.”

 

Riwaad kalena waxay warisay inay tiri:

“Tamaa’imالتمائم\ – oo ah jamaca tamiimah تميمة\  – waa waxa la xirto intayan balaayadu dhicin, oo waxa la xirto kaddib markay balaayadu dhacdo tamiimah تميمة\  ma ah.”

Al Bayhaqiiالبيهقي\ wuxuu yiri:

“Riwaayaddaan ayaa ugu saxsan.”

Kaddibna wuxuu Caa’ishahعائشة\ Allaha raalli ka noqdee uga wariyay silsilad saxiix ah oo uu isagu leeyahay inay tiri:

“Tamiimah تميمة\  ma aha midda la xirto kaddib markay beladu dhacdo.”

Al Bayhaqiiالبيهقي\ wuxuu yiri:

“Riwaayaddaan waxay daliil u tahay inay tan ayada ka horreysey ay sax tahay.”

 

Al Imaam Al Nawawiiالإمام النووي\ Allaha u naxariistee wuxuu ibnu Maajahإبن ماجه\ iyo Al Bayhaqiiالبيهقي\ ka wariyay inay inay ku wariyeen mid walba silsilad oo ku jiro qof la isku khilaafay, inuu Cimraan bin Al Xusayn عمران بن الحصين yiri:

 

وعن عمران بن الحصين:

“أنه دخل على النبي صلى الله عليه وسلم وفي عنقه حلقة من شعر فقال:

 

“ما هذا؟”

 

قال:

“من الواهنة.”

قال:

 

أيسرك أن توكل إليها؟ ابذها عنك.”

 

رواه ابن ماجه والبيهقي بإسنادين في كل منهما من اختلف فيه.

وعن ابن مسعود:

“من علق شيئا وكل إليه.”

 

“Waxaan usoo galay Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ayadoo ay luqunta iigu xiran tahay dugaagad dhogor ka samaysan, markaasuu wuxuu yiri:

“Kanna waa maxay?”

Wuxuu yiri:

“Itaal darradaan ka xirtay oo aan isaga celinayaa.”

Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

“Ma jeceshahay in ayada laguu wakiisho? Iska xoor.”

Waxaa wariyay ibnu Maajah ابن ماجه iyo Al Bayhaqiiالبيهقي.

Ibnu Mascuudإبن مسعود\ wuxuu yiri:

“Qofka wax luqunta ku xirta, waxaas ayaa loo wakiishaa.”

 

 

 

Al Imaam Al Nawawiiالإمام النووي\ Allaha u naxariistee wuxuu Al Bayhaqii ka wariyay Xadiith silsiladdiisu saxiix tahay oo fiyowdahay, uuna ka wariyay Saciid bin Al Musayyib inuu dadka fari jiray in Quraanka luqunta lagu xirto, wuxuuna yiri:

 

وروي البيهقي بأسناد صحيح عن سعيد بن المسيب أنه كان يأمر بتعليق القرآن، وقال:

“لا بأس به.”

قال البيهقي:

“هذا كله راجع إلى ما قلنا إنه إن رقي بما لا يعرف، أو على ما كانت عليه الجاهلية من إضافة العافية إلى الرقى، لم يجز وإن رقي بكتاب الله أو بما يعرف من ذكر الله تعالى متبركا به وهو يرى نزول الشفاء من الله تعالى فلا بأس به والله أعلم.

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Quraanka oo luqunta la xirto dhib kuma jiro.”

Al Bayhaqiiالبيهقي\ wuxuu yiri:

“Intaasoo idilna waxay ku tusaysaa saxnimada waxaan soo sheegnay, oo ah in haddii lagu tufo waxaan la aqoon, ama siday tufiddu ahayd zamanka jaahiliyada oo caafimaadka la helay loo nisbayn jiray tufidda (Oo aan Ilaahay loo nisbayn jirin) inayan bannaanayn. Haddiise lagula tufo Kitaabka Ilaahay ama wixii laga yaqaanno Thikriga Ilaahayذكر الله\ Tacaalaa ayadoo laga barakaysanayo, lana aaminsan yahay inay bogsashadu ka timid Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\, taas xumaan kuma jirto, Ilaahay ayaana runta og.”

 

Al Imaam Al Nawawiiالإمام النووي\ Allaha u naxariistee wuxuu mujalladka labaad ee “Al Majmuucالمجموع\ boggiisa toddoba iyo sideetan ku yiri:

 

قال المتولى والرافعي وغيرهما:

“لا فرق في هذا بين أن يكون المكتوب عليه درهما ودينارا أوخاتما أو غير ذلك، وكذا إذا كان معه عوذة، وهي الحروز المعروفة استحب أن ينحيه….”

 

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

“Al Mutawallaaالمتولى\ iyo Al Raaficiالرافعي\ iyo labadooda ghayrkoodba waxay yiraahdeen:

“Farqi kuma jiro in tufiddaasu ku dhigan tahay dirham, oo ka samysnaa qalin, ama diinaar, oo dahab ka samaysnaa, ama fara gashi iyo wax intaasba ka duwan. Hadduu xirziga la yaqaan u xiran yahay (waana markuu musqul gelayo) waxaa haboon inuu iska siibo…”

Waa intaas warkiisu Allaha u naxariistee.

 

 

 

 

 

Ibnu Al Athiirإبن الأثير\

 

Ibnu Al Athiirإبن الأثير wuxuu “Al Nihaayatu fii Ghariibi Al Xadiith Wa Al Atharالنهاية في غريب الحديث والأثر\” maadadaتمم ku yiri:

 

إبن الأثير:

 

وفي حديث عبد الله – رضي الله عنه –:

 

 “التمائم والرقى من الشرك”.

 

“التمائم جمع تميمة، وهي خرزات كانت للعرب تعلقها على أولادهم يتقون بها العين في زعمهم، فأبطلها الإسلام.”

ومن حديث ابن عمر:

 

“وما أبالي ما أتيت إن تعلقت تميمة.”

 

والحديث الأخر:

 

“من علق تميمة فلا أتم الله له”،

 

كأنهم كانوا يعتقدون أنها تمام الدواء والشفاء، وإنما جعلها شركا لأنهم أرادوا بها دفع المقادير المكتوبة عليهم، فطلبوا دفع الأذى من غير الله الذي هو دافعه.”

 

“Xadiithka Cabdu Allaahinaعبد الله\ (waa ibnu Mascuudإبن مسعود\) Allaha raalli ka noqdee, wuxuu wariyay:

“Al Tamaa’imuالتمائم\ iyo tufiddu shirkiga ayay ka mid yihiin.”

Ibnu Al Athiirإبن الأثير\ wuxuu yiri:

“Al Tamaa’imu التمائم\  waa jamaca Tamiimahتميمة\, waana aleel ay carabtu caruurtooda u xiri jireen, ayna uga dhawrayaan ilaysiga siday ayagu ku andacoonayaa, markaasuu islaamku buriyay.”

Xadiithka ibnu Cumarnaإبن عمر\ waxaa ka mid ahaa:

“Dan kama lihi (oo wax ii dhimi mayaan) waxa isoo aada mar haddaan xirzi luqunta ku xirtay.”

Iyo Xadiithka kale:

“Qofka “Tamiimahتميمة\ xirta Ilaahay taam ugama dhigo, oo kuma daaweeyo, kumana bogsiiyo, oo waxay aaminsanaayeen inay aleesho (oo tamiimah asalkii waxaa la oran jiray aleesha luqunta lagu xirto) keento daawada iyo bogsiinta dhabta ah, wuxuuna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam shirki uga dhigay ayagoo doonayay inay Maqaadiirta ayaga loo dhigay  aleel ku celiyaan, oo ay sidaas ku dooneen inay dhibka haya isaga celiyaan Ilaahay ghayrkiis, Isagoo uu Ilaahay yahay Midka kali ah oo celin kara”

Waa intaas warkaan ibnu Al Athiirإبن الأثير\ Allaha u naxariistee kasoo qaadannay.

 

Al Qaamuus Al Muxiidhuالقوموس المحيط\

 

Al Qaamuus Al Muxiidhuالقوموس المحيط\ maadada “ودع” wuxuu Wadacahودعة\ ku sheegay inay tahay:

 

“الودعة جمعها ودعات: خرز بيض تخرج من البحر بيضاء، شقها كشق النواة، تعلق لدفع العين.”

 

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

“Al Wadacahالودعة\ jamcigeedu waa wadacaat ودعات, waana aleel cad oo baddu soo tufto, jeexeeduna uu yahay sida jeexa lafta timirta oo kale, oo qoorta loogu xirto si cudurrada la isaga celiyo.”

Waa intaas warkiisu Allaha u naxariistee.

 

Lisaanu Al Carabلسان العرب\

 

Qaamuuska Lisaanu Al Carabلسان العرب\ maadada “ودع” ku sheegay inay tahay:

 

لسان العرب: مادة ودع:

 

الودع والودعات مناقيف صغار تخرج من البحر تزين بها العثاكيل وهي خرز بيض جوف في بطونها شق كشق النواة تتفاوت في الصغر والكبر وقيل جوف في جوفها دويبة كالحلمة …واحدتها ودعة وودعة، وودع الصبي وضع في عنقه الودع…ومنه الحديث:

 

“من تعلق ودعة لا ودع الله له”

 

وإنما نهى عنها لأنهم كانوا يعلقونها مخافة العين، وقوله “لا ودع الله له” أي لا جعله في دعة وسكون وهو لفظ مبني من الودعة أي لا خفف الله عنه ما يخافه وهو يمردني الودع ويمرثني أي يخدعني كما يخدع الصبي بالودع فيخلى يمرثما ويقال للأحمق هو يمرد الودع يشبه بالصبي…”

 

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
“Al Wadacuالودع\ iyo Al Wadacaatuالودعات waa aleel yaryar oo ay baddu soo tufto, laguna qurxiyo sabuullada, waana bacool cad oo dhexda ka maran, lehna jeex la mid ah jeexa lafaha timirta, ha yaraadaan ama ha waynaadaanba. Waxaa kaloo la yiri uurkeeda waxaa ku jira daabad yar oo naas u eg…midkeedana waxaa la yiraahdaa “wadacahودعة\”, “wa waddaca al sabiyyu وودع الصبي\ macneheedu waxaa weeye: “wiilkuu luqunta ugu xiray aleel”. Waxaana eraygaas ka mid ah Xadiithka:

“Qofka aleel luqunta ku xirta Ilaahay kuma bogsiiyo oo raaxo kuma siiyo.”

Waxaana la isaga reebay ayagoo luqunta suran jiray cabsi ay ka qabaan ilaysiga.

“Laa wadaca Allaahu lahu لا ودع الله له” macnihiisu waxaa weeye:

“Ilaahay kuma siiyo raaxo iyo deganaansho.”

Erayguna wuxuu ka kooban yahay “Al Wadacataالودعة\oo macnihiisu yahay:

“Ilaahay kama khafiifiyo wuxuu ka baqayo, oo aleesho waxay ii khayaanaysaa sida cunugga aleesha loo xirayo loogu khayaano oo kale.

Waa intaas warkiisu Allaha u naxariistee ibnu Manthuurإبن منظور\.

 

Al Suhayliiالسهيلي\

 

Al Suhayliiالسهيلي\ wuxuu kitaabkiisa sharaxa Siirada ibnu Hishaam “Al Rawdu Al Unufالروض الأنف| ku yiri:

 

وقال السهيلي في الروض:

“إن هذه الخزرات يقذفها البحر وإنها حيوان من جوف البحر فإذا قذفها ماتت ولها بريق وحسن لون وتصلب صلابة الحجر فتتقب وتتخذ منها القلائد واسمها مشتق من ودعته بمعنى تركته لأن البحر ينضب عنها ويدعها فهي ودع مثل قبض وقبض فإذا قلت بالسكون فهي من باب ما سمى بالمصدر انتهى.

 

ما زدعك ربك وما قلى….

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

“Aleeshaan ama bacoolahaan waxaa soo tufta badda, waana xoolo ku nool uurka badda, markaasay markay badduu soo tufto (oo markay badduu buuxdo ayay xeebta badda keentaa, markay baddu noqotana oo ay caaridu ayay xeebta uga tagtaa oo dadku halkaas ka gurubsadaa) dhimataa, waxayna leedahay dhalaal iyo qurux, waxayna leedahay adaygga dhagaxa. Markaasaa inta la dalooliyo luqunxir laga dhigtaa. Magaceedacana waxaa laga soo gooyay erayga “wadactuhuودعته\ oo macnihiisu yahay “waa ka tagtay”, maxaa yeelay baddaa ka noqonaysa oo xeebta uga tegeysa: “waa laga tegay”.

Waaba uu Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ Suuratu Al Duxaa’سورة الضحى\ Aayadeeda saddexaad ku yiri:

 

}مَا وَدَّعَكَ رَبُّكَ وَمَا قَلَى (3){

 

Aaydda macneheeduna waxaa weeye:

 

“Ilaahay kaama tegin tan iyo goortuu ku doortay(3).”

 

Kitaabka “Taraajumu Aali Bayti Rasuuli Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Thakhaa’iri Al Cuqbaa Fii Manaaqibi Thawii Al Qurbaaتراجم آل بيت رسول الله صلى الله عليه وسلم ذخائر العقبى في مناقب ذوي القربى\

Waxaa allifay Al Imaam Al Xaafith Al Muxaddith Al Mu’arrikh Muxibbu Al Ddinii Abii Al Cabbaas Axmad bin Cabdu Allaahi bin Muxammad Al Dhabarii Al Makkii (615 – 694 Hijrii)الإمام الحافظ المحدث المؤرخ محب الدين أبي العباس أحمد بن عبد الله بن محمد الطبري المكي (615 – 694 هجري).

 

Warinta siduu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam labadooda Ilaahay u magan gelin jiray

ذكر ما جاء في تعويذ النبي صلى الله عليه وسلم إياهما

 

Wuxuu yiri:

“Abuu Sacdأبوسعد\ wuxuu ibnu Cabbaasإبن عباس\ – Allaha raalli ka noqdee – ka wariyay inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Al Xasanالحسن\ iyo Al Xusaynالحسين\ Ilaahay ku magan gelin jiray isagoo ku akhriya:

 

عن إبن عباس – رضي الله عنه – قال:

“كان النبي صلى الله عليه وسلم يعوذ الحسن والحسين:

 

“أعوذ بكلمات الله التامة من كل شيطان وهامة، ومن كل عين لامة”،

 

ويقول:

 

“هكذا كا يعوذ إبراهيم ابنيه إسماعيل وإسحاق عليهم السلام.”

 

خرجه أبوسعد في “شرف النبوة” وغيره.

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Waxaan Kalimaatka Ilaahay oo Taamka ah, uga magan galay shaydaan kasta iyo “Haammah هامة kasta, iyo il kasta oo waxay fiiriso dhibaato u sababta.”

Al Nawawiiالنووي\ Allaha u naxariistee wuxuu “Al Athkaarالأذكار\sharaxa Xadiithkaan ku yiri:

“Culummadu waxay yiraahdeen:

 

قال العلماء: الهامة بتشديد الميم: وهي كل ذات سم يقتل كالحية وغيرها، والجمع الهوام.”

 

“Al Haammatuالهامة\ waa noole kasta oo sun  wax dilaa leh, sida maska iyo ghayrkiisba. Waxaa kaloo “Hawwaam الهوام الهوام” la yiraahdaa xayawaan kasta oo dhulka xamaarta, xattaa hadduusan wax dilin, sida xasharaadka oo kale, sida ku xusan Xadiithka Kacb bin Cujrahكعب بن عجرة\ – Allaha raalli ka noqdee – oo uu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku yiri:

 

 

 

“أيؤذيك هوام رأسك؟”

 

Oo macnihiisu yahay:

“Ma ku dhibaysaa Hawwaamtaهوام\ madaxa kaaga jirta”

Injir ayaana madaxa uga jirtay.

“Caynin laamatiعين لامة\ wuxuu Al Nawawiiالنووي\ yiri:

 

“وأما العين اللامة بتشديد الميم: وهي التي تصيب من نظرت إليه بسوء.”

Oo macnihiisu yahay:

“Waa isha waxay fiiriso xuman ku ridda oo dhibaato u keenta.”

Al Nawawiiالنووي\ wuxuu “Sharxu Saxiixi Muslimشرح صحيح مسلم\ ku fasiray “Kalimaati Allaahi Al Taammatiكلمات الله التامة\ sidatan:

 

“التامات بالكلمات التي لا يدخل فيها نقص ولا عيب، وقيل النافعة الشافية.”

Oo macnihiisu yahay:

“Waa Kalimaat aan lahayn uusanna soo geleyn naaqusnimo iyo ceeb toona oo kaamil ah; waxaana la yiri “wax tarta waxna bogsiisa.”

 

Al Zarqaaniiالزرقاني\ wuxuu ku fasiray sharixiisa “Al Muwadh-dha’شرح موطأ مالك\ Kalimaatkkaas isagoo yiri:

 

“الأسماء الحسنى والصفات العلى وبالكتب المنزلة من عند الله.”

Oo macnihiisu yahay:

“Magacda Ilaahay oo Suusuuban iyo Sifaatka Ilaahay oo Sarreeya, iyo Kutubta xagga Ilaahay laga soo dejiyay.”

Waxaa kaloo wariyay ibnu Manthuurإبن منظور\ oo ku wariyay “Lisaanu Al Carabلسان العرب\”, iyo ibnu Casaakirإبن عساكر\ iyo ghayrkoodba.

 

Wuxuu yiri:

“Al Mukhlas Al Thahabii المخلص الذهبي wuxuu Cabdu Al Rraxmaan bin Cawf عبد الرحمن بن عوف Allaha raalli ka ahaadee ka wariyay inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

 

وعن عبد الرحمن بن عوف –  رضي الله عنه – قال:

“قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:

 

“يا عبد الرحمن! ألا أعلمك عوذة كان إبراهيم يعوذ بها ابنيه إسماعيل وإسحاق، وأنا أعوذ بها ابني الحسن والحسين: كفى بسمع الله واعيا لمن دعا، ولا مرمى وراء أمر الله يرام.”

 

خرجه المخلص الذهبي.

 

 

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Cabdu Al Rraxmaanow عبد الرحمن! Ma ku baraa xirziguu Ibraahiim إبراهيم Ilaahy uga magan gelin jiray labadiisa wiil ee Ismaaciil إسماعيل iyo Isxaaqإسحاق, aniguna aan xirzi uga dhigo labadayda wiil ee Al Xasan الحسن iyo Al Xusaynالحسين, oo maqalka Ilaahay ayaa ku filan qof ducaystay oo Ilaahy u yeeray, mana jiro wax la dalbado oo ka dambeeya in amarka Ilaahay la doono oo la dalbo oo Isaga magangelyo la waydiisto.”

Waxaa wariyay Al Mukhlas Al Thahabii المخلص الذهبي.

 

Wuxuu boogga laba boqol laba iyo soddon  ku yiri:

 

Warinta inay labada xirzi ee Al Xasan الحسن iyo Al Xusaynالحسين Calayhimaassalaamu ku jireen wax ka mid ah baalasha Jibriilجبريل\ Calayhissalaamu

 

Al Dawlaabiiالدولابي\ wuxuu Ummu Cuthmaanأم عثمان\ – ahayd addoon uuu Caliiعلي\ lahaa oo caruur u dhashay – inay tiri:

 

“كانت لآل الرسول صلى الله عليه وسلم وسادة يجلس عليها جبريل عليه السلام لا يجلس عليها غيره، فإذا عرج رفعت، وكان إذا عرج انتفض فسقط من زغب ريشه، فتقوم فاطمة فتتبعه، فتجعله في تمائم الحسن والحسين.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Qoyska Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam waxay lahaayeen barkin uu ku kor fariisto Jibriilجبريل\ Calayhissalaamu, uusan isaga ghayrkiisna ku dul fariisan jirin. Markuu ka kaco oo uu Samada kor u aadana barkinta meesha waa laga qaadaa. Markaasuu markuu Samada kor u aado, xoog ayuu u dhaqaaqaa markaasaa baalal ka dhacaan baalashiisa. Markaasay Faadhimah فاطمة daba gashaa oo baalashaas ka dhacay waxay gelisaa xirsiyada Al Xasan الحسن iyo Al Xusaynالحسين.”

Waxaa dhigay

 

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

SHEEKOOYIN