Hambalyada Laashimiinta ee Sanadguurada Mareegta Laashin

14188219_672159132938844_1958999889325877601_o

“Hambalyo,hamabalyo, hambalyo! Sanad guuradda labaad ee mareegta Laashin.com Howlwadeenada iyo hal-abuurka Qalinleeyda dhammaan bahada Laashin.com sanad guura wanaagsan halkiina ka sii wada dadaalkeena waan guuleeysan doonaaye Insha’Allaah!
Hambalyo mar labaad & Sanad guuro Labaad!
Shirib-maal

  • Toban walxaato laan ku taal
  • Toban kaleey u soo le’ daan!

Lixya labaatan laanbadood
Leyr ka bexeey u soo le’ daan
Lammaane been ka leexdanaa
Lillaahiyeey u soo le’ daan
Laqdaba ruuxi laasimmaa
Lur ow fishoow u soo le’daan
Labya dhiddig wax loodshanaa
Labeeb nimey u soo le’ daan
Luuqad kastee la saaro loox
Qofti leheey u soo le’ daan
Labeenu caano leyrsanoo
La lisayeey u soo le’ daan
Laashin qofkuu lib sheegtanaa
Loog ii xirow u soo le’ daan
Lebaya xarar laamankiis
Geeda labeey u soo le’ daan
Lillaahi iyo laan quraan
Liibaan janneey u soo le’ daan
Loox tuur iyo qoftaan Lug gooy
Lurya dhibeey usoo le daan
“Afmeer”
Laalaab war kuuma leexiyee
Muu liishay sida leeb gamuun?
Laba sanaad laleeysayee
Laba Hambalyo laashinoow!( Laashin.com)

 

W/C: Laashin Kaamil Xasan Cuute

Untitled copy 3

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale waxaa  isaguna Guurowgan usoo gudbiyey  Abwaan Laashin Ustaad Ibraahim Cali  Raage

Hambalyo hambalyo hambalyo waxaan dhammaan hambalyo leeyahay dhamaan Qoraayaasha, Hal abuurada, howl wadeenada iyo dhamMaan aqristayaasha qiimaha badan ee ku xiran Mareegta o  Laashin. com   waxaan aniguna ku dhiirigelinayaa kuna boggaadinayaa  Tixdan isugu jirta Shiribdhiiri gelinta Anne Waxaan ku daraa tixdaan yar Oo isugu jirta shirib iyo guurow

  • Hambalyaan u dirayaa intii ,Talada sii heysay
  • Illaahow hugaan kana Ka aal, waa hirgiliyeene
  • Hiddahana illaahow ka haay, Hoos u dhicidooda
  • Heeryadana illaahow ka qaad, Himada Soomaali
  • Hidahoodiyeey uga tageen, Howdka iyo duure
  • Howtul hamash sidiisoo kaley ,Deb ugu hoobteene
  • Ka habey illaahow midkii ,Mudanna sii haati
  • Hub qabiilka lagu leynayeey, Horumar moodeene
  • Haqq waala diidoo waxaa, Hagaya Sheydaane
  • Allow soo hag how shana u dhiib, Hubiye iimmaanle

Shirib Laashin Ibraahim.

 

Hambalyo hambalyo hambalyo mareegta laashin. Com

Tuban walxaade miim ku taal
Mareegtaa laga meersadaa

  • Muftaaxa diinya miim quraan
    Mareegtaa laga meersadaa
  • hadal macaanya maslaxaad
    Mareegtaa laga meersadaa
  • War maaxa mugdinaan leheyn
    Mareegtaa laga meersadaa
  • 4=maansuu de ee sidi mayaay
    Mareegtaa laga meersadaa
  • Mu allifiin taqaanna maad
    Mareegtaa laga meersadaa
  • Midnimo leysku Marxabeyn
    Mareegtaa laga meersadaa
  • Maqaamki qarankoo maqnaay
    Mareegtaa laga meersadaa
  • Mabda a laashin meel dhiciis
    Mareegtaa laga meersadaa
  • Maansooyinka mas uul galayr
    Mareegtaa laga meersadaa
  • Si loo mideeyo kala maan
  • Mareegtaa laga meersadaa

 

  • Afmeeer
  • Mareegta laashin waa macaan
    Muslimna waa u meel dhexaad

W/C : Laashin Ibraahin Cali Raage

13508846_557331231138515_451137825195198726_n

Hambalyo hambalyo hambalyo Bahda laashin howl wadeenadeeda, Hal abuuradeeda, Qoraayasha iyo dhammaan aqrista
yaasheeda waxaan leeyahay  Salaan kal gacal tooya leh iga gudooma Waxaan ugu tala galay tix yaro shirib ah

Toban walxaato BA ku taal
Bah laashinaa laga bartaa!
Bogasho wax bil kaa maqnaay
Bah laashinaa laga bartaa,
Baab gabay cilmi baahintii
Bah laashinaa laga bartaa!
Bulshada hadal beer lulaa
Bah laashinaa laga bartaa,
Buugya qalin ku baahintiis
Bah laashinaa laga bartaa,
Barbaar hadleeysa buuq la,aan
Bah laashinaa laga bartaa,
Biseyl garaad barbaarintiis
Bah laashinaa laga bartaa,
Baaq nabadeed warbaahintii
Bah laashinaa laga bartaa,
Beeleeysi ka baqoolidii
Bah laashinaa laga bartaa;
Ballan barwaaqo gaarideed
Bah laashinaa laga bartaa.
Soo booqo naftu hoow begtee
Bah laashinaa laga bartaa:
“Nikax”
Beertu laba saneey baxdee
Baaqeeygu waa salaan barbaar!

 

W/C Maxamed Macalin Cabdiraxmaan

12806243_784355218363060_436533545019865238_n

Maanta oo taariikhdu ay ahayd 01-Sep.2016 waxaa laba sano jirsaday Mareegta caanka ah ee lagu magacaabo Laashin.com .
Laashin ayaa bulshada soomaaliyeed u sahashay inay aragtidooda kusoo gudbiyaan si ssugaanaysan iyo si qormaysanba, taasoo dhalisay in soomaali badan oo haddana dhalinyaro usii badan ay ra’yigooda kusoo gudbiyaan mareegtaan.
Mahad aad u qiima sarreysa ayaan usoo jeedinayaa aas aasayaashi Lashin.com oo inta aan garanayo ay kamid yihiin Cabdiraxiim H. Galayr, Ahmed Hayow, iyo Bashiir M. Xersi.
Aniga iyo Laashin.com
Anigu waxaan ka mid ahaa bulshada soomaaliyeed ee aragtidooda kusoo gudbiya degalka laashin, aragtiyadaas oo suugaan iyo qormooyin arrimaha bulshada ah ba isugu jiray, waxaana ugu dambeeyay Qormo saddex qaybood ka koobnayd oo magaceedu ahaa ”GEELA & GEESKA AFRIKA” dhaammaan saddexda qayboodba waxaa la daabacay bishii shanaad ee sannadkaan gudeheeda, hoos ayaad ka aqrisan kartaa qaybaha qormadaas:-
Geela iyo Geeska Afrika Qaybtii 1aad >>https://laashin.com/?p=3970#
Geela iyo Geeska Afrika Qaybtii 2aad >>https://laashin.com/?p=4018#
Geela iyo Geeska Afrika Qaybtii 3aad >>https://laashin.com/… .
Jaha wareerinta iyo Ku Jowrfalka Jiilka Soomaaliyeed, ayana waxay ahayd qormo kale oo ka hadlaysay arrimaha dhallinta soomaaliyeed, wax aan qoray 12 April ee sannadkaan >https://laashin.com/?p=3826
MAANSOOYINKA LAASHIN EE AAN ANIGU CURIYAY.
SUUBBAN: Waxay ahayd maanso aan ka curiyay Gabar soomaaliyeed oo aan gaari ”BL” wada raacnay laakiin wax aqoon ah aanan isku lahayn. Rabtaan ka aqriso >https://laashin.com/?p=2405 .
SAMAWADA: Waxay ahayd ayana maanso kale oo aan tirshay maalintii koobaad ee sannadkaan 2016, ayana halkaan ka sii aqriyo >https://laashin.com/?p=2868# .
Hambalyo mar kale dhammaan bahda Laashin.com sannad guurada labaad ee barta aannu ku midownay darteed.

W/Q: Bashiir Cali Bare

SHEEKOOYIN