XASIL OO ILA GARO. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

isla diyaarada

XASIL OO ILA GARO.

 

                                                     HADIYADDA IYO WAQTIGA.

Hadiyadda ugu qaalisan ee ay isi siin karaan labada nolosha wadaagta waa waqtiga iyo jacaylka, ma jirto hadaiyad ka qaalisan labadaas balse, dadka qaar ayaa u yaqaana hadiyadda Lacag ama wax kale oo ay lacagtu keento, qiimaha wada jirka ma fahamsana ayaa la oran karaa dadkaas, maxaa yeelay, wax kasta oo lacag ay keento ama ay sal ku leedahay waa wax aanan waarin oo meel dheer aanan gaarin, waa marka laga hadlayo lamaananimada Nolosha.

Mmusa

                                                               IS XADAYNTA.

Ka fakarka aad ka fakarto in aad Xad samaysato waa mid kaa hor istaagaya in aad ku fakarto wax walba oo macquul ah oo aad meel ku gaari karto, way wanaagsantahay qofka in uu xad samaysto balse, waa in xadkaas uu samaysanayo uusan noqon mid ka hor istaagi kara in uu horay u socdo oo wax badan oo noloshiisa ah uu sii ogaado, sidaa darteed, waa in aad joojisaa ka fakarka is xadaynta naftaada oo aad billowdaa ka fakarka waxa aad u suura galin karto naftaada.

Mmusa

WAQTIGA IYO FOGAANTA.

Waxa ay dadka dhab ahaan u daneenayaan ma hilmaamaan waqtina uma waayaan sidii ay ku hanan lahaayeen, haddaad aragto qof aad dan ka lahayd ama ay dan kaala dhaxaysay oo hilmaamaya waa in aad ogaataa in aadan qofkaas muhiim u ahayn waxa aad ka doonayso, ama waxa idinka dhaxeeya aysan muhiim u ahayn fulintooda iyo raadintoodaba.

Waxaa taas sii dheer waxa la doonayo haddii ay yihiin wax waqti badan in la sugo ay qaadanayso, meesha laga sugayana ay tahay meel fog, waa hubaal in sugitaankooda aan loo arkayn mid waqti dheer qaadanayaa haddiiba waxaa ay yihiin wax muhiim u ah qofka sugaya ama doonaya.

Sidaa darteed, waqtiga iyo xawaaraha ama fogaanta shayga qaaliga ku ah qofka ma ahan mid ka hor istaaagaya in uu dulqaad u yeesho sugashadooda ama gaaritaankooda marka uu si dhab ah u daneenayo.

Mmusa

 

                                                    SHEEGO DHIBKAAGA.

Qof kasta oo kugu sameeya wax aad dhibsato ma ahan in aad ka aamusto ee waa in aad u sheegtaa, haddii ay yihiin waxaas wax ku dhaawacayna waa in aad u bandhigtaa, qasab ma ahan in uu naxariis kuu muujiyaa maxaa yeelay, waajibka ku saaran ayaa ah in qofkaas uu ogaadaa in uu dambi kaa galay sida uu doono ha u arko isaga, balse waajibkaaga wuxuu yahay dareensiinta dhibka uu gaystay iyo sida aad u dareentay adiga oo aan ka dalbayn ama ka filayn raali galin.

Sababta aan sidaa u leeyahay ayaa waxay tahay, dunida ma wanaagsana in laga tago iyada oo ay kuu qarsoontahay Sirta ah, in qof ku dhibay adiga oo u sheegin ama isaga oo ogayn aad dunida ka hayaanto, sidaa darteed, waqti walba kasoo qaad in uu yahay kii kuugu dambeeyay noloshaada oo fursaddaada ay yartahay, hadaba, marnaba ha ilaabin in aad u sheegto qof walba oo wax kuu gaysta wanaag iyo xumaanba, maxaa yeelay ma ogaan kartid waqtiga aad ka hayaamayso dunidan.

Mmusa

 

DADKA QAAR.

Dadka qaar barashadooda waa mid la mahdiyo oo waxay noloshaada kusoo kordhiyaan farxad ama dareemidda wanaag gaar ah oo aad dareento, halka kuwa kalana barashadooda ayba Balaayo la socoto oo maalinta aad barato ay tahay maalinta ay kuu bilaabatay balaayo oo dhan, ha ahaato dhibaato qalbi iyo muran iyo dibindaabo amaba is daba marin, hadaba waxaa wanaagsan in dadka noloshaada u leh anfacada ay kusii nagaadaan, kuwa muqarribiinta ahna ay ka baxaan noloshaada.

Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN