Quraafaadka Faaliyaha Q2AAD W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)

 

pizap.com14732612463621

Quraafaadka Faaliyaha  Q2AAD

Wadahi isaga oo aan wax ka beddlin sidi degdega ahayd oo uu gaariga u waday ayuu dhanka koofureed ka soo galay magaalada Gaalkacyo halka laga raaco gawaarida u kala gooshto masgaalooyinka ka fog iyo kuwa u dhowba magaalada ,waxaa kale oo boosteejada ku yaal maqaayado laga shaaho lagana cunteeyo isla markaasna ay ku nastaan dadka safarka ah ,waqtiga wuxuu ahaa fiid hore waxaana maqaayadaha fadhiyay dad aad u badan sidaa darteed wadihi wuxuu gaabiyay gaariga socodkiisa si uu uga fogaado dhibaato kaga timaado,dadka is hor iyo dib maraya iyo kuwa   xoonsan meelaha wadada magaalada.

Magaalada waa la soo galay socod aad u dheer kaddib ,darawalki ma joojin socodkiisi in uu gaabiya wadida gaariga maahine, wuxuuna marki u horreysay joogsaday bartamaha magaalada, Rugta Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed horteeda.

Waxayna habeenkaa darawalka Axmed iyo Sahra u ahayd marki ugu horreysay oo ay yimaadaan magaalada Gaalkacyo, markay joogsadeen kaddib, Darawalki oo doonayo in uu u yeero mid ka mid ah dad hortaagnaa derbi gaaban oo ku dherersan xarunta Ciidadmada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ee magaalada Galkacyo horteeda ayaa Axmed oo Maqane jooga ah, tan iyo intii ay soo qaadeen Maryan, kuna maqnaa ka ducaysiga illaaheey in uu ummadda Soomaaliyeed ka qaaddo muragada dhibaatooyinka ay sababtey abaartii Dabadheer loogu magacdaray ku yiri “War u yeer sarkaalkaa labisan dareeska milateriga”.

Waddihii marki uu arkay sarkaalka Axmed u tilmaamay ayuu gaariga u qabtay shakaalka gacanta una soo degay dhulka wuxuuna u yeeray sarkaalki oo ku sii socdo gaari UU AAS ah( nooc ka mid ah gaadiidkii ciidanka) kuna baarkin garaysnaa meel ku aadan gaarigi ay wateen hortiisa, dhanka bidix ee waddada.,sarkaalkiina waa maqlay codkaas u yeeray kuna leh “dhame,dhame“wuxuuna u soo jeestay halki laga wacay isaga oo leh “kuma ayaa ii yeeray” Darawalki ayaa ku yiri “walaal waxaad noo sheegtaa dhaqtarka(Isbitaalka)magaalada xaggee ku yaalaa “

dhammihi oo aan ku daahin jawaabta ayaa ku yiri “dhaqtarka wuxuu ku yaalaa xoogaa yar marki aad horay ugu socotaan waddadan ,waxaana dhanka bidix kaa qabanayo jardiino ay ku yaaliin geedo waaweeyn ,dhinaceeda bidixna waxaa ku yaalo dhaqtarka ugu weyn magaalada Gaalkacyo, iridkiisana wuxuu ku jeedaa dhanka qorax ka soo baxa haddii aad ku wareertaana waxaa idin shaki bixinayo oo waqooyi ka xigo dhaqtar weyn oo khaasa u ah daaweynta cudurka qaaxada”

Darawalki ayaa ku yiri waa mahadsantahay walaal una dhaqaaqay dhanka albaabka gaarikiisa laakin sarkaalki ayaa ku soo celiyay su’aal inta uunan dhaqaaqin,wuxuuna ku yiri “maxaa idin helay oo aad dhaqtarka ii weydiiseen”.Darawalki ayaa si deganaan ku jirto u yiri “waxaan meel wadada Gaalkacyo soo gasho dhinaceeda ah ka soo qaadnay gabar yar oo aad u tabaaleysan meel ay ka timidna aanan garanayn ,waana taa AXmed iyo Sahro la saaran gaariga shirkiisa”

Isla markiiba sarkaalki ayaa yiri, i soo daba kaca aniga ayaa idin geynayo dhaqtarka wuxuuna aaday gaarigiisa oo uu durbadiiba u dhaqaajiyay hortooda oo dhaqtarka magaalada ku aadanaa si aan waqtiga kale uga dhumin dadkan gacanta weyn ka geystay daryeelka ummadda Soomaaliyeed,darawalkiina waa daba galay isaga oo Sahro iyo Axmed ku leh “Bal ka warama dadka oo dhan haddii ay sidaa u wanaagsanaan lahaayeen”.

Axmed ayaa darawalki ku yiri lagama yaabo dadka in ay sidaa u wada wanaagsanaadaan, meel walbana waxaad ugu tageysaa dad kala dabeecad duwan oo leh mid san iyo mid xun ,waana ilaaheey mahadiisa in uu annaga nagu soo hormaro ruux wanaagsan sidi sarkaalkan noo wado dhaqtarka, Sahro oo iyada la dhacday hadalka Axmad ayaa tiri “Tolow maxaan kala kulmi doonaa dadka magaaladan sammaan iyo xummaan” waxaana si diiran oo ixtiraam ku jiro ugu jawaabay Axmed oo ku yiri “Sahro dadka ma wada sina ee illaaheey dadka ha nooga dhigo kuwi aan wanaag badan kala kulano ,annagana ilaaheey ha naga yeelo kuwi howshooda si fiican u guto”

Darawalki oo ilaashanayay gaarigii Sarkaalka uu daba joogay ayaa yiri “Axmad ducadaada alla ha noo aqbalo” wuxuuna joojiyay gaariga, keddib marki uu joogsaday sarkaalki horkacayay oo isaga markiiba ka soo degay gaarigiisa una dhaqaaqay xagga albaabka

Isbitaalka,saacadda waxaay ahayd sideedi iyo barki fiidnimo ,in yar kaddibna sarkaalki wuxuu si degdeg ah garaacid kula dhaqaaqay albaabka weyn ee isbitaalka laga soo galo oo xirnaa waana waayay cid u jawaabto ee ka furto albaabka,Darawalki iyo Axmed iyagana waxaay dhulka u soo dejiyeen gabadhi tabaalaysnayd ,waxayna iyaga oo gabadhi xanbaarsan albaabka ugu geeyeen sarkaalki oo aan weli hayn ruux u jawaaba, wejigiisana ay ka muuqato caro uu ka carooday shaqaalaha ka hurday howshooda.

Sarkaalki wuxuu mar kale si xoog badan oo cod dheer wehliyo u garaacay albaabka,weli lama haayo cid u jawaabto, laakin nasiib wanaag inti ay garaacayeen ayaa waxaa soo gaaray gabar kalkaaliyad ka ahayd dhaqtarka, oo furihi gurigeeda ku hilmaantay dhaqtarka, caawa marki uu u dhamMaaday waqtiga shaqadeeda, bixitaankeedina ku degdegsanayd in ay u soo tacsiyeyso hooyo Dalsan oo Adeegto ka ahayd dhaqtarka, dadka bukaankaa iyo shaqaalahana aad u jeclaayeen oo shalay galabnimadi uu walaalkeed ka mid ahaa dad ku dhintay gaari ku qalibmay wadada u dhexeyso buuloburte iyto Beledweyne .

Sahro iyadana waa soo degtay waxaayna la kulantay kalkaaliyadi oo jamaacadeedi ku leh “walaalayaal sow nabad maaha”.waxaana u jawaabay Sahro oo ku tiri “waa nabad, ee abaay war ma u haysaa xageey jiraan shaqaalihi dhaqtarka”,kalkaaliyadi ayaa tiri “maxaa idin helay oo waqtigan idin fadhiisiyay albaabka isbitaalka “

Darawalki oo aad ula yaaban qaab xumada albaabka ku haleeshay ayaa yiri”Walaal waxaa wadnaa gabartan yar oo aan ka so qaadnay wadada magaalada ka xigta koofur iyada oo la taag-daran macluul ilaa haddana ma aragno cid aan la hadalno ee adiga maxaad ahayd oo dhaqtarka ku keenay waqtigan”

Kalkaaliyadi: “Adeer aniga waxaan ka mid ahay shaqaalaha isbitaalka waxaana ahay kalkaaliyad ee gabarta mee”Axmed : “Abaayo gabarti waa taa derbiga ku santeecsan”

Kaalkaaliyadi waxaay gacanteeda saartay Maryam wadnaheeda oo ay ka soo horeeyeen feerahaeeda oo gacanta lagu tirinkaro ,taasoo aad uga nixisay iyada oo leh maxaa helay caawa shaqaalihi, maxaadse si wacan ugu garaaciweyseen albaabka ,Axmed ayaana ku yiri maxaan garaacna waaba ku daalnay garaacid iyo qaylo dheer,kaalkaaliyadi ayaa si edeb ku jirto ugu jawaabtay iyada oo haddana astureyso khaladka habeenkaa ka dhacay shaqaalaha isbitaalka kuwoodi shaqada lahaa waxaayna ku tiri walaalayaal wixi dhacayba aniga ayaa hadda idin la joogo.

Sahro : “waa khayr haddii la helay ruux waajibkiisa iyo dheeraad gudanayo ee aan waqtiga ka faa’iideysano “. Sahro waa soo gaabisay hadalki waxayna doontay sarkaalki oo ku maqnaa garaacida dariishadaha danbe ee dhaqtarka,kalkaaliyadina waxaay ku dhaqaaqday garaacida albaabka isbitaalka oo ay hore ugu daaleen Kooxdi Maryan keentay,Axmed iyo Shufeerkina yaab bay la aamusnaayeen ,waxaana in yar keddib ku soo noqday Sahro iyo sarkaalki oo isaga aad ugu xun fadiixada ay caawa kala kulmeen isbitaalka .

Saarkiilki ayaa waxaa aqoonsaday kalkaaliyadi kuna yiri ” Caasha ma adiga ayaa caawa shaqada lahaa? “

Kalkaaliyadi : “Maya ,anniga shaqada ma lahayn Dhamme Cusmaan”.

Sarkaalki: “shan iyo toban daqiiqo ayaan taagneyn halkan ee adiga ma haysaa furihi albaabkan hore ee isbitaalka?”.

Caasho: “Maya oo haddii aan haayo yaaba intaan isla soo gaari lahaa laakin anniga ayaa keenayo oo waxaan ku laabanayaa gurrigi aan haddeer ka imid oo ah gurriga Adeegto Dalsan ,iyadaana hayso furo labaad “.

Sarkaalki: “waayahay ee soo dhaqso abaay”.

Caasho way dhaqaajisay ,Dhame Cusmaan isagana wuxuu doonay Dr Cali wuxuuna qoladi gabadha keentay ku yiri, “idinkana halkan innagu suga”.

In yar marki ay sii maqnaayeen caasha oo doontay furihi labaad ee isbitaalka ee Dhamme Cusmaan uu Dr Cali ka raadiyay gurigiisa ayaa meel ku aadan jiirada isbitaalka waxaa ka soo baxay wiil dhalinyar ee iska laafyoonaya, wuxuuna soo abbaaray albaabka hore ee isbitaalka , marki uu soo gaarayna jeebka ayuu kala soo baxay furo ay dabadiisa ka laadlaado silsilad dheer oo ah macdan kaddibna furid ayuu ugu dhaqaaqay albaabka isaga oo aan weydiin qoladan iridka fadhida maxaay doonayaan! xitaa aan isku dayin inuu  salaamo. Sahro,Axmed iyo Shufeerki oo aad u yaaban,hadalna uunan afkooda ka soo bixin ayaa waxaay soo istaagtay Caasho oo furihi labaad ka soo heshay guriga hooyo Dalsan waxayna indhaheeda ku dhaceen Faarax oo albaabka furayo .isagana uu shaqada iska lahaa habeenkaa waxayna ku tiri: “Faarax caawa oo idil xageed ku jirtay?”

Faarax : “Caasha goormeed gaartay darajada aad ku kormeereysid isbitaalka’.

Caasha: “Faarax iska daa hadalka aan loo fiirsan,soomaalidana waxaay tiraa”Hadal aan fiirsi loo dhihin iyo caano aan fiiqsi loo dhaminba way kula fogaadaan” ogowna waxaa naga dhexeeyo waa shaqo oo keliya”.

Caasho iyada oo aan doonayn in uu sii dhee-dheeraado hadalka ayey Waxaay qoladi gabadha keentay ku tiri “soo qaada gabadha qolkaa u shisheeyana geeya” waxaayna aaday qolki ay u tilmaantay si ay u hagaajiso haddii uunan goglanayn iyagana way daba galeen oo qolki ayey ugu geeyeen Maryan, waxaana la seexshay sariirti ay ugu talagashay Caasho.

Caasho waxaay bilowday in ay ka bedesho Maryan dharki ay xirnayd una geliso   dhar cadcad ee bukaanka isbitaalka loogu talagalay,howshaas marki ay ka soo jeesatayna waxaay Faarax oo isaga soo galay qolka ku tiri “walaal xaggeen howl ka bilownaa”

Faarax: “sow ma habboono in aan Dr Cali u yeerno”

Caasha : “Dr Cali waxaa raadshay Dhamme cusmaan oo isaga qoladan keenay isbitaalka”.

Inti ay hadalka is dhaafsanayeen Caasho iyo Faarax ayaa waxaa yimid Dr Cali iyo Dhamme Cusmaan ,waxaayna soo galeen qolki la geeyay Maryan.Dr Cali oo aad uga carysan khaladki ka dhacay waardiyihi isbitaalka oo aan weli la hayn iyo Faarax oo isaga shaqada lahaa ayaa yiri “Faarax yaad ugu tagtay shaqadaada walaal”.

Inti uunan Faarax ka jawaabin su’aashaas ayaa dhame Cusmaan yiri “waa mid iga yaabisay waardiyihi isbitalka iyo ninki shaqada iska lahaa oo caawa yeey uga tageen bukaanka jiifa isbitaalka?”.

Dr Cali oo hadalka Dhame Cusman kululeeyay ayaa yiri “gadaal danbe ayaan xisaabtamui doonaa, idinkana waad ku mahadsantihiin dadaalkiina iyo sida wacan oo aad yeesheen”.

Salaan is wareysi keddib Dr Cali wuxuu dhex galay howshiisa iyo in uu baaro xaalada guud ee Maryan oo aan ahayn jiro balso ahayd macluul ku raagtay wuxuuna Faarax ku yiri “ku sur Faleebo” isla markasna wuxuu u qoray daawo iyo sidi loo siin lahaa.

Faarax: “Waayahay Dr Cali ,filibadana waan ku xiraa daawadana sidaad u tiri ayaan u siinaynaa”.

Caasho : “Walaal Faarax fursad ii sii inta aadan filibada ku xirin Maryan waxaan ugu soo qubaynayaa Biiya diiran”.

Faarax: “Waayahay walaal ”.

Dr Cali : “Caasho waa loo bogay kaalinta wacan oo aad ka qaadaneyso howsha isbitaalka kaaga aadan”.
Caasha gabadhi waa u soo qubeysay, Faarxana wuxuu korka Maryan ku duray faleebo, Dr Cali iyo dhame Cusmaan iyagana inti lagu guda jiray dadaalka Maryan waxay ku guuleysteen in ay isla meel dhigaan hoygi ay caawa ku marti gelin lahaayeen Darwalki,Sahro iyo Axmed.

W/Q:  Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)

SHEEKOOYIN