XASIL OO ILA GARO. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

isla diyaarada

XASIL OO ILA GARO.

 

                                                            ERAYADA QAAR

Erayda qaar ee kasoo baxa Afka dadka ku hareeraysan noloshaada ayaa mararka qaar cajiib ah sida ay saamaynta balaaran ugu yeeshaan noloshaada, qaar ayaa kugu kordhiya khibrad aad mahdiso oo noloshaada oo dhan dhanka wanaagsan u baddasha, qaarna waxaad ka qaadda erayada ay dhegtaada ku dhibciyeen shallayto iyo walbahaar nafsaani ah, waxaana laga yaabaa in ay noloshaada oo dhan dhinacyo aan wacnayn u gaddiyaan, hadaba nafteena ha la harsato mar walba kuwa dareensiin kara waxa ay u baahantahay ama tabanayso oo wanaag ah.

 

   SAAXIIBKAA TIJAABI

Wax walba waa tijaabo, dadka kula saaxiibka ah waa u tijaabo naftaada, inta badan ee aad si fiican u aqriso qalbiyadooda iyo dhaqankooda waa inta badan ee aad wax kororosato, maxaa yeelay, waxaad ogaanaysaa midka ku anfici kara ee wax kugu soo kordhin kara iyo kana an macna badan u lahayn naftaada.

Saaxiib sidiisaba waa in uu noqdaa mid wax kugu kordhiya, ma ahan saaxiibka midka aad sheeko wadaagta kaliya tihiin ama aad isla ciyaartaan xilliyada ciyaarta ay jirto iyo cawaysyada kale, saaxiibku waa in uu naftaada u yeeshaa manfaco gaar ah, taas oo naftaada wax muhiim ah kusoo kordhin karta.

Qoyska lama dooran karo oo ma dooran kartid cidda qoyskaaga noqonaysa, balse saaxiibka waa mid aad adiga xaq u leedahay in aad doorato, qoyska oo kugu xumaado waxba kama qaban kartid, balse saaxiib xun in uu noloshaada kusii jiro waa doqonnimadaada, sidaa darteed, tijaabi saaxiibkaaga inta aad u aqoonsan in uu saaxiib kuu noqdo.

                         IN LA ISI SAAMAXO WAA DHICI KARTAA

In la isi saamaxo waa dhici kartaa waana wax fudud ayaa la oran karaa marka uu khalad idin kala gaaro dadka aad ehel wadaagta tihiin amaba aad nolol wadaagta tihiin, balse waxaa war ka taaganyahay sida is aaminaaddu ay kusoo laaban karto.

Qofku wuu u cafin karaa qof dambi ka galay sida uu doonaba ha ku cafiyo, balse is aaminaadda haddii mar ay jabta waa ka adagtahay is cafinta oo lama soo celin karo, sidaa darteed waa fududdahay in la is cafiyo, balse in dib la isku aamino ayaa shaqo u baahan.

 

AQOONTA WAA HUB

Waxay dhaheen aqoonta waa hubka ugu awoodda badan ee dunida aad ku baddali karto, balse taas waxaan is leeyahay haddi dadkeeda aan la helin wax ka jiro ma lahan oraahdaas, qofka iyo aqoonta waa in ay is yeeshaan oo isku meel u jihaysan yihiin, balse, haddii ay kala jihaysan yihiin wax ay dhaamayaan ma jirto kan jaahilka ah ee aan waxba baran, tusaala gaaban maanta Dadka soomaaliya hor boodo waxay wada sheegtaan Aqoon iyo Mansab aqooneed, balse sida ay u dhaqmayaan marka aad eegto ma ahan kuwa is baddal wayn keeni kara ama ku samayn kara goobta ay uga nool yihiin Dunida.

Sababta ay sidaas ku dhacdayna waxay tahay aqoonta ay sheeganayaan ayeysa ehel u ahayn, oo waxaa ka buuxo calooshooda Qurun aan u ogolaan Karin in aqoonta ay leeyihiin ku dhex shaqayso.

Aqoonta sideedaba waa Nadaafad oo mar walba Ceeb ma lahan, waxa ceebta leh ayaa ah dhaqanka qofka u nasab sheeganayo, sidaa darteed, oraahada ah in aqoonta ay tahay hubka wax lagu baddali karo waxaan ku dari lahaa oo u dhigi lahaa sidan “ Aqoonta iyo Dhaqanka qofka oo wanaagsanaado ayaa waxay noqdaan hubka lagu baddali karo wax walba”

 

                                                           DUMARKA IYO RAGA

Dumarku waa noocya badan yihiin, way kala daran yihiin wayna kala duwan yihiin, mid waa Doog iyo Xareed oo qalbigaa ku diirsado muuqeeda iyo maqalka codkeedaba, midna waa Dab oo xitaa dambaskeeda ayaad ka carartaa buuqeeda iyo qaabka ay u dhaqmayso, midda kore ee qalbiga ku diirsado ayaa mudan in wax walba la dul dhigo dusheeda.

Ninka Raga ah ee wax garadka ah waa midka garta marwadiisa iyada oo aan la hadlin waxa ay ka mudantahay, balse midka qaylada iyo dagaalka wax looga qaado ma mudna marwada kore ee aan tilmaamay ee waxaa ku haboon tan dambe ee dabka ah.

Dumarka waa raaxada Dunida, waa Quruxda dunida, sida quruxda iyo raaxada loo samaysto ayaa ayagana maadaama ayba Raaxa yihiin looga samaysan karaa qurux iyo raaxaba, ninka fahmi karo sirtaasna waa ninka fahmi kara aamusnaatooda waxa ku jira.

 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN