Ilmaddu Waa ii Wehel! W/Q:Cabdi Salaan Mahdi Cirro

unnamed

Ilmaddu Waa Ii Wehel!

Iskuulka ayuu u soo jari-jiray ceeshkana waa uu ka carrari jiray kolkuu dhawaaqooda maqlo .Anigu dareen yara daciifa ayaan ku odhan jiray iska jir haddaad iskuulka aadi weydo cuntanna aad cuni weydo, Aabbihiina raadinta quutal yoomka ayuu u kallihi jiray fiidkina usoo hoyan jiray waad iska garan waa ruux daalan un.

Anigu Hooyo ayaan ahay oo Aabbo daalan iyo Wiil yaro dhallinyarnimo qaadday isku sheegi kari maayo se xaaladdaan ku jirno iyo isagu iskuma war hayaan.Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu maqlay cod lagu aqoonsan jiray Xisbigaa abbaaro 8 subaxnimo weeye intuu kacay ayuu Jikadda igusoo dhaafay Quraac iska daaye Hooyo sidee tahay iilma istaagin waa curadkaygi oo madi ah, faataxan raaciyaa, Aqalka hortiisa anoo biyo ku seeydhaya waa isla maalintiiye ayaan arkay Gaadhi Seerafa oo xaafadda ku soo leexanaya mise Wiilkaygiyo dakhran baa la sidaa, waad dareemi karta hooyo naxday waxa ka suuroobi kara dagaal iyo ilin midna ku ciil bixi waa, intaa cannaanta Aabbihi baa ii dheer.

Goor ay tahay casarkii ayaan dirin yar u dhigay hadh xigeenka daashka garaafo caanno ahna soo ag dhigay,jabaq yari ma jirto labaddayaduba aamusnaan ayaanu isku eegeyna cabbaar kaddib anoo madaxa ruxayaan is wareesanay.

Hooyadii : Yaa kugu dhuftay nabarkan ?

wiilkii : Waxaanu marayeni xaafaddaaso ciyaalkii dagnaa ayaa nasoo shiiday ?

Hooyadii : Oo maxay kugu ishaarteen ?

Wiilkii : Ee hooyo wax iska cuqdadeesan ayeey iska ahaayen

Hooyo : Wagar war cajuuskan aad maalin walba uu xiiqayso muxu ku siinaya waa yaabe miyu ku fashay ?

Wiilkii : Ee hooyo fal meesha ma yaale ficilba yaala, haddaan isaga u codeyn yaan siin laha codka. ?!

Ayaanta wiilkaygu nabarka ku dhacay muu dareensaneen xitaa isma weydiin maxay kuu soo booqan waayen kuwii aad u xiiqday. ! ? waan dareensana inay ka dhiganayaan sallaan iyo jaranjaro ay ku koraan kursiga, inbaddan ayaan u caqli celiyey balse waxba waa iga igama maqal, hadalkaygiina kuma duxin maankiisa, oo xagga Alle ayeey ka qorneyd.

Waa subax Laabina/Axada waa maalintii doorashadee igaarkaygu guriga waxa uu ka jarmaaday 4tii aroornimo anigu waan hurday oo sanqadhiisa ayaan ku kacay intaan bannaanka usoo baxay ayaan arkay Aabbihi oo la socda afkaygoo su`aali kasoo bixin ayeey igu yidhaahden waanu soo coddeeynayna, waan yara nafisay jeertan arkay Aabbihii ooo wehlinaya laakiin waxan xaqiiqsanahay maanta dhibkan i haystaa inuu ahaa codkaa maalinta.

Filashadiisi iyo riyadiiso noqotay siduu rabay ayuu inankaygu maalmo u damaashadayey, runtii waxa uu ahaa fariid habeeenkii loo shaaciyay guushoodi caways cajiiba ayuu ilaa qatay ilaa maanta ma ilaawo waxa uu igu yidhi ( Hooyo ma xasuusata maalintan ku idhi wixii lays gashto ayaa laysku leeyahay anigu maanta waajibaadkaygi waan kasoo baxay kaliyata hadda waxan sugaya inan helo ballan qaadki ay noo sameeyen ) Ilaahay godka ha u nuuriye waxa uu ahaa nin ballanta iyo axdiga yaqaan se kuwii uu la galay ayaan noqon sidii uuna ka fileen.

Xanuun baa ku dhacay waxa uu noqday nin firfircoonidii lagu yaqaanay aan lahayn waxa uu arkay wixii uu doonayey oo la siinayo nin dibadda ka yimi oo aan usoo dhibtoon guusha ay gaadheen runtii xanuunkaasi niyadda ayuu ka asiibay, Guriga kamuu bixi jirin waxa uu ahaa ruux ciishooday cududdisina wiiqantay. dabyaaqaddi sanadkii 2014 ayaa waa cusub noo baryay mudo 20 cisho ku dhaw ayaanu baadi-doon ahayn, oo meel walba ka raadinay nasiib wanaag waxa uu markii danbe nagala soo hadlay liibiya kolkaan codkiisa maqlaan qaboobay se xaaladdisan ka naxay, qayladda ka baxaysi afkiisa waxay ka baajisay inuu i yidhaahdo Hooyo iska waran waxa kaliyaa uu karayi waxay ahayd isoo dira lacag.

Markuu taleefankii dhigay ayaan u carraray xaggaa iyo Aabbihii anigoon is ogeyn ilmaduna i rusheesay ayaan ag fadhiistay Aabbihii waanu i dareemay inay wax jiran miyaa la helay? ayuu i su`aalay,dibnahaygoo gariiraya ayaan idhi: “ Haa” laakin waxa jirta dhawr kun oo laga rabo ayaan u raaciyay.

Daaraddaan ku jirnay ayaanu xaraashnay oo waa dani keento khasab ayeey nagu noqotay   Afar caannamaal kaddibna lacagtaanu dirnay tii doontana waanu raacinay oo waanu soo amaahannay, dharaararuhu kala mudane habeenki u danbaysay uu hooyo i yaadhahdo ayeey aheyd markuu ii sheegay inuu baxayo cawaa saqda-dhaxe anigu maan filanen marnaba in la waayayo geeri iyo nolol mid baan Ducadda ku adkeyn ilaa maalintaa ilaa Maantaa Ilmadda ii wahela!

Qoraa Abdi Salaan Mahdi Cirro

SHEEKOOYIN