GURMADKA BADDEENU GALABTA MA CURAN(Maansadii Gurmad)

bada

GURMADKA BADDEENU GALABTA MA CURAN.
Waxaan qoraal dheer iyo Maanso ka qorey arrinta maanta Maxkamadda taagan 2011 ka dib heshiiskii la galay 06.09.2011 halka laga joogo maanta 5 Sannadood oo buuxda maalintaan Maansadan Curiyey Gurmad 19.09.2011.Maansadan Gurmad waxay ka mid tahay qaylodhaanka shacabka Soomaaliyeed, Aqoonyahanada,waxgaradka, Culumada iyo suxufiyiinta soomaaliyeed ay ka muujiyeen gadood iyo diidmo qayaxan arrinka xeerka xaddaynta badda soomaaliya.Waxay bulshada Soomaaliyeed u arkeen, xadgudub,heshiisey dhawaan, 06.09.2011 Dowladda ku meelgaadhka ahi ku saxeexday dalka Kenya. Heshiis loogu yeedhay IS AFGARAD.Anigoo Kaalintii aan ku lahaa ka qaadanaya ayaan curiyay maanta oo ay Taariikhdu tahay 19/09/2011 Maansada GURMAD.

 

1. Inaan gaafo maansoo
2. Geeraar cugtaayoo
3. Gabay sare u sheegaa
4. Suugaan godkeediyo
5. Gedaheeda tiriyaa
6. Maanta igu gar weeyan
7. Cadho igu galaysnayd
8. Galiilyo iyo ciilbaa
9. La godnaa in badanoo
10. Ga’ma aan u diidoo
11. Gaardis igu abuurto
12. Gibilkayga shidayso
13. Gebigay I daartaye.
14. Waxay gaaf wareegtoo
15. Marba gees u guurtoo
16. Marna guuto cugatoo
17. Marba gabi ka boodo
18. Marba geedi raratoo
19. Marba gaado bixisoo
20. Goobyaal ahaatoba
21. Maantana godkeedii
22. Biyo ugu galeenoo
23. Waa gunaanad sheekadu.
24. Waa tii la kala guray
25. Gaasba meel u kacayee
26. Midba geedka lagu xidhay
27. Gobol gobolka loo dhigay
28. Cududii gamuurnayd
29. Muruqii gigta ahaa
30. Gorof waata laga dhigay
31. Ummadii gobta ahayd
32. Gunta waata laga dhigay.
33. Waa taa guryamaysee
34. Gaajada u dhimatee
35. Guunyadiyo xoolaha
36. Gedi laga sumeeyee
37. Gufurkii ka soo hadhay
38. Warshadaha galbeedka
39. Gurigeena lagu shubay.
40. Gantaalaha la ganayaa
41. Duqaymaha la gaystaa
42. Waabeeyo guuniyo
43. Mariid gaaxday weeyaan
44. Nugliyeer gunta u yaal
45. Cudurada na gaabshiyo
46. Geerida dareerka ah
47. Waa gaadmo cadawoo
48. Wali gaalka saynta leh
49. Gulufkiisu waa meel.
50. Ha yeeshee garaad xume
51. Ma gartaa dhibkiisoo
52. Ma kasoo gadoomaa?
53. Guunyada la siiyaa
54. Muddo gaaban weeyaan
55. Xilkan laysku gaadhaa
56. Muddo gaaban weeyaan
57. Gaadhiga la fuuliyo
58. Guryahaa la gelayaa
59. Muddo gaaban weeyaan
60. Kala gooshka duniyo
61. Taaj guudka loo sudhay
62. Muddo gaaban weeyaan
63. Gogol lama huraaniyo
64. Guri waa kan aakhiro.
65. Geyigeena waa hore
66. Ayaa gaalku qaybsaday
67. Gobolana ka dhigayoo
68. Kala geeyay gacaloo
69. Gumaytuhu na kala guray
70. Waxay nagu galayaan
71. Abid noo gambiyayaan
72. Waa geesiyaashiyo
73. Guray goobuhu dhigay
74. Iyo gulufkii uu waday
75. Gocoradu xasuustaan.
76. Haddii uu galbeed jiro
77. Ama geeska bari sare
78. Ama gudaha aasiya
79. Hadduu gibil cad yahay
80. Ama gocor madow yahay
81. Gaaladu mid weeyaan
82. Godobtoodu waa meel
83. Ama garo ama ha garan?!
84. Maxay uga gol leeyihiin
85. Shacabkoo gumaad gala
86. Kuwa goosan laga dhigo
87. Kuwa goobta laga raro
88. Kuwa badan la gaasiro
89. Cududaha la gooyiyo
90. Dar qoorta laga guray
91. Dar gaajo madhisaa.
92. Gedigood la dabarjaro
93. In la wada gubaayoo
94. Idilkood dhib gaadhaa
95. Waxay uga gol leeyihiin
96. In la gano dadkeenoo
97. Nin garaadleh baa oge
98. Gurmad kaad ka sugaysa
99. Gacalkaaga maahee
100. Waa gaade kugu maqan
101. Geeridaada jeceloo
102. Gobonnimona kula rabin.
103. Ileen galaba xaalkeed
104. Adduun kama gayootide
105. Markii gaadhka loo diray
106. Geeskoo dhan loo shiray
107. Gafanaha ku naaxiyo
108. Gosha bahalo loo sudhay
109. Haday gawdii joogtaa
110. Baddii nagu gaadaynayd
111. Afrika u gun dheerayd
112. Geeskuna lahaan jirey
113. Maanyadeenii gaafnayd
114. Waa taa la gadayee
115. Gunta waxaa u yaaliyo
116. Guudkeed ku noolaa
117. Gacantay u dhiibteen
118. Giniyaalna siisteen!
119. Iyagoonan garanayn
120. Waxay uga gol leeyihiin
121. Ayay qalin ku gaadheen
122. Saxeexana ku giijeen.
123. Xaajada gunteediyo
124. Geedigu halkuu noqon
125. Iyagoon gorfeyn weli
126. Gocorkiyo dilaalkii
127. Ma galbiyay dalkiisii
128. Sidii gabadh la guursaday
129. Sacab maw garaaceen.
130. Go, I waaye xaalkani
131. Godob aan hadhayniyo
132. Garan waa gef weeyaan.
133. Adigoo ged kale heli
134. Gunta waxaa u yaaliyo
135. Gaastiyo batroolkana
136. Ganacsiga adduunyada
137. Kula gala heshiis adag
138. Gebigeedba beec gee
139. Garan waayay aniguye
140. Maxaa geesiyaaloow
141. Tolow uga gol leeyihiin?
142. In la gado badeeniyo
143. Xuduudeeda gaarka ah
144. Kuma jirin gudoonkee
145. Golahaa midoobee
146. Gardarada ku faanoow
147. Maxaa goobta keenoo
148. Tolow uga gol leeyihiin?
149. Barrigaa la gubayiyo
150. Kumanaanka gaajadu
151. Gam ka siiyay ehelkii
152. Kama ay garaabine
153. Kama gaysan gacanoo
154. Gurmad maysan siinine
155. Xeebteena gaarka ah
156. Guutooyin badanoo
157. Gardarada ku daaqa
158. Guudkeeda joogoo
159. Maraakiib gurdamaysa
160. Galabtii timaadaba
161. Khayraadka gaarka ah
162. Guranaayay abidoo
163. Nina kama garaabine
164. Cabirkeeda gaarka ah
165. Xadkeedii gudboonaa
166. Soohdintii garta ahayd
167. In la guda galaayoo
168. La soo gaabiyaayoo
169. Maxay uga gol leeyihiin?
170. Maan garanin xaalkee
171. Wallee wali gumaysigu
172. Guryaheena kama tegin
173. Ged kaluu ku joogaaa
174. Ama garo ama ha garan
175. Goosh kalena wuu iman.
176. Guurtida ka hadashiyo
177. Geesiga ka qaylshoo
178. Gobonimo u dirirbaa
179. Haatan nala gudbooniyo
180. Inaan gaadh ahaanee
181. Geyigeena dhawrnaa
182. Gar bay noo ahaatee
183. Guusheenu waa wali!!!
Waxii faahfaahina ee intaas dheer waxaad kaga bogan kartaa maqaalada ay ka qoreen aqoonyahanada soomaaliyeed waa kuwan hoos ku qoran linkisyadoodu :-
http://www.shaaciye.com/?nid=3060 Prof:-. yaxye sheikh caamir
http://somalitalk.com/2011/badda/difaac26.html Admiral Faarax axmed Cumar (Faarax Qare)

Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com

SHEEKOOYIN