Maansada Guraabbaas ka mid ah Gurmadka Badda W/C: Cabdinuur Afeey

 

1919382_1018399781568005_8855566158821822968_n

MAANSO>> GURAABBAAS

Hal abuurka da’da yar ee   Cabdi Nuur Afeey,  ayaa isagoo dareenkiisa  cabbiraya wuxuu  curiyey Maanso ka hadlaya  wacyiga maanta taagan,  waana  qayb ka mid ah suugaanta badda loogu  hiilinayo hal abuurku wuxuu inoo sheegay  wax walba oo inagu dhacay inay bulshada Soomaaliyeed  iyagu isu geeystay,  waa halkii Maahmaahda Soomaaliyeed ka lahayd,:  Lax weliba Shilalka ay is dhigtaa Lagu  bireeya” bal  aqriso oo ka bogo Maansadii GURAABBAAS.

 

 

 

Hoheey waan gubanayaa,
Hoheey waan geyraraa,
Guhaad ciilbaan qabaa,
Guduhu wey ololayaan,
Dibnuhu ‘giig’ tey hayaan,
Indhaha godolbaa ku taal,
Biyeey gobo’ siinayaan,
Haddana weys giijiyaa.

Nin gowsaha lagu hayaa,
Gar weeye innuu cabtee,
Gamuun igu taagan iyo,
Waxbaan soo gocanayaa,
Markaabaan guux-hadlaa.

Guraabbaas hoose iyo,
Heestoon ku gunuuniciyo,
Waxaan garab moodayaa,
Ga’leyda inaan aqriyo.

Hayeeshee gacalkayoow,
Goonyaha anigaa is-jaray,
Gacmaha anigaa is-xiray,
Gantaalka aneysla helay.

Anaa gowracay heshii
Gaawaha loo culanayeen
Gugaa da’ay maalileyn.

Anaa gawraha ku faray,
Anaa aar soo gudiyo,
U xiray bahal gaatamaa.

Halkaan u golleeyihiyo,
Waxey gobo’ deydu tahay,
Gartaa igu oogan iyo,
Golaha shuureynayee,
Gorfeynaya xaajadee,
Go’aankooduna dhex yahay,
Galayr, anigaa is-baday.

Anaa gaasiray baddii
Anaa ganiyaal ku cunay
Anaa gabigaa ka lulay,
Iney gaaladu dhaxlaan,
Hantidi ii gaar aheyd
Go’aye, anigaa uwacan.

Waxaan galay een falkiyay,
Ayaa gabax igu xiree,
RABBOW iisoo gargaar,
RABBOW guul iyo wanaag.
RABBOOW Soomaali guri…. barwaaqiyo gogol nabdoon.

Curiye: Cabdinuur Afeey
20/09/2016

SHEEKOOYIN