Quraafaadka Faaliyaha Q3AAD W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)

pizap.com14732612463621


Quraafaadka Faaliyaha  Q3AAD
.

Sahro iyadana marki ay aragtay in uu dhammaaday xilki ka saarnaa Maryan ayey wada tashi ay la tashaday darawalki iyo Axmed keddib ku tiri Dhamme Cusmaan iyo Dr Cali waxaan idinka codsnaynaa in aad annaga na fasaxdaan si aan u raadsano meel aan ku nasano caawa. .
Dr Cali ayaa si gaaban oo ixtiraam ku jiro u yiri : “Ma idin fasaxeyno,annaga ayaana marti noo tihiin tan iyo inta aad u amba baxeysiin shaqadiini”.

Darawalki ,Axmed iyo Sahro waa aqbaleen Soo dhoweyntaas iyo sida wacan ee loola dhaqmay,waxaana si diiran Dr Cali ugu jawaabay Darawalki oo ku yiri walaal waan aqbalnay soo dhoweyntiina waadna ku mahadsantihiin. Dr Cali oo ku farxay warka ka soo yeeray darawalki waday gaarigi lagu keenay Maryan ayaa yiri : “ruuxi dadka wanaajiyo ilaah baa wanaajiyo,dadkana way qadariyaan,hadalkana intaa ha inoogu ekaado”.
Dhamme Cusmaan ayaa Dr Cali ku yiri. “walaal waa runtaa ee inna keena walaalayaal waa waqti danbe”.

Darawalkii Ciise dheere,Axmed iyo Sahro weey macsalameeyeen Maryan weyna u duceeyeen in illaaheey samatabixiyo una kaalmeeyo mustaqbalkeeda danbe,waxaa kale oo ay sidaas u macsalaameeyeen Faarax iyo Caasho oo iyaga ka mid ahaa shaqaalaha isbitaalka.

Waxaana loo dhaqaaqay bannaanka isbitaalka oo uu yiilay gaariga sarkaalka oo ahaa uu’aas iyo gaarigi Maryan lagu keenay. Dhamme Cusmaan iyo Dr Cali oo iyaga mabsuud ka ahaa dadaalka iyo firfircoonidi ka muuqatay kooxdan Maryan isbitaalka keentay waxay martidi geeyeen guriga Dr Cali . Dhamme Cusmaan isagana wuxuu ku laabtay isbitaalka wuxuuna soo qaaday Caasho oo uu keddibna geeyay gurigeeda, wuxuuna uga mahadnaqay sida wacan oo ay ula shaqeysay habeenkaa.

Subaxdi xigtay, habeenkee dheer ee soo maray Maryan , saacada sideedi marki ay ahayd ayaa iyada oo ku jirto hurdo dheer oo tabaryari u wehliso waxaa ka toosisay Caasho oo arooryadii hore ku soo laabatay shaqada,I n yar keddibna waxaa la keenay quraacdi isbitaalka ee loogu tala galay dadka bukaanka ah ee isbitaalka jiifo.

Maryan marki laga bixiyay filibadi, keddib waa diiday quraacdaas in ay kor u qaadato iyada oo madaxa luleyso ilayn ma karin in ay cunto raashin adag waxayna u baqaysay hungirigeeda oo uunan ka degin mudda dheer raashin wacan, gaajadana ka fujin karo, biya warkoodaba iska daa. Caasho oo ka xumaatay diidmada raashinka ee Maryan ayaa waxay u dhaqaaqday in ay u sameyso Shuuro laga sameeyay messaga shiidan taasoo ahayd mid ka baxsan shaqadeeda isbitaalka laakin waxay dareemaysay naxariis badan oo ay u heyso Maryan,sideey ahaataba Caasho waxay ku guuleysatay in ay in yar shuuradi ka siiso Maryan waxaana intaa keddib iridka qolka soo galay Dr Cali oo isaga arooryadii hore yimid shaqada si kormeerana u yimid qolka ay ku jirto Maryan , Dr Cali wuxuu wareysi ku bilaabay haweeney bukaan ah, qolkana kula jirtay Maryan wuxuuna ku yiri “xaaladaada waa sidee hadda” waxayna ugu jawaabtay waan ladanahay ,sidi horana waan ka fiicanahay boqolkiba boqol.

Dr Cali wuxuu u jeestay dhanka Maryan oo iyada indhaha la raacaysay Dr Cali marki uu xaal wareysanayay haweeyneydi qolka kula jirtay iyada, wuxuuna yiri isaga oo la hadlayo Caasho oo iyada qolka ku jirtay “Caasho inantan xaalkeeda ka warran? saakase wax hadal ah ma ka hesheen?”Caasha ayaa ugu jawaabtay “Maya Dr Cali ,hadal lagama helin oo annagaba ma wareysan laakin waxaan siiyay quraac fudud, wax yar ayeyna ka cuntay, waxaana filayaa in ay hadli karto in kasto oo uu dhib ku yahay sida wejigeeda ka muuqato, wayna ka ladantahay sidi ay ahayd marki xalay la keenayay”.

Dr Cali wuxuu gacanta madaxa ka saaray Maryan wuxuuna amray in lagu sameeyo baaritaan guud, wuuna iska baxay, wuxuuna aaday xafiiskiisa iyo si uu u kormeero bukaanka kale ee Isbitaalka ku jiro, Caashana waxay u jeesatay Maryan waxayna ku tiri iyada oo hadal ka raadineyso”Adiga Magacaa?”.

Maryan oo aan arkin ruux wareysto ilaa iyo inti ay kartay in ay raashin cunto, dareentayna in ay ku soo noqonayso garashadeedi si aayar ah ,bilowdayna isku dayida barashada wejiyada dadki u soo galay qolka isla markaana ay cabsi ku jirto ayaa si hoose oo aan saa loo maqlayn u tiri ” Aniga magacayga waa Maryan”

Caasha oo aad ugu qushuucday sida Maryan u dooneyso in ay hadasho ayaa mar labaad ku soo celisay “kor u dheh Magacaaga”

Maryan oo cod ka yara sareeyo kii hore ku hadleyso ayaa tiri”Maryan Shirdoon”.

Caasho way ku faraxday marki ay maqashay codka Maryan waxayna tiri marki uu ku adkaaday qeybta danbe ee magaca Maryan “Maryan ayo?”.Maryan oo uu dhibayo hadalka, dooneysana in la maqlo codkeeda ayaa tiri “Maryan Shirdoon Geele”

Caasha : “Maryan Aabbe goormaa kuugu danbeysay ,xageesa reerka deggan yahay?”.

Maryan way aamustay ,kumana soo celin hadal kale waxaana ku adkaaday in ay ka jawaabto ,Aabbe goormaa kuugu danbeysay iyo reerka xaggee deggan yahay.

Caasha : “Maxaa ku helay Maryan ,miyaadan i maqlin?”.

Maryan ma doonayn in la garto in ay ku adkaatay su’aashan waxayna iska raadisay niyad adag waxayna tiri”waa ku maqlay”.

Caasha: “maxaa ku helay oo aad iigu sheegi weysay Aabbe iyo reerka”.

Maryan: ‘Aabbe waa dhintay”.

Caasho oo aad u tiiraanyeysan, kana naxday Aabbe waa dhintay ayaa tiri”hooyana Meeday, misa jiraan wax kula dhashay ee kaa weyn gabar iyo wiil amma kaa yar?”.

Maryan oo ay dhib ku ahayd in ay sheegto dhimashada Aabbaheed ayaa waxaa koray mar kaliya culays aad u weyn waxayna u jeesatay dhanka kale keddib marki indhaheeda ilmo soo ka soo dareertey muujineysa dareenka murugo ee maankeeda dhex legdamaya.

Caashana wey dareentay tiiraanyada iyo muruga Maryan wayna ka ka aragtey ilmada ka hoobaneysa labadeeda dhaban ee aan codku la socon, indhaha durtaba ilmadu buuxdhaafisay ee ka turjumaya caloolyoowga iyo xasuusta dhibka gaarey Maryan. Caashi wey garatay in hadalka ku adkaaday,soona xusuusinayo waxyaabo damqinaya qalbigeeda,weyna ka deysay weydiin danbe iyo hadal kale,Caasha waxay u dhaqaaqday xaga qolka shaqada iyo in ay iska qabato wixi howl u yiiley.

Maryan marki Caasho ka baxday waxay ku dhaqaaqday isweydiinta su’aala ay ka mid yihiin halka ay joogto iyo sida ay ku timid? Xaalkeeda muxuu ku danbeynayaa kol haddii aynan jirin ehel ka danbeeyo oo ay ku tiirsanaato,Maryan waxaa ku billowday welwel iyo walbahaar tan iyo intii ay Caasho weydiisay xaalka guud ee reerkeeda.Maryan jawaab uma aysan helin su’aalahaas oo idil waxaysa billowday ugu yaraan in ay dareentay in ay iyada la joogto dadki ka badbaadiyay illaaheey idinkiis xaalki ay ku sugnayd marki ogaal ugu war-danbeysay shalay magribnimadi.

Waqtiga qadada keddib ayey Caasho ku soo laabatay qolka Maryan iyada oo dooneyso in ay la jirto Maryan inta uu ka dhammaanayo waqtiga shaqdeeda,Caasha waxay Maryan u sheegtay in Dr Cali u Sheegay in aynan jirin wax bukaan ah oo laga helay, xaaladeedana ay ku kooban tahay oo kaliya tabar yari, raashin xumo ka danbeyso lagana soo kaban karo mudda gaaban, dadaal keddib illaaheey idinkiis,waxaa kale oo ay u sheegtay magaceeda in la yiraa Caasho Warfaa, markay intaas maqashay Maryan ayay madaxa ruxday taasoo ay dareensiinaysay Caasha inay fahante warkeeda.

Caasha waa dhammaaday waqtigi shaqadeeda waxayna Maryan ku tiri”berri ayaan shaqada ku soo laabanayaa haddii illaaheey yidhaa, haddeerna waan tegay ee nabadeey”.

Maryan oo aad u jeclaysatay Caasho iyo sida quruxda badan oo ay u daryeeleyso, soona xasuusisay walaalkeed curadki aabbaheed oo isaga aad u jeclaa si joogtaana ugu war heyn jiray ayaa tiri “waayahay Caasho ee nabadeey”.

W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)

SHEEKOOYIN