Tolow Yaa Furay?? Qaybtii 12aad W/Q: Cabdifataax Xassan Cirguje (Qaran Doon)

quotescover-JPG-13

Tolow Yaa Furay?? Qaybtii 12aad.

kaddib waxaa hadalkii qaatay indhabuur deedna intuu xagayga soo jaleecay buu yiri Cumaraw adaa maanta ragga isugu yeeray maxaad noo haysaa mudane.

Waan arkaa markaan inuu hadalku igusoo dhamaaday, waana ujeedaa sida diyaarka loogu wada yahay maqalka arintaan ilasoo daristay ee aan akhyaarta isugu yeeray, soo inaan akhyaarta lawadaago waxa i gubayay markaan dantuba ma oran, waa anigaan hadda ubaxay hadalkii deedna ukala dhigdhigay xaaladayda cakiran ee jahwareerka igu ridday, si fiican ayaana ugu jeex jeexay hadalkii bilaw illaa dhamaad, qofkaan ahaan jiray iyo halka aan maanto joogo ayaa muuqaal ahaan udaawadsiiyay, warkiiyoo aan hal ka maqnayn waa anigaan hordhigay bal inay waxuun ka dhahaan ama ka talo bixiyaan, saaxiibaday waxaa kasoo haray aamus iyo indha taag intii cabaar ahayd oo wakaas raamsigiina iskiis uyaraaday, waxay aad ulasocdaan dhagaysiga sheekadayda iyo dhuuxidd nuxurkeeda, waa kuwaan ii dhagaysanaya sidaan ahay kheekh caalim ah oo siduu xaal noqon qiyaamaha uga waramaya, may jeclaysan waxa igu dhacay kamana xumaan, waayo maahan wax ku cusub iyaga oo kan ugu yar baa jabkaanoo kale laba jeer soomaray, mid walboo halkaan fadhiya maalintay noloshiisu wajiga cusub yeelatay sidaan ayuu akhyaarta ugu soo celiyay, deedna inta laga dhagaystay baa loo tacsiyeeyay hadal haadaan ka tuurisna ah loogu soo gabagabeeyay, waxaana loo sheegayay inay tahay wado ay lagama maarmaan tahay in nin kastaa mar un soo marayo, isna dib uma eego aduunyadaan jabta ee soo kabata ee hadalkoodaas buu ku qancaa oo waano iyo caqli celin uqaatay, sidaas ayuuna ku noqdaa maxbuus aan qori lala hortaagnayn.

Waxaan iri gartay adiga maxay kugula taliyeen, taladay kusiiyeense maku anfacday? Waxuu yiri haa waa ila taliyeen oo wadadii lagu jabay ee dadka ay tusi jireen unbay anna ii farfiiqeen, waayo taas unbay khibrad u leeyihiin, aniguse waxaan ka dayrinaayo markaan ma jirto, taladay isiiyeenna waxay noqotay mid aan aad usoo dhaweeyay caloolyawgii ihaystayna iga fujisay iyagana aan ku bogaadiyay, meeshay igula taliyeena waa halka aan maanta joogo waana qorigaan garabka iisaaran, waxba igama dhimeen haddaan qaran isla socda ku difaaci lahaa oo cadaw layaqaan ku ridi lahaa, balse har iyo habayn waxa hurdadii noo diiday oo aan la dirirayno waa dadkaygii oo laqalday wali cid aan Soomaali ahaynna dagaal iskaga maanan hor imaan.

Waxaan iri gartay kadib maxaa xigay? Waxuu yiri waxay igu bilaabeen hadalo samir siin ah oo la igu ilawsiinayo xoolihii idhaafay la iguna dhiiri galinayo inaan bilaabo nolol cusub, waxaa hadalkii ugu hor qaatay Geesawayne, waa nin muddo toban sanaa layn ku sugayay meeshaan, xaaskiisii oo saddex caruur ah uhaysayna iska fasaqday kadib markii lagu kari waayay inuu usoo noqdo oo iska ilaawo laynkaas madhamaadahaa reerkiisana dhaqdo, kumase farxin in haweenaydiisii aadka uu ujeclaa kala tagaan ubadkiisiina baylah noqdaan, balse waxuu ku hanwaynaa inuu mar un dhoofi doono kadibna uu iyada iyo caruurtiisa nolol cusub ubilaabi doono, adigu waa nin soo maray waayo aad u kakan ninkaan hadalka ubaxay, waxuu yiri Cumaraw rag waa jabi jiray waligiis waana caadadiis ee tani yaysan wax wayn kula noqon, dibna ha ujaleecin waxii dhacay oo ha xisaabin xoolihii tagay saa soo noqonba maayaanee, waayo raggii sidaa sameeyay ee ma dhici karto lahaa wa kuwaa magaalada yaacaya oo kabaha madaxa kuwata, iyagoo hadal uga haray bari baan madaxwayne noqon gaaray iyo bari baan ganacsade ahaa, waxay iila ekaayeen saaxibaday markaas kuwo dantayda ka talinaayay iigana digayay inaan isla hadlo oo waali ku dhufto, waxay ii tilmaamayeen wado ay iigu sheegeen inay tahay wadadii badabaada iyo guusha, waqtiguna waxuu ahaa xilli aan unuglaa qaadashada wax walboo la iisheego waxsan iyo waxaan samaynba, waxaase xaqiiqaa inaan u imid anoo caafimaad qaba xalkayguna dhawaa haddaan raggeeda utagi lahaa, waxaana ka tagay anigoo maryo un wata islana quman balse qof kale ah, mid walboo hadalkii ubaxayba waxuu iigu soo koobay Cumaraw saaxiib soo dhawee nolosha cusub lana jaanqaad aduunyada horumartay iyo hadba heerka la maraayo, haddaad diyaar utahayna isla iminka ayaanu kula qorsheeyn halkaad ka bilaabi lahayd wajiga cusub ee noloshaada ee xiniyahaaga cusko, hadayse hawshaadu tahay waabaan ganacsade ahaa iyo rag aan la tartamayay baa idhaafaya isku baab minihin ee nagu kala wad meesha ina adeerow hana daalinee, dee inaan yeelo dantuba itiri, gudoon wacan ayaan hadalkii ugu soo gaabshay waxaana uraaciyay inaan diyaar u ahay tala walboo shaqaynaysa oo maanta la isiiyo, waayo xaalkaygu waa nin buka boqol utalisay, waxay iga maraysaa Allow ur ii bixi.

kadib waxaa la is waydiiyay hadii ay jirto cid haysa qorshe shaqeenaya oo arinta Cumar xal u ah waa aniga ninka laga hadlayee, waxaa markaas hadalkiiyoo aan dhamaan dhexda ka laacay Xasan yare oo yiri anaa haya qorshe shaqeenaya, balse shardi madoonayo in qorshahaygu noqdo hal bacaad lagu lisay ayuu sii raaciyay, Cali yare maahan nin layn uxaraysan yahay waxna kama barto magaalada qorshe cad oo uu ujoogana lama maqal, sidoo kalena naftiisana uquuri waa safarka silicaa ee tahriibka, balse waxuu aaminsan yahay inuu mar un heli doono fursad uu ku dhoofo, si kale hadaan u dhigo Cali yare waa “Qalbi ka dhoof” raggiisa lanool, Cali markuu ku dhawaaqay qorshahaas uu shardiga ku xiray waxaa bilaabatay in la is wada eego, deedna waa kuwaan akhyaartii dhamaantood mar qura xaggayga soo wada jaleecay, gartay in jawaab la iga sugayo anna si hal haleel waa anigaan ugu balan qaaday inaan yeeli doono wax kastoo ii dhaama halka aan ku sugnahay maanta, markaan waxaa raadinayaa badbaado iyo siba sibay dhaantaayee inaanan ku hafan noloshaan qalafsan oo saxansaxadeedu ii soo kamkamayso. Deedna waa kan Cali yare guda galay sharaxaada qorshihiisii waxuuna yiri……………………………………………………………………………………

Dhamaad Qaybtii 12aad Lasoco Qaybta xigta………………..

W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Cirguje1986@gmail.com

SHEEKOOYIN