Horta yaa abaal gala? Hadduu jirona yaa guda Q3AAD?W/Q: Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

quotescover-jpg-52

Horta yaa abaal gala..? Hadduu jirase yaa gudi..? 

Waxaa dood adag dhex martay Axmed dheere iyo kooxdiisii. Kuwaas oo qaar ku andacooday naga wada qofkaan maba naqaannee. iyo qolo ku doodday wiilkaan miskiinkaa ee aan cidna magaalada ka aqoon oo caawa dhan na dul taagnaa yaanan meel cidlaa loooga tegin.Iyadoo aaney dooddii dhammaan waxaa dig ka soo dul yiri roondo ciidan ah  wareegeyso oo wadato baabuur wato lambarka 88 oo  ah gurmadka  degdeg ah sumadda lagu yaqaan.

Waa tii kolkii la arkayba meesha lagu kala yaacay,qof walbaa “cagta ayuu wax ka dayay” marka laga reebo Dalmar oonba garan waxa laga kala kudaayo iyo Axmed Dheere oo damiirkiisa garansiiyay inuuna meel cidlaa uga roorin miskiinkaan aan cidna ka  aqoon meesha. Waxaa gaarigii booliiska dig ka soo yiri laba askari oo budad gacmaha ku wato,una libisan si ka yaabisay Dalmar,waxay xiran yihiin dhar isku jooga oo kaakiya ,kaba buuda ah oo madaw oo waaweyn,dhexda waxaa ugu xiran suun ballaaran,garbaha illaa shoqfosha hoose waxaa ku laaban xarig midab buluuga leh oo firimbi dheer ku xiran yahay,garbaha shaatiga waxaa ku dhegen calaamad buluuga, mid ka mida gacanta garabka shaatiga waxaa ku dhegen alif,waxay wada xiran yihiin koofiyo afka u soo dhuuban oo aad u qurux hortana ku leh sawir madax iyo geeso biciid leh.

Dalmar intii uu tilmaamahaas ku mashquulsanaa ayaa garabka dhab laga yiri luguna tuuray fatuuradii, kaligiis maaheyne Axmed dheerena waa la raacsiiyay.Fatuuradii lambarka 88da wadatay ee wadatay Axmed Dheere iyo saaxiibkiisa cusbaa waataa wajiga saartay jiha waqooyi, waxay dhex mareysaa suuq aad u camiran markaase aaney cidi joogin, waxay dhabarka dambe ka martay kawaan hilibka lagu iibsho oo ay ku dhinac taal balanbalo maalintii qudaarta  iyo alaabooyinka kale lagu gado. Sharaxaaddaas waxaa bixihaayay oo meelaha la maraayo u sharxaayay Axmed Dheere oo is lahaa cabsi yuuna dareemin ee sii maaweeli.

Markii ay xoogaa jid aan laami aheyn ee xaafada dhexdooda ku socotay ayay ku soo dhacday waddo laami ah waxayna ula leexatay dhinaca bidixeed ee galbeedka ah, waxii ay socotaba bidix iyo midigba kolba meel u leexato waxaa la keenay Saldhiggii loo waday.Waxaa lagu bilaabay isla markii la keenay qolka dambibaashista iyo diiwaangelinta(OB) ee saldhigga si su’aalo loo weydiiyo.Xafiiskan laba qof laysuma keeno oo meel laga soo qabtay waa xeesha ciidanka, midba goonibaa loo wareystaa si aysan isu hegaysan, iyadoo la kala qarihaayo waxaana lagu bilaabay Axmed Dheere, su’aalahana waxay u dheceen sidan:

Dambibaare: Magacaa?

Axmed Dheere: Axmed

Dambibaare: Sheeg saddexdada magac?

Axmed Dheere: Axmed Maxaad Cali.

Meeqa sano ayaad jirtaa?

Axmed Dheere: 14 Sano.

Dambibaare: Xaafaddee degen tahay?

Axmed Dheere: Diq-diq

Dambibaare: Ma taqaannaa wiilkaan kula joogay?

Axmed Dheere: Haa

Dambibaare: Aaway boorsadii aad ka xoogteen Geberta iyo silsiladdii aad ka goosateen?

Axmed Dheere: Yaaaaaaaaaaaah,haaaaaaaaaaaaaaaaaaah,maxay?

Dambibaare: ha is yeelyeelin ee runta sheeg, Haddii kale waxaad la kulmee ciqaab adag?

Axmed Dheere: hadal iska daaye waa taagnaa waayay, asuu dhulka habaq yiri.

Dambibaare: Maxaad ogtahay oo noo sheegi kartaa, waan ku sii deyheynaa haddaan war buuxa na siiso?

Axmed Dheere: oo calool adeyg iska dayay dhidid badanna ka disqaayo garkiisa ayaa mar qura

dhahay, “Waxaas aa sheegeysiin xabbad kama ogi.”

Dambibaare: Askari kabaha ka reeb jeebabkiisana baar waxii ku jira soo dhig inta?

Askarigii: Haye Taliye oo cod xooggan ah.

Askarigii waa kaa baaritaan ku bilaabay , waxse waa laga waayay.

Askarigii: Taliye waxna ma wadayo .

Dambibaare: Hagaag, gudaha dhig. kaddibna ii keen kan kale ee la socdo.

Askarigii : Haye Taliye.

Axmed Dheere: Maxaan halleeyay oo la ii xiraa?Maxaan halleeyay oo la ii xiraa?

Loomase jawaabine, Axmed Dheere waxaa laga bixiyay kabihii uu gashanaa ee dacaska ahaa, waxaana la geliyay qol ay dad kale ku xirnaayeen oo iftiin meel dheer ah leh.Markiibana dibadda ayaa looga xiray.Waxaa su’aalo ku bilaabay dadkii uu goobta ugu yimid oo ahaa dad isaga ka wada da’ weyn.Waxayna weydiiyeen Maxaa laguu soo xiray? Axmed Dheerekama jawaabin su’aashooda..Hoosta ayuu ka ooyayay.. waa markii ugu horreysay oo la soo xiro.. Axmed Inkasta uu hoosta ka ooyayay haddana waxaa uu aad uga fikiraayay Dalmar iyo waxa uu la kulmi doono!.waxaana maskaxdiisa ku soo maaxahaayay waxyaabo badan oo aan u dhigmin sida dhaqsaha ah ay maskaxda ugu soo daadahaayeen, Maxaan bi’iyay?Xaalka intuu ku dambeyn doonaa? Aabbe yaa kaa celihaayo? Boorsa dafid? Silsillad la goostay aaa? Abaaw abaaw..!!! Xaalka ma sahlana.

Isagoo firka naxsan ilaa haddana aan fahmin ujeedka iyo sababta loo haysto, cida haysataa waxa ay tahay, Arkay askartii soo qabatey kuwa ka badan oo qaararka dhismaha iyo irdaha taagan, dad sii gelaya iyo kuwa sii baxaya, Bir dheer oo Kaabad weyn hoosta ku leh, Maro Buluug ahina lulaneyso, dad waraaqo sii sita iyo kuwa soo sita oo is hor iyo daba maraya, kuwa garduub u xiran oo la sii wado iyo kuwa la soo wado, baabuur soo gelaysa iyo kuwa baxaysa, isagoo yaab iyo anfariin ku jira, xaalkiisuna wareer iyo walaahooy yahay, cid uu la hadlana aan aqoon ayaa Dalmar oo ushuu watay laga reebay ayaa askarigii la joogey maahe mid kale u yimid.

Intuu Garabka gacan xooggan uga qabtey ayuu ula dhaqaaqay dhinaca Xafiiskii Dambibaareha ee wax laysku weydiiyo layskuna diiwaangelinayey(OB)Waxaana la soo joojiyay askariga Dambibaareha hortiisa, waxaana lagu billaabay weydiimihii.

La soco Q.6aad

Waxaa Qoray:

Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN