Quraafaadka Faaliyaha Q4AAD W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)

pizap.com14732612463621
Quraafaadka Faaliyaha  Q4AAD.

Waxaana marki ay Maryan dhowr daqiiqo kaligeed ahayd, iridka qolka ka soo wada galay Dr Cali iyo Dhamme Cusmaan oo digtoorka ku soo qaaday gaarigiisa keddib marki dottoorka ku daahay ka qeyb galka qado sharaf uu dhamme Cusmaan u sameeyay Kooxdii xalay dhaqtarka keentay Maryan.

Dhame Cusmaan wuxuu ahaa nin aad ugu naxariisto danyarta iyo dadka jilicsan waxaa kale oo uu ahaa nin qalbigiisa illaaheey ka ilaaliyay madow iyo mugdiba, maryan iyada aad ayey ugu faraxday marki Dr Cali oo ay wejigiisa iyo naxariistiisa saakay baratay iyo nin kale ay iridka ka soo wada galeen,digtoorka ayaana Maryan ku yiri: “Maryan iska warran,?Maantasa qado ma cuntay”

Maryan: “haa in yar ayaan ka cunay qadadi ,caasho ayaana waqtiga qadada ila joogtay waxayna iga tagtay goor dhow”.

Dhamme Cusmaan ayaa hadal ku soo dhextuuray inti uu Dr Cali wareysanayay Maryan wuxuuna yiri:

“Oo gabarta sidi ay ahayd marki xalay la keenay iyo sida ay maanta u sheekaynayso way kala duwantahay”

DR Cali : “Haa, wax weyn baa u dhaxeeyo ,waxaana ku dadaalayna in ay intaa ka sii wanaagsanaato maalmaha fooda innagu soo haayo, dabadeedna waxaan u gudbineynaa xeryaha gargaarka ee dadka abaarta ku tabaaloobay loogu tala galay haddii ilaaheey idmo”.

Dhamme Cusmaan ayaa digtoorka ku yiri. “Waxaan ku weydiiyay natiijadi baaritaankeeda caafimaad sidee noqday,mise idiin sheegtay meel loogu haggaago reerkeeda si loola raadsho marki aad u gudbisaan xeryaha gargaarka”.

Dr Cali: ‘Gabartan wax cudur ah ma haayaan, itaaldaroo gaajo iyo oon u geysteen maahine,tan kale waxay Caasha u sheegtay magaceeda oo saddexan laakin wax kale oo reerkeeda khuseeyo kama hayno oo aan ahayn in aabaheed dhintay”.

Dr Cali marki uu dhamme Cusaan intaa uga sheegay xaaladeeda ayuu ku soo jeestay Maryan oo iyada maqlaysay hadalki ay is dhaafsanayeen Digtoorka iyo sarkaalka, hoostana ka gashay go’eedi iyada oo is leh intaan adiga laguu soo jeesan ka baxso, islamarkaana niyadeeda iskula doodeysay tolow sow ma habboona in aad u sheegto xaaladaada iyo in reerkaada ku dhammaadey abaarta,maya ,maya maxay kuu qabanayaan dadkan aadan garanayn?

War u kaadi waa maxay xeryahan ay sheegayaan ee loo sameeyay in lagu gargaaro dadka deggan goobaha abaarta ka dhacday,laga yaabeene in ay xeryhaas ku geeyaan aadna kula kulanto reerahi aad la tiileen wixi ka badbaaday abaarta.

Dr Cali oo la yaaban gabarti goor dhow u warameysay waxa ay iska dabooshay, niyadana iska leh sow gabarta reer miyi maahan wadato dhaqanki wanaagsanaa ee baadiyaha, kana xishooneysa raggan aynan garaneyn ee ag-taagan,weli isaga oo aan la hadlin muddana aamusan kuna maqan Maryan maxaay iska qarisay ayaa dhamme Cusmaan dhabarka ka taabtay kuna yiri. “Maxaa ku helay oo aad la aamustay”.

Dr Cali oo aan isaga weli la hadlin Maryan ayaa u soo jeestay dhamme Cusmaan wuxuuna yiri. “Walaal waa runtaa in aan aamusay ,dad badan baa halkan igu soo maray oo jirran iyo kuwa aan jiraneynba ,muddada aan shaqadan haayayna ma yara, laakin inantan waan soo saari waayay wadadi aan u mari lahaa in aan ka hadalsiiyo waayo laba hadalba marki ay tiraaba way sii jeesataa, marki aad wax weydiisana way aamustaa ,gaar ahaan marki aad ka wareysato ehelkeeda”

Dhamme Cusmaan: “Oo ma intaa kaliya ayaad la aamustay”.

Dr Cali : “war bal kaalay haddii aad igu dhaanto, adiga oo aan ka careysiin si deganaana u weydii xaaladeeda guud iyo halka ay ehelkeeda ku sugan yihiin”.

Maryan weli iskama qaadin go’i ay hoosta ka gashay, weyna maqlaysay hadalka ay isdhaafsadeen Dr Cali iyo ninkan la socdo in uu yahay mid iyada loogu daneynayo,saa-darteed waxay hoos isugu sheegtay oo go’aansatay in ay ka warranto xaaladeeda.

Dhamme Cusmaan isaga oo qoslayo ayuu DR Cali ku yiri “walaal aniga kuuguma dhaamo shaqadaada laakin waxaan filayaa gabartan da’deeda haba yaraatee in aynan garashadeeda xumeyn, weyna maqleysay hadalkeena in uu yahay mid iyada loogu daneynayo”.

Dhamme Cusmaan intaa keddib wuxuu ku fadhiistay sariirta Maryan ku jiiftay geeska iyaga soo xigay, wuxuuna markiiba si tartiib ah u yiri “Maryan”.

Maryan oo iyada iska yeeshay sidi ruux hurdo heyso haddana raali ka ah in ay u warranto raggan ayaa madaxa la soo baxday waxayna tiri ” Haa”

Dhamme Cusmaan: “Maryan ma na garaneysaa”.

Maryan : “Maya, ma idin garanayo”.

Dhamme Cusmaan oo aan dooneyn in uu ku degdego ka wareysiga ehelkeeda ayaa yiri “Annaga waxaan nahay walaalahaa oo kale, waxaana magacayga la yiraa Cusmaan ninkana waxaa la yiraa Dr Cali, ee adiga ma naga baqeysaa misa waad xishooneysaa?”.

Maryan hadal ayey la soo booday iyada oo aan ogolayn dadka maanta ugu dhow, naxariisna wejiyadooda ka muuqato in ay ka xanaaqaan una arkaan wax baas oo aan garaneyn si ay u hadasho, ayey si hoos ah u tiri. “Maya ,idinka baqimaayo wax aad iga haleyseena ma jraan in aad wax ii qabateen mooyee” .

Dhamme Cusmaan: ” Maryan Aabe in uu dhintay alla ha u naxariistee waxaad u sheegtay Caasha ,waxaana haddeer kaa rabnaa in aad noo sheegto xaggee kuugu war danbeysay Hooyo iyo walaalahaa haddii ay jiraan wax kula dhashay?”

Maryan oo aad uga naxday su’aashaa ayaa haddana ragga weydiinayo oo ay jeclaysatay sida naxariista leh oo ay u koolkoolinayaan awgeed tiri iyada oo soo goobtay sida ay abaarta u goysay xididki ay ka soo farcantay. “Hooyo,Aabbe iyo gabar iga yareed maalmo dhoweeto ayey geeriyoodeen, laba wiil oo iga waaweynaana goor hore inta aanan dhalan ayey dhinteen oo annigaba ma arag, curadki hooyadeey iyo aabbaheeeyna shalay galab waqtigan oo kale in yar ka dib ayuu ku nafwaayay geed aan u fadhiisanay in aan ku hergalney hostiisa isaga oo ila soo lugaynayay dhabarkana igu siday saacada badan, daalkii, rafaadkii iyo diihaalkii ayuu tamar dhigay isagoo aan dhawr caannomaal biyo iyo baad afkiisa saarin, maba sii raaqraaqin ee geedka hoostiisi ayuu ku raftay anigoo aan aniguna dhaamin waxna u qaban karin halkaasuuna ku ruux baxay.

Halkaa markey Maryan sheekadii marsiinaysay ayaa ilmo labada indhood ka soo burqatey iyadoo aan celin kareyn, codkeediina shigshig murugo ka muuqato galay, markaasaa Kalkaaliso u dhaweyd loogu diray, biyo, waxoogaana la nasiyey.

Waxaa weydiiyey Dhamme Cusmaan: “Muddo intee le’eg ayaad soconeyseen?”

Maryan waxay tiri: Anigu maba garan karo waayo waxaan ahaa sidii qof dheelalowsan, doraad habeennimadii ayaa miyirqab sax ah iigu dambeysay, intaas walaalkay wuu ii sheekaynayay, waana I xambaarsana, muddo dheer ayaanu lugeynayney, Xoola baqtiyey oo dugaago cunayo maahine dad iyo duunyo nool maanu arag. U Waana sababta keentey inaan Jiidaashaas dheer lugayno ilaa aad ka gaarayno meel aad dad joogaan oo aanu nafta kula irkano, Abaartani waxba ma reebin dad iyo duunyo, waxay ka martey saf waana la kala horreeyey muddoba dhibkani waa soo jiitamayey Roob la’aantu xoolihii ayay galaafatay, markii dambena dadkii.

Maryan sheekadii ayay sii waday anigana marki uu dhintay walaalkey waan soo garguurtay waxaan ogaal iigu danbeeyaay meel in yar ka fog marki aan marayay halki walaalkeey ku dhintay, saakayna halkan ayaan joogay”.

Maryan marki ay intaa u sheegtay sarkaalki iyo digtoorki ayey iyada oo indhaheeda ilmada ka shubmayso u jeesatay dhanka kale,Dhamme Cusmaan madaxa ayuu gacanta ka saaray wuxuuna ku yiri. “Maryan waxba ha u baqin nolashaada danbe,way haggaagi doontoo haddii ilaaheey idmo”.

Dhammihi isaga oo aan rabin in uu hadalka ku badiyo Maryan, wuxuuna digtoorki ku yiri. “Dr Cali waan ku arkaa in aad ka naxday oo la anfariirtey musiibada Maryan haleeshay, laakin ogow in aynan Maryan kaliya ku koobnayn oo ay abaartan tahay mid saameysay goballa badan oo dalkeena ka mid ah, waxaana na looga baahan yahay in aan u duubano sidi aan u badbaadi lahayn dadka iyo xoolaha ku haray dhulalka ay abaarta saameysay.Maryanna waa wax illaaheey u qoray ee na keen xafiiskaada tagnee”.

Dr Cali wuu istaagay isaga oo aad moodo in uu xoogiisi ka yaraaday inti hore,wayna is raaceen isaga iyo dhamme Cusmaan, waxayna tageen xafiiskiisi,marki ay xafiiska tageena dhamme Cusmaan ayaa dottoorka ku yiri. “Walaal waxaan u maleynayaa in aynan wax dhibaata ah ka imaaneyn haddii aan gabartaa gurigeyga geeyo,mas’uulna ka noqdo mustaqbalkeeda marki ay u dhamMaato muddadi aad ugu talagasheen in ay joogto dhatarka”.

Dr Cali oo aan dooneyn in uu ku degdego ammarkan ayaa yiri. “wax dhibaata ah ma laho haddii aad xilkeeda qaadeyso ,mas’uulna ka noqonayso mustaqbalkeeda laakin waan ka fiirsanaynaa, waxaana war dhan iga heleysaa ilaa usbuuc haddii ilaaheey idmo”.

La soco qaybaha dambe

W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)

 

SHEEKOOYIN