Dimuquraaddiyad kaliya lays ku ma doorto! W/Q: Kaahiye Cismaan Xaashi

democracy

Dimuquraaddiyad kaliya lays ku ma doorto!

 

Sidaa adiga rabto ma ahan, ee waa sidaan aniga rabo, sidaana dimuquraaddiyad maaha! Dimuquraaddiyad kaliya lays ku ma doorto! Ee waxaa jira qodobbo, walxo iyo xeerar kaaba, oo bulsho walba la gaar tahay, kagana duwan tahay bulshooyinka kale, haba laga midaysnaado qaab doorashada guud iyo cod bixinta.

Dimuquraadiyaddu waa howlo badan tahay, waxanse iska waafaqeynnaa in shacabka ay soo doortaan qofka ay ku qanacsan yihiin diinta islaamku sidaa bay bartaa dadka, waddamadaan galbeed waa ogyihiin hadda iyo abidba inuusan qof Islaam ah aqbaleyn waxa ay iyagu dimuquraaddiyad u yaqaanniin, iyaguna taa kaagama fadhiyaan, maxaa yeelay, dadku qiyam buu leeyahay.

Reer galbeedka hal sheey bay dimuquraaddiya u isticmaalaan waana inay ku kala badbaadaan Islaamkase inay taa ku dhaqmaan bay ka soo horjeedaan oo way ka ilaalshaan.

Tusaale: waa adinka arkaya in waddammada Islaamka ah lagu hayo kuwo Dikteetar ah oo aan dadka iyo dalka horay u wadeyn markii la doortane dadka qof ay rabaan waxaa la dhahaa wali maydan gaarin dimuquraaddiyaddii aan rabnay, marka waxaad rabto inaan rabo ma dimuquraaddiyad baa? Maahan.

Arrinta waxay iskugu soo biyo shubanaysaa, annaga aan xasilloonaanno inta kalane ha is haysato, oo yaysan horay u socon, sababtoo ah, haddii la wada xasilloonaado waa la wada hormarayaa, taane dad bay dhibaysaa, sidaa dartred, baa caalamka Islaamka loo luggoynayaa.

Marka walaal waligaa ha ka sugin hormar galbeed iyo dal shisheeye, ee aan annagu dhalinno hormarka iyo waxyaabaha keena, si aan uga gudubno hoogga iyo hiirtaanyada aan ku halaagsannay sanadan dambe.

Xallisooni shisheeye keenay meel ma gaarto, ee aan xaalkeenna anagu ku xeertanno, inta xeerar aannaan aqoon, dhaqan iyo dhurna u lahayn na loo xarriiqi lahaa, iyadoo na loogu soo xaluulanayo, waxaa gacan la idin ka siinayaa, sidii aad xukuumad iyo xukun dawladeed ku heli lahaydeen.

 

W/Q: Kaahiye Cismaan Xaashi

 

 

SHEEKOOYIN