TOLOW yaa FURAY? Q13AAD W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

quotescover-jpg-13

TOLOW yaa FURAY? Q13AAD                                                

Dhacdo dhab ah

 

Deedna waa kan Cali yare gudagalay sharraxaadda qorshihii la wada sugayay ee uu soo bandhigay, waxuuna ku billaabay hadalkii:

“Cumaraw waa laba qorshee, middaad adigu xal u aragto ka dooro, aanse kuu maahmaaho, rag waa kii murti wax isku fahanshee, dhurwaa baa laga hayaa “hilbo waa nin waayiyo nin dabada ku wartay” haatan saaxiib waxaan u la jeedaa weedhaas, nin Nasteexo ilwaaddii ragoo dhan u tartamay nasiibsaday oo guursaday, misna layn dhoof oo uu Ingiriiska ku tago u xaraysay waxuu ka walwalaa aniga ii ma muuqato. Dabcan akhyaarta kalena waa ila mid, waayo, fursaddaan aad maalmaha kooban ku heshay rag baa labaatameeyo sano u soo fadhiyay say u baadi goobayeen, xilo iyo xoolo kalena aan ku xisaabtamin, balse, ku ducaysta inay mar un helaan gashaanti ka timid waddammada horumaray oo guurdoon ah, deedna ay saa ku calfadaan, walina aan is dhiibin ee nasiibkooda sugaya.

Waxaan ku oran lahaa marka waa midda horee Cumaraw haddii mar xoolahaad Soomaaliya u joogtay iskood kugu dhaafeen, marwadaada Nasteexo biil ii qor dheh way yeeliyee, oo magaaladaada dhan ha uga bixin ee iska baashaal raggaagana la qayil, deedna laynkaaga ilaalso oo hadba markii safaaradda lagaaga yeero ku kallah aroor hore, siduu ardayga wanaagsan ugu kallaho dugsiga, dhanka kalena inta laynku kuu soo baxayo dhaqanka waddanka aad u socoto labbiskiisa iyo luuqaddiisa iska sii baro, yaysan kugu dhicin oraahdii soomaaliyeed ee lahayd; “Dhal magaalo si loo noqdo way fududdahay dhar magaalose si loo xirtaa waa adagtahay” miyaysan talo wanaagsan ahayn asxaabey, maxaa Afrika iyo rabshaddeeda kugu wareershay adoo dhawaan dhalasho Ingiriis helaya?!”

Waxaan maqli jiray nin walba qumanihiisaa qoorta ugu jira, bal daya waxa ninkaasi ku hadaaqay, marka laga tago marwadayda Nasteexa ee uu soo hadalqaaday inaan jeclahay waxaa aad iiga yaabiyay waxa uu Cali ka sheekeenayay, waayo, aniga waxay ila ahayd sidii inaan riyo ku jiro oo kale, marka la eego aragtidiisa uu cabbiray ee khiyaaliga ku dhisan iyo sidoo kale akhyaarta uu hiigsagooga ka sheekeeyay, ee aysan uba muuqan tobaannaanka sanoo soo noqodka lahayn ee bilaa micnaha ku dhaafay. Waxaan arkaa xaalkoodu halkuu ku dambayn. Dhanka kale laftayda igama qarsoonayn talada la isiinayo miraheedu noocuu yahay, mana inkirsani in tani dhaanto saan ahay maanta, balse, haddana rajadaydu ma dhiman ee waxaan naawilayaa dhagaysiga qorshaha xiga waa intaasoo uu tan dhaamaayee.

Cali yare waxuu sugayaa markaan jawaabtayda, ka horse intaanan u jawaabin waa anigaan jalleecay raggii kalee ila dhagaysanayay bal inay waxuun falcelis ah ka bixiyaan, iyana waa kuwaan xaggayga soo wada eegaya oo sidaan wax waydiiday isku daray dhoollacaddaynta iyo madaxay wada ruxaan, waa la fahmayaa inay natusayaan siday ula wada dhacsanyihiin fikradda Cali yare, markaan caad igama saarna in raggu isku wada aragti yahay. Yeelkeedee waxaan anoo xiniyo iska baaraya inta laan xul ah la soo baxay iri;

“qorsha xiga inoo raaci. deedna waxuu yiri….

 

Dhammaad Q13aad la soco qaybta xigta…..

W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Cirguje1986@gmail.com

SHEEKOOYIN