Mareegta www.laashin.com

 

Mareegtan www.laashin.com waa mareeg loogu talogalay in lagu kobciyo laguna lafoguro arrimaha ku aaddan dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.

Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa soo hoosgala, guud ahaan arrimha bulshada ee ay dadka Soomaaliyeed u leeyihiin gaarka, sida afka oo u kala baxaya Suugaan iyo Suubaan, Hadal iyo Hawraar, Tix iyo tiraab.

Madashan ayaa ujeedka loo ambaqaaday yahay in lagu uruuriyo, dhammaan arrimaha ku saabsan Horumarinta, Afka, Qoraalka, Sooyaalkaa iyo Saadaasha nololeed ee sahanka loo yahay.

Madashan waa mid si guud uga dhaxaysa Bulshada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan, waana mid u taagan ilaalinta, keydinta, uruurinta, teyeynta, dhiirrigelinta iyo kor u qaadista hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Bahda www.laashin.com waxay mar walba tixgelinaysaa qiimeynaysaana oo diyaar u tahay aragtida hufan ee bulshada Soomaaliyeed kuna saabsan hawlaha sare ku xusun.

Wixii talo iyo tusaale ah ku soo haggaaji degel qoraaleedyada hoos ku qoran.

 

Laashin77@gmail.com

 

SHEEKOOYIN