Gabayga: Reer Mudug W.C : Hodan Sheekh Cumar

GABAY 234

Gabayga: “Reer Mudug”

Gabaygani wuxuu ka hadlaya colaadaha ka taagan gobolka  Mudug ee  is daba jooga ah,  Abwaannada Hodan Sheekh Cumar oo dareenkeeda ku cabireysa  Suugaan ayaa Gabaygan dhiig joojinta iyo baaa  nabadda  kula hadlaysa  kooxaha kala aragtida duwan ee mudooyinkii dambe isku hayey  magaalada Gaalkacayo iyo nawaaxigeeda  waxayna tiri  Hodan  sidan:

Miinlayda Gabay maanan curin, Miraha suugaane
Maansoonyinkii toodsanaa, Waadinkaan maqale
Xarfahaan mataaneyn jiraan, Moogganaa beriye
Waanse soo marceliyoo haddaan, Maaxana hayaaye
Macquul baysan ila sii ahayn, Maadashada qaare

Farriin madhax leh, murti miiganiyo,  Erayo miisaaman
Reer Mudugga gaarsiiya tani, waa mug wayntahaye.

Arartaa marriimaye haddaan, Dulucda maamuuso
Ujeedada ma’leeydaa haddaan, Idin muquursiiyo
Murti dhaxal galkeedii haddaan, Midig iin saaro
Anoon meerin daafaha haddaan, Miiso qodobkeeda
Gobalkii maqaamkiyo lahaa, Muunaddiyo haybta
Maamuus hannaanliyo wanaag, Mudugti loo daayay
Macdantiyo badroolkiyo nimcadi, Malabka khayraadka
Mallaay iyo wax soo saar kaliyo, Miro abuurmaaya
Adduunyada maguurtiyo nacfiga, Eebbe dhigay meesha
Kuwii lagu mulkiyaybaa Ilaah, Mahadin waayeene

Mashaqiyo waxay doorbideen, Muusanoow dirire
Maydkeey haddeer caan ku tahay, Muran colaadeede

Reer Muduggu waa duul qalbiga,  Mooday waa hora e
Waa duul  macaankeeda nabad, Maanacoo nacaye
Makrigiyo dhibkay jecel yihiin,  Maalin iyo layle

Waa duul mawaafiqada neceb, Lagu midoobaaye
Isumeey maciinaan haddii, Midi kaliitaaye
Mariid iyo sun bay qaybiyaan, Milil qabiileede

Muddac iyo waxay garanayaan, Dood milga la’aane
Waxay mooral jabiyaan qalbiga, Ruuxa Muuminahe
Hooyooy macaan beey asaay, Madax u saaraane
Mowlihii khalqeey caasiyaan, Maalika adduune
Wuxuu maanaceey doonayaan, Kana macaashaane
Masaajiidda waa lagu murmaa, Mowqif li’idooda
Madal beey heshiiyaan haddana, La’isku maagaaye
Haah iyo mayaa wada dhahaan, Oo mid laga waaye
Nabadiyo Colaad midey rabaan, Maanku garan waaye?

Afartaas mariil caafisiyo, mihindiskeeygii dheh
Maddar hooray, sagal muuqda iyo, Mayey arooryaad dheh
Mahiigaanka roobkoo da’iyo, Mooda Galabeed dheh
Murti deden sarbeebiyo ujeed, sogordah Miisaan dheh
Mudug baaq ku jeediyo wax sheeg, Maanso gabayaa dheh

Afar kalana meeshaan rabiyo, Moolka gudihiisa
Madmadoowgu waa badan yehee, Taliyo maareyn dheh

Murugada dadkani kama baxaan, Maalin iyo layle
Mitid weeye  duul macangagoo, Maaro kale hayne
Madaxiyo  dad weeyaan aan maqal, Maamul  dowlihe
Micne lama leh noloshiye dilkeey, Sharaf u moodaane
Ayagaaysku maqanoo intaa, Waa is mirayaane
Naxligeey maleegaan kufrina, Waa ku maranyiine
Waxay maaminaayaan intaa, Murug xumaaneeede

Madfac lagu dhammaadiyo hubkiyo,  Mootar ololaaya
Miiniyo rasaas qiiqaysiyo , Maare dananaaya
Middi baa u soofeysanoo, Laysku mudayaaye
Maqaar saarna waw dowlad iyo, Muqalasiintiise
Odayaal mushaar qaatabaa, Marin dhallaankiiye
Siyaasiga malgaayeey ayana, Waw mashxaradaane
Mugdi beeyna geliyeen rajada, Mana ku diidaane
Milyamaad qof beey duugayaan, Mustaqbalkoodiiye
Madaxa iyo majaha baysku xiran, Murugyey xaalkoode
Mid wanaagsan iyo lama yaqaan, Kii munaaafaqa
Nabadiyo Colaad midey , Maanku garan waaye?
Hashatani masaar may liqday, gadatay maankeyga?

Afartaas mariil caafisiyo, mihindiskeeygii dheh
Maddar hooray, sagal muuqda iyo, Mayey arooryaad dheh
Mahiigaanka roobkoo da’iyo, Mooda Galabeed dheh
Murti deden sarbeebiyo ujeed, sogordah Miisaan dheh
Mudug baaq ku jeediyo wax sheeg, Maanso gabayaa dheh

Afar kalana meeshaan rabiyo, Moolka gudihiisa
Madmadoowgu waa badan yehee, Taliyo maareyn dheh

Tab iyo maaro waa laga la’ yahay, Maata laysyada’e
Mareennada calooshiyo jirkaa, Balo dhex meertaaye
Midig bidixda laaleysa oo, Mooggan weeyaane
Magtu waaka ceeboo qofbeey, Madaxa gooyaane
Mudulkooda waa duminayaan, Mana yagleelaane
Mucjisiyo musiibeey qabaan, waana duul marane
Mansab maaha inan magac dhaboon, Madal ka sheegaahe
Qabiil baa wax maamula hayiyo, Qola majnuuniina
Maleeyshiyo mooryaan ayaa, Noqotey Mawdkiiye
Wax muhiima nabad muuqatiyo, Nolol murwaadkeede
Haddii aan midnimo iyo la helin, Wadajir meel gaara
Maantoo adduuniyo birro, Maalim dhimashaahi
Ma qabtiin waxaad moogtihiin, Magacna reebteene
Mashaa’iikh u yeertooy taahliil, haydin mariyaane!

W.C : Hodan Sheekh Cumar

SHEEKOOYIN