Sheeko gaaban: Tartan dhex maray wiil iyo aabbihii W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud

11136657_10153234259435900_2305092892496430724_n

Tartan dhexmarey wiil iyo Aabbihii.

Waxaa immin hore ka dhacday meel ka mid ah deegaamada baadiyaha Soomaalida gaar ahaan kuwooda reer Guuraaga ah, Sheeko  caanbaxday oo noqotay mid looga sheekaysto deegaano badan,lagana barto xikamado lana adeegsado.

Soomaalidu sheekooyinka waxay usoo xigtaan hore in lagu tusaale iyo taamilo qaato si looga tilaabsado dowyada gudban iyo turaanturooyinka lagala kulmo Nolasha guud ahaan iyo gaar ahaanba.

Sida dhaqanka inoo ah, waalidku mar walba waa hoggaanka reerka, waana baraha iyo barbaariyaha ubadka, waxayna u jeexaan oo u falaan hilinkii uu nolosha u mari lahaa.

Waxaa jiray Wiil  dadku waagaas ku majeeran jireen inuu yahay nin ku fiican Xoola dhaqashada ,Gar gelida, Doorashada  iyo xulashada Haweenka kuwooda u quraxsan.

Wiilkani isaguna uma heysan in ay jirto cid arrimahaas kaga fiican oo deegaankaas  ku nooli iney jirto,balse, mudda keddib wuxuu kaligiis ogaaday in saddexdaas waxyaabood uu kaga horeeyo Aabihiis ,wuxuuna go’aansaday in uu Aabbihiis la fadhiisto si gaar ah, kana wareysto sababta ay ku dhacday in arrimahaas uu kaga horeeyo, wuxuuna aabbihiis ku yiri ,fadhi gaar ah oo ay wada qaateen keddib.
Aabbe saddex arrimood waab kaaga fiicanahay, adna waadna iiga horreysaa igana horumarsan tahay,haddaba waxaan kaa rabaa in aad ii faahfaahiso maxay ku dhacday taasi.
Odagi ayaa wiilka ku yiri: “Waa maxay saddexdaas waxyaabood maandhow?
Wiilki ayaa yiri—
1-Waa kaa Xoola dhaqasha fiicanahay waana iga Xoola wacan tahay waana iga Xoola badan tahay.
2-Waa kaa Dumar qurxanahay ,waana iga awlaad fiican tahay.
3-Waa kaa Gar galsanahay ,gartaan galo laguma heshiiyo ,gartaad gashana waa lagu heshiiyaa.
Odaygi ayaa wiilkiisa ku yiri “Aabe been kuma aadan sheegin in aad iiga wacan tahay saddexdaas waxyaabood ,laakin aan kaaga horeeyo dheef ku qabkooda.
1- Waa tan koowaade ,Maandhaw waa hubaal in aad igaga wacan tahay xaga Xoola dhaqashada ,waanse kaa waayo aragsanahay.

sidoo kale waan ka fiirsada  geediga iyo hayaanka oo sahan baad dirsadaa, adiguse bartii roob lagu sheegaad degdeg ugu guurtaa, adigoon iska hubin.

Kolkii meel laga soo sheego Naq iyo Cosob, waxaa la ogaadaa goormaa oolin ugu dambaysay? ma diqbaa oo jiilaalkii baa la deganaa? Ma dullin bay leedahay? Ma dhul dugaag badanbaa? Ma tahay meel daaqeedu qaybsamo xoolaha Ikshin iyo Ariba.

Markaa wiilkaygiiyoow, Geedi aan sahan lahayna ma guuro, Guri aan aan cosob negaadi lahayna ma dego, goob dugaag iyo dulin lehna ma dego.

2-Waa tan labaade ,Aniga kolka aan guursanayo Guurkeyga dhanka Xulashada dumarka aasaas ugama dhigo Qurux , balsa waxaan haweenka ka eegaa dhanka Edebta iyo kartida kolki ay Biya Aroorka u yimaadaan Ceelka,sida ay Hooyada dhashay u barbaariso  gabarteeda,Abtiyaasheed dad la joogooda haddii ay naga ag-dhaw yihiin ,haddii kalana waxaan xaalkooda ka wareystaa dadka yaqaan oo ay la yaaliin ,dhaqanka Guriga ay ku soo barbaartay guud ahaan iyo Aabbaheed sida uu u maareeyo Nolosha reerkiisa.

3-Igaarkeyka waxaad hibo u heshay aftahanimo iyo in aad ka hadasho hadalka xubintiisa, waxaa kale oo aan shaki la gelin Karin in aad iiga wacan tahay Gar gelida iyo hadal deeqsiinta dadka aad gartooda bixineyso,sidaas ay tahayna lama qaato warkaada,lagumana heshiiyo gar bixintaada.

Waayo waad ku degdegtaa gelista gar bixinta iyada oo aan la gaarin waqtiga ay ku habboon tahay u gar qaadida qolada uu ka dhaxeeyo khilaafka,Balsa ,aniga waxaan garta galaa kolki laygugu yeero iyada oo la isku soo daalay ,dadkana uu mid walba is-leeyahay yaa gartiina galo ,xaqana siduu yahay wax idinkuugu sheego.

Wiilki waa gar-qaatay waana ku qancay aragtida uu ku soo kordhiyay Aabbihiis ,wuxuuna markaa keddib bilaabay in uu ku dhaqmo Taladi aabbihiis siiyay ,isaga oo ay taa u dheer tahay waxyaabihii uu kaga fiicanaa Aabbihiis waxaana Wiilki halkaa uga bilawday in uu guulo ka soo hooyo arrimihi gaabiska ku keenay horumarkiisa dhinaca xoolaha dhaqashada ,Guurka iyo Gar-gelida.

Abdallah Moallim Mahamud.
Moallem10@hotmail.com

SHEEKOOYIN