Tolow Yaa Furay?? Qaybtii 14aad. W/Q: Cabdifataax Xassan Cirguje (Qaran Doon)


  quotescover-jpg-13
Cali yare waxuu sugayaa markaan jawaabtayda, ka horse intaanan ujawaabin waxaan jaleecay raggii kalee ila dhagaysanayay, bal inay waxuun falcelis ah ka bixiyaan, iyana waa kuwaan xagayga soo wada eegaya oo sidaan wax waydiiday isku daray dhoola cadaynta iyo madaxay wada ruxaan, waa la fahmayaa inay natusayaan siday ula wada dhacsanyihiin fikradda Cali yare, markaan caad igama saarna in raggu isku wada aragti yahay, yeelkeedee waxaan anoo xiniya iska baaraya inta laan xul ah lasoo baxay iri qorsha xiga inoo raaci.

Deedna waxuu yiri waan ogaa inaadan yeelayn, waayo nin howl iyo balaayo kala horkeed kusoo jiray yeeli maayo inuu meel iska fariisto deedna iska baashaalo, hadaba waxaan kuu hayaa qorshe howleed ku anfacaaya oo aan dhamaantayo kugu garab siin, illaa aad ka gaarto heer aragtidaadu qaali noqoto la fadhiisigaagana iskadaa warkiisa, laakiin waxaan kaa codsanaynaa inaad naga balan qaado markaas inaadan raggaaga hilmaamayn intii awoodaada ah.
Markaan inkastoo wali uusan ii dhamayn qorshaha hadana waxaad moodaa inuu halkaan rabay ka hayo, aad baan ula socdaa dhagaysiga hadalkiisa iyo waliba dhaqdhaqaaqa gacmihiisa oo inta badan uu wax ku sharaxayo, waxaan waydiintiisii ugu jawaabay si farxad iyo kalsooni kujirto anoo dhoola cadeenaya “Saaxiib waa balan cidii ka shaqaysan inaan guulaysto oo heer gaaro inaan la shaqayn doono oo iyagu ay noqon doonaan cidda miraha ugu horaysa shaqadayda gurata”.
Waxuu yiri inkastoo rag kaa horeeyay sidaanoo kale maskaxda utuujinay inta ufariisanay, taladaan siinayna ku liibanay oo hadda cirkaas mariya, misna na hilmaamay oo wali aan sugayno bal inay dib naga soo xasuustaan, hadana waan soo dhaweenaynaa balan qaadkaaga. Kalmadahiisaas afeeftaa ee uu ka hormariyay qodobka labaad waxay ii ahaayeen dhiirigalin, waxayna iiga dhignaayeen sidii isagoo itusay taladay isiinayaan miraheedii oo horay loo tijaabiyay, dhanka kalena waxaan ka carooday abaal lawaayashaas raggii heerkaas inay gaaraan usababta ahaa sida fudud ku hilmaamay.

Deedna waxuu yiri Cumaraw saaxiib waxaa socda qorshe lagu dhisayo ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS, Madaxwaynaha Soomaaliyana waxuu balanqaaday cid kastoo ka qaybqaadata inuu ka abaalmarin doono sidoo kalena taariikhdu xusi doonto, hada madaxwaynuhu waxuu imaanayaa jimcaha soo socda hoteelkaa taqaanay buuna dagayaa, marka seed u aragtaa haddaan ku siiyo qorshe shaqeenaya oo magaaladii iyo deegaankii aad ka timid, ee aad natiri ku noqosho malehna aad tagto adoo wafdi wata deedna halkaas kugusoo dhaweeyaan si aan kala har lahayn, dhanka kalena aad si fudud uga mid noqoto wasiirada cusuba ee iskushaandhaynta xukuumaddu shalay ku dhawaaqday kujiri doona.
Dhagaysiga qodobkaan timihii baa iga yaaci gaaray yaab awgii, inta geesaha dhawray baan iri saaxiib dee markii horaa lagu qaatoo aad riya maalmeedka kujirtay, malaha dee saaxiib hadda waad ku dhufatayba, mise maahee “Qaadkaa ku anfacay caawo”, yaa wasiir noqda ma anigaan aan waligayba iskoolka galin? Yaase madaxwayne la kulma? madaxwaynaha ma wa xaad mooday qof cid kasta iskala kulmi karto iyadoon howlba umarin, ma asagaa waqti intaa leeg nooceenaan iska daaqaya uhaya? Waxuu yiri iska daa warkaas anaa ku tusaya madaxwaynaha oo taleefonkaaga aan ka dhamaan marwalbana kula soo hadlaya, ee adigu diyaar ma utahay mise muran cidlaa baa meesha ku haysaa hana wareerinee? Saan iri dee haayee walaal wax macquulaa dadka loo sheegaa, bal waligaa ya Allahaa ma maqashay Madaxwaynaha oo maanta la kulmay muqayiliinta? way tira dhaaftay intaan maqalnay madaxwaynaha oo lakulmay ardayda iyo aqoonyahano kalee, hadii arintaas aad sheegayso la helaayo anaa boqolaal askar soo dhoobaya maalin gudaheed, waayo reerkayagu waligii wasiir ma helin oo waa lagacab bidixeeyaa, haday ku helayaan sidaan fududna intay doonaan oo askaraa laga helayaa, intuu hadalkii igasoo dhex galay buu yiri war hoy illeen balo war dee see wax laguu fahansiiyaa, yaa dhahaya muqayiliin magacyo kalaa loo baxshaayee, dhanka kalese miyaadan ogayn hadda dadka ugu badanee qayilaa inay yihiin madaxda? oo qurba joog baa nahay, ganacsadaan ahay iyo Macalin horaan ahaan jiray meesha kuwada yimid? Yaa magacyadaas huwantaa iyo kuwo kaloo badan kaa xiga, kuwo aan wali la isticmaalin baan kuu haynaa adiga ninyahaw oo barafasooradu fadhiga kaaga kacayaan haday maqlaan, howshuba ha yaraatee diyaar ma utahay tijaabada koobaad inaan ku tuso markuu madaxwaynuhu yimaado? Anoo dhanna la dhakafaarsan warkiisaan dambe ee ah in lawada qayilo xoogaana soo yara dabcay baan ugu warceliyay si halhaleel ah diyaar, haddii sidaa iisheegayso madaxwaynuhu iskadaa wax kalee xataa ogalaado inuu nala kulmo, waxkastood idhahdo sidii xadiiskii baan uqaadan, sidaas ayaan ku balanay Cali yare asxaabtii kalena uwada riyaaqeen, waxuu misna intaas ii raaciyay inaan Jimcaha kahor meelaan kakeenaba aan “Suut iyo Taygiis” raadsado sidoo kalena kabo buud ah oo kusoo baxaya iyana sooraacsho, haye iyo hawraarsan baan maalintaas ku kala hoyanay……………………………………………………………………………… ………………………………………………………………………………………
Dhamaad Qaybtii 14aad Lasoco Qaybta xigta………………..
W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)
Cirguje1986@gmail.com

SHEEKOOYIN