Qorshe Ganacsi. W/D; Bashir Hashi Dhore

sed

Qorshe Ganacsi

 

Waa maxay qorshe Ganacsi?

 

Qaabka ugu fudud ee loo qeexi karo qorshe Ganacsi, waa; HAGE. Sidoo kale, waa jidkii aad u qaadi laheyd Hiigsigaaga iyo faahfaahinta  qorshahaga, si aad u gaarto  himilooyinkaaga. Qorshaha ganacsiga sidoo kale, wuxuu  sharraxaad ka bixiyaa kooxda kula shaqeyneysa iyo in ay yihin kuwo awood u leh in ay kugu kaalmeeyan sidii aad u gaari laheyd  hadafyada iyo ujeeddooyinkaaga ganacsigaga.

Qorsheynta ganacsi qoritaanka qorshe ganacsi oo dhammeystiran ayaa ah tallaabada ugu horreysa marka la billaabayo ganacsi.

 

Qorshahaaga ganacsi waa uu:

 

-Ku hagi doonaa marka aad ganacsigaaga dhab ka dhigaysid.

-Kaa caawin doonaa inaad ka baxsatid khaladaad kharash badan.

-Kaa caawin doonaa inaad dhaqaale ahaan is diyaarisid, haddii aad ku talogashay inaad adigu maalgalisid ganacsigaaga iyo haddii aad ku talogashay inaad cid kale ka heshid maalgalin.

-Kaa  caawin doonaa inaad heshid kalsoonida dadka kale ee laga yaabo inay xiiseynayaan keeneyaal.

 

Qaybta ugu qiimo badan qorshe ganacsi, waa aqoonta aad heshid marka aad sameysid daraasad qoto dheer, oo aad qortid. In kasta oo ay soo jiidasho leedahy inaad kireysatid qof kuu diyaariya qorshahaaga, ama inaad iibsatid qorshe jira oo loogu talogalay nooca ganacsigaaga, haddana, waxaa danta kuugu fiicani kuugu jirtaa inaad adigu hawsha qabatid. Taas macnaheedu ma aha inaad kaligaa qabatid. Waxaa talo fiican ah inaad la shaqeysid bareyaal, la-taliyeyaal, ama talo-bixiyeyaal inta aad ku jirtid hawsha. Tilmaantoodu waxay kuu keydin  kartaa wakhti iyo dadaal badan.

 

Qorshe Ganacsi oo waara  guulna  gaara waxa uu  ka kooban yahay.

 

Bayaan Waxqabasho iyo Hadaf

 

Bayaan waxqabasho waa sharraxaad gaaban oo qeexeysa waxa aad qaban doontid. Waxa uu adiga iyo dadka kula shaqeynaya ka cawinaaya in diiradda la saaro waxa muhiimka ah. Bayaan ujeeddo waxa uu ka jawaabaya su’aasha ah “Maxaan rabnaa inaan noqono?” Waxa uu ku siinaya tilmaan marka aad sameynaysid go’aanno saameyn doona mustaqbalka ganacsigaaga.

 

Sharraxaad Ganacsi

 

Sharaxaaddaada ganacsi waxay ka jawaabaysa su’aalaha ah “kuma, maxay, goorma, iyo halkee?” oo macnaheedu yahay ruuxa ad dooneyso inaad wax ka iibiso, waqtiga ay tahay inaad ka iibiso, iyo mesha ad dooneyso inaad ganacsigaga ka fuliso ama aad ka billawdo. Sidoo kale, waxaa ku jira lahaanshaha, nooca ganacsi, taariikhda billaabista, iyo goobta.

 

F.G: Qormadan markii u horraysay waxay ku soo baxday 01/07/2014tiiWargeyska Wargeyska Gobollada Dhexe

 

W/Q: Bashir Hashi Dhore

Bashka144@gmail.com

 

SHEEKOOYIN