Maansada: Bilis weeye idilkood W/C: Ibraahim Cismaan Afrax

14479610_1080711718712951_5250478407355367798_n

Waa maansadii Bilis weeye idilkood”    Maansadan waxaa curiyey Ibrahiim Cisman Afrax,  isagoo ku cabiraya  dareenkiisa suugaaneed, haweenka Soomaaliyeed iyo milgahooda wuxuu yiri:

 

Maansada: Bilis weeye  idilkood

 

Cirkoo seymo buuxsheen
Barta laga filaayiyo
Barinkii u oonnaa
Haddey Baal ka dhaaftoo
Hogashii Ka booddaba
Baabac timo leh weeyaan
Buur iyo bannaankeed
Inuu Baad ka soo baxo
Hadba shayga baaqsada
Nin u beer adeeygoo
Waxan ahay bir aan jabin.
Afartaa barnaan iyo
Ba’da maansadeydiyo
Bu’da hadalkey weeyaan
Afar kale sidii buun
Basar kuugu yeershaye
Baarri mayla socotaa?
Baabuur nin fuuliyo
Baroorkii Fardoodiyo
Bareekiyada buubtaba
Dhulka buuraleydiyo
Babaciyo bannaankiyo
Dhagaxiyo bacaadkiyo
Buuhoodla iyo didib
Bari iyo waqooyiyo
Badda qoorigeediyo
Bartamiyo Galbeediyo
Koonfur baallaheedii
Beledka iyo baaddiye
Berrigoo dhan soo maray
Bogcad kuma habaabee
Baari Mayla socotaa?
Dhaldhalaal bidaayoo
Midab barax la moodiyo
Buufis iyo waxaan jirin
Bilic laguma sheegoo
Rag ku baanan maayee.
Ma ogtahay Bullaaloow
Boqolkiiba boqol jeer
Bilaash looma heesee
Hableheenna baaddiye
Ama jira beldaankaba
Billiga iyo quruxda leh
Basarkiyo asluubta leh
Waxa loo barbaarshee
Baarka loogu feeree
Birta loogu gooyaa
Iney beerta aadmiga
Badiyaan dadkeennoo
Barbaarshaan dhallaankoo
Bulshadana hormariyaan
Misna lagu baraaree
Baarri mayla socotaa?
Burji iyo hannaan iyo
Gaaridii bidhaan wacan
Bili loogu daw galay
Burco iyo hargeysiyo
Boosaaso iyo baran
Burtinliyo cadaadiyo
Balad weyne hiiraan
Baydhaba kismaayiyo
Muqdisho iyo boorama
Balcad iyo shabeelliyo
Baardheere iyo luuq
Buulaayya Mahadaay
Halka ay ku baridaba
Bilis weeye idilkood
Badanka iyo laabtiyo
Beerkana qaboojee
Baarri mayla socotaa?
Bani’aadamkoo idil
Ninba baylahdiisiyo
Bogay hawlihiisoo
U baqool dantiise
Budliyaha jacaylkiyo
Cishqi baaxad weyn lihi
May baaqay maantoo
Buunkiisa may tumay
Boqorantii haweenkiyo
Baaridaan calmadayee
Boos aan la degi laa
Buugga maygu qorayo
May ishaarey bilantey.
Aan kuu bayaanshee
Balad weyne mooyee
Beer-lula haddey jirin
Berri kale ku nooleyn
Ninna baadi doonkii
Buuhoodle iyo gedo
Berberiyo shabeelliyo
Dusmo-reeb bankeedii
Xilo kama boqreenoo
Aroos baaxad weyn iyo
Bullo looma dheeleen.
Shiidloow burhaan iyo
Burji leysma siiyee
Waxa inan bureeqaa
Awdal lagu barbaarshee
Ku xushleeya Boorame
Ragga kii bukaan qaba
Looyaamay boholyoow
Baramboorri fooftiyo
Beytimaalna aan heyn
Hadduu beeyo udugliyo
Ugu baaqo guur wacan
Basar maw ajiibaan?
Guul mawgu baaqan?
Mise wey ka boodaan?

 

W/C: Ibraahim Cismaan Afrax( Ibraahim Nolosha)

SHEEKOOYIN