Riyadii rumowday Q 5AAD W/Q Maryan Ibraahim Cali.

pizap.com14702537995151

Riyadii rumowday Q 5AAD 

Wuxuu waqtiga is guraba waxaa la gaaray daqiiqadihii u danbeeyey ee uu faarax xagayga soo gaari lahaa, wali waxaad moodaa inuusan wali iga bi’in walwalkii, wadnahaygii garaacoodana waa uun sii kordhaayaa, waxaa si lama filaan ah usoo dhawaaqay moobelkeyga, anigoo eegin ayaan niyadda iska iri hubaal waa Faarax mise mobelka markaan soo qabtayba waa abbaayo oo isoo wacaysa, anigoo niyadda iska leh saacaan miyaa dadka lasoo wacaa weyba i mashquulin rabtaa qoftaaane ayaan ka jawaabay moobelka salaan iyo is wareysi kooban kaddib waxaa qadka soo galay Faarax indhahayga markay qabteen magaciisa ayaan iri abbaayo waanku salaamaayaa aad baan u mashquulsanahay anigaa kula soo xiriiri doona.

Wicitaankii Faarax ayaan ka jawaabay codkiisa oo aad moodo inuu sidii hore ka duwanyahay oo aad ka dareemeysid xamaasad badan ayuu igu yiri, “abbaayo xaafadaada ayaan soo gaaray ciwaanka aad isiisay waan hor taaganahay ganbaleelka miyaan soo garaacaa mise adigaa soo dagaaya”Anigoo aad u naxsan misna faraxsan ayaan ugu war celiyay ” abboowe Maya waxba hasoo garaacin ganbaleelka gabar ayaan kuu soo diray oo ilinka kaa furaysa”.

Waxaan usoo istaagay ilinka dhexe ee qolka fadhiga ina laga gelayey, anigoo ay iga muuqato shacni iyo qurux ilaa xad ah oo aan anigii xitaa is jeclaaday, markaan xoogaa yar taagnaa ayaa waxaa isoo gaartay caraf aan horay u aqoon oo ay naftu jeclaaneyso sanka ayaan la sii raacay, halmar baa waxaa afkayga soo daftay alla caraf macaan oo jawi degan iga dheh walee inuu rageedii yahay, anigoo Isla hadlaaya oo waxa agagaarkayga ka dhacaaya dareemeyn carafta i saaqday aawadeed ayaa waxaa isoo ihor staagay xiddigii aan doortay ee nafsadaydu ay muhatay, indhihiisa ayuu indhahayga ku qabteen, ayaa  sidii  Maska loo yaqaan  Abriska(Copra) ee indhaha ku ugaarsada  hadduu indhaha sagaarada iyo ugaarta yaryarna  aysan nuuxsan oo kale ayaan  nuuxnuuxsan waayey ,waxaan ilaaway inaan soo dhaweeyo isaga ruuxiisa ima dhaamee salaanta ayuuba ilaaway, daqiiqado is fiirin iyo indho bilig bilig ka siin ah kadib ayuu igu yiri “waanku Salaamay sahra iga raali noqo anigoo fasax u qabin ayaan si daran kuu eegey shacniga kaa muuqda dartiisna inaan ku salaamo ayaan Ku ilaaway”
“Soo dhawaaw abboowe faarax dhib malahan aniga ruuxeyga soo dhaweyntii ayaan ilaaway ee horay usoo gudub”
“Hawraarsan abbaayo”. Waxaan soo xasuustey maansadii Abwaan Hadraawi ee “ Jacayl dhiig ma lagu qorey”  Tuducyo ka mid ahaa oo ka warramaya  wiil iyo gabar muddo is raadinayey oo kala maqnaa oo meel  cidla  oo midna midka kale uusan ka fileyn isaga soo baxay  wuxuu yiri Abwaanku:

  • Weli laba is dhaarsaday
  • Beryo dhacan nasiibiyo
  • Dhul ku kala cillaalaa
  • Subax dharabku kowsadey
  • Dhedaduna cuddoon tahay
  • Cidla aan dhir mooyee
  • Wax dhaqaaqayaa jirin
  • Jabaq maysku dhaadeen?.
  • Kulankii dhabta ahaa
  • Riyo dhiifi keentiyo
  • Dhalanteed ma moodeen?
  • Sida ay dhadhabayaan
  • Dhawr jeer ma seleleen?
  • Af dhabaan dhab jamashada
  • Ma ka dhoofay hadalkii
  • Bal dhaqaaq na kay tahay
  • Dhihidii ma waayeen?
  • Ma ka dhabaqday xaajadu?
  • Ilma dhalatay xiisuhu
  • Sida dhibic mahiigaan
  • Ma ka qubatay dhaayaha
  • Ma ku qoyey dharkoodii
  • Naxariis ma dhidideen
  • Iyagoo dhanqalankii
  • Dheel dheelli mooyee
  • Dhegna aanay kaga jirin
  • Kolba erey dhex roorkiyo
  • Dhumucdii ka maqantahay
  • Dhitinaaye keligii
  • Ka dib tooban dharaarood
  • Carrabkiyo dhanxanagii
  • Dhirindhirid ma ku heleen

Waxaan usoo gudubnay qol si weyn loo qurxiyay ubaxyadana lagu xardhay udugiisa ay bannaanka kuugu imaaneyso,Faarax ayaa yara istaagay albaabka qolka isagoo leh waaaw sahrooy Malaha qolkaan waa jannadii daaqad ka mid ah, intaan qosol xishood ku dheehanyahay qoslay ayaan iri maya Faarax dunida unbaan joognaa aaqira iyo janno lama gaarin ee  soo guduboo fariiso walaal.Waxaa noo bilaawday jawi farxadeed oo qof walba naga mid ah uu ku hamminaayey.Faarax waxaa hor fadhida gabadhii uu waqti badan kala hadlaayey telefoonka ee maqalka codkeeda xiisayn jirey farxada uu dareemaayo wajigiisa sida dayaxa u kaahaya ayaad ka aqrisan kartaa.

Salaan iyo is wareysi kaddib Faarax wuxuu bilaabay inuu ii mahad celiyo Mar hadduu hadal bilaawana ma aamusaayo waa sidii Radio la daaray, wuxuu hadalka ku bilaaway,” abbaayo sahra ma aqaan si aan kuugu mahad naqo, waxaad iisoo dhawaysay sida ugu qurux badan ee qof loo soo dhaweeyo soo dhaweyntaada quruxda badan darteed hadalkii aan ku dhihi lahaa xitaa wuu isaga key qasmaayaa, abbaayo mid maku dhahaa” Anigii aadbaan u yaababanahay indhaha ayaan  la raacaya sidii qof arkay musjiso iyo waxaanu weligiis hore u arag una maqal, wiilka maxaa ka siya ayaan isleeyahay, caku war badanaa bal muu jaanis aan ku neefsado isiiyo hadalka ayuuba igu dhejiyee, anigii oo aan u jawaabin buu igu yiri, aad baad u qurux badantahay indha deerralleey baad tahay, dadka intaas maku dhahaan makuu sheegaan quruxdaada mise wey kaa hagradaan.markaas ayaan ugu war celiyay, ” Adiga ayaaba hadda ii sheegey mahadsanid Faarax qof qalbi wanaagsan ayaa tahay”

Waxaa dhex galney oo muquuraney sheeko aad udheer sheekadaas waxay iiga dhignayd sheeko tan ugu mac ee ebid qof iisheego.dhagahayga marna kama caajisin dhegeysigiisa indhahaygu sey wey awoodi waayeen inaan maantoo idil eego waxaan dareemaayey baqdin indhahayga iyo indhihiisa marna isma qaban oo waan kala ilaalinaayey ilaa xad, intuu halmar sheekadii joojiyay ayuu igu yiri “abbaayo sahro halmar isoo eeg inaan wax kuu sheegaan doonaayaa waliba adigoo i eegaya” Anigoo aad u naxsan oo jarayna ayaan xagiisa eegay.

La soco qaybaha dambe

 W/Q: Maryan Ibraahim Cali.

SHEEKOOYIN