Saaxiibka wanaagsan W/Q: Muxammed C. Muse

14800145_736045379882809_1030068465_o

Saaxiibka wanaagsan

 

Saaxiibka wanaagsan, waa qofka ku la wadaaga wax kasta oo wanaag ah, ku tusiyana meelaha wanaagga laga helo. Saaxiibka wanagsan waxa uu mar kasta is ku dayaa, inuu kaa leexiyo waddada khaldan, asoo kugu toosiyo tubta toosan, si ayna u xumaanin fikradda lagaa heysto una noqoto mid lagu daysan karo. Haddaba saaxiibka wanaagsan waxa uu noqon karaa Lab/dheddig ah.

Saaxiibka wanaagsan, marka uu ku la joogo waxa aad dareemeysa miisaanka uu ku leeyahay noloshaada, marka uu ka maqanyahay waxaad dareenta culeykiisa iyo saameynta uu ku lahaa noloshaada, sidaas daraaddeed, saaxiibka wanaagsan waa qof leh maqaam gaar ah.

Saaxiibka wanaagsan summadda uu leeyahay waxa weeye, in marka aad is ku dhacdaan, uu jecelyahay, inuu xalliyo haddii uu khaldanyahay iyo haddi uusan khaldaneyn intaba.

Saaxiibka wanagsan, waxaa lagu gartaa, in markii wax kugu dhacaan ama aad xanuunsato in uu kuu yimaado kuna soo booqdo, sidoo kale, waa qofka inta badan aad waqtiga is la qaadataan, wadaagtaanna wixii soo kordha wanaag iyo dhibba.

Mararka qaar waxaa jiri kara adiga iyo saaxiibkaaga in ay jiraan waxyaabo badan ineydan wadaagin sabab kasta ha keentee, balse, waxaa macquul ah, inaad ka dareento ama uu kaa dareemo hadba sida aad u wada hadashaan.

Haddaba, saaxiibka wanaagsan oo leh summado badan oo asluubkiisa iyo dhaqammaadkiisa ka mid ah ku ma soo koobi karo qormadan, marka intan ayan ku hakinayaa.

 

W/Q: Muxammed C. Muse

SHEEKOOYIN