Gabay qiiro badan: Dirir hoog Baaja W/T:Cabdullaahi Shire Yuusuf

GABAY 234

 

 

 

 

 

 

Dirirta hoog baaja

Gabaygaan wuxuu curiyey 14/10/2016 ammin ku beegan 2:44 waa gabay waano iyo wax sheega oo aan ku wacyigelinayo bulshada soomaaliyeed gaar ahaan maamulada ku dagaalamaya gobolka  Mudug  waxaan ka codsanayaa inay colaadda joojiyaan.saaxiib kay haaruun maxamed baan kusoo halqabsaday.waxaan iri:

 

  • Haaruun ba’ iyo hoogga dhacay,beleda yeeraysa
  • Ilaah baan baryaayaa inuu,naga badbaadshaaye
  • Oo barwaaqo uu nooga dhigo, beledkii fiicnaaye
  • Bartamaha magaalada ilaa,buurcad agaheeda
  • Baraxleey israac iyo garsoor,labada jeeg boynti
  • Bitaale iyo godad iyo hobyiyo,bariga meeshiisa
  • Barbarkaa galbeed iyo dhulkaas, bogox kusii aadan
  • Barta saaxo taalliyo arlada,baahan lagu foofsho
  • Billaahaan ku dhaartee dabkii, waa bel belaaye
  • Baabaynka diriree xarbiga,boowe hurinaaya
  • Haantii bug dheer bay kacsheen,belo qarsoonayde
  • Bii em iyo waxay marahasaa,beebe iyo suuye
  • Beekaamka dhacayaana waa,boqolkun oo nooce
  • Inta boobayaal meesha yaal,taa kasii badane
  • Bastooladiyo baaruud bunbiyo,gabal banaatiikh ah
  • Cabdibile dhashiikaha bacliyo,horin baroomaada
  • Ragga booda kuwa bohola gala,beerka dhiganaaya
  • Waxaan beerna reebaynin bay,Beledka keeneene
  • Afartaa bayaanshaye haddaan,Bayd kale u laabto
  • Shan haloo wax bi’isaa jiree,Dirir ta hoog baaja
  • Ba’ay iyo baroor aan dhammaan,Dumarka oo booya
  • Boholyoow walaac aan harayn,Murugta oo baahda
  • Boqolaal agoon iyo rajaa,Silica soo biirin
  • Inta aan basluhu nagu dhex fidin,Dirirta hoog baaja
  • Baabuurta wada xiimasoo,Beeso guranaaya
  • Barrinkaad ku noolayd markaad,Subax kasii boodid
  • Inkastoo ammaan aad biddoo,Belo ka rooraysid
  • Bay-bay ku dhigayaan bannaan, Meel bus iyo boora
  • Waa xagaa barraahsaday abaar,Geela loo baqaye
  • Biyo li’i intaan loo bakhtiyin,Dirir ta baas baaja
  • Barbaartoon ku waynoo barkood, Boorka lagu aaso
  • Kuwa beelo lugahoo marnaba, Socod ka beegaynin
  • Kuwa baalashii dhaayihiyo,Araga biimeeya
  • Khasaaruhu intii uusan badan,Dirir ta hoog baaja
  • Kitaabkii bilnaa iyo sharciga,Waa la baal maraye
  • Boqorkeen wuxuu naga nahyiyay,Baynu falanaaye
  • Dhiigay bannaysteen dadkii,Badi ahaantoode
  • Bartamaha cadaabaha qofkii,Baafiyaa galine
  • Jahannamo inaynaan is badin,Dirir ta hoog baaja
  • Dhulkaa wada bilbilayiyo guryaha,Binaha loo taagay
  • Halka diinta lagu baranayiyo, Baydka barakaysan
  • Bacadlaha wax lagu iibiyiyo,Beeca idilkiisu
  • Inta aysan gebi naga burburin,Dirirta hoog baaja
  • Afartaa bayaanshaye haddaan,Bad kale u laabto
  • Intaan gabaygu buur ila korin,Baan ka baxayaaye
  • Belaayadu intay dhawdahaa,Laga bar gaaraaye
  • Bulshayahay tixdaan mariyay iyo,Baaqa gabaygayga
  • Baraarahiyo nabadaan rabaa,Inay ballaartaane
  • Buntukhyada intaad tiirsaan,Dirirta hoog baaja

W/T:Cabdullaahi Shire Yuusuf.

email:abdallahshire892@gmail.com.

SHEEKOOYIN