INAGOO IS QABNA WAX MA BARANAA? W/Q: Cabdiraxmaan Warmooge.

image

INAGOO IS QABNA WAX MA BARANAA?

Guur kolka laga hadlayo waa xaalad ama qayb nolosheenna ka mid ah, oo saamayn inagu leh. Waa xaalad nolol beddelasho adigoo ka caraabaya mid kalinnimo, dhallinyarnimo ama iskaabulannimo, unna dhaqaaqaya mid lammaane. Waa nolol ina wada sugaysa. Waa wado ka awoow ka awoow la soo hayay ilaa Aabbaheen Nabbi Aadan. Waa nolol go’aankeeda iyo taladeeda lagula yeelanayo, oo lagula wadaagayo. Waa nolol halgankeeda iyo hawsheeda u baahan, oo inaad isu hubayso, oo isu adkayso lagama maarmaan ay tahay. Hore inaad u gu degdegtaa aanay habboonayn, dib inaad uga dhacdaana aanay fiicnayn. Sababta oo ah wax kastaa ba xilligay ku habboon yihiin ayay ku wanaagsan yihiin.

Caqabadaha u gu waawayn ee dhallinyarada haysta, gaar ahaan hablaha iyagoo dhadhanka iyo macaanka ay waxbarashu lee dahay jaqaya ku kala jara waxa kow ka ah; Guurka. Sannad kasta waxaan marqaati ka nahay, oo aanay cidi inooga warramayn inta hablo ah ee iyaga oo waxbarasho dugsi dhexe, mid sare ama mid jaamacaddeed ba ku jirta xiiso guur galo, kadib go’aansada inay qoys samaystaan, oo ubad dhalaan, oo hooyo noqdaan. Gabdho badan ayaa iyagoo sii wadista waxbarashadooda xiisayna, hadda na aaminsan inaanu guurku u saamaxayn; carruur in ay dhashanna aanay ka baaqan karin ama joojin karin.

Dhowr sanno ayaan ka soo shaqeeyay farmasiiyo kala duwan, oo Hargaysa iyo Berbera ba ah, taasina waxay ii saamaxday inaan la kulmo dumar badan, gaar ahaan kuwo hadda aqal galay, oo isticmaalaya, dawooyinka dhasha lagu yareeyo ama lagu kala foggeeyo. Su’aalo badan ayaan is wayddiin jiray oo ay kamid yihiin; Ma xalaal baa isticmaalka dawooyinkani? Duruufo dhaqaale haddii ay ku haystaan, u tagista xaaskaaganna aanad ka baaqan karin ama iska takoori karin, illeyn waa qof aad gogol iyo sariir wada seexanaysaane ma isticmaali kartaa dawada? Haddii ay baahi waxbarasho jirto si aad u sii wadato ma isticmaali kartaa dawooyinkan? Muddo intee leeg ayaad wadi kartaa haddii aad isticmaasho? Su’aalahan oo dhan iyagoo maskaxdayda ka guuxaya ayaa sannadkii koobaad ee jaamacadda SH. Dirir muxaadiro noogu qabtay isla jaamacadda Camuud, ka dib kolkay muxaadiradii dhammaatay ayay ardaydu su’aalo wayddiiyeen sheekha, waxaana kamid ahaa su’aalaha; Sheekh anigoo ardaya, haddii aan guursado gabadh ardayad ah, si aanu u ga foggaano is-xodxodasho iyo galmo xaaraan ah, oo iyadoo sidaasi jirto dhasha ma iska joojin kartaa inta aan labadayadu ba waxbarashada dhammaysanayno? Sheekhu haa ayuu ku jawaabay. Waliba wuxuu sii raaciyay, xitaa haddii aad adiguun arday tahay, oo aanad dhaqaale badan haysan waad samayn kartaa, bal se haddii ay caafimaadka qofka wax yeelayso waa xaaraan, sidoo kale haddii uu qofka isagoo dhaqaale haysta uu oggaan iskaga mudo ama muddo dheer iska xidho dhasha waa xaaraan. Maalintaa wixii ka danbeeyay waxaan aaminay fikirkaa, waxaanan u arkay mid xal u noqon kara wiilal iyo hablo badan oo waxbarashadooda halkaa kaga dhaqaaqi jiray. Sidoo kale fikirkan waxaan u arkaa inuu yarayn karo dhaqan xumo badan oo maanta aad ku arkayso waddooyinka, luuqyada, madowyada, guryaha qaar iyo faras-magalahaba

SHEEKOOYIN