XASIL OO ILA GARO.(XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

isla diyaarada

XASIL OO ILA GARO.

Qaybtii 6aad

                                                              TAADA DARYEEL

Waxa aad u nooshahay waa noloshaada ma ahan noloshaada mid la doonayo in gaaritaanka hadafkeeda ay u luga laabanto adiga oo ka fakaraya Dad kale, qofka wuxuu wax ugu yaboohi karaa dadka kale marka uu naftiisa yabooha ay u baahantahay uu siiyo, taas oo macna ahaan aan ula jeedo adiga oo baahan in naf kale baahi tirkeeda ay tahay wax aan suura gal ahayn, taas haddii ay dhacdana hubaal in ay dib kuu ugaarsan doonto, hadaba iyada oo noloshu isku xirantahay ayey hadana kala xirantahay, marka waa in qofku uusan dayicin tiisa si tu kale uu u daryeelo, tiisa daryeele ayaa tu kale daryeela waa Maahmaah Soomaaliyeed.

 

                                                 NOLOSHA DUNIDA WAA MID GAABAN

Ma tihid mid waqti noloshiisa ku filan haysta marka si dhab ah loo xisaabsho waqtiga dhan ee aad nooshahay, hadaba maadaama aad doonaysid in aad gaarto hadaf nololeed saamayn ku yeesha noloshaada dunida iyo midda damaba waxaa wanaagsan in aad tahay mid waqtigiisa ku xisaabtama oo aan ku lumin ku mashquulidda wax aan dantiisa ku jirin, amaba la dhihi karo dhib ayaa kaa soo gaaraya.

Dadka qiimaynta ku sameeya Nolosha marka ay qiimeenayeen wax badan in aysan ku qiimayn ayaa muuqata, maxaa yeelay waxay kusoo koobeen noloshaad shalay oo aad soo dhaaftay, maanta oo aad joogtid, iyo barri oo aan la hubin in aad joogi doonto balse ay kasoo qaadeen in aad joogto.

Shalay waxa aad suubisay ayaa saamayn ku yeesha noloshaada maanta sidaas si la mid ah isla maanta waxaa suubiso waxay saamayn ku yeeshaan noloshaada barrito, hadaba si aad uga fogaato wax walba oo maantadaada ama barritadaada carqalad u keeni kara, waa in aad mar walba saxdaa ficilada aad suubinayso adiga oo laba jeer ka fakaraya ficil walba inta aadan suubin.

Balse taas dadka qaar qaabka ay u raacaan ayaa keenta dhibaato kale, ma ahan in qofku cuslaysto wax walba waxa aad cuslaysatana way ku cusleeyaan, hadaba waxaa wanaagsan in wax walba loo qabto si ku jirto taxaddar iyo ka fogaasho laga fogaanayo in lagu tarax tago, micnaha lagu xad gudbo.

                                                         DHIBKU WAA INOO DHEEF

In dhawaac uu ina gaaraa mararka qaar waxaa ku jira maslaxaddeena, maxaa yeelay dhawaacaas ina xanuujiyay waa mid sababa in aan maskax ahaan u korno, oo ka feejignaano bartio in dhaawac kan la mid ah uu ina gaaro, sidaas si la mid ah wuxuu ina baraa dhaawucu sida aan iskaga dawayn lahayn, waxa maanta Cudur dunida yaacaya ee lala tacaalayo haddii aysan iman lahayn lama heleen Dhaqaatiirta iyo Saynisyahanada daawooyinka soo saaro, sidaa darteed dhibaatada ma ahan in aan dhibsanaa ee waa in aan u garanaa in ay tahay mid ka mid ah hibooyinka Eebe inagu mannaystay ee uu inagu barayo adkaysiga dhibaatada Nolosha iyo la tacaaliddeeda.

 

FEEJIGNAAN

Is dagidda aan is dagno iyo isku maqnaanta aan isku maqanahay waa mid aan u arki karno in aysan wanagsanayn, dhanka dabeecadda bani aadamka kuma wanaagsana oo qof jecel in la dago ma jiro, balse waxaa su’aal ah qofka neceb in la dago isagu ma jecel yahay in uu wax dago? Jawaabta su’aashaas waxaan dhihi karaa ma jiro qof haa uga jawaabi lahaa, hadana sidaas ay tahay dadku waa kuwa mar walba wax daga, marka qof wax dagana waxay ka dhigantahay in dadka la dagay, maxaa yeelay waxa  uu dagay waa Dad.

 

Sidaas darteed, Khayaanada iyo Luqafada waa mid la dhihi karo wax badan ayey na bareen si aan u digtoonaano, maxaa yeelay mararka qaar aragtida indhaheena gudaha waxay soo kacdaa oo kaliya marka dhib ama dhaawac aan la jeclaysan loo gaysto, dhaawacaas oo la oran karo waa midka sababta u noqday in aan indhaha kala qaadno. Hadaba in la is khayaano ma wanaagsana, hadana waxaa la oran karaa waxaa ku jiro danteena qaar, maxaa yeelay waxaa lumaya foojignaanteena haddi aysan jirin wax la iska ilaalinayo.

 

KHALADKU WAA KHIBRAD

Khaladka waa inoo khibrad oo wuxuu uga jiraa nolosheena qayb aad muhiim u ah, khaladkeena waa qayb ka mid ah barashada aan wax barano, waana midka kaliya ee aan ka helno waxa la dhaho khibradda, qofka marka uu gafo oo uu gafkiisa uu ka dhexlo dhibaato wuxuu sabab u noqdaa in uu wax badan ku guulaysto wax badana uu Cashar ahaan u barto si uusan ugu celin wixii shalay ka dhacay.

Hadaba khaladku wuxuu kordhiyaa khibraddeena oo maanta qof kaste oo lagu tilmaamo Khabiir, hubaal in uu yahay qof wax ka bartay khaladaad badan oo uu sameeyay, aqoona u yeeshay qaabka looga hortagi karo khaladkaas ama haddii uu dhaca xitaa kadib sida lagu sixi karo.

Khibradda oo timaada khaladka kadib waxay nusqaamisaa khaladaad dambe in uu inaga dhaco, khaladkeena oo yaraadana waa guusheena oo kororta, maxaa yeelay guul lama gaaro haddii aan laga digtoonaan wax kasta oo keeni kara habacsanaan.

XUSHMEE DAREENKA DADKA

In aad xushmayso dareenka dadka waa mid dantaada ku jirta, ma ahan in aad u aragto in aad dadka ugu danaynayso, waa in aad maanka ku haysaa in aad dadka ka mid tahay wax walba oo dadka dhibayana ay ku dhibayaan wax walba oo aad doonaysana ay dadku doonayaa, sidaa darteed, qaddari qiimaha uu qofku leeyahay xitaa haddii ay ka hor imaanayso maslaxaddaada qaar, maxaa yeelay, qiimaha qofka ma ahan wax adiga lagaa baryayo waa mid uu siiyay Rabbiga abuurtay, sidaa darteed waa in aan qof walba ku qaddarinaa dareenkiisa iyo doonistiise inaga oo aan ku dabbaqayn dareenkeena iyo doonisteena, maxaa yeelay wax qiima kula leh ayaa qofna qiima la lahaan Karin, sidaas si la mid ah wax aan qiima kula lahayn ayaa qof qiima sare la leh, hadaba aan is xushmayno oo is qiimayno isna qaddarino.

                                                                TILMAANTA NAFTAADA

Dareenka ay dadka ka muujiyaan shaqsiyaddaada dhabta ah marka dhanka wanaagsan laga eego waxay kor u qaadda mooralkaaga Dadnimo, mar walba waxaa wanaagsan marka tilmaan aad naftaada ka bixinayso in tilmaanta dadka ay kaa aaminsan yihiin ama ay iyaga kuu baxsheen aad isku tilmaanto, maxaa yeelay, waxa aad wax u tilmaamayso waa ayaga, sida ay ayaga wax u doonayaaan in ay u dareemaan ama u arkaana in aad wax ugu sheegto waxay qayb ka qaadataa is fahamkiina guud, sidaa darteed, Tilmaanta naftaada mar walba heerka ay ka taagantahay dhanka Bulshada aad ku dhex nooshahay ka eeg, oo ha noqon qof tilmaamaya wax aan la aqoon amaba la ogayn.

la soco Jimco walba insha Allah

W/Q: MOHAMED MUSA SH, NOOR

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN