Sheeko taxane: Horta yaa abaal gala? Hadduu jirona yaa guda ?Q7AAD W/Q: Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

quotescover-jpg-52

Horta yaa abaal gala? Hadduu jirona yaa guda ?Q7AAD

Saacaddu waa 5tii hiirannimo, guriga reer Maxaad Cali xalay lagama seexan,Hooyo Kutubo iyo Oday Maxaadba inteey hadalomarna dood (isqabqabsi) ah marna talo is tusaaleyn ah ku jireen,ayaa diiqa ka kor ciyay,kabbo yar gadaasheedna waxaaba la maqlay Addinkii Salaadda subax..(Allaahu akbar..allaahu akbar…..)Intaas kadib war ma jiree waagaa qoorta lagu wada qaaday, weyso qaadashaa loo kala kuday..Oday Maxaadse,waa kaa xagga Mowlaca agtoodaa u qumay.

Raxmo Maxaad Cali iyada maba seexane, cida diiqa ka horba  waxay kala tuurtay Canjeeradii Aabowgeed ku ballamiyay.Shaah Qarfo,Heyl,Joos iyo qalinfur(Dhegayare) lehna waa sii diyaarisay,kaasoo caraftiisa guriga dhan qabsatay.

Oday Maxaad waxuu masjidka kula kulmay Saaxiibkiis Cali Gaab,iyo jamaacadii Mowlaca u soo hiireysatay,kolkeey guteen faradkii Salaadda ayay odayadii iskala soo jaan qaadeen meesha.Waxaa ku soo saan darsaday Oday kaloo jamaacada ka mid ahaa.; xoogaa kolkii la wada socday ayaa la soo gaaray bartii lagu kala leexan lahaa; intaan la kala dhaqaaqin ayaa waxaa hadlay Cali Gaaboo yiri : “Adeer Hilowlow Faataxada noo soo mar bal, waxaa naga xiran wiil ow dhalay Adeer Maxaade.

Adeer Hilowle: “Bisinka iyo yaasiinka”, Xaa jiroo loo xiray?

Cali Gaab: Xalaan tagnay saldhigga, mana naloo sheegin waxa loo heysto. Waxaa uun nala yiri berri subax u imaada Taliyaha.Mugga haddaan hee u keceynaa xaggooda.

Adeer Hilowle: Yaahuu!!! Xaad ula sugteen idinka taliyaha?Askarta maha joogtaa xoogaa shaaha la siiyaa,iyagaaba soo furdaamin lahaa intuuna taliyaha ogaane..

Oday Maxaad: Xaad i tiri? ma canugeyga oon dembi gelin ayaan laaluush ka dhiibaa? Maya maya.

Adeer Hilowle: laaluush maahan..ee  waa Shaah iyo hawl fududeyn.

Cali Gaab: Adeer  Hilowle, (Xalay waa laga soo gudbay) ee hadda saan wax yeelnaa?

Adeer Hilowle: Bal horta maha taga, saad ka aragtaanna ha la yeelo,doqonnimda iska dhaafa ee afgarad sameeya.

Cali Gaab: Waa tahaye, bal aan faataxada isku darsanno,in Illaaheey wax kheyr qaba nala soo kulmiyo.

Waxay akhriyeen faataxadii..Cali Gaab: Adeer Hilowloow hee aamiin.

Adeer Hilowle: “Allaa aqbalo..allaa ajiibo..hortiinna kheyr..gadaashiina kheyr..Fool ku guullayaal allaa idinka dhigo..Idinka Libaaxi iyagana lo’di..Wax idin dhiba ma aragtaan,Illaaheey idinkiis waxaad jirisaan ma weysaan,Illaaheey idinkiis,Waxaan isugu soo roorno allaa naga haayo..Illaaheey idinkiis..Cadawaa jiree allaa naga qabto..Cadawga cagta ka hoos..illaaheey idinkiis..Awlaadda baari..Waalidkana waxaw siiyoma waayo. illaaheey idinkiis. Ma xoolo weysaan.ma xandha beeshaan.Illaaheey idinkiis..Mana ilma beeshaan,mana ilma weysaan.Dumarku bayaxaaw..illaaheey idinkiis.Guri buuxa..Reer dhaqan..Illaaheey idinkiis..wiilkana uusoo nabada fataq ha soo yiraa..Illaaheey idinkiis…aqbali faataxa.. (AAAAAAAAmiiiiiin) Bismillaahi...

Maxaad Cali: Waa tahay adeer Hilowloow ducadaada Rabbi ha noo wada aqbalo, wixii aan la soo kulannana waan isla socoheynaa ee kheyr badan. Oday Hiloowle waa kaa iskaga leexday xaafaddiisii, waxaa hore isu raacay Oday Maxaad iyo Cali Gaab.. inyar markeey socdeen, waxaa hadlay Cali Gaab oo yiri: Adeer Maxaadow goormaan bexeynaa?

Maxaad Cali: Xeey tahay saad u warrameyso? haddaan bexeynaahe na wad.

Cali Gaab: Saacaddaan taliyaha ma imaan ee aan iska soo shaahno, oon isku soo noqonno.

Maxaad Cali: Uh! xeey tahay shaahaad sheegeyso!!? Intaba waa laga karshee hore noo qumi..!!

Waa kaa lays raacay ,war kale maaba jira hee.Kol hadduu Oday Maxaad saas u hadlay..Waxaa saas hoos iska leh Cali Gaab . waxaa la abbaaray Shaahii Carfaayay ee Raxmo yareey.Waxaa la yimid gurigii,Albaabkeey garaacaayaan (KUB KUB KUB)Waa la furay ganjeeladii,hore u soo soco ayuu yiri Oday Maxaad,kolkuu arkay saan reebashada Cali Gaab.

Cali Gaabna inta uuna soo gelin ayuu yiri: Hooddi hooddi…

Hooyo Kutubaa ku jawaabtay:Hoodeen ee hore u soo soco adeer Caliyow..

Cali Gaab: Ma la faayoo? Xaa lagu baryay?

Hooyo Kutubo: Waa la faayaa..Dhibaan canuggaaga maqan aheyn ma jiro.

Cali Gaab: Isagana haddaan u qumeynaa, waana keeneynaa Illaah idinkiis,ee niyadda deji eeddo Kutubeeyeey.

Hooyo Kutubo: Bal dedaala..Beesana hore u sii qaata,Muggaanoo kale baqiilnimo wax ma tartee,canugga ha laygu soo simo tabiin uun.

Cali Gaab: Insha allaah.

Oday Maxaad isaga juuq iyo jaaq ma leh, xaleey kala daaleen isaga iyo Kutubo.,Waxaase madaxiisa ka guuxaayo hadalladii adeer Hilowle ee ahaa : askarta shaah xaad u siin weydeen,iyagaa furdaamin lahaa e iyo warka habarta ee ah (Beesa-sii qaata..)

Waa kaa laba-laba canjeero oo subag iyo sokor leh laysku duubtay koob koob shaah ahna qac laga siiyay.Hooyo Kutubaa Oday Maxaad Cali u soo taagtay kiish guntan oo beeso kujirto.Waa beesadii ay shalay maantaan qaadatay ee sholongada.Oday Maxaad kuma qanacsana beesada..kumase dhacyo inuu diido ama ku celiyo. Kolkii qorraxdu si fiican u soo baxday ayaa lays raacay waa oday maxaad iyo Cali Gaab.. Maha loo socdana waa Saldhigga 5aad..Waddadaa lagu qumay..

la soco qaybaha dambe

W/Q:Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN