Milicsiga Noloshayda. ( Sheeko) W/Q Mohamed Musa Sh Noor

milicsiga-noloshada

                                                          Milicsiga Noloshayda

SHEEKO(Milicsiga Noloshayda)

QAYBTII 5AAD

W/Q Mohamed Musa Sh Noor

 

Wax la is qadariyaba qof walbana uu qofka kale u diido in uu dareensiiyo xanuunka ilma la’aanta, ayuu markii dambe Casayr igu yiri “Jamiila sharaf waxaan doonayaa ilmo in aan dhalo, walaahi adiga in aan ku waayana ma jecli, ma aqaan wax aan sameeyo.

Waqti badan oo noloshayda ah ayaan kula soo qaatay, Alle ma qaddarin in aan wax kala helno, walaashey waxaan jeclaystay in aan nasiibkayga tijaabsho, aniga oo adigana kusii haysan kara, maxaa yeelay, waxaan ogahay in aanan helayn Xaas adiga ku gaarta ama kaa fiican.

Aniga waan ogaa in xaaladda noloshayda ay ku socoto sida uu ii sharaxay Ninka riyada ee noloshayda, waxaana mar walba isku qancinayay in waxan oo dhan ay yihiin waddadii rafka ahayd ee uu ii tilmaamay, waxaase la yaabanaa qaabka ay ku xalismo doonaan howlahan isku gudban ee ka dhaxeeya aniga iyo Casayrka noloshayda hadda.

Waxaa sii badanayay culayska saaran Casayr, waxaan ku iri “Casayr aad ayaan kuu jeclahay, waana dareemi karaa waxa aad dareemayso macaane, inta aad u baahantahay oo kale ayaan u baahanahay, waxaan kaa codsanayaa oo kaliya ayaa ah haddi ay dhacdo in aad guursato in aad anna i fuduudayso, sababta aan sidaa kuu leeyahayna maahan in aan adiga ku nacay ama kugu dhibsanayo Guurka aad gali doonto, ee waxaan ahay Qof u baahan inta aad u baahantahay oo kale, waxaana jira Dareen igu jiro kaas oo sheegaya in waqtigeena uu gaba gabo yahay ayna tahay xiligan xiligii aan is dayn lahayn.

Aad ayaan uga xumahay in aan sidaa ku dhaho macaane, balse, dhabta aan daremayo ayaa sidaa ah, Casayr oo la yaaban sida aan u hadlayo ayaa yiri “haddii aan kusii daayo, waxay noqon doontaa dhamaadka Noloshayd, Jamiila waxaad tahay runtii halki Miliyan ee Dumarka ah midda ku dhex jirta ee aan la helin, fadlan ha igu cidlayn Nolosha.

Waxaan ku iri “waan ka xumahay Casayr, sidan ayey ahayd in ay noqoto, waqtiga ay ku beegantahay ama ay noqon doontana ma aqaan, haddase aan wadano Nolosheena, balse, sida aan dareemayo ayaan kuu sheegay adigana waad guursan kartaa laakin, marka ay taa dhacdo ogow in ay noqon doonto Astaanta koowaad ee kala tageena.

Ma ahan hanjabaad iyo ka xumaan aan ka xumahay wax ka dooniddaada dumar kale, ee waa in aan labadeenaba wada baahanahay, wax doona wada nahay, marka walaalkey adigaba wax baad raadsanaysaa maxaa iigu diidaysaa in aa anna nasiibkayga dhinac kale ka tijaabiyo?

Waa suura gal in labadeenaba aan wada sidno ilmaha dad kale aan la wadaagi lahayn, qof walbana ay noloshiisa dhanka uu doonayo isku baddali doonto, waxaan arkayaa in safarkeena uu halkan ku egyahay Casayr.

Sida caadada ahayd Casayr guriga kama bixi jirin aniga oo Gacantayda ku siin cuntada uu cuni lahaa xiligaas iyo midda uu shaqada usii qaadan lahaa, dharka uu qaadanayo ama ku labisanayo maalintaana waxaan ahaa midda mar walba dookhda, isagana iguma diidi jirin oo mar walba dookhayga ayuu u riyaaqi jiray kuna qaadan jiray sida aan ugu soo dooqo, wax is baddal ah oo nolosheena ah ma dhicin.

Waxaa jiirtay arrin hoose  oo ay wadeen ciddiisa qaasatan hooyadiis oo doonaysay in ay Gabar kale ugu guuriso taas oo  runtii uu dhowr jeer iska caabiyay, balse, markan uu iska caabin waayay, dhabta marka laga hadlana waxaa ku jiray markan damac ah in uu Awlaad yeesho, maadaama Guur muddo dheer qaatay uusan ku helin wixii uu damacsanaa waligii.

Wuxuu ahaa runtii Nin dareen wanaagsan oo aad u qaddarin badan, aana ii quurin Qalbi jab, wuxu goostay in Waddanka aan joogo uusan ku guursan naagta loo dookhay oo uu iga qarsado kulana aqal galo dhulkii hooyo isaga oo ii sheegay in uu Soomaaliya aadi doono muddo gaabana kuso maqnaan doono, balse, iima sheegin in uu Guur u aadayo oo ay is raaci doonaan gabadha loo dooray xagaana ay ku aqal gali doonaan, isaga oo aniga dhaawac iga dhawrayo ayuuna sidaas sameeyay.

Waligey wuu i dhowri jiray, runtii xumaan iyo dareen xumaba iima muujin jirin, mar walba oo dhaxdeena ay xaaladdu ka kacdana wuxuu isku dayi jiray in uu magaalada isku soo maaweeliyo amaba jawiga uu si kale u baddalo, anigana waan fahmi jiray oo kama daba geyn jirin.

Waxaa dhacday subaxa uu safarkaa yahay in aan aniga Gacantayda ugu is bigaareeyay    ( feereeyay) dharka uu qaadan lahaa, nasiib darro maalintaa iima uusan sheegin in ay tahay maalinta uu baxayo waasa ogaa in uu Soomaaliya aadi doono, balse xiliga ay tahay iima uusan carabaabin waxayse ku beegnayd maalintaas, sidaas ayuuna ku baxay oo markii uu maalmo maqnaa ayaan ku arkay telkayga fariin qoraal oo oranaysa “Jamiila Soomaalia ayaan joogaa, waana guursaday waalaal, iga raali noqo ma doonayn in aan qalbigaada jabsho, mana doonayn subaxa aan baxayo in aan ku dhaho waan baxaya oo Guur ayaa ii madlan, Niyaddaada ayaan ilaalinayay, haddase waan soo socdaa oo waan imaanayaan.

Waxaan maqli jiray nabar aad filayso naxdin kuguma qabto,waan filayay in ay dhici doonto sidaas, kama xumaan guurkiisa ee waxaan ka xumaaday qaabka uu u maray, aniga oo muddo la noolaa ogaana in uu guur doon yahay guursana doono, kumana diidin, balse qaabka uu u maray ayaan yara ka carooday.

Waxan ku iri wax fiican ma aadan samayn, balse iska imow gurigaaga waanu wada hadlaynaa insha Allah, sidaas ayuuna maalintaa ku dhamaaday wada hadalkii dhanka farriinta ahaa ee ina dhex maray, ma ii ahayn maalin Mugdi ah sida Gabar walba ama Dumarka qaar ay u arki laahaayeen, balse waxay ii ahayd maalintii aan sii xaqiiqdsaday halka uu safarka noloshayda kusii jeedo, lana gaaray waqtigii uu ii yaboohay Wiilka Riyada aan ku arki jiray, waxay ahayd maalin aanan waqti u hayn Hinaaso ama Masayr, oo waxay iiga dhignayd maalintii uu soo gabagaboobay waqtigii Nolosha Aniga iyo Casayr.

Wax la joogaba waxaa yimid Casayr iyo Xaaskiisa cusub oo dhinac kasoo dagay Magaaladii aan ku noolaa, Casayr wuu faraxsan yahay oo Uur ayaa loo leeyahay waana waxa uu doonayay, wuxu yimid xaafaddayda isaga oo aad uga tiiraanyeesan halka ay Nolosheena ku dhamaatay aadna iigu tiiraanyoonaya, habeenkaa dhag jalaq uma siin, sidii caadiga iska ahayd ayaan gurigayga u dhaqday umana muujin in aana ka xanaaqsanahay, balse, isagu si taxaddar leh ayuu ula socday talaabooyinka aan qaadayo waqtigaas iyo jawaabaha qaar aan ka bixinayay hadalada qaar ee uu i waydiiyay.

Saddex bari lama hadal wax walbana caadi ayay ahaayeen, maalinti afaraad ayaan u sheegay waxa aan damacsanahay ee ah in aanan doonayn Noloshiisa dambe, go’aansadayna sida uu isaga u talaabsaday in aan u talaabsado, Ilmaha uu isaga Naag kale ka raadsadayna aan doonayo in aan anna ka raadsado Nin kale.

Aad ayuu iila yaabay wuuna ka naxay runtii markii uu arkay go’aanka aan gaaray, wuxuna go’aansaday in uu guriga ka tago isaga oo is leh waqti sii ay ku dagto, marnaba kama go’nayn isaga in uu isii daayo, anigase go’aan cad ayay iga ahayd.

Maalmihii uu iga maqnaa wax badan oo aanan waqti u heli jirin ayaan u helay sida Facebook oo wiil walaalkay ah igula talshay in aan soo galo si Qoyska oo dhan aan ugula xiriiro, waan ka caga jiiday ma aanan aqoon isaga ayaa xitaa ii soo furay inta gurigayga iigu yimidna i baray sida loo isticmaalo, wuxuu ahaa Wiil ila dhashay, sidii ayaan mar mar aan sidaa u badnayn ku gali jiray kulana xiriiri jiray waalidiinta iyo walaalahayga iyo ilmaha ay dhaleen.

Waxaan ahaa qof jecel aqriska, marka aan galo waa mar aan u galo in aan kala xiriiro dadkayga, maxaasa dhacay waa kan wiil ay Qoraaladiisa aad iisoo jiiteen oo meel aan kula saaxiibay iyo meel kale aanan aqoon, ma isaga ayaa igu soo darsaday, ma aniga aya ku darsaday labadaba ma sheegi karo, mid ayaansa hubay in cid aan ahayn qoyskayga  aanana kula saaxiib ahayn Facebook waligeyna qof aanan ku darsan, qof aan cidddayda ahayna aqbalin, micnaha qof aanan dhab u aqoon, balse wiilkan waa uu ka duwanaa Dadka kale.

Waxaan bilaabay in aan mar walba qoraaladiisa laabta ku qabowsado, waxayna u ekaayeen kuwa mar walba loogu tala galay in anig ay i quseeyaan camal, isagu ima uusan aqoon waligeeyan ilama hadal, anigana sido kale ma aqoon lamana hadal sawiradiisana meesha kuma arag.

La soco qaybta 6aad Axad walba insha Allah

WQ/ Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN