TOLOW yaa FURAY? Q16aad W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

quotescover-jpg-13

TOLOW yaa FURAY? Q16aad      

 

Waxay ahayd qudbad aad u qiiro badan. Runtii dadkii meeshii isugu yimid saamayn weyn ku reebtay. Waxuu noo yimid madaxwaynuhu anagoo sacabka, mashxaradda iyo erayada soo dhawaynta ah “Soo dhawaada Jaalayaalow” isku wadna, oo sawaxankayaga meel fog laga soo maqlayo, waxuuna naga tagay anagoo aad mooddo inaan dhagaxaan nahay sharqan la’aantayada, wax kalena maahee kalmadihiisii waddaniyadda ahaa baa saamayn nooga tagay, damaashaadkii iyo qayladii aan isku wadnayna ka dhigay faynuus Qorrax ku soo baxday.

Waa anagaan wali sidii u taagan halkii na la istaajiyay saacado ka hor calankiina sidii kor u babinayna, misana sii eegayna gawaaridii wafdigu la socday, oo meel fog ka sii muuqda, waa nakan markay libdheen marqura wada baraarugnay, deedna qof waliba hadal yari hortiisa u dhaqaqay, markaan gurigii tagay anoo kabahaygii qaba ayaan sariirta isku tuuray, waxaa hadba i hor imaanayay muuqaalladii quruxda badnaa iyo bulshadii calanka wada lulaayay, misna waxaan xasuustayda ku soo dhacayay qudbaddii qiirada lahayd iyo waliba waydiimihii madaxwaynahu shaqo gurida nooga dhigay.

Markii laga tago inaan inta kale bulshada kala sinnaa haddana waxaa ii dheeraa laba arrimood, waa midda koobaadoo waligay la ma kulmin madaxwayne maanta ka hor ismana oran way dhicin, waxa kaliya ee sanadihii la soo dhaafay waqtigayga ku baxshay ganacsi asagaana wax kasta ii ahaa, maantase waxaan dareemayaa lahaansho, daljacayl iyo waddaniyad, waxaan hadba ku hamminayaa dalkoo hagaagay iyo inagoo jahwareerka ka baxnay, waa midda labaadee waxuu madaxwaynuhu ka dhawaajiyay baahida loo qabo cudud ciidan, suu qaranku mar kale cagihiisa dib isugu taago, waxaa markaas qub i yiri qorshihii Cali Yare ii soo jeediyay inay wax ka jiraan, taasna waxay i galisay rajo hor leh. Maalintaas cag umaanaan laallaadin, ee waxaan is niri ha yara nastaan, anana waxaan galnay diyaargarawgii ugu dambeeyay iyo qorshahaan la shirtagi lahayn.

Waxuu waqtigu isguraba waxaa la gaaray galabnimadii sabtida. Goorsheegtadu waxay isdultaagtay saddexdii galabnimo oo buuxda, halsaac oo qura ayaa ka dhimman waqtigii qorshuhu ahaa inaan u tagno madaxwaynaha, waxaan isugu nimid halkaan ku ballannay inaan tagsiga ka raacno. Waa kuwaan raggii oo aadan midna garanayn, shaw bahalkaan suutkaa baa wax kale ka soo saara dadka, soo kuwaan maahan raggii xayraamiinta ahaa wada wasiirrada aad mooddo. Yaabay anigu, waxaase iigu darnaa markaan arkay odaygii colaad ahaa ee labada farood saacadda ku cuni jiray suldaanka aad mooddid oo anigiiba i qaldi gaaray. Maxaa ku dhahaa dee wataa ushii xumaydee madaxa u wayneed loogu badalay Matoobo dubaay laga keenay oo dhawaan isimadu wada qaateen, surwaalkii lugta u dheeraana waa kan isna lagu badalay macawis aan aad u la dhacay, saa waaba shaatiga iyo koofiyaddaan aad mooddo inay isleeyihiin. Waxaa kaaga daran go’aan shaalkaa ee loo jeeni qaaray.

Waxaa la ii sheegay, inuu riwaayadda ku matalayo suldaanka beeshayada, sidoo kale saddex saaxiibbaday ka midoo i la socda iyana inay ku matalaan odoyaashii reerka, aniguna aan ku matali doono inaan ahay qurbaawi muddo dalka ka maqnaa, haddana u yimid suu uga qaybqaato dib u dhiska dalka ka socda.

Si kale ku ma garatidee waa qorshe loo qayilay. Aad baan u la cajabay runtii shaxdaan quruxda badan ee ay sii jeexeen, waxaan waydiiyay ajandaha aan madaxwaynaha ka la hadlayno isna muxuu noqon. Waxaa la ii sheegay markaas inuu yahay laba qodob oo qura: kan koobaad waa cabasho beeshu kacabanayso xukuumaddiisa, maadaama aysan iska dhex arkin, qodobka labaadna waxuu noqon inay beeshu diyaar u tahay ka qaybqaadasha dib u dhiska ciidanka qaran ee dalka, deedna waxaan; iri ma xuma, ee seen codkana u ka la qaadannay marka? Waxay dhaheen salaanta ka dib Suldaan Coldoon baa hadalka furaya, waxuu marka hore ku bogaadinayaa madaxwaynaha sida wanaagsan ee uu noo qaabilay iyo suu mar kasta diyaarka ugu yahay dhagaysiga baahiyaha bulshadiisa, ka dibna waxuu u raacin cabashada reerka.

Suldaanka hadalkiisa ka dib madaxwaynahaynuhuu hadalka siin suu uga falceliyo, ka dibna adigaa hadalka u bixin marka hore waxaad ku amaanin dowladda qorshaha dib u dhiska ciidanka iyo sidaad hawshaas uga qaybqaadato, markaad ka baxdo waxaa kugu xigsan Cali iyo Indhabuur oo taariikho qurux badan kuu yeelin, ugu dambayna madaxwaynaha ayaynu ku celin suu u soo gunaanado.

 

La soco qaybta xigta

W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Cirguje1986@gmail.com

 

SHEEKOOYIN