Milicsiga Noloshayda. ( Sheeko) W/Q Mohamed Musa Sh Noor

milicsiga-noloshada

                                                          Milicsiga Noloshayda

SHEEKO(Milicsiga Noloshayda)

QAYBTII 6AAD

W/Q Mohamed Musa Sh Noor

 

Waxaa dhacday in maalinkii dambe aan iska salaamo, wuu iga qaaday salaanta wuxuuna ii waydiyay sida aan kusoo helay Magaciisa? waxaan ku iri “Walaal anigaba kuma aqaan”is barasho iyo waraysi gaaban kadib ayuu wuxuu yiri maxaa qalbigaada ka dareemaysaa? markaas ayaan ku iri walaal maxaa rabtay in aad ogaato? markaas ayuu igu yiri dhabta ka hadal dhalanteedka ha ku noolaan, sida aan kuu dareemayo ma ii dareemaysa!

Cajiib, aad ayaan u yaabay, runtii mar jirin markaa wax gooni ah aan dareemayay, waxaasa fajiciso igu noqotay qaabka uu wax ii waydiiyay, waxaaba is iri armuu qof kale la hadalayaa markaas ayaan ku celshay su’aal ahayd “walaal su’aashaas ma aniga ayey igu socotaa mise qof kale ayuu qoraalku ku socday?

Jawaab gaaban oo aan la yaabay ayuu i siiayay, mar labaad ayuu isla sidii igu yiri, isaga oo markaan si toos ah oo laab laab lahayn ii waydiiyay waxa uu iga dareensanyahay iyo waxa uu iga rabo in aan u sheego.

Waxaan ku iri iga raali noqo, wuxuu igu yiri waad bixi kartaa balse waxaad inkiraysaa dareenkaaga dhabta ah, waxaa tahay Gabadhii Mucjisad iska bax aniga ayaa kuu imaan doono kuna waraysan doonee, sidii ayaana qadka uga baxay aniga oo dareemaya in uu Ninku i yaqaan ana aan inkirayo, dareenka uu i waydiiyay ee runta ah oo aan dhab ahaan u dareemayay ee wiilka riyada ahaa mar walba wuu igu jiray, isagase in uu wiilka riyada yahay iyo in kale shaki ayaa iiga jiray amaba maba filanayn in uu noqdo.

Hadalka ah gabadha mucjisada iska bax ayaan mar dambe gocday, wuxuu igu noqday hadal fajiciso ah, waxaan is waydiiyay sida uu ku ogaaday in aan ahay gabadha mucjisada, siduusa ku ogaaday in aan inkirayo dareen dhab ah oo igu jira, wuxuu tilmaamay wax badan oo aan tabanayay waana taas midda igu abuurtay shakiga.

Usbuuc ma aanan galin Facebook, maalintii dambe ayaan furay mise waxaa ku qoran qoraal ah haddii aad i rabtid in aad dhab iila kulantid dhabta noloshaad ka hadal, fadlan waa xiligii aan wada kulmi lahayn waana dareemayaa in ay wali Caqabado jiraan, balse, waa ii muhiim in aan ogaadaa xaaladdaada, fadlan haddii aad cidla dareemaysid ii sheeg  waa wax aanan ogolaan Karin in aad cidlo noqoto, adiga oo Gabar ah ayaan Riyo ahaan kugu wehelin jiray, hadda waxaa la joogaa xiligii aan dhab ahaan kuu wehlin lahaa kuna dareensin lahaa waxa aad u qalanto, fadlan ma rabo xumaan balse waxaan rabaa in aan kuu xaqiijiyo in aad marnaba cidlo noqon doonin, faraxadddaadana ay dib usoo noqoto. Waan ogahay xilli adag in aad ku jirtid waxba kama qaban karo, balse, ugu yaraan waxaan awoodaa in aan ku dareensiiyo in aadan cidlo noqon wax badan oo labadeena ahna aan kuu sheego, fadlan dhagahaaga iyo indhahaaga i amaahi oo igu soo noqo.

Hadalkaas marka aan aqrinayay jirkayga wuu dubaaxinayay oo waxay ila ahayd sida in uu toos iila hadlayo wiilkaas, eray walba oo meesha ku qorana wuxu toos u abaarayay laabtayda oo waxaan dareemayay in ay wax iga maqan yihin, waxaasa la yaab igu noqotay sida uu iila hadlay iyo sida uu ku ogaaday in aan ahay gabadha uu riyada ugu imaan jiray is waydiintayda waxay ahayd qaabka uu igu helay iyo sida uu iila socday, waxaan is waydiiyay dhowr su’aalood oo aan jawaab u waayay.

Rutniis ayey ahayd xaalad adag waan ku jiray oo noloshayda dhan ay ku socoto ayaan ku jahwareersanaa, waxaan ahaa mid sugaysa xaaladda ay ku jirto ka bixiddeeda, waxaan kaloo ku jahwareersanaa xaaladda aan gali doono ee riyada aan ku arkay in ay iyana rumoobi doonto, isku soo wada dub xaalad adag ayaan jiray.

Waxaan ahay Marwo wali ku jirta Nin kale Xeradiisa, maadaama aan go’aansaday in ninkaas noloshiisa aan soo gunaanado hadana ma ahan mid waddada hadda iigu sii furaysa in aan baadi goob u galo ninkayga riyada aan mar walba ku arki jiray, maxaa yeelay waxaan ahay qof Alla ka cabsanaysa mana doonayn aniga oo madax banaanayn in aan Nin kale la haasaawo, hadana waxaa ii sii dheer Culays xaga qalbigayga ah oo muujinaya rabitaan Xad dhaaf ah oo aan u qabo Ninkaas riyada ee ii yaboohay in uu nolosha igula midoobi doono.

Sidii aniga oo u fakaraya wax aan qabtana la’ ayaan is arkay aniga oo hal mar dalaq iri barta internetka, ma aqaan mana sharixi karo waxa aan ka rabay balse waxaan isla markiiba meesha kula kulmay isagii oo i sugaya, ilama uusan hadlin oo waxbuu ku mashquulsanaa sida aan filayo waxaanse daawasho u galay profilkiisa.

Nasiib wanaag waxaan arkay Sawirkiisa oo meesha ku jira, balse kaligiis ma uusan ahayn oo rag kale oo asxaabtiisa ah ayuu la sawirnaa, waxaan ku aqoonsaday in uu ahaa Ninkii riyada calaamad uu wajiga ku lahaa, isla markiiba waan naxay oo waxaa la yaab igu noqotay sida ay isku yeesheen wiilkan iyo wiilka kale ee aan riyada ku arki jiray, isla markiiba waxaan go’aansaday in aan la hadlo aniga oo is leh markan riyadaada tilmaanteeda waa caddahay ee ha iska sii dayn.

Waan salaamay isla markiiba wuu ii soo jawaabay Magacayga dhabta ah ayuu i waydiiyay, waxaan ku iri ima taqaanid, wuxuu yiri qalbiga oo kaliya ayaa ku yaqaan balse, shaqsiyaddaada dhabta ah iyo waxa laguugu yeero midna ma aqaan, Dunida meesha aad uga nooshahayna ma aqaan, waxa kaliya oo awooddayda ah ayaa ah in aan dareen Nuuc kala ah ku dareemo, fadlan hadal badan ma rabo haddii aad tahay gabadha Mucjisda ma dareemaysaa sida aan dareemayo hana isku dayin fadlan in aad ka war wareegsato jawaabta su’aashayda.

Waxaan isku dayay in aan isaga su’aalo waydiiyo inta aanan uga jawaabin su’aashiisa, balse isla markiiba wuxuu igu soo xiray hadal ah, fadlan waqti badan ma haysto haddii aadan ahayn gabadha aan rabo waan baxayaa, haddii aad tahayna waan ku siin karaa waqti waxa aad doonayso aad ku ogaato, balse marka hore iiga jawaab su’aashayda ah ma dareemaysaa waxa aan dareemayo?

Waxaan ku iri haa si dhab ah ayaan u daremayaa waxa aad dareemayso, laakin waxaa jira dhibaato i haysato shaqsiyan oo sida aan rabo waxba kuuguma qeexi karo waxaan ahay marwo la qabo, ma jeclayn in aan kuu qeexo ama intaas kula wadaago, balse xaaladda xaasaasiga ah ee aan kugula kulmay ayaa igu qasabtay.

Waxaan jeclahay in inta aan ninkayga kala dhamaanayno aysan wax ina dhex marin oo xeradaas aan ku jiro la siiyo xushmadda ay mudantahay, waxaan kaloo ka cudur daaranayaa su’aalaha qaar in aadan i waydiin.

Wuxuu yiri adiga waqtigaada qaado, aniga xitaa ma doonayo in qof lagu xad gudbo xitaa ma rabo in ninkaas aad ku cadaadisid Furiin, isaga ha garto xagiisa ha ka yimaado, si markaas wadda fiican oo xalaal ah aan ugu midowno.

Nolosha dhabta ayaasa ah in aan ku helay baadi goob dheer kadib, wax badan oo aan ku dhihi lahaana waxaa iga xanibaya duruufaha ku haysta awgood, waansa qaddarinayaa xaaladdaada Nolosha.

Waxa la yaabka leh ayaa ahayd mar walba oo uu Eray i dhaho in aan dareemayay dubaaxin jirkayga ah iyo baahi aan u qabo hadalkiisa, noloshayda ima soo marin dareen sidan oo kale ah, waxaan jeclaystay in aan wax badan la wadaago balse xagiisa ayaan ka dareemay in uu aad isku dhowrayay oo uusan doonayn in uu dhex galo Badda noloshadayda, maadaama wali aanan Xor u ahayn in aan la sheekaysto isaga, anigana aan ka codsaday.

Waxaan wax badan ka waydiiyay noloshiisa, si saraaxad leh ayuuna iigu sheegay, wuxuu i waydiiyay noloshayda waxaan u sheegay sida ay tahay wuxuuna igu yiri, ha walwalin muuqaaga qasab maahan in aan hadda arko qalbigaada ayaan jeclaaday, insha allah wax walba tartiib ayay ku dhamaanayaan dag dag iska dhowr.

Erayada uu igula hadlayay ayaa ahaa kuwa igu noqday mucjiso kale, wax badan oo is dhahayay wuu ku waydiin doonaan ima uusan waydiin, waxaan si hoose isku iri ma wuxuu qaddarinayaa codsigaada ahaa in uusan su’aalo badan oo shaqsiyddayda ah ku waydiin, mise isaga ayaa is dhowraya?

waxaase jirtay kalimad aan aad ula yaabanaa maqalkeedana dareen gaar ah uu igu abuurayay mar kasta, waa kalimadda ah “qalbigaada ayaan jeclaaday muhiim maahan muuqaaga, dag dag ma jiro”

La soco qaybta 7aad Axad walba insha Allah

WQ/ Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN