GABAYGA QARANDOON. Curiye, Faysal Aadan Barriir

WAA -GABAYGII -QARAN DOON-THARIIKHDA 22-11-2012

Faysal Aadan

1;Qasad li’I waqay gabay ma qorin Amase qaamuuse

2;Qaddartana Illaah baa hayoo qeexay amarkiise

3;Quwadana sareeyaa baxshiyo qanac adduunyaade

4;Qoraal laguma soo koobi karo qaadir amarkiise

5;Hadaan qoomka soomaaliyeed qodob ka faalloodo

6;Qormadayda maanta ah hadaan qeexo hadalkayga

7;Qaranimadu waa waxan la siin duulka qoonsada.e

8;Qar ayay ka tuuraan markay qaba.timaysaaye

9;Qayrkood ayay daba maraan waa qaswadayaaale

10;Qabiilkay hinkaadshaan hadana qiil u bixiyaane

11;Hayeeshee qorshaha aan wadaa waa mid qiiro leh

12:Ila qaybsadaay maansadaan Soo qadimayaaaye

13;Qaxarkaan nahaystiyo dhibkaan qiil u bixiwaayay

14.Qurbahaan wareegayno iyo qaxa nasaameeyay

15;Qoomamada wareerkiyo shidada qaranki naafeeyey

16;Qaxootiga na saameeyaye qaaradaha dhooban

17;Qaxankaan baxaayiyo dhibkaan nalagu qaas yeelay

18;Qabiiilkaan la buun buuniyoo qoriga loo dhiibey

19;Qandhadaan na haysiyo jirkaan qaman dhacoonaaya

20;Shacabkaan qasaaroobayee qaadku dabar gooyay

21;Qabyaaldan la laasimeen marnaba laga qashaafaynin

22;Qaskaan iyo sidee uga baxnaa qaraxan oomari

23;Dadkaan kala qaloonaaya iyo qoomkan kala guuray

24;Qunbulada la tuuriyo balada qaaca shidanaysa

25;Qaaradeenna see uga du.naa waa qisiyo yaabe

26;Afartaas qormadi aan wadiyo hadal qabwaynaa dheh

27;Qarankoo badbaadiyo wanaag qabashadiisii dheh

28;Qalalaasohoo laga gudbiyo qaayib sharafeed dheh

29;Afar kalena waydiin qoriye qaata taladaan dheh

30;Bal qadariya maansada qabiil qarankii naafee dheh

31;Ka qaybqaata qarankoo dhismiyo qoriga oo duugma

32;ka qayb qaata qaxootiga ku dhumay qaarada aduunka

33;ka qayb qata qoyskoo dhismiyo qanaca diinteena

34;ka qayb qaata qarannimada iyo qaabka lagu keeno

35;ka qayb ka qaata qaadkoo go.iyo qarashka oobaaqda

36;illaahay na qadin maayo oo qaadir ba jira’e

37;Qaran raadsha oo kaca nafluhu qiiro kala roone

Curintii iyo Qalinkii

Hal-Abuur Faysal Bariir Aden

SHEEKOOYIN