Sheeko taxan: Quraafaadka Faaliyaha Q11 W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)

pizap.com14732612463621

Sheeko taxan: Quraafaadka Faaliyaha Q11AAD 

Sahra iyo Maryan iridka guriga ayey ka baxeen keddib marki uu la ballamay Adeer Axmed, waxayna mareen waddada bacaadka ah ee guriga iridkiisa marto kuna soo dhacdo waddada Balcad,waxayna in yar debadeed gaareen waddada Balcad ee laamiga ah, iyaga oo aan waqti badan taagnayn ayeyna halkaa ka heleen baska dowladda hoose ee ka shaqeeyo waddadaas oo markaa ku socday bartanka magaalada Muqdisho,waxayna baski kaga hareen markuu istaagey mid ka mid ah goobaha u xadidan in uu joogsado,kuna aadan wejiga hore ee kaniisada ku taal, dhinaca bari koofur ka xigto shineemo Xamar, marki ay baska ka deggeena waxay ku leexdeen waddada koofur ka marto kaniisada,waxayna in yar debadeed gaareen shineema Misyooni oo Sahra loogu sheegay in uu halkaa ka socdo filimki ay daawashadiisa doonaysay, Sahra iyo Maryan waxay galeen shineemadi,waqtigana wuxuu ahaa toddobadi fiidnimo, filinkana in yar ayaga ka hor ayuu bilowday.

Sahra iyo Maryan kolki ay dhameysteen daawashada filimka, balanki adeer Axmedna ahaa in guriga dhaqsi loogu soo noqdo ,way ka soo baxeen shineemada, waqtiguna wuxuu ahaa sagaalki iyo barki fiidnimo, waxayna aadeen saldhiga ay ka baxaan tagaasida , basaska yar yar iyo kuwa waaweyn ee rakaabka u qaado geesaska magaalad Muqdisho si ay u helaan gaari ay u raacaan xaafada ay ka deggan yihiin magaalada,Sahra iyo Maryan keddib marki ay gaareen saldhiga baabuurta rakaabka qaado ayey markiiba arkeen bas yar oo ah kuwa qaado afar iyo labaatanka ruux ,kuna socda xaafadooda ,way koreen inta aan laga buuxin ka hor, in yar kolki ay gaariga gudihiisa fadhiyeen ,buuxsanaantiisana in yar ka harsantahay ayaa Sahra qalbigeeda ku soo dhacday in ay u baahantahay Rumay(caday) si ay hore ugu qaadato waqtiga ay ku noqonayso xerada dugsiga tababarka milatariga ee Xalane, waxayna boorsada kala soo baxday Shan Shilin si ay ugu oo gadato rumayga lala fadhiyo waddadaa hareeraheeda ,keddibna boorsada u dhiibatay Maryan kuna tiri:“Maryan abbaay noo fiiri kursiga , waxaan u degayaa in aan rumay ka soo iibsado   qoladaas waddada dhinaceeda cadayga la fadhiyo, waxaana soo noqonayaa inta uunan gaariga dhaqaaqin”.

Maryan oo aad iyo aad mabsuud uga ah magaalada ay u soo degtay habeenkaa,sineemana ka daawatay,nafteedana ku howlantahay in ay kala barato magaalada, gaar ahaan saldhiga gawaarida laga raaco si marki ay ku qasabto in ay kaligeed magaalada timaado uga kaaftoonto ruux magaalada u soo kaxeeyo, ilesyn ruuxa kaliya ee magaalada bari lahaa waa Sahra oo iyada Afar bilood aanan waqti u hayn habeennada jimcaha soo galayo mooyee ayaa tiri. “Abbaay orod soo dhaqso”.

Intaa keddib Sahra way degtay, waxayna aaday in ay soo gadato Rumay ,in yar ka bacdina inti ay sii maqneed ayaa gaarigi baska ahaa buuxsamay, wuuna dhaqaaqay Sahra oo soo iibsatay Rumaygi kuna soo socoto baski, Sahra way qaylisay si uu istaago laakin cidna ma maqlin codkeeda weyna u suurtageli-weysay in wadaha baska uu codkeeda maqlo guuxa ka soo baxayo dadka iyo baabuurta awgiis.Maryanna waxay ku soo baraarugtay gaarigi oo marayo kawaanka xamarweyne iridkiisa inti ay ku howlanayd kala barashada magaalada,lana yaabaneed dadka faraha badan ee isku dhaafayo faras magaalaha ,aan laheyna wax ishaysto, iskuna buuqayo, ruux walbana uu ku cararayo in uu gaaro halki uu ku socday,waxayna shufeerki ku tiri iyada oo ku qaylineyso cod-dheer marki ay aragtay in aan Sahra gaariga la saarnayn. “walaal gaariga jooji, walaal gaariga jooji ;”.

   Maryan ,cidna dheg jalaq uma siin qaylideeda, waana lagu wada qoslay marki ay intaa tiri ,ururiyihii lacagta ayaana ku yiri, “xaggee rabtay ,sow ma’aadan rabin xaafada Biixaani , maxaa ku helay oo aad la qaylineysaa”.

Maryan iyada oo aad uga naxsan arrintan adag ee la soo gudboonatay ,argagaxdayna ,niyadeedana ku soo dhacday boqolaal fikradood oo kala duwan ayey tiri “ arrinta Biixaani sow ma’aadan rabin ma joogto ee walaasheey oo ila soo kortay baska ,cadayna suuq ka soo qabsanaysy ayaa laga tegay”.

Hadalkaa Markuu afkeeda ka soo dhamaaday ayaa rakaabki baska saarnaa intooda badan ku qosleen mar kale iyada oo weliba mid ka mid rakaakibki saarnaa ku leeyahay, “Sow xishoon-maysid inanyaheey, waa maxay walaasheey, walaashaa sow gaari kale ma soo raaci karto”.

 Inti hadalka la isdhaafsanayay,qosol iyo kajanna la isku darayay, Maryanna weli ku qaylineyso gaariga jooji, gaariga jooji ,ayaa oday waayeel ah oo gaariga saarnaa, meel geesana fadhiyay sufeerki ku yiri , ‘gaariga jooji”, shufeerki wuu joojiyay gaarigi isaga oo lacag ururiyihi ku leh , “wan garanayaa kuwaasoo kale halkan ayey doonaysay ee lacagta nooga qaad, yeey nagala tegine”.

Maryan way ka degatay baski marki la joojiyay wejiga hore ee Wasaarada Isboortiga iyo Dhallinyarada,lacagtina way bixisay iyada oo argagaxsan, aan garanayna inta ay la ekeyd lacagta ay bixisay. Maryan waxay hoos istaagtay geed weyn oo dheer ee ku yaala waddada dhinaceeda ,dadka magaaladana ku magacaabaan geed gaal Maryan kolka ay geedka hoos istaageyso way jahwareer-saneyd waxaana ku adkaatay sidi ay Sahra ku heli lahayd,waayo way garan weyday meel ay uga dhaqaaqdo halki ay taagnayd oo ay baski uga degtay, rajada kaliya oo ay lahaydna waxay ahayd, Sahra oo gaari kale soo raacdo ,jidkana ka hesho iyada oo taagan. Laakin nasiib darro ,sahra waxay soo raacday Baski ku xigay kii ay Maryan saarnayd ee aan isaga waxba ka danbayn soona dhaqaaqay, wuxuuna jidka ku dhaafay Baski Maryan Saarnayd keddib marki iyada loo joojiyay oo ay ka degaysay, Sahrana way aragtay baska uu garab marayo baski ay saarnayd in uu yahay kii Maryan la soo tegay , haddana waay shakisanayd ,kumana aynan fekerin waxa baska loo joojiyay in ay Maryan tahay ,waxayna is lahayd wuu idinka daba imaanayaa.

Maryan marki ay taagnayd muda shan daqiiqa ah ,wareerka iyo cabsidana ku soo kordhayaan, daqiiqadba daqiiqada ka danbeyso ,niyaddana ay iska leedahay “tolow ma u sheegtaa dadka jidka marayo in aad gurigi ka habowday, maya maya, war yaa lagu aqoonsan in aad tahay ruux aan magaalada kala garanayn ee afka qabso, yeynan ku arkin kuwa dabinka la meeraysanayo magaalada gudaheeda ee Gashaanle Cusmaan kuu sheegay”, waxaana iyada oo weli isku buuqsan dhinaceeda soo istaagtay gabar dhalinyara ah ee labisan ,gorgoro gaaban oo hoos shulshul ku leh ,dadka magaaladana u yaqaanaan Makis, funaanad uu bogga kaga yaal suuradeeda ,aadna ugu yar oo ruuxi arkaa uu isweydiinayo magaalaa miyey dhar ku faca ka weysay misa way iibsan kari weyday mid ku fac ah , kaba leh cirba dhaadheer ee aad leedahay ,gabarta gaabinta miyey dagaal kula jirtaa ,timaheedana yihiin afro la mariyay daawo midabkeeda ka dhigeyso midabka ay leeyihiin timaha wiil dib jir ah ee ku daahay ku hoos noolaashada jabbalada badda xeebteeda ku yaal, Soomaalidana ugu yeeraan dadka halkaa ku nool Jabal jaan, waxayna markiiba afka la soo gashay Maryan oo fiigsan ,kana baqayso dadka oo dhan iyada oo aan salaan u soo hormarin habayaraatee ,waxayna ku tiri .

       “Abaay xaggee rabtay, xageesa ka timid”.

Waxaana u jawaabtay Maryan oo leh “waa maxay xagee ka timid , xaggeesa ku socotaa”.

Gabarti oo yara is-caraysiineyso ,haddana rabto in ay ogaato xogta Maryan iyo waxa ay u taagan tahay meel yara ka fog dadka sugayay gawaarida rakaabka qaado ee istaagto halka ay ka bilaabato waddada Jamhuuriya ee bartanka magaalada Muqdisho ,ayaa tiri , “Abbaay maxaad isla waaleysaa ,waxaan lahaa oo kaliya ogow haddii ay ku socoto xaafada aad degantahay , si aan isu weheshano “.

Maryan oo cabsi ku jirto , niyaddana ka rabto ruux ay weheshato , dumarna ah , maqashayna hadalka gabartan oo u eg gabar iyadana u baahan ruux dumar ah oo ay weheshato ayaa tiri , “Abaay raali iga noqo haddii aan kuu gefay , waxaana rabay xaafada Biixaani ee adiga xageed ku jeeday”.Gabarti oo heshay xogta Maryan ayaa tiri., “ haa waa kaa, afka dadka reer magaalkaa isku fahmaan ,annigana waxaan rabay Biixaani sidaada oo kale ee xaggeed degan tihiin”.

Maryan oo markiiba niyadda iska leh , kolleey Sahro waqtigan gadaal ma jirto , ruux aad weheshatana waad u baahan tahay ee gabartan wareyso , waa intaas oo ay garataa reerka aad ka tirsantahay ayaa tiri, “ waxaan deggan nahay sarta Biixaani meel ku dhow ee ma garaneysaa reer Axmad Liibaan”.

Gabarti oo indhaheeda meel kale eegayaan , afka oo kaliyana kala sheekaysaneyso Maryan ayaa aragtay gaari yar oo ah jante-taranta-duwe(Fiat 132) nooceedana yahay Fiat, aadna u qurux badan oo hortooda mareyso iyada oo gaabineyso ,istaagtayna meel u jirto shan iyo toban Meter ,ayna saaran yihiin laba nin oo qiyaas ahaan da’dooda tahay Afartan ilaa shan iyo Afartan sano, gadaalna u soo fiirinayo labadan gabdhood , ayey Maryan ku tiri. “Abaay aad baan u nasiib badan nahay caawa,gaarigaa istaagayna walaalkeey ayaa wado ee isug wax yar, waan kuu soo laabanayaa”.

Gabarti marki ay intaa tiri waxay aaday gaarigi u istaagay oo aynan aqoon nimanka wado ,laakin Maryan u sheegtay in walaalkeed uu yahay ninka gaariga wado. Maryan aad bay ugu faraxday gaariga u istaagay,gabarti goor dhow soo ag istaagtay, wehelkana doonaysay,haddana markiiba walaalkeed oo gaari wato uu waddada soo maray una istaagay inta uu gartay in ay walaashiis jidka taagan tahay, waxayna islahayd , kolleey gabartan cidladan kaaga tegimeyso. Gabartina waxay gaartay halkuu gaariga taagnaa ,waxaana laga furay gaariga iridkiisa danbe iyada oo aan la iswareysan haba yaraatee , iyadana horay ayey u gashay ,waxayna fadhiisatay gursiga danbe ee gadaal ku dherersan,deedna waxaa la bilaabay iswareysi iyaga oo ruuxi arkaa uu leeyahay kuwan meel ayey ku soo wada barbaareen ammaba waa walaalo, darwalki ayaana gabarti ku yiri, “ maxaa ku helay walaal ,maa u yeertid saaxibtaa oo miyaadan ogayn waxa aan u istaagnay, addiga in aadan ahayn oo ay tahay gabartaa kula socoto ee keeni karto in ay isku dhacaan gawaarida waddada hareeraheeda mareyso, quruxdeeda awgeed”.

Darawalki ,intaa marki uu yiri, welina uunan dhameyn hadalki uu waday , gabartina weli kor isugu qaadqaadeyso kursiga danbe ee gaariga jileeciisa, hadalka lagu leeyahayn uunan dhib ku hayn ayaa ninka kale ee gaariga saarnaa ku yiri iyada, “war maxaa helay innanti kula istaagnayd , oo miyaynan weli baran afka u gaarka ah dulliga magaalada misa suuqa ayey ku cusubtahay”.

Marki uu isagana intaa marinayay hadalkiisa ayaa gabadhi oo yara shaki galay in aynan ku guulaysanayn ujeedada ay gaarigaa u kortay hadii aynan keenin gabartaas, ayaa tiri, “ Abboowe, innantaa garanmaayo laakin waan isku dayayaa in aan soo xero geliyo ee marki ay timaado waxaad iila hadashiin sidi gabar walaashiin ah, waayo wejigeeda wuxuu u egyahay mid magaalada ku cusub”.

 Gabarti marki ay sidaa ula hadashay nimanki gaariga watay ayey gaariga ka soo degtay, waxaana u yeeray inti aynan afar tilaab qaadin darawalki gaariga ,wuxuuna ku yiri, “Abbaay ,haddii aad inantaa soo kaxeyn weydo waxba ha inoo immaan innaga”.

Gabarti kama jawaabin hadalki u danbeeyay ee darawalki ku yiri ,waxayna ku laabatay Maryan iyada oo degdeg ku jirto, dooneysana in ay gabadhaa horay u soo wadato ,si ay ula soo casheyso labadaas nin,debadeedna ka soo baxdo shuruudaha laga rabo in ay fuliso, waxayna soo gaartay Maryan oo weli halkeedi taagan, waxayna ku tiri, “Abbaay sow ma’aadan rabin Biixaani misa waxaad halkan u taagnayd arrima kale ee aadan doonayn in aad ii sheegto”.

Maryan oo aan halkeedi ka dhaqaaqin, maskaxdeedana isku buuqsantahay, lana yaabanayd gabartaa Sababta ay ugu soo daahday gaariga gudihiisa , isla markaana isku canaananayso adigaa khaldan oo gabartan haddii aanan walaalkeed gaariga wadan saa uguma degdegteen koridiisa, ayaa tiri, “Abbaay waxaan kaa qarinayo ma jiraan ee walaalkaa muxuu ku yiri”.

Gabarti ayaana si fudud oo sarbeeban ugu jawaabtay,waxayna tiri “ Walaalkeey, wuxuu igu yiri gabartan aadan garanayn qaadimayno, waa intaa oo ay tahay gabdhaha Waalidkood ku caasiyay ee si xun socodka ku dheereeyo, laakin anniga ayaa ku idhi ,waxaa ma jiraan ,gabadhanna waa wanaagsantahay ee walaal gurigeeda horay u geey , wuuna iga aqbalay”.

Maryan oo hadalki gabartan u qaadatay in uu walaalkeed yahay nin usluub badan ,dagaalna kula jiro kuwi uu G/le Cusmaan kala soo ballamay in ay ka dheeraato marki ay Gaalkacyo ka soo baxaysay ,ayaa si fudud u tiri .“Abbaay anniga ma ihi kuwa si xun u socodkaa , magaaladana waan ku cusbahay ee walaalahaa ha igeeyaan oo kaliya Biixaani iridkeeda ayagaa garanayo kol haddii xaafadiina halkaa tahay”.

Gabadhi oo aad ugu faraxsan sida quraxda badan oo ay debandaabyada ula heshay Maryan ayaa tiri, “ Na keen abbaay wejigaaga ayey ku taallaa in aad tahay gabar wanaagsan”.

Gabarti iyo Maryan waxaa loo dhaqaaqay xagga gaariga . nimanki gaariga u joojiyana in ay gabdhahan soo raacdo aad bay u farxeen keddib marki ay arkeen gabarti ay doonayeen oo soo socoto,quruxdeedana cajib-gelisay. Gabarti iyo Maryanna way gaareen gaarigi , waxaana iridka danbe ee gaariga oo sidiisi u balaqan gashay gabarti soo dabin gelisay Maryan, waxayna Maryan ku tiri. “Soo gal abbaay”.Maryan weey ka daba gashay gaariga iyada oo leh “ waayahay abbaay”.

Marki ay Maryan gashayna waxaa iridka danbe ee gaariga gacanta u laalay ninki gaariga la saarna darawalka ,albaabkana soona xiray ,isaga oo darawalki ku leh , “walaashaa saaxibteed aad bay u qurux badan-tahay”.

Darawalkiina ,isaga oo aan hadalki saaxibkii ka jawaabin ayuu dhaqaajiyay gaariga isla markaana ku fikirayo sidi uu ku hergeli lahaa qorsha uu doonayay oo ahaa in uu soo gacan geliyo innantaa indha xiran oo aanan lahayn wejiga uu ku yaqiin gabdhaha dulleysan, kuna soo guda gelin jiray gaariga gudihiisa.waxaana mar labaad isaga oo sidiisi u fikiryo hadalki ku soo celiyay saaxibkii, wuxuuna yiri , “maxaa dhacay walaal miyaad ka carootay walaashaa innan qurux badan ayey saaxib la tahay”.

Waxaa durbadiba u jawaabay darawalki oo si kajan ku jiro u hadlayo, “walaasheey ma raacdo gabadh aan qurxanayn”.

Maryan hadalkaa ayey markiiba ka shakisay iyo usluubta ay warka isaga koowinayaan, markaana gaariga wuxuu marayay hoteel Jubba wejigiisa hore, wuxuuna in yar ku hakaday ishaarada kalagoyska waddooyinka halkaa isaga soo dhacaan, marki waddada u furantayna wuxuu ku leexday waddada galbeed uga baxdo isgoyskaa ee la yiraa waddada Jubbada Sare .Maryan oo marki horaba gaariga u soo raacday in ay geeyaan sarta Biixaani iyada oo is leh wax kaa hallaabayo ma jiraan oo gabadhan ayey la dhasheen nimanka gaariga wato, haddana ka shakisay sida edebdarrada ah oo ay labadooda isugu waramayaan , ayaa marki uu laabka galay gaariga ,shakigi ku sii balaartay inkasto oo aynan aqoon si toos ah waddada loo maro Biixani , haddana hore uma aynan arkin laab noocaas ah oo gawaarida ku leexanayso marki ay Biixaani ku socdaan iyo marki ay ka Imaanayaan ,waxayna tiri “waa maxaay walaalayaal ,xaggee nagu waddaan? Sow idinki ka leexday waddadi Biixaani tegeysay”.

Marki uu hadalka afkeeda ka soo dhamaadayna ,ninki darawalka la socday oo u arkay gabadhan in aynan ahayn mid magaalada ku cusub , kol haddii ay garaty in laga leexday waddadi Biixaani toos u tegaysay ayaa si kor ah u qoslay ,yirina isaga oo qosalki haayo, “oo haddii laga baxayna ,see rabtay adiga?”.

Maryan ,Cabsidi ayaa ku soo korortay marki hadalkaa loogu jawaabay, waxayna iyada oo ku fikirayso siriqdaa ay ku dhacday sidi ay uga bixi doonto, niyadeeda ku soo dhacday, haddii uu gaariga socdo masaafa ka dheer inta ay ku qiyaaseyso in Biixaani loo soco karo , in ay sameyso wax kasto oo suurta gelin kara in ay kaga lug baxdo nimankaa dabinka la helay, waxaana iyada oo aan hadalki hore ka jawaabin la hadashay gabadhi isugu sheegtay in ay walaalaheed yihiinm kuwan gaariga wattaan , ogaatayna in ay magaalada ku cusubtahay ayaa ku tiri, “Abbaay maxaad isla waalaysaa, xaggeesa ku degdegaysaa , wiilasha alaab loo soo dhiibay ayey horta geynayaan Baar Aqab, deedna kor ayey ka soo galayaan xaafadda Biixaani ,gurigaaagana waa lagu geynayaa”.

Maryan way ka aamustay hadalki ay gabadhaa u heysay iyada oo aan ku qancin waxa ay sheegayso oo way ka dheragtay maqalka haddallada aan ku habooneyn in ay ku sheekaystaan dad isla dhashay oo ay ku haasawayeen labadaa nin iyo gabadhaa soo dagtay.Waxayna halkeedi ka bilowday in ay ka fikirto sidi ay uga bed-bixi-lahayd arrintan la soo gudboonaatay oo kaba daran gabar gurrigi ay degganayd ka habawday. Maryan inti ay ku howlanayd sidi ay ka yeeli lahayd arrintan foosha xun ee soo guda gashay ayey aragtay gaarigi oo gooyay halka ay iska gooyaan waddada Ummadda iyo waddada Jubbada Sare ,welina aan waddadiisa ka bayrin.Maryan way la ahaan weydy in ay aamusnaateeda sii heyso keddib marki ay aragtay gaarigi oo sii fogaanayo ,gooyayna waddooyin aynan markaa ka hor marin, waxayna tiri iyada oo kaashaneyso caqligeeda si gaariga ay u joojiyaan nimankan.

“Walaalayaal waad ku mahadsantihiin illaa intaan ee gaariga joojiya , waxbana doonimayoo Biixaani ,waxaana ku degayaa guriga walaasheey oo halkan ku yaal”Waxaana Maryan u jawaabay ninki gaariga la saarnaa darawalka oo ahaa mid aan lahayn qalbi naxo ,aadna ugu farxo marki uu arko ruux dhibaato haysato, wuxuuna yiri, “Annagaa caqligaas innoola imaaneysaa, marka hore gawaarida jidadka idinka ma mari karto, haddii aad soo kortaana cabaad baad bilawdaan, immisaan addigoo kale aragnay”.

Maryan si caddaana ayey u aragtay in ay ku jirto dabinka , shakina wuu ka baxay ,waxayna mar kale u ahaan weyday in ay saa ku aamusto marki ay dhegaheeda ku maqashay hadalkaa kulul ee raxmad darrada ah oo uu kula hadlay ninkaa aan laheyn qalbi naxo keddib marki ay isku dayday in ay gaariga uga degto si caqliya. Waxayna bilawday in ay ku qayliso cod-dheer iyada oo doonayso in ay maqashiiso ,ogaadaana in ay khatar ku jirto dadka waddada hareeraheeda marayo iyo gawaarida jidkaa isku dhaafayso,bal haddii ay helayso ruux maqlo ee ka soo gaaro khatartaa ay gashay kana bixiyo inta aan la geysan goobti lagu qali lahaa, magaceedana lagu baabi’i lahaa,waxayna cod-dheer ku tiri:“Walaal gaariga jooji,gaariga jooji ,waxba ha geynina gurigayga,waxba ha igeynina , i-dhiga halkan,war yaa Soomaaliya , Soomaaliyeey i-soo gaara”.

Marki ay sidaa u qaylisay ayaa labadi nin kii sii raxmada darnaa oo aad uga carooday gabadhan fadiixaynayso, dadkana maqashiisay codkeeda iyada oo muujinayso in la boobay ,raalina aynan ka ahayn gaariga ay saaran tahay ayaa si naxariis darraa labada naas dhexdooda feer uga dhuftay si ay u aamusto, cabsina u gasho. Laakin Maryan kuma aamusin sidaa, waxayna halkeedi ka sii haysay in ay qayliso illaa ay ka helayso ruux ka soo baxo dadkaa waddada marayay iyo gawaarida isku dhaafaysay halkaa kuwa waddayaasha ka ah,kana soo bixiyo bohashaa ay ku dhacday.waxaana arrinta marki intaa ay mareyso gaarigi joojiyay darawalki oo is-yiri ,waa intaa oo gaari kale dareemay dhaqdhaqaaqa iyo qaylodhaanta gabadha sameynayso.

Darawalkii wuu shakiyey in arrinku is beddelo oo ciidan ama dharcad aragto xaalkooda ka dibna la qabto halkaasna dhibaato uga timaado aan loo joogin, sumcadooduna halkaa ku dhimato. Si dhakhsiyo ah ayuu ku joojiyey gaarigii, goobta uu gaariga joojiyayna waxay ahayd meesha ugu danbeyso waddada Jubbada Sare ee basaska rakaabka ka qaadaan magaalada ka soo laabtaan,waxaana darawalki oo aad uga carreysan jabka ku dhacay yiri: “Ka fur iridka waxan dulliga ah oo aan garanayn danaheeda”.

Waxaana intaa marki uu yiri darawalka , iridka ka furay saaxibkii oo aan raali ka ahayn in la dejiyo gabadhaa,wuxuuna Maryan ku yiri”wax-yahaay baas innooga deg gaariga” .

 Maryan dheg uma aynan dhigin hadalkooda,gaariga iridkiisa marki laga furayna way ka booday,darawalkina wuxuu si xoog leh u dhaqaajiyay gaarigi, isaga oo ka cararayo inti aynan ku soo buuqin dadka xaafadaa degganaa ee safnaa waddada hareeraheeda ,maqalyayna qaylida gabadhan kolki uu joogsanayay gaariga agtooda.

Maryan, Marki ay cagaheea dhulka ku hubsatay, gaarigina dhaqaaqay waxaa ku soo kordhay walbahaar iyo cabsi dheeraad ah ,waayo ma’aynan garanayn halka ay taagan tahay,waxaana isaga darmay afarta jiho, waxaa intaa oo dhan uga darnaa dadki markaa waddada taagnaa oo ku soo cararay, isaga oo uu mid walbo leeyahay hadal xun iyo erayo jeesjees ah oo meel ka dhac ku ah, iyagoo magacyo xun xun ugu yeeraya kuna suntaya gef aysan geeysan.

Waxaa ugu sii darnaa mid ku yiri “Ha la garaaco wasaqda ,waa kuwi magaalada qasay”,. Maryan marki ay maqashay hadalkaa kulul ayey cabsidi ku sii korortay ,waxayna aad iyo aad uga naxday dadki ku soo hareersday oo ay ka weysay mid si toos ah u wareysto, ugana waranto arrintan ku dhacday, waxayna isweydiisay “kuwi gaariga ka baxsataye, kuwan kor iyo bari kuu kala jiidanayo ,xaggee ka galeysaa”, isla markaana ku fikirayso war mar uun dhaxdooda ma ka baxdaa, aad ku carartid Biibitadaa ku soo jeedo waddada, haddii aad ammaan ku helayso .

Nasiib wanaag,wiil dhallinyara ah oo darawal ka ahaa basaski halkaa rakaab ka qaadayay oo waqtigaa shaqada joojiyay ,kuna nasanayay biibito uu shaah ka cabayay ,kuna socday in uu baskiisa kaxeysto ,ka bacdina ku soo xareeyo garaashka ayaa dadki Maryan ku wareegsanaa soo dhex jiiray ,kuna yiri cod- dheer . “war bal u kaadiya qaylida iyo buuqa”.

Markaas baa nin da’ ah oo ka mid ahaa dadki ku wareegsanaa Maryan yiri “Adiga waxaad leedahay qaylida ha laga daayo ,annagana waxaan leenahay maa dil loogu daro, kedibna amniga magaalada loo gudbiyo ilayn waa kuwi ku tuntay sumcada dadka ku nool magaalada”

Wiilki dhallinyarada ahaa oo aan doonayn in uu ka hor yimaado ninkaa waayeelka ah iyo dadka isku raacay in aan loo naxariisan gabadhan gaariga gudihiisa laga soo xooray ,ayaa si degganaana oo basar ku jiro u yiri, “walaalayaal ha la is dhegaysto ,yaana la iska hor’imaan ,gabadhana aan wareysano sida wax u jiraan,keddibna haddii ay tahay gabadh xun aan xumaanteeda la xoorno , haddii ay wanaagsantahayna oo ay tahay gabar ay soo daggeen kuwa yiraa hablihi way ka habaabeen marinka toosan, iyagana marka hore ku ciyaaro aan wax u qabano, geynana gurigeeda si nabad ah”. Intaa marki uu yiri wiilkii dhalinyarada ahaa ayaa odaygi hadalka ku qabtay marki hore ,yiri “ waa runtaaye maandhow wareyso”

Maryan marki ay maqashay sida wanaagsan ee usluubta ku jirto ee wiilkaa ula hadlay dadki ku soo buuqay ,lagana dhegaystay hadlakiisi ayey yara niyadeeda qabowday ,go’aansatayna in aynan waxba qarin sida wax u jiraan, si ay u hesho ruux gurigeeda geynayo.waxaana Maryan u soo jeestay wiilki ,weydiiyana in ay uga warranto arrinteeda gebi’ahaanteeda iyo sida wax u dhaceen .

Maryan ,waxay uga warrantay laga bilaabo sidi ay isu gefeen walaasheed Sahro oo magaalada u soo waday iyo in aynan magaalada kala aqoon ,laba maalmood oo kaliyana ay joogtay ,sidi ay ugu soo dhacday dabinkaa ay u dhigeen gabadhaa iyo labada nin ee gaarigaa watay iyo ugu danbeyn sidi ay uga degtay gaarigooda. waxaana marki ay intaa sheegtay , dadki ku hareersana u kala bexeen ,kuwa hadal ay sheegaan garan waayay ee iska dhaqaaqay iyaga oo isku canaanayo gefka ay u geysteen gabdhaa iyo kuwa nacaladeyn ku bilaabay kuwi soo dagay gabadha iyo wixi noocooda ah , Maryanna weydiiyay waxa ay u baahantahay in ay u qabtaan ,laakin inta aynan ruux kale la hadlin ayaa wiilki dhalinyarada ahaa ee qaboojiyay dhacdadan ku soo celiyay weydiin kale ,wuxuuna yiri “walaal hadda ma garaneysaa gurigaaga “.

 Maryan oo Masar (safaleeti) ay gacanta ku haysatay isaga tirayso ilmo ay ka keentay dhibaatada ay u geysteen kuwi soo dagay ayaa iyada oo kalsooni ku qabto dadka ay u hadlayso oo nacladeeyay si xun socodka oo dhan ,si hoose u tiri “Guriga waan garanayaa haddii aad i geysaan sarta Biixaani horteeda oo aanan hadda aqoon meel ay iga jirto”.

Maryan ,marki ay intaa tiri ayaa odaygi waayeelka ahaa ku yiri wiilki arrinta dejiyay ,ahaana mid ka mid ah darwalada wado basaska ka shaqeeyo jidkaas “war sideen ka yeelnaa wiilkaygi arrintan, maxaadsa ka qabtaa amniga magaalada haddii aan la socodsiino”.

Wiilki ayaana ugu jawaabay si fudud oo ixtiraam ku jiro ,wuxuuna yiri “Adeer looma baahno in aan la socodsiino amniga magaalada kol haddi aynan gabadha wax gaarin ,haddii ay raali ka tahayna baska xagaa yaalo ayaan ku geynayaa Biixaani iyo gurigeediba”.

Maryan oo aad ugu faraxday hadalkaa raxmada ah ee wiilkaas ku leeyahay ayaa hadal la soo booday ,waxayna tiri “Walaal dhibaato iima harsano ,filinimaayo addigana in aad I dageyso ,raali ayaana ka ahay in aad addiga i geyso sarta Biixaani, ka bacdina aniga ayaa aqaano guriga intaa wixi ka danbeeyo”

Wiilki ayaana si tartiib ah, oo daacad ah uga jawaabay hadalkan wuxuuna yiri “Walaal naftaada dagis danbe ha uga baqin,aniga ayaana ku geynayo gurigaada ee inna keen”.

Maryan iyo wiilkii waa la is daba galay ,waxaana la aaday gaarigi baska ahaa oo yiilay waddada dhinaceeda ,marki ay gaareena way koreen. dadki halkaa ku soo ururayna way kala dareereen iyaga oo kulligood ammaanayo wiilkaa gabadha gurigeeda u kaxeeyay.

La soco qaybaha dambe.

W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)

SHEEKOOYIN