Gabayga 16aad ee Silsiladda Godane Galbay, Gabbaldaye. Curiye: Maxamed Xuseen Faarax.

pizap.com14108863293301

 

Gabyga Gabbaldaye

 

  1. Galayr iyo Bashiiroow Siciid, Gaalkacyoow Kediye
  2. Giddigiin salaan heer gobeed, Gacalayaal hooya
  3. Gacmo furan tixgelin gaar ahaan, Gogol abwaan hooya
  4. Aqbal iyo guddoon wacan gadaal, Sooryo gabay hooya
  5. Ga’da maanso, goyn iyo billaw, Gucun illaa meeris
  6. Gole dhexe haddii lagu garramo, Galangal suugaanta
  7. Guucliyo Gibbaan luuqda waa, Kala gandoobaane
  8. Guumiskiyo gamboolladuna, Waa geda-gedeeyaane
  9. Anse waxaan garoommo u xiraa, Gaba-gabaynteede
  10. Aan gil-gilo Gujaaloon go’ayn, Iyo Mataan Geel cad
  11. Aan gal-galiyo gimishana karo, Hadallo goos-goosa

 

  1. Gantaal gabaygi geeridu markuu, shalay i soo gaaray
  2. Gun iyo baar giraantii markan, Gees walba u baaray
  3. Guudcaddiyo haddaan guurtidii, Geed fadhi u geeyey
  4. Middii ay gorfeeyeen anoo, Taydii garabraacshay
  5. Isku gayn go’aan kii bal aan, Gudagal faalloodo

 

  1. Horseed sahan la’aan guur ma degin, Galawda rayskiiye
  2. Dhul ninganiyo kaligiis garamme, May gefayn abide
  3. Gurdan raac gammaan iyo kulume, Geenyadii Farase
  4. Ga’da hadal mahmaahada haddaan, Galo ujeedkeeda

 

  1. Gundaloolo wow badi gabaga, Gole ka fuulkaaye
  2. Kanse waa mid aan gebi ahaan, Soo gardaadiyaye
  3. Ha gawgabin ninkaan gaaraninow, Waa gur-guru soohe.

 

  1. Afartaas ga’dii ararta iyo, Gayrti maansada dheh
  2. Goolgooladkaygiyo murtida, Gogoldhiggeedii dheh
  3. Gudban iyo ogaysiis digniin, Gababacdoodii dheh
  4. Afarkalena gobodiyo halkaan, geeddiguu ahay dheh

 

  1. Cabdi ina Galayr goolhayow, Gacaliyoow heedhe
  2. Gudoomiye abwaan gaamuroow, Sama galoow heedhe
  3. Garaad iyo aqoon waad qabtaa, Garasho xeel dheere
  4. Aniguna intaan gaax hayaan, Kuu godlanayaaye
  5. Gagci dhegaha maqalkoo indhaha, Hoos u soo gorori
  6. Ka gungaar farriimahaan god-dodan, Gaarna ugu fiirso

 

  1. Waa guulaandi gow iyo god iyo, Gebi kallaalaadda
  2. Garka waxay ku haysaa golmaran, Gorofki laasoode
  3. Genbis foorar yaan loogu dhicin, Looli webi gaysta

 

  1. Waa gubato qiiqaysa iyo, Holac gamaar diire
  2. Waa Girgire galool lagu shidiyo, Laamihii Garase
  3. Waa gaameelo deeb oo dhuxulo, Hoos galcanayaane
  4. Gondoleefta yaan loogu guban, Aayar gacantaabad

 

  1. Afartaa gariirshaye haddaan, Horay u sii guuro
  2. Goosan baadi kaa maqan ninbaa, Waayo kula gooba
  3. Oo galalaf iyo daal in badan, Kula guhaadooda
  4. Haddana aragti kaa gaynayoo, Raad gadaa jira’e
  5. Gurmad dhagarre, gees kale u wade, Been gacmaha sayre
  6. Galoof olola, Goobali egana, Goodir liic guran ah
  7. Kama xira gandaallada u side, Gaawe maran qaade
  8. Gab-gab hagarre goxorkaas ninkaan, Garanin yeelkiisa!

 

  1. Gefyo tarantay, guhaad caro dhashiyo, Ficil la guulaabay
  2. Gebengebo colaadeed dagaal, Loo guntiyo xaytay
  3. Gardaad siqida guluf iyo goldoox, Gaalib iyo weerar
  4. Goob kastaba nin kula gelahayoo, Kula guclaynaaya
  5. Haddana waranka kugu gaadayoo, Gaambiyaa jira’e
  6. Gur iyo midigle, hadba geed harsade, Gucur qiyaanoole
  7. GABBALDAYE, indhaha kala geddiye, Gawnaxyada buure
  8. Godadqode, gedef toban wejile, Geeda sare waabe
  9. Goolaaftan tuuggaan ninkaan, Garanin yeelkiisa.

 

  1. Afartaas gariirshaye Galayr, Gobo kalay dheere
  2. Gaashaandaruurkiyo gujiyo, Gacanto gaalaynta
  3. Halqabsiga adaan kugu gambaday, Waase guud hadale
  4. Inta aanan jawaabti GANTAAL, Soo garaangirinin
  5. Hal xeraale labo godan ayaan, Soo gudbinayaaye
  6. Googgaa gabyaayoow ga’ xiran, Oo gur-gur u soohan
  7. Garbaruxada Wilisaqada iyo, Guuxo iyo Dhaanto
  8. Gablaydiyo cayaaraha gugaan, Sacab garaaceeda
  9. Gaddoon dheelka jaan Goroyoley, Bootintiyo goynta
  10. Iyo laaqa Guurow maxaa, Kala gurbaan leexshay?
  11. Googgaa gabyaayoow ga’ kale, Oo gur-gur u soohan
  12. Cirka gootay, daruuraha is galay, Kicinka guulaabtay
  13. Guuleetidu Galgaras kuma da’diyo, Godinka ciiddeede
  14. Gufaacadu waxay ka onkoddaa, Waa Gar loo gubaye
  15. Maxaa gu’ga tisqaadaha ka dhigay, gugaca muu qaysho?.

 

  1. Googgaa gabyaayoow ga’ kale, Oo gur-gur u soohan
  2. Gaashaanlaha Biciid Goodirkiyo, guunyada Sagaaro
  3. Gooni daaqda Dabataagta iyo, Deero gulucdheerta
  4. Nin ugaar gabraaranahayaa, Gabbal ma dhaafayne
  5. Gerinuug maxaa Goroya Cowl, Looga ganid soocay?.

 

  1. Googgaa gabyaayoow ga’ kale, Oo gur-gur u soohan
  2. Goraygaan gu’yaal iyo gu’yaal, Buurta guro saaran
  3. Oo aan Gaahigaas bari u degin, Ama galbeed hoose
  4. Oo Gumarka mooyee marnaba, Laaca kale goosan
  5. Gabraarkiyo muxuu Garaska iyo, Gowlalo u diiday?
  6. Maxaase gegida taallada u dhigay, Muu dhan uga guuro?

 

  1. Afartaas gembiyey oo ku dedey, Gibil sarbeebbeede
  2. Afar kalena aan soo geddeyo, Waa jawaab gabaye
  3. Haddaan dunida gebigeed la rogin, Oon gab laga siinnin
  4. Gabbalkii dhacana waxa ku xiga, Waa gaduud subaxe
  5. Galabtiyo aroornimo barqana, Waysla gelinkiiye
  6. Gudcur tiro ka siman labo bilood, Oo gar dhalataaye
  7. Geeddina waxay wada maraan, Waa galgaal cirire
  8. Miyaad adigu kala giirataa, Goor isdaba joogta?.

 

  1. Afartaana gariirshaye Galayr, Gobo kalay dheere
  2. Meeshii gummar ka jabo waxa ka baxa, Waa Sarmaan Gogole
  3. Gunta hoose xididdada haddaan, Godintu naafaynin
  4. Gurmo jaridda laamaha la guro, Wow bacrimin geedo.

 

  1. Afartaana gariirshaye Galayr, Gobo kalay dheere
  2. Ayax guuray gawaan ciid ku reeb, Koronkor geed leefe
  3. Geelana gargoor howd haddii, Looga gole oodo
  4. Gurayd xero gal-galashada haddii, Uu gel-gelin jeexo
  5. Garangoorri waxay gaso dhigtaa, Sow gafane mahan?.

 

  1. Afartaas gariirshaye Galayr, Gobo kalay dheere
  2. Gar gar diiday, guux guux u baxay, Gaadmo iyo gaadmo
  3. Gab-gab kibir, giriif iyo giriif, Gooddin iyo gooddin

 

  1. Gubni ciidan, gaas iyo bilgayr, Guuto iyo guuto
  2. Gujis iyo maraakiib guddoo, Gurada loo buuxshay
  3. Kobro guuxda, miig samada gala, Saam hawada goosha
  4. Tegnikooyin gaashaaman iyo, Taangi gabangaaban
  5. Madaafiicda goobtiyo gamuun, La isku gaafmershey
  6. Gig iyo gig isbedelay ee dagaal, Laysku gacanqaaday
  7. Dhul gariiray, maydkoo la gegay, Goob la kala sheegtay
  8. In kastoo geddii aad jeclayd, Loo gelbiyo hawsha
  9. Gaylan dirir gantaal aadan ridin, Guul ku faan ma lahan.

 

  1. Afartaana gariirshaye Galayr, Gobo kalay dheere

114. Gardarriyo gaboodfalid gumaad, Lagugu gaaryeelay

  1. Godob baahsan ruux kaa qabiyo, Gocasho ciil reebtay
  2. Haddii uu gafuurtuur mar kale, Kuu indho gaduudsho
  3. Gar Ilaah waxaa kula gudboon, Inaad gedootaaye
  4. Oo aad gunnimo maya tiraah, Geeri loo dhalaye
  5. Gashigiina aad daba gashoo, Gudato aarkaaga

 

  1. Mar haddiise cadawgii ku ganay, Iyo kii garbo istaagay
  2. Dad cidday galaan, giir iyo raad, Aadan garanaynin
  3. Nin walbow maxaa kula gudboon, Waa gurrucan howle?

 

  1. Waxba gabagu yuu ila galbane, Waxaan ku soo gaabshay
  2. Gadaw gadaw ku maran iyo sil-silad, Garangar duuduban

125. Guntin laba afxiran oo misana, Xoog laysugu giijay

  1. Oo dabin la gaabshiyo garnayl, Lagu gafuur laabay
  2. Oo gaanjadii aasantahay, Gumaca riixaysay
  3. Oo aadan garanayn gadaal, Hagaha goowriira
  4. Jeer gacmaha la helo iyo guntiga, Lagu gufaynaayo
  5. Oo gegida layskula boxoo, Runi runteed gayso
  6. Gujuxada Wallaan laga baxayn, Gowso bahallayda

132. Qof walbow god sii qodo adduun, Guuro bahaleeye.

 

Maxamed Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN