Bilicda gabdhaha Soomaaliyeed. Qore: Bashiir Cali Xuseen(Barbaariye)

Bilicda gabdhaha Soomaaliyeed.

 

Miyi iyo magaalo meel kasta oo ay joogaanba bilicda ama quruxda gabdhaha Soomaaliyeed, wey isu dheelli tiran tahay, marka asal ahaan dhanka midabka laga eego madow iyo maarriinba, waana mid jalleecada indhaha soo jiidaneysa siiba hab dhismeedka jirkooda iyo gaar ahaan muuqooda guud ee ilwaadda leh.

Damiirka ayaa i faraya inaan qiro horyaalnimada astaanta bilicda iyo bidhaan wanaagga, hablaha Soomaaliyeed, waayo dunida oo dhan baa qirsan hannaan wanaagga filsamida dumar keenna oo ku soo baxaya huga dhar xirashada nuuc walba oo ay ka qaataanba.

bILICDA 1 BILICDA 2

Sida ay abwaannada iyo wax garad waaya arag ahiba qabaan, gabadhaha Soomaaliyeed ee xurmada iga mudan tilmaan ahaan, waxey ugu qurux badan yihiin, marka ay xishood dartii farta dhexe la qaniinayaan ee ay dhabanka si dadab ah u sii jeediyaan, iyo marka ay sida kalsoonida leh u sheekeynayaan ee ay farxadda la dhoolla caddeynayaan.

 

Eeg gabadhaha Soomaaliyeed filsamida ka muuqata marka ay sitaan dharka hiddaha iyo dhaqanka, siiba boqorka iyo dhaclaha, cunnaabida, kuusha iyo makowga, sidoo kale bal isha la sii raac marka ay xiran yihiin ( dharka alindiga ah nuucyadiisa kala duwan )

Adiga oo aan ku talax tagin indhaha la raac marka ay xjibaan yihiin ee ay ku hor marayaan quruxda ka muuqata, bal hoos u sii bacleel oo il qooraansi ku eeg marka ay guriga dhex joogaan ee ay sitaan diraca nuucii ugu danbeeyay, gaar ahaan baac weynaha, aan ku weydiiyee ma cid ka qurux badan baa jirta?.

Quruxda hablaha Soomaaliyeed, waxaa laga amaanay ilaa iyo heyadda filimada sameysa ee hollywoodka, waxeyna jariiradda ( The New star ) gabdhaha soomaaliyeed ku sheegtay ” in ay yihiin kuwa dunida ugu sarreeya dhanka quruxda iyo midabka, inkasta oo lagu soo lamaaniyay gabdhaha reer itoobiya, haddana shirkadaha daneeya filim sameynta dalabkooda koobaad ee xilligan waa gabdhaha soomaaliyeed.

 

Sidoo kale hablaha soomaaliyeed waxey horyaal ka yihiin bilicda iyo soo bandhigyadda carwooyinka dharka (modell ) waayo gabdhaha daadihiya ee gar wadeenka ka ah ayaaba soomaali ah, waxeyna ku kasbadeen bilicda uu ilaahey siiyay mullaaxda midabka maarriin dhalaalka ah iyo madowga labeenta leh.

Qurux kaliya maahee gabdhaha soomaaliyeed intaa karti wax qabad baa u sii dheer, waxaanse gabdhaha kula dardaarmayaa meel kasta oo ay dunida ka joogaanba ‘anshax wanaag ay ku mateli karaan magaca dalka iyo dadka soomaaliyeed ” gunaanadka hadalkuna waa tixo ka mid ah abwaan hadraawi heestiisii aheyd hablaha geeska afrika:-

 

Hablo weerar geli kara

Gobanimana hanan kara

Hablo talada goyn kara

Garta madal ka niqi kara

Garashana isaga mid ah

Quruxdana ka wada gob ah

Gees keenna mooyee

Geyi kale ma joogaan.

Bashiir Cali Xuseen.

Barbaariye@hotmail.com

 

 

 

SHEEKOOYIN