Sheeko taxan: Quraafaadka Faaliyaha Q12AAD W/Q: Cabdullaahi M. (Siyaasi)

 

pizap.com14732612463621

Qaybtii 12AAD.

Wiilkina inta uunan baska dhaqaajin ka hor ayuu u yeeray lacag ururiyihi la socday baska,wuxuuna ku yiri “waryaa, berri salaada subax halkaas ayaan kaa soo marayaa haddii ilaaheey yiraa ee habeen wanaagsan”.

Wiilki dhallinyarada ahaa Keddib marki uu la ballamay lacag ururiyihi la shaqaynayay wuxuu dhaqaajiyay baski, kuna dhigay waddada jubbada sare . Maryan iyo isaga wax isla hadlayay ma jirin. Maryan iyada waxa ay la yaabanayd , kana fajeciyay sida ay u soo hoos gashay dhibaatadaa ay u geysteen kuwaa had iyo jeer naftooda ku howliya dulleynta hablaha soo korayo ee jilicsan. Wiilki baska wadayna ,wejigiisa waxaa ka muuqday in uu ka carreysnaa waxa ay kula kaceen gabadhaa, kuwa mar walbo naftooda ku dhiba in ay sameeyaan shar, si ay dhibaato u gaarsiiyaan dadka ku dadaalo in ay ka dheeraadaan wixi naftooda iyo aayahooda wax u dhimayo iyo wixi wax yeelaynayo dhaqanka wanaagsan oo ay Soomalida ku caantahay. Waxaana baski marki uu soo gaaray kala goyska ay isaga soo dhacaan waddada Jubbada sare iyo waddada ummada ,welina labadooda wax hadlayo aynan jirin ,ruux walbana uu si u carreysan yahay ayaa wiilki baska ku leexshay waddada Ummada dhanka aadayo woqooyi, marki in yar uu socdana Maryan oo fadhiday kursiga dhiniciisa ahaa, ayaa ku tiri wiilki, “Walaal magacaa “.Waxaana wiilki oo islahaa waxba ha weydiin adiga oo gabadha mar danbe yeynan cabsi gelin ilayn kuma taqaanee,ayaa ku yiri “Abaay magacayga waa Cali ee addiga Magacaa”.

Maryan, marki uu Cali magaciisa u sheegay ayey yara u soo dhowaatay iyada oo dooneyso in uu hadalkeeda u maqlo si fiican ileyn wuxuu ku howlanaa in uu iska fiirsho waddada wixi hortiisa iyo gadaashiisaba ku imaanayo ,waxayna tiri “Walaal Magacayga waa Maryan, ee walaal waxaan ku weydiiyay kuwa gabdhaha dagaa dugsiyo ay dagista dadka kaga soo baxaan miyaa jiro?”.

Marki Maryan uu hadalkaa afkeeda ka soo dhammaaday ayuu Cali qosal dheer ku dhuftay isaga oo gartay in ay Maryan ka dhab tahay, weydiintaa iyo in ay iyada ku cusub tahay magaalada, waxa uuna si daacad ah uga jawaabay su’aashi ay weydiisay, wuxuuna ku yiri

     “Maya ,ma’aha sida aad mooday walaal ee kuwaa hablaha dago marinka toosana ka habaabiyo iyo hablaha ku kaalmeeyo taa ee iyaga hore marinka toosan looga habaabiyay,waxaa weeye kuwa waalidkood soo habaaray ee balaayada iyo dulleynta ku shoobo, sidaana faan moodo.Maryan waxaad ogaataa in aad sigatay caawa,ilaaheyna kaa badbaadiyay halis aad ku sugnayd, Soomalidana waxaay ku maahmaahdaa “Sir ma qabe, saabaa u biya celsho”.Maryan waxaa jiro dugsiyo amniga dowladda leeyihiin ee askarta ilaaliso amniga dalka lagu baro sida loola dagaalo kuwaa si xun u socodkaa oo dhan”.

Maryan way aamustay o hadal danbe kuma soo celin, Calina marki horaba ma doonayn in uu wareysto Maryan ilaa uu kaga hubsanaayo guriga reerkeeda, aamusnaantiina halkiisi ayuu ka sii watay. Waxayna soo gaareen iyaga oo kala aamusan halka ay isaga soo dhacaan waddada Ummadda iyo waddada Balcad iyo waddada Sanco, wuxuuna Baski ku leexshay waddada Balcad dhinaca Bari oo toos u tegeyso sarta Biixaani oo ah halka Maryan ugu sheegtay in ay deggan yihiin reerkeeda, waxayna in yar debadeed gaareen sarta Biixaani, waxaana Cali uu joojiyay Baski, sarta horteeda meel ku aadan iridka laga galo naadiga jaalliyada koofurta Yemen, waqtigana wuxuu ahaa kow iyo tobanki iyo labaatan daqiiqo oo fiidnimo.Maryan ayaana Cali ku tiri, “Walaal maxaad aragtay oo aad gaariga u joojisay”.

   Cali oo si fiican u gartay ,Maryan in ay ka dhabtahay aqoonis la’aanta magaalada ayaa yiri, “Abbaay xagee ku maqam tahay,sow tan aan joogno sarta Biixaani”.Maryan oo aad ugu faraxday hadalkaa uu Cali yiri, markaana isaga fiirineyso ayaa u soo jeesatay dhanka midig ee sarta Biixaani ka xigtay si ay u hubsato in ay tahay sarta biixaani iyo in kale. Waxayna aragatay oo indhaheeda ku dhaceen inti aynan sarta fiirin ka hor ,adeer Axmed ,Khadiijo, Sahro iyo dhallinyaradi xaafadda la degganeed reer Axmed Liibaan oo taagan baska hortiisa ,halka uu istaagayna u jirto ilaa iyo shan iyo toban Meter, sugayana bal ruux keeno Maryan, markaasna waxay ka yimaadeen Saldhiga Bari ee Amniga Muqadisho oo ay soo ogaysiiyeen in ay gabadhoodi guriga ka habowday, waxayna Maryan iyada oo aad u faraxsan ku soo jeesatay Cali,kuna tiri, “Walaal waa kuwaa reerkaygi waddada taagan”.

 Cali inti uu dhagaysanayay hadalkeedi, Maryanna ay weli hadalki u wado ayaa Khadiijo oo is tiri ku dhawaaw Baskan istaagay halkan idiin dhow, waa intaa oo uu Maryan keenee, ayaa indhaheeda ku dhaceen Maryan oo fadhido kursiga hore ee Baska lana hadlayso darawalka , Marki ay aragtayna waxay cod-dheer reerki intiisi kale ku tiri:“Addeer Axmed, Maryan waa la keenay, waa taa Baska saaran”.

Reer Axmed Liibaan iyo dhallinti xaafada marki ay Khadiijo ku tiri “Maryan waa la keenay” ,waxay kulli soo wada aadeen halki uu Baska taagnaa. Calina ,marki ay Maryan ku tiri “Reerkaygi waa kuwaa waddada taagan” wuxuu dammiyay matoorka gaariga oo uu shidnaa inti uu Maryan u sheegayay in sarta Biixaani la joogo, Cali, marki intaa uu sameeyay ayuu Maryan ka furay iridka hore ee rakaabka baska soo raaco ay ka degaan. Maryan,dhulka ayey baska uga degtay,isagana wuu ka soo daba degay. Waxaana isla markiiba soo gaartay Khadiijo oo iyada ka hor aragtay reerka intiisa kale in Maryan lagu keenay Baskan, debadeedna Waxay Maryan ku bilawday dhunkasho iyo ka wareysi in ay nabad qabto iyo in kale.

Maryanna ,inta aynan waxba ku dhihin Khadiijo waxaa soo gaaray adeer Axmed ,Sahro iyo dhalinyaradi xaafada, sidoo kale ayey ayagana waxay Maryan ku bilaabeen salaan iyo sidi ay ku soo heshay baskaa keenay. Maryan, iyadaoo aan reerki waxba uga sheegin sidi wax ugu dhaceen ayey dhamaantood ku tiri. “ Intaana idinkaga warramin musiibada i heshay oo haddii aan idinkaga warramo aad dhegaha farta wada gashanaysiin, ka hor waxaan idin barayaa wiilkan oo hadii aanan heli lahayn caawa, aan khatar ku sugnaa” .

Maryan iyada oo weli hadalki waddo ,reerkana aynan barin Cali ayaa adeer Axmed ku yiri Cali oo taagnaa meel dhexdooda ah, “Wiilkaygi khayr baad sameysay ,ilaaheyna khayr ha ku siiyo ee nooga warran , xaggee ka soo qaaday gabadhan?”.

Cali oo aad ula dhacay sida quraxda badan ,wanaagana uu ku jiro ee uu markiiba ula hadlay Maryan ninki ay ugu sheegtay in uu yahay adeerkeed marki uu gaariga joojiyay keddib,ayaa ugu jawaabay. “ Aamiin, dhamaanteen ilaaheey khayr ha na siiyo, laakin adeer ,aniga ma sameyn wax ka dheeraada inta looga baahan yahay ruux walbo oo la kulmo dhibaatadi haystay Maryan marki aan arkayay caawa. meesha aan ka soo qaadayna sida wax ugu dhaceen iyada ayaa idinkaga warrameyso”.

Keddib markuu Cali ku yiri adeer Axmed “iyada ayaa idinkaga warameyso sida wax ugu dhaceen” ,ayuu adeer Axmed ku soo jeestay Maryan oo ay garbaha ka taagan yihiin Khadiijo iyo Sahro iyo dhalinyaradi kale.wuxuna ku yirI: “Gabadhaydi sidey wax kuu gaareen ,wiilkansa xaggee kaa soo qaaday”.

 Maryan ,Marki adeer Axmed ku yiri “noo warran gabadhaydi’ ,waxay billawday in ay uga sheegayso ,laga bilaabo habki ay isku gefeen iyada iyo Sahro oo reerka ay Sahro hore ugu sheegtay,sida ay u dageen dulligi gaariga ku qaatay iyo dhibaatadi ay u geysteen iyo ugu danbeyn wiilkaa keenay dhibaatadi uu ka soo gaaray keddib marki ay ku xooreen meel aynan garanayn kuwi gaariga ku soo dagay iyo in uu wiilkan keenay illaa guriga oo aynan isaga ugu jirin dan gaar ah oo aan ahayn Soomaalinimo iyo in la is kaalmeeyo xaaladahan oo kale.,waxayna hadalkeedi ku soo koobtay in ay Cali barto reerka magacyadooda, dhallinta la taaganna ay yihiin dhalinyaradi xaafada la deggan, intaa keddibna reerki iyo dhalinyaradi ayey bartay Cali magaciisa ,una sheegtay wanaaga uu u sameeyay in uunan sahlanayn markaa ka abaal-marintiisa, waayo wuxuu badbaadiyay magacayga gabar-nimo oo khatar ku sugnaa isaga oo aynan ugu jirin dan gaar ah oo uu iga lahaa.

Waxaana intaa keddib hadalki qabsaday adeer Axmed oo isagana u mahad celiyay wiilkaa gabadhooda bixiyay.Waxaana markuu dhameeyay hadalki mahadnaqa ahaa ee uu ku yiri Cali hadalka ka qabsatay Khadiijo oo iyadana uga mahadnaqday Cali, wanaaga uu sameeyay,kuna tiri marki ay u mahadnaqday ka bacdi ,Cali waad na raaceysaa haddeer oo guriga aan degganahay ayaan ku tusaynaa ,intaa keddibna waxaad ogaataa in aad berri casumaad ku leedahay guriggeena waqtiga qadada, mana doonayno walaal in aad na-tiraa casumaadaas imaan maayo,haddii aad tiraahdana wanaag baad noo sameysay ,xumaana waad nooga tagtay”.

Calina waa ku adkaatay in uu yiraa, shaqo ayaan leeyahay berri duhurnimadi, oo waa waqtiga ugu fiican in baska looga shaqeeyo magaalada gudaheeda keddib marki ay Khadiijo ku tiri “wanaagga aan kuugu baranay halkiisa ka wad”, sidaas-darteedna waxay ku qasabtay in uu aqbalo casumaadi, maadaamo uu yahay nin wanaagaa jecel sidiisaba, isla markaana ku dadaalo barashada dadka wanaagsan,wuxuuna yiri:“Waan aqbalay casumaadaa berri duhurnimo haddii ilaahey yiraa”.

La soco qaybaha dambe.

W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)

SHEEKOOYIN