XASIL OO ILA GARO.(XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

xf

                                                XASIL OO ILA GARO.

Qaybtii 12aad

             

                            IN LA ISI SAAMAXO WAA DHICI KARTAA

In la isi saamaxo waa dhici kartaa waana wax fudud ayaa la oran karaa marka uu khalad idin kala gaaro dadka aad ehel wadaagta tihiin amaba aad nolol wadaagta tihiin, balse waxaa war ka taaganyahay sida is aaminaaddu ay kusoo laaban karto.

Qofku wuu u cafin karaa qof dambi ka galay sida uu doonaba ha ku cafiyo, balse is aaminaadda haddii mar ay jabta waa ka adagtahay is cafinta oo lama soo celin karo, sidaa darteed waa fududdahay in la is cafiyo, balse in dib la isku aamino ayaa shaqo u baahan.

 

AQOONTA WAA HUB

Waxay dhaheen aqoonta waa hubka ugu awoodda badan ee dunida aad ku baddali karto, balse taas waxaan is leeyahay haddi dadkeeda aan la helin wax ka jiro ma lahan oraahdaas, qofka iyo aqoonta waa in ay is yeeshaan oo isku meel u jihaysan yihiin, balse, haddii ay kala jihaysan yihiin wax ay dhaamayaan ma jirto kan jaahilka ah ee aan waxba baran, tusaala gaaban maanta Dadka soomaaliya hor boodo waxay wada sheegtaan Aqoon iyo Mansab aqooneed, balse sida ay u dhaqmayaan marka aad eegto ma ahan kuwa is baddal wayn keeni kara ama ku samayn kara goobta ay uga nool yihiin Dunida.

Sababta ay sidaas ku dhacdayna waxay tahay aqoonta ay sheeganayaan ayeysa ehel u ahayn, oo waxaa ka buuxo calooshooda Cudur aan u ogolaan Karin in aqoonta ay leeyihiin ku dhex shaqayso.

Aqoonta sideedaba waa Nadaafad oo mar walba Ceeb ma lahan, waxa ceebta leh ayaa ah dhaqanka qofka u nasab sheeganayo, sidaa darteed, oraahada ah in aqoonta ay tahay hubka wax lagu baddali karo waxaan ku dari lahaa oo u dhigi lahaa sidan “ Aqoonta iyo Dhaqanka qofka oo wanaagsanaado ayaa waxay noqdaan hubka lagu baddali karo wax walba”

 

                                                           DUMARKA IYO RAGA

Dumarku waa noocya badan yihiin, way kala daran yihiin wayna kala duwan yihiin, mid waa Doog iyo Xareed oo qalbigaa ku diirsado muuqeeda iyo maqalka codkeedaba, midna waa Dab oo xitaa dambaskeeda ayaad ka carartaa buuqeeda iyo qaabka ay u dhaqmayso, midda kore ee qalbiga ku diirsado ayaa mudan in wax walba la dul dhigo dusheeda.

Ninka Raga ah ee wax garadka ah waa midka garta marwadiisa iyada oo aan la hadlin waxa ay ka mudantahay, balse midka qaylada iyo dagaalka wax looga qaado ma mudna marwada kore ee aan tilmaamay ee waxaa ku haboon tan dambe ee dabka ah.

Dumarka waa raaxada Dunida, waa Quruxda dunida, sida quruxda iyo raaxada loo samaysto ayaa ayagana maadaama ayba Raaxa yihiin looga samaysan karaa qurux iyo raaxaba, ninka fahmi karo sirtaasna waa ninka fahmi kara aamusnaatooda waxa ku jira.

 

                                                   TALA SAARASHADA

Imaamu shaafici wuxuu yiri isaga oo tilmaamaya tawakalka iyo sabarka “sabarku waa midka keena farajka, qofka arrimihiisa u tala saarta allana hubaal in uusan alle gaarsiin wax dhibaato ah, qof walba oo wax rajeeyana wuxuu ahaan halka uu rajeeyo”

Hadaba waxaan hadalkaas ka fahmi karnaa in malada uu qofku malaysto uu mar walba ahaanayo, sidaas darteed ay wanaagsantahay in malada mar walba ay dhanka wanaagsan u badnaato, xaga tala saarashadana ay Alle xagiisa ku wanaagsantahay,

Mmusa

 

 

                                                                  CADDAALADDA

Dowladda caaddilka ah mar walba waa ka qiima badantahay midda aan caaddilka ahayn, qof walba oo caddaalad fala ah naxariista alle waa ku dhowdahay Gaal iyo Muslim waxa uu rabo ha ahaado, sida uu alle doonana abaalkiisa ha ugu gudo, in aad muslim tahay micnaheeda mararka qaar ma noqon karto in aad caddaalad fale tahay.

Ibnu taymah isaga oo dhanka caddaaladda ka  tilmaamaya nidaamka dowliga ah ayuu wuxuu yiri “Alle wuxuu u gar gaaraa dowladda caaddilka ah haddii ay rabtaba gaalo ha ahaato, laakin marnaba alle uma gar gaaro dowlad Daalimad ah oo caddalad aan falayn Mu’min ba haddii ay rabto dowladdaas ha noqotee”.

Mmusa

 

                                                         DHAGARTA DADKA

Nin la yiraa Maxamed Mutawali Shacraawi ayaa laga hayaa isaga oo dhisaya qofka muslimka ah mooralkiisa ama niyaddiisa in uu yiri : “YEYSAN KU WAL WAL GALIN DIGASHADA DADKA, QOFKA BANI AADAMKA AH MA SAMAYN KARO WAX UUSAN ALLE DOONAYN, WAXA UGU BADAN UU QOF KUGU SAMAYN KARO AMA UGU YAR AYAA AH WAX KASOO DHAMAADAY RABBI XAGIISA”

Hadalkaas waxaan ka qaadan karnaa in aanan ka wal walin dhagarta aadanaha ay nala damacsanyihiin, ee aan u diyaar garowno sida aan u wajihi lahayn inaga oo laabta ku hayno in wax uusan alle amarkiisa ku farin aysan nagu samayn Karin, midna in la ogaado waa muhiim taas oo ah in dareenka dadka xagiisa aan ka qabno uu nagu yahay imtixaan la doonayo in aan ku baasno, kaas oo lagu tijaabinayo tawakalkeena.

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN