Fidel Castro (Faalo kooban) Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

fidel-castro

Fidel Castro

Fidel Castro, madaxweynihii hore ee jaziiradda Kuuba wuxuu ahaa cadawga Ilaahay iyo cadawga Rasuulkiisa iyo cadawga soomaalida. Wuxuu inkiray jiritaanka Ilaahay, diinna dalkiisa oo idil ka mamnuucay, siyaasadduu dalkiisa ku dhaqana ay ahayd inuusan Ilaahay jirin.

Dawladdii hore ee Midowga Sovyetiga oo shuuciyada ahayd, ayaa waxay madaxweyne Maxammad Siyaad Barre usoo jeedisay inay Soomaaliya, Jamhuuriyadda Koofurta Yamaneed ee xarunteedu Cadan ahayd, iyo Ethiopia markuu ka talinayay dalkaas Mengistu Hayle Maryam ay midoobaan oo ay dawladad federaali ah noqdaan.

Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre taladaas waa ka diiday. Markaasuu Midowga Soviyeti wuxuu Muqdisho usoo diray Fidel Castro inuu fikraddaas oggolaysiiyo madaxweyne Maxammad Siyaad Barre.

Fidel Muqdisho ayuu yimid, madaxaweyne Maxammad Siyaad Barre talaadaas waa ka diiday taladuu keenay, siduu hore Midowga Sovyeti uga diiday oo kale.

Markuu dalkiisa ku noqda Fidel Castro wuxuu Ethiopia 1977/78 usoo diray cidammo kuubaan ah oo la saftay amxaarada, lana dagaallamay Cidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo soomaali laayay.

Markaasuu madaxweyne Maxammad Siyaad Barre wuxuu Fidel Castro u bixiyay “Fidel Nastro” uuna ka wado inuu yahay cajalad uu Midowga Soviyeeti wax kusoo duubtay.

F.G. Cristoforo Colombo, markuu 1492 u socday America, wuxuu ag maray jaziiradda Kuuba, wuxuuna xusuus qorkiisa ku dhigay inuu waqooyiga jaziiraddaas:

“Columbus admitted in his papers that on Monday, October 21, 1492 CE while his ship was sailing near Gibara on the north-east coast of Cuba, he saw a (beautiful) mosque on top of a beautiful mountain.”

Waagaas fog ayuu islaamku ku sugnaa oo masjidyo ka dhisnaayeen jaziiradda Kuuba, Fidel Castrana wuu mamnuucay in Islaamka laga diin yeesho, wuxuuna caddeeyey inuusa Ilaahay jirin.

Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Columbus, Ohio, USA

Arbaco 29/11/16

SHEEKOOYIN