Riyadii abwaannimo!! W/Q: Aqwaan Xasan(Jidhi)

12421769_920830078006245_872561665_n

Riyadii abwaannimo!!

Maanta oo kale aad baan ufaraxsanahay oo waxaa caawa hawada lagu sii dayn doonaa waraysigaygi ugu horeeyay ee laygaga duubo muuq baahiyaha qaranka, waxaa waraysigayga lagu soo qaadan doonaa barnaamijka todobaadlaha ah ee FANKA IYO SUUGAANTA. magaalada oo dhan ayaa laga daawan doonaa anigoo qaadaa dhigaya gabayo guubaabo ah, heeso wadani ah, iyo geeraaro jaceyl ah. Waxaa intaas dheer ruwaayad xayeysiinteeda lasii hormariyay oo ah middi ugu horraysay ee aan curiyo laguna magacaabo XIISO CAASHAQ IYO XATOOYO SAAXIIB. Dhallinyaradu maalmahaas aad bay hadalkayga uxiisaynayaan, meel walba aan soo maro waa laygu maamuusayaa aniguna si run ah ayaan umatalayaa doorka aan bulshada kaga jiro, oo waxaan isbadal kusameeyay habki aan ulabbisan jiray, qaabki aan timaha ujaran jiray, iyo kaftankaygi faraha badnaa.

Waa xilligi lagu balansanaa inuu barnaamijku hawada soo galo. Aniga iyo laba abwaan oo fanka muddo kujiray waxaan kadaawanaynaa goob maqaaxi ah oo udhow suuqa xamar wayne, dadwayne aad ubadan ayaa udheg-taagaya taleefishinka oo uu markaas kujiro warki caalamku.
Dadka goobta kusugan mid mid ayay ii salaamayaan iyagoo dhoollacadaynaya aniguna si niyad-sami leh baan usoo dhowaynayaa, qaarkood ayaa wax iga waydiinaya ruwaayadda iyo xilliga lasoo bandhigayo, aniguna aad baan utaxadarayaa hadalkana waxaan ugu soo gaabinayaa in ay wax walba ay ka ogaan doonaan warayasiga aan bixiyay.

Hadda ayuu soo galay barnaamijki FANKA IYO SUUGAANTU. Dadki maqaayadda kusugnaa oo dhan ayaa hal mar dareenkooda amaahiyay shaashada talefishinka, aniguna waxaan indhaha kuhayaa labadi abwaan ee ila fadhisay oo jawaabtoodu ay aad muhiim iigu tahay, waa rag fanka dhexdiisa shacbiyad kuleh waloow aysan iyagu ubadneyn qeybta riwaayadaha haddana waxaa muhiim ii ah kolba sida ay ufasirtaan waraysigayga.

” waxaa caawa marti ku ah barnaamijka abwaanka da’da yar balse maskaxdiisu wayntahay”

waxaa sidaa yiri daadiyihi barnaamijka wuxuuna isagoo dhoollacadaynaya igu yiri

” kusoo dhowoow barnaamijka abwaan”

Waxaan ugu jawaabay.

” waan dhowahay, waan umahadcelinayaa bahda warbaahinta qaranka, waxaan marka hore salaamayaa shacabkayga qiimaha badan meel walba oo ay joogaan, sidoo kale waan salaamayaa fanka iyo dadkiisa”

ma jirtaa sabab kadambaysa in aad fanka kusoo biirto ayuu iwaydiiyay.

waxaana ugu jawaabay.

” fanka sidiisaba ma ahan wax xilli lagu soo biiro xillina laga baxo ee fanku waa hibo qofka maskaxdiisa kutallaalan, waana meeshi uu abwaan hadraawi kayiri.

“maansadu dir bay leedihiyo daabac gooniyahe.
Ninba wuxuu kadoontaa halkuu gaar udaaqsado’e.
Dadka uma gudboonee rag bay duunyadiis tahaye.”

Mar kale fanku waa hadiyad gooni ah oo qiimo badan, balse waxay kuxirantahay dadka matalaya hadba sawirka ay kabixiyaan waana middaas tan maanta bulshadeenu inbadan aysan fahmi karayn, haddii aad aaminsantahay inuu fanku wax burburiyo anigana waxaan aaminsanahay in fanku uu wax dhiso, taas maanta waad arki kartaa oo fanku dad buu leeyahay maanta balse waxaa imaan doonta maalin fanka ay dad yeeshaan!!”

Maxaad ugu soo biirtay fanka? oo aad isleedahay bulshada waad ugudbin kartaa ayuu iwaydiiyay isagoo igu kululeynaya hadalka anna waxaan ugu jawaabay laba beej oo maanso ah.

” isma lihi warkaadiyo
Weedhaada iib gee
Aad wariye noqotide

Aad woodka darajada
Wax dheefkeeda guratide
Isma lihi wasiir noqo”

Dadki goobta kusugnaa oo dhan ayaa wada sacbiyay, wariyihina wuxuu sii watay su’aalihiisi ” maxaa wanaag ah oo aad nooga sheegi kartaa fanka?”

” hadduusan wanaag kujirin caawa ima waraysateen, hadraawi magac ma yeesheen, sayidka gabayadiisa iskuullada laguma dhigeen, oo taariiqdeenu ma jirteen. Fanku wuu kawaynyahay gabar iyo wiil iyagoo cawradooda muuqato wadooyinka hees kuqaada, fanku waa kayd dhaxal ah oo uu qofka soomaaliga ihi usoo hiloobo, uuna kahelo jimicsi maskaxeed oo kaxeel dheer erayada aan u adeegsanno hadal maalmeedkeena, fanku wuxuu naga dhigaa bulsho taariiq leh marka aan ka ilaashanno xumaanta farabadan ee lala garab yaacayo”

mar kale ayay ii sacbiyeen dadki goobta joogay halkaas ayuuna kudhamaaday barnaamijki, labadi abwaan oo kale waxaan kuballansaneyn inaan isa sii raacno balse waxaan nakala qariyay shacabki faraha badnaa ee aniga ibogaadinayay. Waa lagu sii kala tagayay goobti marki aan kusoo laabtay kuwi maqaayadda si aan u waydiiyo qiimaha lacagta aan shaaxa kucabnay. Balse waxaan soo laabtay kuwi maqaayadda oo ay udaarantahay hees maraykan ah, waxayna iigu jawaabeen ” hal dollar ayaad qabtiin ee lambarkaan kutuur lacagta”

Waxaan hurdada ka kacay anigoo leh ” waryaada wadanku lacag buu leeyahay, wadanku fan buu leeyahay, wadanku abwaano buu leeyahay”

W/Q:Aqwaan Xasan(Jidhi)

SHEEKOOYIN