Eenow ma iishay?! W/D: Bashiir M. Xersi

eenow-ma-iishay

Eenow ma iishay?!

 

Waxaa 01/12/2016 ku geeriyooday waddanka Talyaaniga Professor Cumar Eenow. Eebbe ha u raxmado. Professor Cumar Eenow, wuxuu ahaa bare jaamacad iyo aqoon, oo wax ka dhiga dalka Canada. Sida uu shaqooyin ka la duwan u soo qabtay.

Professor Cumar Eenow, wuxuu ahaa aqoonyahan, waaya’arag, aragsame iyo indheergarad dhaqan iyo hidde soomaali ku xeeldeeraa, ka sokow, in uu ahaa u dhaqdhaqaaqe xuquuqda Aadanaha iyo Insaanka.

Wuxuu aad u la dagaali jiray, faquuqa, isir nacaybka, habysooca iyo ka la sarraynteeda beeleed, qabiil iyo isir, ee soomaalida dhexyaal, marar badanna lagu saleeyo khayaali iyo mala’awaal!

Professor Cumar Eenow, wuxuu ahaa qof hadal cad, u hadla furcaddi iyo laalaab la’aan. Ma aqoon munaafad aqooneed iyo hadal la maldaho, si loo ilaalsho, wax aan ilaalsanayn, ka muhimsane, aanba ilaalayn Aadanaha iyo Soomaaliinnimada.

Waxaa aftahannimo eheed, qaababka, hannaannada iyo jaadadka deggan iyo daahiran, ee uu doodda, aragtida iyo qodobbada uu jeedin jiray, una soo gudbin jiray, isaga oo mar walba adeegsan jiray hadal bannaan yaal ah, oo aan u baahnayn fasir, fahamiisn iyo sharraxaad.

Wuxuu ku hadli jiray, dareen xambaarsan dhacdooyin maalmeedka, sida joogtada ah bulshada uga dhexdhaca, oo ka dhigaysa, dux qofka ugu gudbaysa si uusan ogayn.

Marar badan wuxuu is ka diiday, in uu siyaasadda galo, isaga oon waliba raadin xil, ee la la soo raadsaday. Waxaa ugu dambaysay, dawladdan sii dhammaadka ah, ee Xasan Sheekh Maxamamuud.

Rag lacag, laaluush iyo laalaab ayey xilal ku raadshaan, ka sokow, qabiil iyo beel, ka dib marka ay waayaanna waxay dib u badalaan aragtidoodii ama meelaha ka caytamaan, ragna, iyaga oon dhib, dhidid iyo u marin dhafar ayey soo doonatay, haddana, iga dhaafa dhahaan, kana dheeraadaan! Waxaasaa kaa aqoonyahan ah!

In OGAAL AQOON yahay

AQOONINA OGAAL tahay

Ka ogina AQOON yahan

Ama uu Abwaan yahay

Kaan AQOON AGNAAN yahay

Ama uu engegan yahay

Igaar yahow ma moog tahay

Mise waad ogsoon tahay?.

Maansadii: “HALAQOON

Ka sokow Prof Eenoow, wuxuu necbaa, oo aan la tusi jirin marna, dadka ka faana Soomaalinnimada iyo Afrikaannimada, dhalasho iyo deegaanba, ee ku dhedhega ama is ku dhejiya CARABNIMO aysan dheeheed lahayn dhan walba.

Afrikaan inaan ahay

Asal Carabna igu jirin

Umaddeey u sheegoo

Ubadkeenna uga diga

Yey ku dhicin ilduufoo

La ajarin ayaankood

Aayahoodu yuu dhumin!” Bashiir M. Xersi

Professor Cumar Eenow, geeridiisu waxay nagu furaysaa, daleel maran, oo aysan muuqan hadda qof buuxin kara, ee dulqaadkiisii, deeqdiisii, dadnimadiisa iyo daacadnimadiisii leh.

Ma jeclayn, in aan ugu baroordiiqo wixii uusan ka heli jirin wax ka mid ah, ee suugaan ah, oo sabab leehed, maadaama halabuurnimadii feker “war” laga kormarshay halabuurnimadii farsamo gacan iyo wax soo saar shaqo.

Amar la ma huraaniyo

Arrin soo jireeniyo

Alab curada weeyoo

Ninna eedi maayee

Ifka ruux yimaadaba

Waxaa iman ayaantii!

 

Awood aan ku baajiyo

U ma lihi itaal weyn

Eebbaa qaddarayoo

Ammuur weeye iga weyn!

 

Anigoo og taas baan

Anfariirey goortaan

Maqalay; “iilay Eenoow

Ajashii dhammaato

Loo aroori iilkii”.

 

Ma la aasay Eenoow

Ma aguugmay araggii

Aqoontiyo ogaalkii?

 

Hadduu ruux aftahannimo

Ama yahay indheergarad

Aragtida ku caanbaxay

Eebbaan ku dhaartaye

Eenoow ayuu haa.

 

Oday waayo joogiyo

Afhayeenka shacabkiyo

Astaan qaran ayuu haa.

 

Umadyahay ninkii mudan

Noo galay abaal weyn

U dedaalay maatida

Iyo ruuxii itaal daran

Waa in loo ogaadaa 

Tilmaan aad u weyn iyo

Taallo loo asteeyaa.

 

Eenoow dadnimo guud

Codkar eray yaqaaniyo

Nin araah qurxooniyo

Ababshaha dareenkiyo

Arbe aan cabsooniyo

Ururshaha dadkuu haa.

 

Arartiyo afeeftiyo

Ulashada tusaalaha

Aasaaska doodaha

Iyo eed ka dhawrkeed

Nin Ilaahay barayoo

Ayaan badan ayuu haa.

 

Misna ruux anshaxa guud

Edeb lagu mannaystoo

Aflagaadda iyo xumi

Isir sooc aqoonoo

Umaddiisa ka la dilin

Asluub badan ayuu haa.

 

Abid wuxuu u tagnaa

Amuu uu abuulay

Oolahana ugu jiray

Israac iyo midnimadiyo

Ummad wada siinnaatoo

Isbahaysi kaliya ah.

 

Isir iyo qabiil iyo

Beel iyo abkaa tahay

Ayaankaa ma doorshaan

Aqbal kuu ma keenaan

Abshir kuu ma dhaliyaan

Aayona ma curiyaan.

 

Ha ilduufin waligaa

Xaqa abid ha oodeyn 

Is la weyni ka fogoow.

 

Asaggaa ha ceebayn

Islaannimada guud iyo

Ood nimaad wadaagtaan

Arlo aad ku dhaqantiin

Ha u quurin iimoo

Ha ku oran addoon yahay

Ha is moodin Carab iyo

Ibnu Haashin faracii!

 

Adigoonan eel falin

Ninna eed u yeelayn

Insaan meel uu joogaba

Ixtiraam dhammaantood.

 

Eenoow ustaadkeen

Intaan sheegay buu haa

In kaloo ka sii badan

Ruux mudan ammaano

Istaahila ayuu haa.

 

Eebboow raxmaanoow

Allahii na uuntoow

Circa kii abuuroow

Dhulka oogadiisana

Awooddiis ku joojnoow

Adigaan ku barinnee

Albaabbada jannada iyo

Irdihii Fardowsiyo

Illinkii raxmaadkiyo

U fur Eebbe naxariis

Udgoonoow Rasuulkii

Asxaabtiisi fiicnayd

Ehelkood ka yeeloo

Idhankiisa xawdkiyo

Il xareedle uga yeel.”

Aamiin.

Dhammaad.

02/12/2016

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

SHEEKOOYIN