Dhacdo dhaba:Saaxiibkaan eersaday!!Q1AAD W/Q:Cismaan Qanyare

1389731626749437765

Dhacdo dhaba:Saaxiibkaan eersaday!!

Liibaan iyo Looyaan waxa ay ahaayeen laba saaxiib oo aad isugu dhaw had iyo jeerna dhib iyo dheef wadaag ah oo isku sir ah. Wax walba oo noloshooda soo foodsaara way isla maareyn jireen iskuna qarsan jireen, sidoo kale waxaa ka dhaxeysay kalsooni weyn oo aad ah.Liibaan xaas ayuu lahaa waxaana xaaskiisa la dhihi jirey Luul. Liibaan iyo Luul waxay is qabeen muddo lix sanno ku dhawaad ah, waxayna isu lahaayeen 2 ilmood oo wiil iyo gabar ah.

Haddaba muddo ka dib, Liibaan waxay xiriir hoose yeesheen Ladan oo aheyd gabar ay muddo sanad iyo bar ah isku meel ka wada shaqeynayeen ka dib, waxaa dhex maray hasaawe iyo wada sheekaysi, kaasoo ahaa mid aan shaacsanayn oo bannaanka yaal ee qarsoodi ah, maadaama Liibaan Xaas leeyahay, dadka badi magaalada degan iyo shaqaalaha la shaqeeyana og yihiin, waxaa dhex maray shukaansi nooca loo yaqaan “ Tulux tuluxeysa”.

Waxay gaangaanbiyaanba muddo kadib waxay ku heshiiyeen inay is guursadaan.Ladan way ogeyd in Liibaan xaas iyo carruur leeyahay , waxayna raali ku aheyd in aan la shaacinin guurkooda oo ay qarsoodi ahaado,iyada iyo Liibaan, si uusan Liibaan u gala kulmin wax dhibaato ah oo soo wajaha, ama uga yimaada dhinaca xaaskiisa Luul iyo carruurta.

Waxaa laysku af gartey in lays mehersado, arrintaasna waxaa ka qayb qaatey saaxiibkiis Looyaan iyo nin kale oo aan soomaali aheyn, oo laga dhigay labada marag ama goobjooge ee meherka Liibaan iyo Ladan.Maalintaa wixii ka dambeeyey Liibaan wuxuu noqday laba xaasle midi u qarsoon tahay!

Muddo sanad ah markii uu Liibaan LABA XIDIGLE (laba xaasle) ahaa, ayaa waxaa dhacday in saaxiibkiis Looyaan goor fiidnimo ah u tegay guriga Liibaan Bahda weyn ee Luul isagoo og inuu maqan yahay Liibaan, sababta uu tegayna aysan ahayn booqasho, ee markii la soo dhaweeyey lana fariisiyey qolka nasashada qaboow iyo kulaylna loo keenay, ayuu sheeko iyo xog warsi ka dib, wuxuu Looyaan u sheegay in uusan awoodi Karin intaa ka badan inuu Duumaashidii qiyaameeyo, wuxuuna u sheegay in xaas kale lala qabo, ninkeeduna uu laba xaasle yahay, muddo sanad ahna arrintaasi jirto.

Luul markii hore kama eeysan rumeysan Looyaan warka dhiilada leh eey ka naxday ee uu siiyay, balse waxay ku qanacday markii uu ugu dhaartay inuu isagu marqaatiga meherka Liibaan ka mid ahaa!Looyaan wuxuu sheegayey sheeg waana iska tegay, waxaa guriga yimid Liibaan oo war moog ah oo soo qado doontay, Luul oo aan dhag la qabto laheyn ayaa maxkamad guriga dhexdiisa kula tiigsatay seygeedi.Waxayna dood iyo dagaal kala hortimid ninki liibaan ahaa, iyadoo eedayn iyo catoow marba dhan hadalkeedu isu rogaya, farruuryo qaniinyaysaneysa, ooyeysa, istaageysa marna fariisanaysa. Si is daba joog ah oo darandoori ah ayay u weydiinaysa, su’aalo aanu jawaabtooda heli Karin Liibaan:

“ Miyaan kugu filnaan waayey? ma dhib ayaan kuu geystay? miyaan weligay ku ciilay, ma markaan dad oo dhan ku dhaafiyey ee aan heer ku gaarsiiyey ayaad mas igu noqotey marada ii galay?”

Luul waxa ay Liibaan weydiisay su’aalo midba mida kale ka daran tahay Liibaan,oo aan xitaa fursad uu uga jawaabo ama uu isku difaaco aan helin,hadii uu ka jawaabi karayayna, aan la siinin! Ayaa xaalkiisu noqday Af kala qaad iyo anfariir.Liibaan inkastuu isku dayay inuu arrinta dafiro oo is diidsiiyo, inkirmaadna isku dayo, hadana waxay talo farihiisa ka baxday markii Luul u sheegtay halka ay xogta ka heshay.

Liibaan wadnihiisa ayaa gariir bilaabay sidii qof wadne xanuun haleelay, korkiisa oodhan ayaa dubaaxiyey sidii neef birta laga dulqaaday oo naftu iska gureyso, jirkiisa ayaa dhiday sidii ruux orod aan joogsi lahayn oo naf la caari ah orday dhididka ka hoorayey ayaa tin iyo cirib qooyey.

Luul ayaa siisay markii ugu horreysay fursad uu ku hadli karo ka dib markii ay saacad iyo bar marna qeylineysay,marna su’aal aysan jawaabteeda sugeynin amase ay rabin inay maqasho ay weydiineysay,marna ay ka dalbaneysay warqadeeda oo deg-deg ah.Liibaan oo indhihiisu dhulka eegayaan, oo aad moodo in loo soo sheegay geerida qofkuu adduunka ugu jeclaa, werwer iyo walaahoowna u dhammaaday, isagoo foorara kuna dheeygagsan hoostiisa aad una maleyso inuu qurub yar oo dahab ah oo dhulka ku dhacay indhaha ku biniininayo,balse, ujeedadiisu uun tahay inuu indhihiisa iyo indhaha Luul kala ilaaliyo iney isku dhacaan oo kaliya ayaa hadalkii bilaabey.

W/Q Cismaan Qanyare

SHEEKOOYIN