Gaso Ganuun, Gasiin (Q14aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

pizap-com14733349429952
Gaso Ganuun, Gasiin (Q14aad)

 (Sheeko, sheeko!Sheeka Xariir!)

“Saad u ajartaa naftaada?” Odaygi oo aad mooddo in ow maalin-riyood ku jiro ayaa su’aal ow isweydiiyo u beddelay waanadi iyo digniinti aabihis.
Nin agtiisa roggay ayaa u qaatey in lala hadlay oo yiri, “Xaad i tiri?”
Odaygi ayaa saa u dhugtay ninki garabkiisa taagnaa.
“Xaan ku dhihi lahaa? Maanaaba kula hadlay?”
Waxaan u qaatay in aad su’aal iweydiisey. Mawaadan i dhihin, “Saad u ajartaa naftaada?”
Odaygi ayaa qoslay, oo yiri, “anaa isla tallamaayay, eebow.”
Ninki ayaa isna sidoo kale qoslay oo yiri, “Waa adduun iyo xaalkii. Ku soo dhowaaw dhibaan dhammaan, haddana loo baahanyahay in laga dhirfo. Yaab. Wal hor lyng aragny.”

Ninki ayaa bilaabay in ow ka sheekeeyo raggi kabdhoodka dheelaayey. Waxuu farta ku fiiqay nin geeska shishe e dhinaca bidix kajiray raggi kabdhoodaayey. Waa Macallin Calasow oo ku caanbaxay qorista farta Carabiga ee hannaan wanagga loo qoro. Waxay ardaydiisu ku xasuustaan halkudhegga ah: “Al-caddaala yusmac walaa yuraa.” Yaab ka yaabkiis. Waxaad maqashaa iyada oo laga hadlo, ee waa yartahay in aad aragto iyada oo la dhaqangeliyo. Haddana waa la is faraa oo hoostaa laga xarriiqaa. Afgobaadsi. Waxuu macallinku xirnaa macawis sabarhindi asali ah oo laga soo dhoofiyey ama laga keenay, say u ekeed, Jaavadi Indoniisiya. Waxaa dhinaca muuqda ee hoosguntigiisa ku xardhanaa magac u eg: Bin-Calawi.

Macawis. Dhowti. Lunghi. Kikoy. Mi’zar. Calawi. Waxaan soo xasuustay wiil la dhihijiray Calawi oon isku dugsi beri noqonay. Waxuu degganaa meel aan saas uga fogeyn Maxfalki ku agyiil Dugsiga Hoose ee Shibis. Marka aan iskaga hornimaado ciyaarta ballooliga ama kubbadda’cagta ama lugta, waxa ow cabsigelinjiray difaaca iyo goolhayihi Coorpo Nuudo oo aan anigu u qaadanjirey lambarka shanaad. Calawi waxuu ka dheelijirey lambarka sagaalaad, waxa owna ahaa weeraryahan lugtiisa lala jiro. Faysal Nasiib Buundo ayaa goosha ka ordijiray marka ay usuga iyo Calawi isku soo haraan. Hoheey! Gol loo baxsado oo aad ku dhuummato markaad weyso, oo magac bilaash u baxay oo aadan kasban lagugu sammiyo …ogoobeey, cagahaad wax ka day’daa. Mugga ay taas oo kale dhacdo, waxaa fiican in aadan dudin ama didin sida xoolo mooradi baahal ugu soo dhacay ama galay. Dudku waxuu kuu horseeda in aad isku buuqdo oo aad barkakaxdo. Dhankakaxuna waxa ow kuu horseedaa in aad noqoto xarshamursho. Miir ama miyirqabaa marti soora. Iska jir in aad maryaaddo.

Muggi ow Calawi in muddaa na harawsanaayay, ayaa Aw sheegtay in uu wax oddoroska ku fiicnaa hoosta wax ugu sheegay milkiilihi kooxda oo lagu magacaabijirey Magguunge Miciyolibaax. Waa kii milkiiluhu habeen shan saaca nagu ballamiyey Maxfalka agtiisa. Waxaa usuga la socday Uurkubbaallihi oo laabta ku sitta labo diiq ama diig oo midu lahaa timo yalaxa, halka kan kalena aad u qabtey in dhoorkiba laga hoolay. Waxa hadda aanan sheegikarin—goorba ma xasuusto ama ma rabo in aan kuu sheego sir dahsoon oo duul kale leeyahay—wax badan oo meeshaas ka dhacay. Waa habeen oo haddii reer Cayduruus nagu soo baxaan lagala kulmikarey balaayaan laga fiirsan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa meeshi lagu qalay labadi diiq oo madaxyadoodina lagu aasay aafka sokke ee gurigi Calawi degganaa. Fildarradi goobta ka dhaceysey nooma muuqan; Halkudhigeeynu ma dhaafsiisneyn: Guul ama libyng–gar iyo gardarro!

Uurkubbaallihi ayaa u sheegay goolhayihi kooxda in hiraabta foogtaahi ow ku aasso labada dacal ee garoonki kubbadda lagu dheelijiray kiish ama qandiyar oo ay ku jireen wax u ekaa carun, xinjir iyo wadnihi labadi diiq oo lagu maliiqay xildiid iyo malmal, kadibna lagu riiqay caleemo laga soo guray geed gob ah oo ku yiil qorrax udhacca Calawi gurigooda. Mahelo qof soo gurtay. Waxayse u badneeyd in maalmo ka hor la soo guray. Inkastoo il cawo aan si weyn loogu kalsoonaankarin, haddana ilama ahayn in caleentu qoyyaneed. Waxa ow uurkubbaalluhu dhowr jeer ku celceliyey: “Guulaysta. Guuleysta. Guul!” Qaar naga midihi ayaa la qaaday waxa u ekaa hooris wax lagu khatimo, halka kuwo kalena ay si isdabajoog ah ugu luqeeyeen: Aamiin. Waxaa naloo diyaariyey guluf dagaal oo ay wehlisay, goobxaarashana looga dhigay, cashar ama tahliil ubbo ku jirtey oo Uurkubbaalluhu nagu sayrshey. Wax aanan si fiican umaqlin ayuu ku celceliyey. Igaar agteyda fadhiyey ayaa hidaaq dhaajis oo kalaa dhegteyda ku soo tuuray. Waxow ahaa kan noogu yar inteeyni meesha fadhiday. Waxa uu lahaa dhoor asii aan qadaadka jirin. Markasta oo aad aragto—xilli kasta oo lagu jiro– waxaa oogadiisa ku sharraxnaa shunuunac u eg roobsugow. Mar labaad ayuu ii soo dhowaaday, isaga oo qoslaayana yiri, “Duul xumu haydiin digriyaano.”

La soco qaybaha kale.
W/Q. Prof.Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN