Dhambaal furan; Digtoonaaw Mudane Madaxweyne! Qore; Bashir Hashi Dhore

sed

Dhambaal furan; Digtoonaaw Mudane Madaxweyne!

 

Aniga oo runta ka abbaaraaya, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaan kuugu yeerayaa inaad kulan la qaadato siyaasiyiinta aad ku tuhmeyso  ama lagu yaqaanno waddan jaceylka iyo shisheeye la dirirka. Kuwaas oo aad ku kalsoon tahay 100%, xitaa ma ahan 99.99% in ay runta oo qaawan kuu sheegayaan laba wajiilenimo iyo munaafaqnimada ay ka maran yihin.

Intaas ka dib, waa inaad u sheegtaa kana codsataa siyaasiyiintaas in ay runta kuu sheegaan, talana ka siiyaan xaaladda siyaasadeed ee uu waddanku ku sugan yahay.

Mudane Madaxweyne, waxaan kuugu yeerayaa arrinta ugu horreysa ee aad siyaasiyiintaas kala hadasho ama aad kala tashato in ay noqoto dhaca ay Kenya la damacsan tahay BADDA SOOMAALIYA .

Waa in aad is weydiisaan; maxaa sababay In ay Kenya ku dhiirrato sheegashada badda soomaaliya? Maxaase keenay in waqtigaan lagu soo aaddiyo?  Waa maxay qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo dhaca bareerta ah ee ay Kenya wado?.

Mudane Madaxweyne, arrintan dhaca Badda soomaaliya ma ahan kaliya arrin ay waddo Kenya ee waxaa jiro waddamo kale oo Reer Galbeed ah oo gadaal ka soo riixaaya, waa in aad ogaataan sababaha ka danbeeya in si bareer ah loogu dhiirrado in badda soomaliya maalin cad la dhaco!

Sidoo kale, arrintaan waa in ay dowladdu u xil saartaa qubaro soomaliyed oo aqoon durugsan u leh arrimaha badaha, haddii la waayo kuwo soomaaliyed, waa in ay dowladdu raadisaa xal kale oo xitaa lala kaashado qubaro ku taqasusay cilmiga iyo xadeynta badaha. Qeybtan danbe ee ajaanibta ah waa in aad looga taxaddaraa, maxaa yeelay, si fudud ayey wax isku daba marsiin karaan, sidaas darted, dowladdu waa in ay ka warqabtaa dhaqdhaqaaqooda kor iyo hoos.

Mudane Madaxweyne, arrinta labaad ee aan jeclahay in aad asxaabtaada siyaasiyiinta ah kala tashato ayaa waxay tahay arrinta aan ugubka aheyn ee soo noqnoqotay una dhaxeysa Maamul Goboleedka Puntland iyo Dowladda aad madaxeynaha ka tahay. Mudane Madaxweyne, dowladdu waa in ay kala caddeyso in ay Puntland dowlad gooni u taagan tahay iyo in kale. Ma yara inta jeer ee ay dhegaha ummadda soomaliyeed ku soo dhacday in ay Puntland xiriirka u jartay Dowladda dhexe,  su’aasho waxay tahay maxaa sababay in ay Puntland ku dhiirrato in ay si cad u sheegto in ay xariirka u jartay soomaaliya? Haddii aysan iyadu ku dhiirran yaa ku dhiirrigaliyay? Mudane Madaxweyne, haddii ay jiraan cabasho ah dhanka Maamulka Puntland ayna tahay mid ay gar ku leeyihiin waa in laga soo gar baxaa, haddii kale, oo aysan jirin wax ay gar ku leeyihiin waa in loo sheegaa si cad wajigana looga saaro in ay gardaran yihin. Ma wanagsana in ay arrintaanu iska socoto oo marba Madaxweyne Maamul Gobolleed ku dhiirraddo arrintan gurracan ee la iska dhaxlay.

Mudane Madaxweyne, arrinta ugu danbeysa uguna muuhiimsan ee aan rabo in aad asxaabtaada aan horay kuugu sheegay in ay noqdaan kuwo aad 100% loo hubto in ay waddaniyiin yihiin la wadaagto waxay tahay Mushaar la’aanta qeybaha kala duwan ee ciidanka soomaaliya (MILITARY, NABAD SUGID, POLICE IYO ASLUUB).

Mudane madaxweyne, waxaan rabnaa in aan Alshabaab ka adkaanno soow sax maahan? Yeey tahay in ay amniga sugaan, lana dagaallaan al-shabaab? Soow ciidanka soomaaliyeed ma ahan?! Maahmaah Carabi ah ayaa waxay leedahay marka Soomali loo bedelo noqonaysa; (Ruuxii aan heysan Nolol Maalmeedkiisa go’aankiisu Gacantiisa kuma jiro!).

 

Haddaba, ka warran haddii askariga habeenkii ama maalintiiba amniga waddanka sugaya ee aan mushaar qaadan 8 bil ama ka badan, sideey macquul ku tahay in uu nabad sugo askari baahan, oo carruurtisa iyo xaaskiisuna la baahan yihiin?

Mudane madaxweyne, aniga waxay indhaheygu qabteen oo aan marqaati ka ahay askar gaariyaashii ay baaraayeen dadkii  watay shaxaad weydiistayna in ay ECV lacag ugu tuuraan. Cajiib! (ECV waa adeegga lacagaha la isugu xawilo dhanka mobileka).

Ka warran Mudane madaxweyne, haddii raggaas gaariga watay ay dhagar-qabayaal ahaan lahayeen, gaarigana qarax ku wadan lahaayeen? Ma laga yabaa ruux baahan oo aad lacag u tuurtay in uu ku hor istaagi karo? (Af wax cunay xishoo!) aniga ahaanteyda jawaabtu waa maya!

Mudane Madaxweyne, waxaan kugula talinaaya inaad wax ka qabato mushaar la’aanta heysata ciidamada Dowladda, uma maleynaayo in aysan dowladdu bixin karin mushaarka askartaas masaakiinta ah, haddii daacadnimo jirtee.

 

W/Q: Bashir Hashi Dhore

Bashka144@gmail.com

http://bashirdhore.blogspot.it/

 

SHEEKOOYIN