Hayaanka Nolosha W/Q: Naciima Xasan Xuseen

15388680_1273624909347376_31370944_o

Hayaanka Nolosha

Noloshu waa Halxiraale aan la furdaamin karin, hadduusan jirin IIMAAN. Waana is biimeyn dhiirran, oo uu qofka kala kulmi karo guul ama guuldarro. Waa qorsheyn Rabbaani ah dhalashada iyo dhimashada Aadmiga, taasoo looga gol leeyahay, in ay dadku  maraan tijaabooyinka nolosha ee laga ma maarmaan ka ah, tijaabooyinkaas oo ay ugu weyntahay, in ay xaqiijiyaan ujeedka loo abuuray ee ah; Alle keligii in loo gaar yeelo waxa uu mudan yahay, iyo  in ay cammiraan dhulkan baaxadda leh, isagana khaliif noqdaan hadba marka uu mid iisho.

Hayaanka nolosha waa safar dheer, oo koobayo cimriga kooban ee Aadanaha, isagoo xambaarsan farxad, murug, barwaaqo iyo baraare, qof kastana ka la kulmayo wixii uga aaddan jaangoynta Eebbe, balse, ay ku ka la geddisan yihiin dadku sida ay u la falgalayaan waxyaabaha ka soo wajahaya nolosha.

Waxaa xusid mudan, in qof kasta oo dunida dulsaaran uu ku fekerayo waxqabad nololeed oo dhab ah, iyo inuu helo nolol qurxoon oo u qalanta dadaalka uu bixinayo, se waxaa lagu ka la duwan yahay waddada loo marayo waxqabadka iyo u dulqaadashada caqabadaha imaan karo inta Hayaanka lagu guda jiro.

Noloshu maaha farxad barax tiran iyo murugo joogta ah, balse, waxay kulansatay xaalado ceynad waliba leh, taasoo keeni karta in aad xusuusnaato liidnaanta awoodaha Aadmiga kolka ay haleesho xaalad naxdin leh oo uu san waxba ka qaban karin haddii uusan muujin dulqaad iyo qanacsanaan qoondeynta Eebbe iyo markale oo aad isu tusayso inaad heshay tiirarkii farxadda oo idil, taasoo kuu muujineyso inaad tahay ruux aysan waxba ka maqneyn oo noloshiisu dheelli tiran tahay.

Noolaha oo dhanna wuxuu halgan ugu jiraan siduu uga gaari lahaa libin, ama uu u dhacsan lahaa waxaa uu isaga qof ahaan xaq ugu leeyahay; si uu u bixiyo dareen ah in noloshiisa uu ka ilaaliyo hadimada iyo hagardaamada, uguna soo jiido farxad iyo reynreyn. Hayaan weeye nolosha, se waxa ugu weyn ee lagu tilmaami karo waxqabad rasmi ah waa in aad ku noolaato dunida gobannimo, aakhirana aad hesho Guul.

W/Q: Naciima Xasan Xuseen

G-mail: naciimaxasan93@gmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

Diseembar 2016

SHEEKOOYIN