Gabayga Garnaqsi W/C: Cabdinuur Waddani

pizap-com14819739998261

 

 

Gabayga Garnaqsi

Gabayga Garnaqsi waxaa curiye Laashin Cabdi Nuur waddani waa Gabay uu kaga hadlayo, xaaladdaha cakiran ee dalka ka jira Gabayga ayuu Laashinku kula garnaqsanayaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Madaale.

 

  1. Ga’da gabyga, geedoow ma tirin, Wadar gu’yaaloodeGeeraarya waataan ka tegay, Weliba guuroow’eGiddigeedba maansiyo Cabdoow. Gooyay shiribkiiye

    Gaardiskeeda waataan dhigoon, Gaabshay oo xiraye

    Caawana inaan goob imaad, Uma garaareyne

    Waxbaa igu gundhinayee bal aan, Goynka ka higaadsho

    Wixii aan gafoon geeska Maro, Oon dhex gali waayo

    Taariikhda haygalinine, Iiga garab siiya.

     

    Intaas gogol dhig weeyee haddaan, Gudaha faalleeyo

    Nkastoo gu’geeyguna yaryahay, Garadna lay dhaammo

    Inkastoonan guurtiyo ahayn, Gole nin soo joogay

    Inkastoonan gamadiid ahayn Geesi iyo sheekhba

    Inkastoonan weli gaari karin, Nimanka gaamuuray

    Inkastoonan weli gaasa bixin, Oonan gole fuulin

    Kama gaabsan karayoo murtida, Waan gelbinayaaye

    Garka qabo (1)galayroow haddaan, gaanjadii furaye.

     

    Afartaa sidii gumac rasaas, Meyska daba geeyay

    Geedki ay lahayd iyo ma dhigay, Godadki loo jeexay

    Ma gaarsiiyay geediga halkaan, Ula gucleynaayay.

    Afar kalana waxaan goobayaan, Soo gudbinayaaye

    Guddoon iga dheh gacallow adaan, Kaaga dhigay gaare-

     

    Gabna toor haddii aad tihiyo,Oday garsooraaya

    Gudoomiye haddii aad ka tahay, Gurigi soomaali

    Gar waloo islaam baa la yiri, Galab la joogaaye

    Bal waxaad geleysiyo waxaad, Nagu garsooreysid

    Adaa garanayee Yuusufoow gaabis ka illaali.

     

    Garabkaaga kuwa jooga ee, Xilalka loo gaarey

    Golaheenna sare iyo cabdoow, Weliba gaashaanle

    Gunnimeey falaan baa la yiri, Kama gaboobaane

    Guurkeey badshaan baa la yiri, Gabar ma dhaafane

    Guryeheey gataan baa la yiri, Goofaf iyo beere

    Maalkeey gurtaan baa la yiri, Goor iyo ayaane

    Ma geddaas ayaad fali runtaa, Lagu gurbaanshaaye

    Mise waad ka gaar tahay ninyohow, Laysma gaasiro,e

    Bal waxaad geleysiyo waxaad, Nagu garsooreysid

    Adaa garanayee Yuusufoow, gaabis ka ilaali.

     

    Masaakiinta gaajeysan ee weliba goohaaya

    Gurya iyo kuwaan haysan geed, gama,da loo jiifto

    Go’ kuwaan xirneeyn ee intaa dhedadu gaareyso

    Gaarsiiya maad dhihi gar gaar gogol haloo raadsho

    Mise waabad gees mari sidii horaba loo geestay

    Gabood fale miyaad noqon ninyohow shacabka googooya

    Bal waxaad geleysiyo waxaad, Nagu garsooreysid

    Adaa garanayee Yuusufoow, Gaabis ka ilaali.

     

    Lixaadkoodu kuwa uu gebee, Gobalna naafoobay

    Isbitaal kuwaan gaari karin, Cidina geyneynin

    Gini lacag kuwaan heysan een, Gada karayn daawo

    Gaarsiiya maad dhihi gargaar, Garabna waad siini

    Mise waabad gees mari sidii, Horeba loo geestay

    Gaboodfale miyaad noqon ninyohow, Shacabka guulguula

    Bal waxaad geleysiyo waxaad nagu garsooreysid

    Adaa garanayee Yuusufoow, Gaabis kaa illaali.

     

    Afartaas sidii gumac rasaas, Meyska daba geeyay

    Geedki ay lahayd iyo ma dhigay, Godadki loo jeexay

    Ma gaarsiiyay geediga halkaan, Ula gucleynaayay.

    Afar kalana waxaan goobayaan, Soo gudbinayaaye

    Guddoon iga dheh gacallow, adaan kaaga dhigay gaare.

     

    Gu,yaal iyo gu,yaal badan dadki, Waa gablamayaaye

    Qarax baa intaa lagu gubaa, Lagu gummaadaaye

    Gumucba gigtaa lagu haya, Laguna gaaddaaye

    Cidi kama gadoodee dhibkaa ,Waala gaar mariye

    Geejiya miyaad dhihi amniga, Ciidamada gaaran

    Mise waa bad gaar mari sidii, Horeba loo geestay

    Gaboodfale miyaad noqon ninyohow. Shacabka guulguula

    Bal waxaad geleysiyo waxaad, Nagu garsooreysid

    Adaa garanayee (2)Yuusufoow, Gaabis ka illaali .

     

    Caasimaddi loo guuxi jiray, Lana gacloonaayay

    Caasimaddi loo guuri jiray, Lana gabaadsaayay

    Gudeheera yaa taaga midii, Loo galgalanayay

    Ganacsigu miduu yiilayee, Nabaddu gawriirtay

    Garashadu middey tiilayee, Gacanta loo taagay

    Gobannima middii laga dhalshee,Gelisay taariikhda

    Geyigoo tii ugu mudnayd, Guri adduunyaale

    Gebi aadanuhu tuu jeclaa, Galab inuu gaaro

    Guryasamo midii gaafanayd, Cidina gaareynin

    Gablan weeye maantoo ilmadu, Wayka gobo’leyne

    Dhaawaci horuu gaarayeey,Weli goceysaaye

    Haddi aad gerkeediyo cabdow, Heeyso ganafkeeda

    Guudkeeda waxa saaranee, Doqontu gaarsiisay

    Gefka iyo tolow maad ka dhaqi, Ceebta lagu gaaxshay

    Mise waa bad gees mari sidi, Horeba loo geestay

    Gabood fale miyaad noqon ninyohow, shacabka guulguula

    Bal waxaad geleysiyo waxaad, Nagu garsooreysid

    Adaa garanayee Yuusufoow, Gaabis ka illaali.

     

    Waxba gabaygu yow ila gudbine, Waxaan ku soo gooyay

    Gercaddaa horuu jiray sidaan, Oday kasoo gaaray

    Gar eexeed naqdaa iyo wanaag, Garabka siisaaba

    Saaladaha ka guurtiyo ninyohow, Diinta gunudaaba

    Waxaad maanta uun geysataa, Lagu gudoon siine

    Ka gaashaamo wixi guullehey, Naarta kugu geeyo”

Halqabsi:

  • Galayr= Cabdiraxiin Hilowle Galayr
  • Yuusuf = Yuusuf Xuseen Jimcaale(Ma daale) Gudoomiyaha Gobolka banaadir.

W/C: Cabdinuur Waddani

SHEEKOOYIN