Gabay; Hadimmo! Waxaa curisay; Hodan Sheikh Cumar

ga

Gabay; Hadimmo!

 

1: Hal abuur abwaan hore ma ihi, Haaya gabaygoo dhan

2: Mase haabto maansuu qof kale, Hawl u galay weyne

3: Calashaan hibaan qaar u helay, Hodan ahaanteeyda

4: Ha yeeshee, waxaa iga hadliyay, Hawsha taal weliye

5: Hub haddaanan qaadeyn afkuba, Hiillo wuu galiye

6: Halkeey maanta joogtaa qalbigu, Ila huraayaaye

7: Iga hooya maantoo kaleey, Hooda leedahaye.

 

8: Soomaalaay Hal qoys beynu nahay, Kalama hooseynno

9: Isku hooyo baanu wada nihiyo, Lama huraankiiye

10: Hayb qureynu wada sheegannaa, Taniyo Haabiile

11: Hal quraata baan wada nahiyo, Hurin walaala ahe

12: Hadda xaajadaan murugsanee, Hogga ka laalaadda

13: Halka nalaga haystiyo ma garan, Hawsha laga dooni

14: Halhaleel inaan uga baxnana, Waan hamminayaaye

15: Halgankii xornimadee la galay, Ugu horreyntiiba

16: Dowlad horumadhaan noqonnay, Iyo haadda samadaase

17: Afrikada halbowlaan u nahay, Hooyo iyo aabbe

18: Iyaguba hubaashii ogsoon, Haybta Soomaali

19: Iyagoo la heeroo gunnimo, Heeryo lagu waabay

20: Hiillada markaan ugu tagneey, Nabad ku heeseene

21: Abaalkaana kuma haynno oo, Maba is haybshaane

22: Umushuba xanuunkii hayiyo, Hawshii foosheeda

23: Inta ay hilmaamtey haddana, Hanad xambaartaaye

24: Huf noqdooyin saas oo kalaba, Nagama hoos qaadin

25: Hamuuntii markeey daysay bey, Hagar billaabeene

26: Ha yeeshee, dadkeygaa is hodey, Wada halgaadeen

27: Hoosaasin bey nagu wadaan, Wayna hadayaane

28: Inaguna habeen iyo dharaar waan, U hurudnaaye

29: Markay nala hadlaan baan xitaa, Wada hogeynaaye

30: Hashaan wadar ku maaleynay baad, Hanaqa goyseene

31: Geedkaan harsaynnaa barkiin, Hoos ka gooyeene

32: Waxaan horay u jirin baad haddeer, Hadal ku keenteene

33: Arrin kuma heshiisaan talana, Daa ba hadalkeede

34: Abaar baw hayaantaan haddaad, Hogal ujeeddaane

35: Habacsanida dunidoo dhambaad, Uga horreysaane

36: Taariikhda hoos baad gasheen, Una hanweyntiine

37: Been inaanan hooreynin baan, Hadaf rumaadtiiye

38: Hubsadoo dareen bay hayee, Dhuuxa hadalkeyga

39: Dhulkii hooyo cadaw baa hantiyay, Haysta idilkiise

40: Hooy Amxaaro waa kaas noqdiyo, Halaq Ugaandhaysa

41: Hubka laysku laayaa rakiban, Hodan dhulkeenniiye

42: Kulligeen hamuun baan qabnaa, Gaajo hari waaye

43: Waxa hooy islaameed na dhigay, Waa hunguri baase

44: Inaan Doollar soo wada helnaan, Loo hardamayaaye

45: Harka waxaan ka dhiganeyno, Waa gaalo hooskeede

46: Hasaawaha qabiil baan xitaa, Uga hadleeynaaye

47: Dad uu caashaq hayoo jacayl, Horay u soo qaatay

48: Labo isku hanweyn baan niraa, Hayb isugu fiirsha

49: Hebla weeye gabadhuye adiga, Yaa ku huba heedhe?

50: Amasaba hantida uu watiyo, Hooyga uu joogo

51: Xoola aanu hayn baan niraa, Keena hanadkiiye

52: Markay hadaftu taladay hirtee, Kala hagaagaanba

53: Jameeykaanka inantii helee, Heellada u qaada

54: Ninna kama hadlee waalidkeen, Waa hanuu orane

55: Laysma haybsho dabadeed haldhaa, Hoosna laga hiifye

56: Nabsaa soo harsanayee bal dhawr, Hadalka soo yeera

57: Habeennaba gadaashood wadnuhu, Hooda kala gooyay

58: Hoognay iyo baroor bay miciin, Hiigsanaayaane

59: Bal habaar iney wada qabaan, Halis ma dayaane

60: Hirka iyo bad weyn saaray iyo, Lagama hoobtaanka

61: Hadimmada maxaa ugu wacan, Hulalka Shaydaanka

62: Habaaskiyo maxaa ciidda dhigay, Calanka loo hiiqday

63: Habisaa na fuushee hadmaan, Hiigsan danaheenna?.

 

 

Waxaa curisay; Hodan Sheikh Cumar

Hodan2015@autlook.com

 

 

SHEEKOOYIN