Sheeko taxan: Quraafaadka Faaliyaha Q15AAD W/Q: Cabdullaahi (Siyaasi)

pizap.com14732612463621

Sheeko taxan: Quraafaadka Faaliyaha Q15AAD

Maryan oo ay ka soo hareen indho wax fiirsho ,kuna howlan daawashada dibnaha Khadiijo ,doonaysana in uunan hal eray reed marin dhegeheeda iyo qalbigaadaba fikradaha ka soo burqanayo maskaxda Khadiijo oo kaashanayso waaya aragnimada ay ku leedahay arrimaha caashaqa ayaa ku jawaabtay: “Aabbaay waa gartay macnaha guud ee hadalkaada waxaana kaa balanqaadayaa in aan ku camal falo talooyinka aad iga siisay arrintan uu igu furfuray caashaqa sida fudud ugu beermay qalbigayga. Abbaay waxaan ku sugnaa in ay maskaxdayda la qaraxdo fikirki uu igu abuuray caashaqan haddii aadan caawa iga soo gaari lahayn,waxaana ugu jiray khatar”.

Maryan marki ay ka baxday hadalki ayaa khadiijo ku tiri :“Waan u bogay sida ay u furfurantahay maskaxdaada kol haddii aad ila garatay macnaha hadalkayga,waxaana aad ugu kalsoonahay in aad ku camal fali doonto, waayo iima aad sheegteen arrimaha noocaas ah oo waad igala baqan lahayd keddibna ku dhici lahayd bohol aan laga soo kaban karin. Maryan intaa hadalku ha innoogu ekaado ,waxaan halkan aan caawa kuugu soo galay ma’ahan in aan caashaq falanqayno,kalana dhigdhigno ee waxaan rabay in aan ku iraa saantaada ha yaraato waayo waad ogtahay khatarti aad ku sigatay habeen hore marki aad magaalada u degtay, abbaay waadna ogtahay in aan Kismaayo aadayo berri subax illaahey idinkiis, Sahrana aynan joogta u joogin gurigga oo ay ku xaraysantahay dugsiga tababarka Xalane, adeer Axmed iyo hooyo Faadumana ay yihiin dad waayeel ah oo aanan haynin waqti magaalada ay kuu wadaan . Maryan waxaan rajeynayaa in aan soo laabto mudda laba bilood ka bacdi ah ama muddadaa ka hor sida ay noqonaysana ilaah baa naga og, addigana waxaan kaa rabaa adiga oo waano ka dhan in aad feejignaato, magaalada marki aad doonaysna in aad tagto waxaad raaci kartaa Sahro, habeenka ay fasaxa ku imaanayso, haddii aad kala baratana ,kana maaranto cid mar walba kuu kaxeyso waa loo bogay .calaa kulli xaal, hadalkayga guntiisa waa digtoonow, haddana habeen wanaagsan.xagga dhaqaalahana subixi ayaan kuu dhiibayaa in kuugu filan inta aan ka soo laabanayo ilaahey idinkiis”.

Khadiijo iyo Mayan intaa keddib way kala seexdeen.Maryan habeenkaa way seexatay iyada oo aad u faraxsan keddib marki ay Khadiijo talooyin wanaagsan ee lagu duuli karo oo dhowr weji oo kala duwanna leh ka siisay caashaqa ugubka ah ee maskaxdeeda daaliyay.subaxdina marki ay soo toostay waxay guriga ku sagootisay Khadiijo oo Kismaayo aadaysay,Adeer Axmedna uu u wadayay bosteejada gawaarida laga raaco. Maryan waxaa galabnimadi shanti marki ay ahayd iyadoo guriga gudihiisa xaaqayso iridka soo garaacay Cali oo hadalki ay ku tuurtay soo celiyay marki uu iridka ka baxayay maalinimadi jimcaha ,keddib marki uu isagana habeenki oo dhan ku wareeray raadinta ujeedada ka danbaysay hadalkaas, subaxnimadina dhowr asxaabtiisa ah ee uu kalsoona wax ka weydiiyaynarrintaa ayey Cali intooda badan asxaabtiisa ku yiraahdeen “Maanta waxaad tahay nin u baahan in uu dego,gurina oodo haddii aad aragtayna gabar ka dhalatay reer sida aad sheegayso u wanaagsan ,orad ha dayicin fursadaas ee ka wardoon gabadha in aad arrin meel isla dhigi-kartaan iyo sidi dabeecadeeda tahay illayn waxaa jiro kuwa dabeecada ka aradan, kana dhashay reera wanaagsan, is-barasho keddibna haddii ay ku anfacdo ka doono reerkeeda”. Cali marki ay asxaabtiisa qaar ka mid ah sidaa kula taliyeen isaga oo ay ku xuntahay waqti uu yimaado guriga reer axmed Liibaan ayaa galabnimadi baski uu waday ka halaabay hoonka oo aan la’aantiis la kaxayn karin gaariga magaalooyinka waaweyn gudahooda sida Xamar, saasdarteedna wuxuu baski geeyay garaashka farsamada baabuurta si looga sameeyo hoonka . Maryan ,iyadana marki ay aragtay waxa iridka garaacay in uu yahay Cali si fiican ayey u soo dhoweysay, wuxuuna marki uu si fiican uga qaaday salaanta weydiiyay cidda la joogto ee guriga ku wehliso. Maryanna waxay u sheegtay “in Khadiijo saakay Kismaayo aaday, Sahrana ay xalay ku laabatay dugsiga Xalane ,adeer Axmedna uu Khadiijo iyo labadeedi caruur saaka u raacay saldhiga gawaarida keddibna uu uga gudbayay in uu soo kormeero beer uu ku lahaa degmada Janaale, hooyo faadumana ay hadda qolka ku jirto”.Cali marki uu intaa ogaaday wuxuu Maryan ku yiri.“Waan fadhiisanayaa ee hooyo faadumo u soo sheeg in aan joogo doonayana in aan salaamo”.

Maryan way kaxeysay Cali waxayna geysay qolka nasashada keddibna hooyo Faadumo ayey u soo sheegtay in uu Cali fadhiyo qolka nasashada ,doonayana in uu salaamo. Maryan Iyadana intaa keddib waxay aaday jikada si ay shaah ugu soo sameyso Cali inta uu la sheekaysanayo hooyo Faadumo. Hooyo faadumana way u timid Cali waxayna u salaantay si fiican ,waxayna ka waraysatay xaalada reerahiisa iyo xagga shaqada. Calina ,isagana intaa kedib wuxuu hooyo Faadumo uga waramay in ay caafimaad qabaan reerka, xaaladooduna wanaagsanatahay iyo in uu Baski ka halaabay , kuna soo xereeyay garaashka. Deedna Hooya faadumo oo waayeel hadal iyo sheekana aan tabar iyo waqtiba u hayn ayaa Cali ku tiri:

“wiilkaygi waxaan filayaa in aad ogtahay in aadan guriga ka ahayn marti,anigana waxaan rabaa in aan qolka isaga wardiyo ee raali iga ahow igaarkaygi Maryan ayaa kuu imaanayso shaaha marki ay soo kariso”.

Hooyo faadumo kolki ay inta ku tiri Cali waxay ku laabatay qolkeeda. Calina isaga oo weli halkiisa fadhiyo dhegaysanayana rekoor ag-yiil ayaa waxaa u soo gashay Maryan oo u soo sameysay Shaah ay ugu soo tala gashay isaga, udgoonkiisana ku dhowaa in uu guriga ku soo leexsho dadka waddada marayo. Maryan waxay Cali u shubtay shaahi keddibna way ag-fadhiisatay, xoogaa yar marki ay iska soo horjeedeena, ruux walbana uu sugayo ruuxa kale in uu hadalka bilaabo ayaa Cali yiri isaga oo aan ogalayn in uu iska dayaco waqtiga u soo galay ,maadaamo uu helay fursad uu kula sheekaysto Maryan. “Maryan aad baan xumahay in aanan maqlin hadalki aad shalay igu tiri marki aan ka baxayay iridka guriga ee muxuu ahaa”.

Maryan oo soo xasuusatay hadalki Khadiijo iyo balankeedi ahaa (ha dayacin waa fursad ku soo martay haddii uu kaa raad-raadiyo waxa aad doonaysay in aad iska wareysataan) ayaa markiiba la soo booday hadal iyada oo ogayd in uu si fiican u maqlay hadalki ay shalay ku tiri, waxayna tiri.

“ Walaal aad baan ula dhacay sida wanaagsan ee aad dadka ula sheekaysan taqaan iyo dareenkaaga sida uu u fiican yahay.waxaana shalay ku iri (waxaan rabaa in aan is-waraysano) haddana anniga ayaa kuu sheegayo in aad maskaxdayda ka shaqaysiisay habeenki aad iga soo saartay bohashi aan ku dhowaaday in aan hore ugu dhaco haddii aadan iga soo gaari lahayna waxaan ku sugnaa in aan bohashaa salkeeda tago ”.

Cali oo gartay ujeedada Maryan ee sarbeeban ayaa yiri: “Maryan,kaalmaynta aan habeen hore ku kaalmeeyay waa mid waajib ku ah ruux walbo oo arko ruux dhibaato haysato, tan kale annigaba waan ku weydiiyay mooyee, waan maqlayay hadalki aad shalay igu tiri, waxaana maanta i soo celiyay waa hadalkaa iyo in aan wada arrinsano ee adiga maxaad ka qabtaa, sheekadana ay isugu kayn baxdo inta ruux walbo ka baranayo dabeecada ruuxa kale sida ay tahay, keddibna marki aan isla garano in aan wada jaanqaadi karno, aan kaa soo doonto reerkaaga”.

Maryan oo markiiba la dhacday hadalka Cali, cabsidana yara ka baxday ayaa tiri “Kolleey aniga haddeerba waan u bogay dabeecada wanaagsan ee aad dadka kula socoto, fikrad ahaana waxaad ogaataa in aanu xumaan amaba dumin gurigga uu oodo nin dadka oo dhan ku wanaagsan,iyagana ay ku wanaagsanyihiin ,dhab ahaan aniga raali baan ka ahay in aaan sheekaysano,wanaagga gunteedana aan gaarno sheekadaa”.

Cali oo aan doonayn in uu hadalka fara batto ,hooya Faadumana u aragto in aynan salaan kaliya ku ekayn imaantinkiisa, lana dhacay sida wanaagsan oo ay Maryan ula sheekaysatay ayaa yiri: “Kol haddii aan isla garanay in aan sheekaysano isuna warrano aad baan ugu bogay,waqtiga aan haysanana ma yaro ilaaheey idinkiis ,midna ogow labadi dooqoodu is-doorto haddii aynan kala dhiman ama uunan calaf kala gayn mar uun bay midoobaan.Maryan haddana waan baxayaa oo gurigayga dhulka uu ku yaal waa fogyahay, baskina ma wato oo garaashka ayaan soo dhigay si looga sameeyo meel uu ka halaabay.marki aan waqti helana waan kuu imaanayaa, laga yaabeena in aad tiraahdo imaantingiisa badanaa wiilka, shaqada miyuu iska dayaci rabaa”.

Cali marki uu hadalka ka baxay waa istaagay, Maryanna way la istaagtay keddibna waxay u horkacday iridka guriga laga soo galo iyadda oo niyadda ka doonayso in uu Cali sii joogo, markaana aan rabin in ay ka hor-timaado haddalka Cali,waxay geysay iridka keddibna Cali iyo maryan sidaa ayey isku macsalaameeyeen ayagga oo ay wejiyadooda waxba ka duwanayn laba is-jeclaa ee aan kulmin mudda dheer, markaana kulmeen sida wejiyadoodu yihiin. Cali iridka ayuu ka baxay isaga oo aad raali uga ah dabeecada wanaagsan oo ay Maryan kala hor-timid. Maryanna waxay guriga gudihiisa dib ugu laabatay iyadda oo mabsuud ka ah ballamada jeceyl oo uu kaga tegay Cali.

W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)

SHEEKOOYIN