MA OGTAHAY? MA IGA HUBTAA? W/Q: Prof Yaxye Sheekh Caamir

imagesbfcg

MA OGTAHAy? MA IGA HUBTAA?

 

A—Ma ogtahay? In xuduuda soomaaliya iyo itoobiya,dadka badankiisu ku muujiyaan xariiq toosan, laakin ay khalad tahay,oo lagu muujiyo xariiq kala go’go’an.(-.-.-.-.-.-.-) sababta oo ah madaxweeynihii hore Aadan Cabdulle Cusmaan Daar, waa diiday in uu saxiixo heshiiskii xuduudaha Afrika ee OAU soo jeedisay.

Ma ogtahay? in hadda itoobiya ku dacweeysay shirkada GOOGLE oo diiday in ay aqoonsato xuduud beenaadkaa(((According to Google Maps, the boundary between Ethiopia and Somalia is not a done-deal and is shown as a disputed border and not an international boundary))).

15780700_1362279683813761_1447563731331385859_n

Ma iga hubtaa? In wasiiradii afrika ee ku shireen Adis 25 March 2010,loogana hadlayay in wax laga bedelo heshiisyadii xuduudaha Afrika (the African Union Border Programme “AUBP”) Ayada oo la tixraacayo shirkii ka horeeyay ee [BP/MIN/ Decl.(II)], adopted on the occasion of our first Conference held in Addis Ababa, on 7 June 2007, as well as decisions. And EX.CL/Dec.370(XI) and EX.CL/461 (XIV), adopted by the 11th and 14th Ordinary Sessions of the Executive Council, held respectively in Accra, Ghana, from 25 to 29 June 2007, and in Addis Ababa, from 29 to 30 January 2009; (i)the principle of the respect of borders existing on achievement of national independence, as enshrined in the Charter of the Organization of African Unity (OAU).

 

 Ma iga hubtaa? In shirarkaa aan lagu badalin go’aankii Aadan Cabdulle? Yaase nooga qayb galay?

B---Ma ogtahay? In NFD ay aheyd qayb ka mid ah Jubaland ,oo ingriisku uu laba u qaybiyay 1925tii qaybna uu siiyay talyaaniga si uu ugu abaal gudu doorkii talyaaniga ee dagaalkii 1aad ee aduunka( The Northern Frontier District (NFD) came into being in 1925, when it was carved out of the Jubaland region in present-day southern Somalia.[6] At the time under British colonial administration, the northern half of Juba land was ceded to Italy as a reward for the Italians' support of the Allies during World War I. From 1926 to 1934, the NFD, comprising the current North Eastern Province and the districts of Marsabit, Moyale and Isiolo ).

 

 Ma ogtahay? In dowladdii Aadan Cabdulle ay diiday in NFD marna loo aqoonsado qayb kenya ka mid ah, ayna ku qasabtay in 2 sanno xurayada kaddib uu xiriirka u jaro dalkana ka eriday safiirkii ingriiska.

Ma ogtahay? In markii Adan Cabdulle xilka laga qaaday dhowr bilood kaddib Kenya lala saxiixday Heshiiskii Caruusha.

Ma ogtahay? In heshiiskaa laftiisu uuna eheeyn heshiis ee uu ahaa Is afgarad kaliya! waxa uu sharci noqon lahaa haddii baarlamaanku ansaxiyo,laakin intaanan la hor keenin Baarlamaankii ayaa kacaankii dhashay oo talada dalka la wareegay.

15726840_1362280920480304_6730123698396776283_n

Ma ogtahay? in Maxamad Siyaad Bare uu go’aan ka soo saaray is afgaradkii asaga oo yiri: “Is afgaraadkaa waa la baabiyay,sharcina ma ahan kumana qanacsanin” Halkaana uu ku baaba’ay is afgaradkii arrinta shanta soomaalina waa muqadas sidaana uu u sheegay Juma Kenyatta.

Laakin dadka qaar oo si qaldan wax u fahmay ayaa u heysta in arrintii NFD ay u dhamMaatay!

((In 1967, Zambian President Kenneth Kaunda mediated peace talks between Somali Prime Minister Mohamed Egal and Kenyatta. These bore fruit in October 1967, when the governments of Kenya and Somalia signed a Memorandum of Understanding (the Arusha Memorandum) that resulted in an official ceasefire, though regional security did not succeed until 1969.[16][17] After a 1969 coup in Somalia, the new military leader Mohamed Siad Barre, abolished this MoU as he claimed it was corrupt and unsatisfactory.))

 

15697250_1362279703813759_8664940723002580194_nMa iga hubtaa? In aan Adan Cabdulle iyo Maxamad siyaad kaddib wax kale la igu saxiixin?

FG: waxaan ka xumahay in aanan rabin inaan qoro qoraallo dhaadheer adnna aadan waqti aad ku aqriso u heleeyn. Laakin waxaan bilaabi doonaa qoraalla gaagaaban oo googoos ah lehna tix raac, Cinwaankooduna yahay ( Ma ogtahay) si jiilka cusubi wax uga ogaadaan,Insha Allaah

 

 

 

 

 

Qore: Yahya Amir

 

 

 

SHEEKOOYIN