SAAXIIBKAAN EERSADY! Q4AAD_Q5AAD W/Q: Cismaan Qanyare

1389731626749437765

SAAXIIBKAAN EERSADEY!. Qaybtii 4AAd-5AAD

Markii uu Liibaan soo noqday ee ay isla cunteeyeen, ayay ka codsatey inuu caawa la joogo maadaama qoraxdii dhacdey xaafaddana ay ku cusub yihiin, inuu u wehel yeelo, Liibaan ayaa ka yara xishoodey, waxaase arrinkaas taageertey Leyla oo tiri: “ Anigu maba seexdo meel cusub, waa cabsada, Luulna xitaa dalka oo dhan baa ku cusube walaal nala joog.” Liibaan waa yeelay arrinkaas, habeenkii haddii xoogaa la soo jeedayna waa la wada daallanaa, labadii gabdhood hal qol ayey wada jiifteen, Liibaana qol kale ayuu keligii jiiftay, isagoo la yaaban dadkan wanaagooda iyo dhaqankooda taasoo uusan ku arkin dadka kale. Waagi markuu beryey ayaa waxaa meel aan ka fogeyn isu raacay Leyla iyo Liibaan adeegyo guriga looga baahana oo wixii maalmahaa la cuni lahaa ah iyo macuun guriga ka maqneyd ayay soo gadeen.

Leyla ayaa markey quraacdeen u sheegtay Liibaan iney is raaci doonaan oo waxyaabo kale soo iibinaynayaan. Liibaan waxaa gacanta loo geliyey lacag badan oo ku dhaw kun doolar, markaasay si naxariis leh u tiri:“ Aboowe Liibaanoow, lacagtaan haay, adiga nin ah oo mar walba soo bixi kara, wixii loo baahdana nooga soo iibi, haddana na keen timaha iska soo jar iyo garka dharna soo iibso, hadda wixii ka dambeeya waxaad deganaanaysaa gurigeena cusub haddii wax muhiim ah kaa jiraan gurigaasna ka doono. Haddii kiro lagu lahaana iska soo bixi, lacagtaan adigaa iska leh, waxaad rabto ku samayso.

Liibaan aad ayuu ula yaabay habka iyo hannaanka wanaagsan ee Luul ula macaamileyso, waxaad moodaa gabar walaalkeed oo ka yar oo aysan muddo arkin koolkoolineysa, maya , marwo gacaliyaheedii oo ay u xiistay dooneysa inay farxad gelisO.Liibaan xalay ayaa lacag kale oo uu soo celiyey lagu diiday, haddana ka badan ayaa gacanta loo saarey,intey wada socdeen ayuu dhar arad beel ugu filan soo gatey, kaddib adeegyo yaryar oo ay u baahneyd Luul iyo dharkiisii cusba ayaa la keenay oo boorso weyn ku jira.

Liibaan waa soo labistay wuxuuna soo aaday xaafaddiisii hore, balse intuusan soo gaarin ayuu timihii iyo garkii ku baxay iska soo habeeyey, si qurux badana usoo jartay, wuxuu dhex tegay qolkii ay wada deganaayeen Oday Sulub, waxaa u dhexyaaley oo hal joodari ,maryo calal ah iyo buug xasuus qor ah, wuxuu soo qaatay buuggii Oday Sulub oo BBC dhegaysanaaya radio yar oo Philips ah ayuu u sheegay inuu xaafad cusub u wareegaayo, wuxuuna u dhiibay dhawr boqol oo riyaal, Oday Sulub ayaa u duceeyey oo ku yiri: “Adeer meeshaad martaba hortaada alle qashinka haka xaaqo, waad iga farxisaye.” Sidaas ayuu Liibaan kula walaaloobey Luul iyo Leyla ayna u noqdeen dad isku tiirsan, Luul hawlihii dhoofka iyo dacwada Leyla ayay guda gashay, waana u dhammaadeen, waxaa ujeedkeedu ahaana arrinkaas, sidoo kale inay u sama fasho Liibaan waa mid iyada u gaar ahayd umana sheegin cid kale.

Waxay xiriiraanba Liibaan iyo Leylana isla deganaadaan oo sida walaalo u wada noolaadaan, ayaa Luul habeenkii dambe u sheegtay inay u dacwooneyso Liibaan inuu ninkeeda yahay, arrintaas ayaa lama filaan ku noqotey Liibaan oo u qaadan waayey, qof aysan waxba wadaagin marka laga yimaado abtirsiimo guud oo beelnimo iyo Soomaalinimada oo intaasoo wanaag ah u fashay, wuxuu yiri: “ ma garan karo waxaan kuugu abaal gudo Luuley, noloshayda oo god ku jirtaad ka soo saartay, iftiina waad I keentey ilaahay kaliyaa abaalkaaga gudi kara” Muddo hawshii wax la wado oo la wada hadlaba, hadalkii haasaawe ayuu isu bedelay waxaana lagu heshiiyey in si rasmi ah laysu guursado dacwadana la sii wado, sidii ayay noqotey, Leyla waa baxday waxaana soo harey Liibaan. Isagana muddo kaddib xaaskiisi ayaa u timid Luul oo intey is mehersadeen ka kaxeysay Yeman. Liibaan wuxuu yimid carriga ingiriiska isaga oo aan hal shilin uga bixin, waxaana noloshiisii mugdiga iyo quusta ahayd nalka u shiday gacalisadiisa Luul. Luul iyo Liibaan waxay isla soo qaateen maalmo farxad badan, waxaana ka mid ahaa arrimaha aysan Luul ilaawin ee xasuustan dheer geliyey, markuu weydiiyey maxaad iga dalbaneysa ee aan kuu qabtaa, inay shuruud uga dhigtey: “ In uusan la guursan, hadduu la guursadana u sheego uu uusan ka qarin, sidoo kale haddey madaxeeda ka dalbato inuusan ku dhibin” Luul oo weli dhex muquureysa mowjadihii xasuusta, aadna moodeysid inay muuqaal ahaan u daawaneysno xusuusahaas dareenka qaaska ah iyada u xambaarsanaa, ayaa waxay sii wadatay xusuusteedii ,kadib markii ay dhinaca kale isu rogtay.

Luul ciil iyo caro badan, ooyin, caloowyow iyo catoow badan kaddib, waxay go’aan ku gaartay ninkii ay wanaagaas u gashay hadduu maanta sidaa ugu abaal guday, inay isagana kabtiisa cirka u tuurto, oo ay uga aarsato, si xirfadeysan, waxayna ugu horreyn go’aan ku gaartey inay ka furto naagta kale ee Ladan, kaddibna bannaanka dhigto. Subaxnimadaa markii la soo toosay, Liibaan waa iska baxay shaqadiisii ayuu aaday, sidoo kale waxaa iyaduna xaafadeedii aaday Leyla, Luulna waxay u diyaar garoowdey markuu shaqada ka soo baxo Liibaan. Markii uu Liibaan guriga yimid ayaa waxaa dhacdey iney Luul soo fariisisay qolka fadhiga, waxayna tiri: “ Liibaanoow anigu go’aan baan gaaray go’aankaas oo ah mid labadeenaba noo dan ah, balse, inta aanan go’aankaas kuu sheegin waxaan rabaa in gabadha aad guursatay ay meesha ka baxdo oo aad furtid, dalqadeedana hadda ay dhegahaygu maqlaan” Liibaan ayaa mergaday hase yeeshee xal kale ma jiro wuxuu yiri: “ Macaanto wax walba oo aad ku degayso kuna qancayso waa samaynayaa”. Liibaan isla markiiba wuxuu wacay Ladan, wuxuuna u sheegay inuu laba dalqadood ku furay, aysana weydiinin sababta, sidaana raali ku ahaato. Ladan dhul gariir ayay ku noqotey arrinkaas waase qof weyn oo iska dareentay, in wax jiraan iyaduna ciilkeeda iyo caradeeda la hoyatay. Luul markey maqashay in dalqadii Afkiisa ka soo baxday ayey tiri: Liibaanoow dhagayso: “ Awal anigaa ku gaclooday, anigaa ku soo dhaweystay anigaana qalbigeyga kuu furey abaalgudkaagiina waa arkay, walaaloow waxaan go’aan ku gaarey inaad madaxeyga isiiso oo aadan igu dhibin, ileyn ballantii kale waad ka baxday tana maaha inaad ka baxdo” Liibaan wiishkaa ku yeeray, waayo ma fileyn arrinta ku dhacday, waxaa billowday buuq iyo dagaal, ilaa markii dambe ay gaartey gacan ka hadal, waxaana dadka deriska ahi waceen Booliis, halkaasna waxaa xabsiga la dhigay oo laga saaray gurigii Liibaan.

SAAXIIBKAAN EERSADEY QEYBTII 5AAD.(sheeko dhab ah)

Liibaan ayaa xabsiga laga soo sii daayay kaddib markii uu xirnaa 24 saacadood,iyadoo soo deysmadiisa sharuud looga dhigay inuusan tagin agagaarka guriga Luul iyo carruurtiisu ay ku noolaayeen. Waxaana lagu wargaliyay inay qolada ‘’CPS’’ (Crown Prosecution Service) oo ah qolada qiimeysa isla markaana go’aanka ka gaarta in dacwooyinka ilaa heer maxkamadeed gaaraan iyo in kale, ay lasoo xiriiri doonaan, waxay kaloo askartu la socodsiiyeen in ay u badan tahay in kiiskiisa maxkamad loo gudbiyo maadaama uu gacanqaad geystay. Liibaan mar allaale iyo markii uu aroornimadii xabsiga kasoo baxay isagoo luudaya oo aan xalay oo dhan gam’in, is ciil kaambin , caloolyoow iyo carana u dheer tahay, ayuu iridkii xabsiga uu ku xirnaa kasoo baxay, isagoo si hoose ugu gunuunucaya hees malaha uu kusoo xasuustay marxalada uu ku sugnaa isla markaana aad moodid inay dareenkiisa saacadaas ka tarjumeyso, ayuu qaadayaa isagoo si dareen iyo xamaasadi ku jirto u qaadaya, waxaa heesta qaadi jirey Axmed Cali Cigaal:

  • • Cakuye hawl adduun badana
  • • Ma Cidla ceersilaan fadhiyaa
  • • Sidaan u cadibnaa bey
  • • Cadceedi soo baxdee
  • • Nin ceyra weligiis
  • • Ceeb kama fogaadee
  • • Caaway u darantee
  • • Xagee baan cuskadaa?

Wuxxu go’aansaday inuu taleefan u diro Ladan oo maslaxdo una sheego inuu soo ceshaday, sidoo kale wuxuu doonayey inuu weydiiyo Looyaan weydiimo badan oo intuu xirnaa habeenkii oo dhan aan marnaba maskaxdiisa ka bixin kuna soo noqnoqanayay. Liibaan su’aalaha uu is weydiiyay ee uu qaarkood jawaabta u la’aa waxaa ka mid ahaa: Maxaad ku galabsatay inuu Looyaan sidaas kuula dhaqmo? Maxeyse tahay ujeedada Looyaan iyo danta kasoo gashay inuu gurigaada burburiyo? Maxay tahay sababta ay Luul intay xaaskaadii labaad kaa furtay hadana kuu xirtay? Su’aalahaas iyo kuwa kaloo ka badan, oo uu jawaabahooda inuu mala awaalo mooyee uusan sinna isaga maleyn karin ayaa maskaxdiisa ku soo maaxanaayay. Wuxuu go’aansaday inuu wacista ka bilaabo uu ku horeeyo Ladan,, hase yeeshee wuu ku guul dareystay inay ka qabato taleefankeeda kaasoo ahaa mid mararkii hore dhacayay, laakiin markii danbe u muuqanaayay in laga xanibay, (block ) laga saaray. Kaddib markii uu Liibaan si is daba joog ah ugu celceliyay taleefan kii Ladan, ayay Ladan oo xanibaaddii ka qaadey ka qabatay taleefanka.. Liibaan oo hadalka meel uu ka bilaabo garan la’ ayaa ku celceliyay HELLOW ..HELLOW , WAA LIIBAAN. Ladan, oo codkeedu aad hooseeyo, ayaa ku tiri DANTAADA KA HADAL! .

Liiban intuu cabbaar aamusay , isagoo taladu ka ciirsan tahay, aadna moodeysid inuu ilaabay ku hadalka afka soomaaliga ,ayaa hadalo googo’an ku yiri: Ladan, aniga…khalad ..weyn ,weyn, weyn.. sameeyay. een ,een,een.. cafis aan rabaa” Ladan oo hadalkeedu u qiyaasan yahay ayaa ugu war celisay: Liibaanoow horta ma sidaan ku moodey, mase sidaad noqotay, mase sida aan loo noqon doonin? Liibaanoow waxaan ku mooday nin balan iyo axdi leh, oo la dugsan karo, waxaan kuu oggolaadey raalina kaaga noqday inaad igu qabtid QUDBA SIREED oo aan qarsoonaado,waxaan kaa oggolaadey inaan cidna u sheegin inaan is qabno , marna xumaan kuuma aanan quurin, sidaasoo ay tahay, anigoo shuruudihii aan ku heshiinay midna ka jabin ayaad furriin iiga naxsatay.

Waxaadse noqotay nin xun weliba adiga oo aan ii sheegin, sharaxin sababta aan ku galabsaday! Waxaanse u noqon doonin inaan nin danbe ka oggolaado qarsoodi. Arrinkaad igu fashayna wuxuu ii noqday dersi aan ku waanno qaato. Libaanoow waan kugu sirmay, nin ii qalmana maanad aheyn, anigana khaladkeygii haddaan fahmay, sidaas iyo nabad gelyo , taleefankeyga iyo nolosheydana faraha kala bax ,hana isoo wacan mar danbe”! Ladan markii ay intaas tiri, ayay Liibaan oo weli aamusan taleefankii ku damisay. Liibaan wuxuu markii ugu horreysay xaqiiqdasay inaysan suurtagal aheyn inuu dib u helo Ladan, ganuunuciisii uu ku gunuunucayay heesaha calaacalka iyo catoowga ah ayuu halkiisii ka sii watay , markana waxay ka tustay hees banaadiri ah:

  • • Ma duubahaa darinteydi
  • • Dunida waa laga deyriyee?
  • • Dabinaa ley dhigayee
  • • Daryeel ma haystee
  • • Daadaa i qaadey
  • • Dadoow doc iga tuuree” !

In mudda markii uu isagu naftiisa la sheekeysanayay ayuu wacay Looyaan .Looyaan oo xaalkiisa ka war hayey oo intaas aan haba yaraatee wax xiriir ah la yeelan ayaa isagoo raba fursadiisa inuu ka faa’iidaysto kuna raaxaysto Liibaan telefoonka ka qabtay… LA SOCO QEYBTA 6AAD MAALINTA AXADDA WQ Cismaan M. Qanyare

WQ Cismaan M. Qanyare

SHEEKOOYIN